Gabyaa Kulan Xasan Jurun wuxuu yiri “Geeridoon wax dilin ee ninkii go’ay u booyeysa… Nin cibaado gaarey iyo ninkii gabayahow sheega”.
Waxaan la fajacay oo aan xalayto ka seexan waayey sababta Kooxda AL Shabaab ay u toogteen kumanyaal Soomaaliyeed oo ay ku jiraan in ka badan 30 Sarkaal oo ah xulka beesha degta Galgaduud oo sida la ogsoon yahay maal iyo muruqba hagar la’aan u taageertay halganka xarakada Islaamka.
Kumanyaalka la diley waxaa lagu sheegay MURTADIIN dilkoodu shareecada ku bannaan yahay maadaama ay la shaqeeyaan ama taageeree TFG. Taas beddelkeeda 26/01/2009 goortii Al Shabaab qabsaday Baydhabo waxaa la sharfay oo diyaarad looga qaaday Waajid madaxdii TFG ee gobolka Bay oo ay ku jiraan (Wasiiro, Xildhibaano & Barasaab).
Dembileyaasha la sii daayey waxaa ugu horreeya Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ah dagaal-ooge kaalin firfircoon ka qaatay burburkii qaranka isla markaana hormood ka ahaa Kooxdii dalka soo gelisay ciidammada Xabashida.
Al Shabaab qabyaalad ma yaqaan oo waa dhallinyaro dar-Alle iyo diin jacayl ku midowday, fekraddaasi dabeyshey raacday oo waxaa beeniyey sii-deyntii Xaabsade. Marinhabaabintii Baydhabo ka dhacday waxay ahayd “Barakaat ka qaado oo Barakaat u dhiibo”
Haddaba su’aashu waxay tahay, hadafka Shabaab xagee ku wajahan yahay? Hirgelintii shareecada iyo caddaaladdii lagu sugayey xagee bey ku dambeysay? Jihaadka Shabaab ku dhawaaqay ma Islaamnimo buu cuskan yahay mise waa dabargoonta reer Banaadir? Muslimiinta lagu sunto Murtadiinta ee lagu xukumo Gaalo dhiigoodu shareecada ku bannaan yahay, xagee laga soo minguuriyey oo ay “Asleynka = Qur’aanka & Axaadiista” uga qoran tahay?
Amirka Al Shabaab Ahmed Godane iskugu yeera (Sh. Muqtaar abu Zuber) waa reer Hargeysa, dadweynaha ku nool Woqooyi 30% waa Itoobiyaan ee maxaa jihaadka loo gaarsiin waayey gobollada Woqooyi? Addeegga bulshada reer Banaadir (waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, xirfadaha iwm) in la burburiyo isla markaana adeegga bulshada gobollada Woqooyi la hormariyo, ma caddaalad baa? Mise waa doqonnimo reer Banaadir la degtay? In Banaadir la burburiyo oo haybadda caasimadda laga qaado yey dani ugu jirtaa?
Hargeysa iyo Baydhabo teebaa noqon karta caasimada Somaaliweyn ka dhexeysa? Dhulka u dhexeeya Gaalkacyo ilaa Kismaayo kaliya miyaa Soomaali ka dhexeeya? Gobollada kalena beel beel baa loo leeyahay miyaa? Soomaliya ma Soomaali baa iska leh mise waa goob Muslimiinta oo dhan ka dhexeysa?
Soomaalida maanta ee dhabarka ka jabtay ma leedahay awood ay shareecada ugu hirgeliso Ameerika? Ragga yiri shareecada ayaan gaarsiineynaa Alaska, yey u baaqayaan? Kuruus Miisayliska“cruise missiles” maraakiibta xeebaha joogta iyo bombooyinka diyaaradaha “B52 & AC130” miyey doonayaan in lagu xasuuqo maatada tabaaleysan?
Mise ciidanka Xabashidu inuu dib u soo laabto oo warshada Baastada markale dego? Haween dhul xaaqaya in BAM lagu qarxiyo ma jihaad baa? Hoobiye xaafad laga dhex rido ma jihaad baa? Dhunoo dhaygag wareernee, xagee dhaanka loo raray?
Mahadsanidin
Qalinkii: NuurNasiib
Nurnasiib@yahoo.co.uk
No comments have been provided.