Shacab badan ayaa soo dhaweeyay magacaabista golaha wasiirada cusub, hadana waxaa jira dad aan qancin sababtuna ay tahay beeshoodii oo aan helin wax u cuntama.
Waxaa wax laga naxo ah, in dadka qaarkood kalsoonida ay u hayaan dawlada ay ku xirantahay hadba beeshoodu inta ay hesho, oo aysan wili fahmin macnaha dawladnimadu xambaarsantahay.
Beesha qanacsan iyo mida saluugsanba ciida ayay cunayaan hadii dawladu meesha ka baxdo, maantana lama joogo xiligii isqabqabsiga iyo beeshayda wax ku filan ma helin, waxaana loo gudbay dawladnimo iyo nabad.
Cid walba waa ogolaan lahayd hadii Siyaad Barre la soo celin karo, taladuna ay gacanta ugu jirto beeshii markaas talin jirtay, in ay hal beeli taliso waxay dhaantaa in qarankii dhamaa dumo.
Dawladan cusub in aan garab istaagno, sida ay wax u maamushayna ku qanacno, xataa wasiirada oo dhanba ha noqdaan hal beel, waxay dhaantaa in dawladnimo la waayo, oo ay ceebteenu banaanka usoo baxdo.
Beesha heshay wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta, iyo tan heshay wasiirta tamarta iyo shidaalka waa in ay qancaan, oo ay fiiriyaan beelaha ka hooseeya ee aan waxba helin hadana ogol in dawladnimo jirto.
Arinkuna marka uu ku saabsanyahay aduunyo, waxaa la fiiriyaa cida kaa hooseesa ee lama fiirsho cida kaa sareesa.
Kalsoonida iyo taageerada aan u hayno dawladan maaha in ay ku xirnaato, hebel oo dawladii hore ku jiray ayaa jago ka helay, iyo hebel oo muqaawamada kamid ahaa ayaa jago ka waayay, ee waa in aan fiirinaa danta guud iyo dawlad xumi in ay dhaanto dawlad la`aan.
Cali Sahal: alisahal778@gmail.com
miisaanka.com Email: miisaanka@gmail.com
No comments have been provided.