Dawlada Midnimada qaran ee uu Madaxweynaha ka yahay Sh Shariif Sh Ahmed ayaa waxay heshay dhamaan taageerada bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.
Culimada Soomaaliyeed oo ah lafdhabarkii bulshada, ayaa siiyay taageero iyo kalsooni dawlada cusub, kuna baaqay in la adeeco Madaxweyne Sh Shariif lana garab istaago.
Shacabka jecel nabada iyo qaranimada Soomaaliyeed ayaa aad ugu diirsaday baaqii taageerada iyo kalsoonida ahaa oo ay bixiyeen 2da shiikh ee ugu waaweyn Somalia Sh Cumar Faaruuq iyo Sh Shariif cabdinuur.
halkaasna waxaa ku dhamaystirmay taageerada culimada Soomaaliyeed ay siiyeen qaranimada iyo nabada, culimadaas oo aan lahayn dano gaar ah balse u arkay dawladan oo la taageero in ay ku jirto maslaxada diinta iyo dalkaba.
Waxaana fashilmay oo ay ceebtoodii banaanka usoo baxday rag watay magac culimo oo hadana mucaaraday dawlada cusub kuna baaqay baaqyo colaadeed, mid ka mid ah ragaas khudbadii uu ku radiyay dawlada ayaa waxaa la wareega kooxaha qaska ka wada Muqdisho ayagoo ka daara masaajidyada qaarkood, khudbadaas oo ay u cuskadaan daadinta dhiiga muslimka iyo la dagaalanka dawlada.
Waxaa rajaynaynaa ragii baxshay khudbadahaas colaada ku baaqaya in ay ku badalaan, baaqyo nabadeed, ayna usoo laabtaan dariiqa nabada.
Cali Sahal---alisahal@gmail.com
miisaanka.com
No comments have been provided.