inta aanan u guda galin maqaalkaygan waxaa lagama maarmaan ah in aan isla fahanno shabaab iyo shaydaan.
shaydaanka wayn waa magac uu ku caan baxay maraykanka taas oo looga yaqaan caalamul islaam.
shabaabkuna waa kalimad carabi ah macnaheeduna yahay dhalin yaro, waxaadna ku arki kartaa wadamada carabta kooxo kubadda ciyaara oo sita magacaas ama siyaabo kale,laakiin xaga yaga waa ay ka duwan tahay oo waa magac ay la baxeen koox aad laysugu maan dhaafsan yahay aragtidooda,iyo cidda ka danbayasa.
kooxda al shabaab waxa ay la wadaagaan galbeedka in laga shaqeeyo in aysan soomaaliya degin iyo inaysan ka dhalan dowlad.
shabaabku wax ay aamin sanyihiin in shacabka soomaaliyeed 95% uu gaalo yahay, taas oo ay ku raacsan yihiin dowladaha galbeedka oo arintaas u dagaalamayay waayo badan in la helo jaaliyad soomaaliyeed oo gaalo ah,taas oo ah wixii ay mudo la'aayeen reer galbeedka.
shabaabku waxa ay ku dilaan dadka soomaaliyeed ee islaamkaa masaajidada albaab kooda, gaar ahaan labada salaad ee fajarka iyo cishaha kuwaas oo ah salaadihii lagu yiri xadiis saxiix ah (man salal bardayn dakhalal jana)shabaabku waxa ay ka mamnuuceen shacabka in masaajidda loogu tukado si khushuuc leh iyo in jameecadu ay noqoto mid dhowr saf ah waayo wax ay noqdeen masaajidadada meelaha ugu badan oo ay wax ka ugaartaan taas oo baqdin galisay shacabka kuna qasabtay in ay ku tukadaan guryahooda, taasna waa waxa ay aad u soo dhawaynayaan reer galbeedka in ay maalin walba sii yaraato jameecda masaajiddka,ugu dambayna la waayo cid masaajid ku tukata.
shabaabku ma ahan dad leh culumo la yaqaan oo maasaajidda wax ka aqrisa hadda ama goor horeba, dhamaantoodna waa dad sida sheekadii dheg dheer ah, oo la maqlo uun ama la arko falalka xanuunka badan oo ay u gaysanayaan umada islaamka ah iyaga oo ay u banaan tahay in ay adeegsadaan hadba cidii warkooda yeesha.
halkaan waxaan ku soo ban dhigayaa hal tusaale laakiin daliil u ah dhibaatada alshabaabku ku hayaan umadda.
waxaan hada qarsoodi ahayn hadii aad timaado wadamada deriska la ah soomaaliya in aad aragtid dhalin yaro badan oo soomaaliyed oo lagu leeyahay waa gaalo, kuwaas oo ay horay u soo gaalaysiiyeen alshabaab dalkana ka soo saareen, markii ay yimaadeen qurbahana laga faaiidaystay duruufta dhaqaale ee haysa iyo iyagoo horay nin ku diin ah ku af ah ku dhaqan ah u soo yiri gaalo ayaad tihiin, ayaa markii halkaan la yiri anagaa idin jecel dhaqaalana idiin hayna ee ku soo biira walaalihiin(...)
saas yay markaas ku doorsoontaa diin toodi hadaba miyaan la orankarin xarakatu shabaab waxa ay fulisaa wajiga hore ee shirqoolka gabeedku ka wado soomaaliya,halka wejiga labaad ay reer galbeedku si madax banaan u fushadaan ka dib markii ay ka helaan meel cidlaa qof baahan lasoo barakiciyay ahalkeedii la soo laayay loo soo sheegay in ay gaalo tahay oo loo soo diyaariyay wejiga labaad ee shirqoolka.
hadba walaalaha soomaaliyeed waa in ay si qoto dheer ula socdaan waxa ka dhacaya soomaaliya gaar ahaan kuwa ku nool yurub ee dhaqaalaha badan ku bixiya in uu san degin wadankooda iyada oo qaar badan oo ka mid ah aysan qayb ka ahayn shirqoolka balse la qalday hadaba guntii iyo gaba gabagabadii wax aan leeyahay walaalaha soomaaliyeed farahiina ka dhowra in aad ku wasaqaysaan waxa ay ku kacayaan cawaanta alshabaab iyo wixi la halmaala.
w/qoray. Xasan Ali. (xasanali11@hotmail.com)