Al.shabaab shalay markay baydhaba qabsadeen waxay qabteen xildhibaano ka tirsan Dawlada, Dawladaas iyo wixii ka tirsan iyo wixii la shaqeeya iyo wixii taageersan murtadnimo ayay horay ugu xukumeen, shacab badan oo soomaaliyeed waxaa lagu laayay magaca Dawladaas.
Al shabaab boqolaal masaakiin ah ayay laayeen sababtuna ay ahayd Dawlada ayay u shaqeenayeen oo xataa waa la dili jiray qofkii askarta wax ka iibiya iska dhaafee in uu xildhibaan wax ka iibsho.
Allah ayaa idinku dhaarshay Dadweynoow: Hadii Al shabaab dhiigii xildhibaanada iyo madaxda kale ay badbaadsheen maxay u badbaadin waayeen dhiiga shacabka masaakiinta ah ee ay xasuuqeen, shacabkaas oo wiliba aan dawlad u shaqeyn jirin, tan kale ma askariga dawlada ayaa mudan in la dilo masa madaxda dawlada!
Dad shaah ama wax kale askarta dawlada ka iibshay ayaa la gaalaysiiyay lana dilay, caruur iyo dumar aan wax galabsan ayaa ku baaba`ay madaafiic dawlada loo waday-- madaxda dawladana kii ay qabtaan waa sii daayaan.
Ma lihin ha la laayo madaxda Dawlada iyo wixii u shaqeeyaba oo waa dad muslimiin ah, balse hala ogaado Al shabaab in ay mufsidiin beenaalayaal ah yihiin oo xataa aysan ka run sheegin manhajka baadilka ah ee ay sheegtaan, oo ma aysan dileen haday cabdullahi yusuf qabtaan, laakiin waxay u xoog badan yihiin oo laayaan shacabka masaakiinta ah oo aan waxba galabsan.
miisaanka.com
No comments have been provided.