Markaad eegto sida uu ku bilowdey halganka wadaaddada iyo magaca kooxo diimeedka, waxaad soo xusuusaneysaa hadalkii xumaa ee doqonimada iyo dhuunyaale-nimada xambaarsanaa ee Bashiir Raage isagoo ka tirsanaa qolooyinkii ka ganacsanayey wadaaddada gacantana u gelinayey Mareykanka yiri. Mar BBC-da qeybta Somaliga ay weydiisey bal in ay ka war hayaan denbiyada dadkan (culimada) ay inta qabtaan Mareykanka u gudbinayaan ayaa wuxuu ku jawaabey Bashiir Raage, “war uma heyno anaga”. Markaasaa la sii weydiiyey oo lagu yiri, haddaba ma iska gudbisaan qofkii la idiin soo diro adinka oo aan ogeyn wuxuu yahay, waad soo qabataan oo waad uun u gacan gelisaan gaalada? Wuxuu yiri “haa, anaga sawiro ayaa naloo soo dhiibaa, deetana dadka ayaan u soo qabanaa, waxaana gacanta u gelinaa Mareykanka”. Haddaba, hadalada ka soo yeerey axmaqa noocaasi ah ee sheeganaya Somalinimada, ee sey u ah gabar Somaliyeed, Aabbe u ah caruur Somaliyeed, wiil u ah Hooyo iyo Aabbe Somaliyeed, oo hoggaan u ah qabiil Somaliyeed, ayaa wuxuu keeney in culimada illaahey farji u furo oo si naf la caarinimo ah ula diriraan isaga iyo kuwa la shaqeynayey oo ka mid ahaa Cabdi Qeybdiid, Maxamed Qanyare iyo kuwa kale oo qarsoon ama aan sida kuwan oo kale loo aqoon mujrimnimadooda. Waxay wadaaddadu heleen taageero niyadeed iyo mid addin-ba oo ay ka heleen bulshada Somaliyeed. Waxay shacabka muqdisho , afgooye, illaa iyo Buur Hakaba iyo meel walba oo ay joogeen mujrimiintaasi looga daba tegey shacabkii degganaa ku samreen dagaalka ka dul dhacayey iyagoo qalbiga u sheegayey in xumaanta lala dirirayey oo samaanta guuleysan doonto, sidaa darted dilkii iyo baaba’ii ka soo gaarey dirirtii hoggaamiye kooxeedyada waa lagu adkeystey oo la oggolaadey. Sidii la filayey-ba waxaa xigey wanaag iyo xasilooni muddo gaaban ku siman. Haddab maxaa dhacay intaa ka dib? Maxaa keeney dhibkan maanta taagan? Sidee bay ku dhici kartaa in intaasi oo firqadood loo kala baxo oo Islaamiyiin ah? Mid mid aan u qaadaa dhigno marka, sida ay wax noqdeen maaddaama aan ognahayna, is weydiino sababaha ay u dhaceen.
Markii ugu horeyseyba, wadaaddada dhibka qabsadey wuxuu ahaa dheefta ay sida dhaqsaha badan ku heleen oo lama filaanka ah. Guushii deg degta badneyd oo ay wadaaddada gaareen ka dib markii ay ka adkaadeen mujrimiintii waddanka 16-sanno nabadda u diidey, hubkoodiina la wareegeen ayaa waxaa dhacdey in meel ay wax geeyaan garan waayeen. Qofka bani’aaddamka ah wax uusan fileyn oo fara badan markuu helo wuu ku wareeraa, waayo ma jirto aqoon hore oo uu waxaasi u lahaa marka maareynta wax aadan horey u aqoon waa dhibaato. Tusaale aan ku siiyee, yaa xasuusta ninkii loo yeeri jirey Maalin
Taajir ee lacagta badan sida lama filaanka ah gacantiisa u soo gashey horaantii sanaddadii sagaashameeyadii ee Muqdisho UN-ka? Lacagtaasi waxay aheyd malaayiin Doolaar, meel ay marteyna waxaa laga yaabaa in dadka qaar uun ay og yihiin iyo deg degta ay u baxdey. Tusaale kale, wiil aabihii lacag badan lahaa markii uu ka geeriyoodo oo lacagtii uu dhaxal u helo wiilkii, maxaa dhaca?
Lacagtii ma kobocdaa? Mise wey dhamaataa? Haddaba, sidoo kale ayaa wadaaddadii inkastoo ay markii hore wanaag doon ahaayeen, haddana markii ay guuleysteen, oo ay si cad u jebiyeen mujrimiintii, waxaa dhacdey in awoodda faraha badan oo ay heleen ay nasiib darro ku SAQRAAMEEN. Sida qofka saqraanka ah laga fishana, wax walba iney sameyn karaan is bideen.Taasi waxay aheyd bilowgii dhamaadka. Meel walba ayey weerar ku qaadeen oo yiraahdeen waa nalooga yeertey, illaa ay baydhabo ugu tageen qolooyin dowlad sheeganaya oo tuugo iyo cawaan u badan (is deji, qof waliba qoladiisa wey ku jiraan kuwaase, xusuuso waa 4.5).
Wadaaddada waxaa waajibaadkooda ahaa iney tixgeliyaan waxyaabahan hoos ku qoran intii aysan talaabooyinka noocaasi ah aysan qaadin.
- Wada tashi dhexdooda ah oo fara badan
- La tashi dadka cilmiga u saaxiibka ah iyo iney dhega duleela oo wax maqla lahaadaan
- Ka fekeris cadowga Itoobiya oo qibradda badan uu leeyahay iyo qiyaanooyinkooda
- Xusuusasho xaalka uu addunka ku sugnaa iyo Bush-Doctrine
- Xusuusasho sameyska bulshada Somalida (Somali Social Structure) Qabyaaladda.
- Sameyn maamul adag oo kala danbeyn leh
Intaasiba wey ku guul dareysteen. Ma jirin wada tashi fog oo dhex yaalay madaxda sare ee wadaaddada marka laga reebo hebel la hadal si aad u ogaato bal wuxuu damacsan yahay, cilmiga maadiga ah iyo maamulka dowladeed aqoon loo lahaa oo durugsanna ma jirin, dadkii isa soo xilqaamey ee iyagu wax qaban lahaa-na sida Professor-dii u yimid iyo kuwo kaleba la diid warkooda, oo waxaa lagu tuhmey iney dhul gaalo muddo soo joogeen sidaa darteedna aysan diin hogaankeeda meelna ka soo geli Karin ama ay iyagu maamulkii la wareegayaan sidaa darteedna wadaaddada magacooda laga waayo masraxa siyaasadda Somalia. Itoobiya lagama fekerin iyo qibradda ay u leeyihiin
Somalida iyo sida loo qayaano, sidoo kalena waxaa la illaawey xaalka ay Ciraaq iyo Afghanistaan ku sugnaayeen iyo sida Mareykan-ka siyaasaddiisa loo hagayey (xusuuso dunida waa hal tuulo oo la is wada ogyahay, waxaa jira wax loogu yeero Globalisation). Sidoo kalena waxaa la illaawey, cudurkii qabyaaladda ahaa iyo in Somalida wax walba indho shaki ku eegaan, oo manta xitaa Rasuul haddii uu soo daahiri lahaa Somalidu oran lahaayeen ‘waa qoladee horta ninku’? (waan ogahay in Rususha Maxamed CSW u danbeeyey ee dulucda ka raac),sidaa darteedna waxaa la sameeyey Gole Shuuro oo ay ka buuxaan wadaaddo Hawiye, 30 Habar Gidir ah, tiro aan intaa ka yaren oo
Abgaal ah , iyo Murusade. Iyo, iyo, ..Wada Hawiye uun, marka laga reebo mid iyo labo beelaha kale ah. Markii wax la is weydiiyeyna, jawaabtu waxay noqotey mid caburis ah, oo waxaa la isku aamusiyey ‘Diintu Qabiil ma laha’! Waa hagaage, maxaa keeney in Shuuradu isku beel wada noqdaan ayaa markiiba soo if baxdey, ma hawiye keliya ayaa wadaad leh mise reeraha kale ayaa wadaad laga waayey, haddiise wixii ay Hawiye uun yihiin ama u badan yihiin maxaa loo dhihi waayey ‘Maxaakiimta Hawiye’ oo loo yiri Maxaakiimta Soomaaliyeed? war meesha maxaa ku jira, hayaay? Middaasi Jawaabteeda-na waxay noqotey, cudur Hawiye ayaa ku haya, cuqddadda iska saar, sheeko ayaad keentey! Mana jirin maamul adag oo kala danbeyn leh, sidaa darteedna
qolo waliba markey doonto ayey meeshey doonto ka hadleysey, waayo wixii iyagoo magac diin huwan ayaa haddana mid qabiil hoosta u yaaley. Tusaale ahaan, qaar badan baa waxay aaminsanaayeen in Sheekh Shariif yahay aalad uun meel lagu gaaro maaddama halganka uu yahay mid Habar Gidir iyo Majeerteen u dhexeeya, Abgaal-na uusan boos weyn uga banaaneyn, Abgaalka qudhooda ayaa laga yaabaa inta badan iney aaminsanaayeen arintaasi waayo
waxaa daliil kaaga filan magaca ay u bixiyeen oo ahaa SHARIIF LA SOO GEMEY oo micnihiisu ahaa, anaga waa soo tuurney qofkaas haddaan Abgaal nahay, nama metelo oo habar Gidir baa ku shaqeysata. Habar Gidirta laftigeedi ayaa loolan awoodeed dhex yaaley oo ku qotomey sidii awoodda Sacad meesha uga bixi laheyd oo Ceyr hoggaanka ula wareegi lahaa. Murusade isagu dheesha lugna waa ugu jirtey midna banaanka ayey u taaley sidey mar walba yeeli jireen, waayo Hiraabkan marna heshiiya marna isku dul dila waxay ka qaadeen xeelad badbaad oo ay mar walba isticmaalaan oo dantu biddey, noloshooda ayaa ku xirantey. Sheekh Dahir aweys Diin keliya ma aheyn sheekadiisu ee waxaa intaasi u dheeraa, la dagaalanka Korneelka dhiggiisa ah ee C/laahi Yuusuf, diyaarna wuxuu u ahaa inuu geed walba u fuulo siduu uga
taqalusi lahaa waayo Sheeko hore ayaa u nusneyd oo ku soo dhex martey gobolada dhexe, marka filimkooda ma dhamaan, sidaa darted, diintana waaba aaladda ugu fiican ee lagu dagaal galo dad-na lagu dagaal geliyo. Intaas oo dhan waxaa hoos ordayey, dad ay diinta dhab ka tahay, laakiin sheekadooda aysan aheyn mid Somali xoreynteeda uun ku eg. Raggaasi waxaa hoggaanka u hayey Alla Ha u naxariistee Aadan Xaashi Ceyrow oo isagu ka soo dirirey waddamo uuusan reerkiisu iska daaye aan xitaa Soomaali deign, balse uu u aadey wax uu aaminsan yahay oo ah Diin iyo u gargaaris Muslimiin kale oo uu arkey iney walaalo yihiin, sidaa daraaddeedna waxay kooxdiisu aaminsaneyd in
qofka Muslimka ah uusan dal ku gal (Viso) u baahneyn markuu galayo dal kale, oo uu degi karo, ka guursan karo, u diriri karo, welibana maamuli karo, waxaa taasi sii caddeeyey hadaladii Abuu Mansuur ee Aljaziira oo ahaa waan u guurineynaa hablahayaga, weyna nala joogayaan dhulkana lagama xigo. Waa arin nagu wada cusub, laakiin waa yeelkadeenee, waa sheeko dhab ah oo socota, sida aad u aragto arintan waxay ku xiran tahay, halka aad joogto, waxa aad aminsan tahay, dadka kaa ag dhow, iyo xitaa illaa heer qolada aad tahay (dadka qaar).
Markey intaasoo tabar darro, karti darro, cilmi maaddi darro iyo midnimo darro u kulantey ayaa waxaa dilaacey kala shaki, is eedeyn, qabyaalad hoose, ina adeer soo dhoweysasho iyo far isku tag. Sidaa darteedna, sida umad weliba iyo maamul walba oo dunida ka jira ka dhici jirtey ayaa markii wax kaleba la isku raaci waayey midda kaleiya oo mideysey ay noqotey in uun la dagaalamo oo meel cusub la weeraro (Madaxda caado ahaan markii qalalaase gudaha ah uu qabsado, waddamadooda dagaal ayey geliyaan, si meeshaasi loogu wada jeesto oo ugu yaraan cabaar loo kala nasto). Tuulo hebel qabso, magaalo hebel ku bood sidey u socotey, Itoobiya ayaa waxay heshey fursad
Dahabi ah, waayo awalba Itoobiya waddanka kama maqneyn, laakiin si cad uma eysan joogin, mana u dagaalami Karin. Markii barqo cad uu qof iska hadley yiri Addis Ababa ayaan weerar salaadda ciidda ku dukaneynaa iyadoo Sheekh Shariif-na saacado uun ka hor markaa ka hor sheegey inaysan Itoobiya duullaan ku aheyn ayaa iyadoo Itoobiya ay og tahay ineysan waddankeedu qabsan karin ninka iska Hadley, haddana ay mar marsiinyo ka dhigatey hadalkii la shaaciyey. Waxa xigey ka sheekeyn uma baahna ee waan wada ognahay.
Kala qoqobnaantii, danahii kala duwanaa, mabda’yadii kala kala fogaa, dhamaan waxay ifka u soo baxeen markii ciidanka Itoobiya dhulka qabsadey. Abuu Mansuur iyo kooxdiisu waxay la baxeen Alshabaab, waxaa lagu eedeeyaa waxyaabo badan oo ka dhan ah xuquuqaha bani’aaddanka (inkastoo qof Somaliyeed aan xuquuqdiisa weligeeda lagu dhowrin Somaliya), laakiin qaar baa haddana aan ka harin iney qabyaalad ku eedeeyaan. Tusaale ahaan
waxaa la leeyahay Alshabaab ragga ugu waaweyn waa Raxanweyn, Isaaq, iyo Daarood, mar haddii uusan nin hawiye ah ku jirin maamulka sare, dhulkeena waxay uga diriraan waa xaq darro. Alshabaab-na qudhoodu ma oggolla cid kale, iney magacooda ku soo biiraan mooyaane mar ay dani qasabto sida raaskambooni iyo dagaalkii Kismaanyo ma ahee. Raaskambooni waxay sameysteen Mujaahiddiin Muslimka u dirireysa (sida la sheegey) laakiin
EXCLUSIVELY DAAROOD MUSLIM ah, Raxaweyn iyaguna waxay yiraahdeen aaminkeenu waa dhamaadey oo iyaguna waxay sameysteen JABHAT ISLAAMIYA oo ah mid u gaar ah DIGIL IYO MIRIFLE, xitaa wadaaddadooda marka la wareysto waxay ku hadlaan afka Maay-ga. Mujrimiintii dhiigmiiratada (hoggaamiye kooxeedyada) ahaa iyaguna markey arkeen magaca diimeed ee socda waxay yiraahdeen keennii hore noo socon maayee, waa inaan magic diimeed helnaa, waa tey la soo boodeen Ahlu Sunna Wal Jamaaca. Barre Hiiraale oo qabyaalad iyo xumaantii lagu yaqaaney uun ugu socda KISMAANYO waan dhegeysaney Ururkiisa Cususb magaciisa, Garaasse oo reer Hiiraan ah isla ururkaasi ayuu sheegtey, Xaabsade oo reer Baydhabo ah sidoo kale.
Intaasi waxaa sii dheer, Balcad waxaa ka dhacaya dagaal u dhexeeya dad iyagu ka wada tirsanaa Maxaakiimta, Afhayeenadooda waa tey isku fak-fakadaan, siduu af hayeen Caddow ku hanjabey, waa tuu lahaa “dulqaadkii waa naga dhamaadey”. Dulqaad Somaliyeed oo dhamaadeyna micnihuusa si fiican baan u wada naqaanaa waxa loola jeedo.
Haddaba su’aashu waxay tahay, maxay wadaaddadu is dhaamaan hoggaamiye kooxeedyadii waddanka, kuwaasi magacyo Somaaliyeed ayay ururadooda ugu yeeri jireen oo waad xusuusataan magac walba inuu xarafka S oo Somali u taagnaa uu ku jirey, Sida USC, SNM, SSDF, SDM iwm, wadaaddaduna iyagoo kala gogo’an buu mid walba wataa ereyga Islam ama Mujahidiin, sidii Hogaamiye kooxeedyada ayey xarfaha uun wadaagaan.. Hoggaamiye kooxeedyada waxaa lagu yaqaaney iney sii kala jajabaan oo maalin walba kuwo cusub ay soo baxaan illaa laga bartana dadka baabi’iyaan markii la bartana nabaddda qaataan, markey qaataana kii ku xigeenka u ahaa ka boodo oo diido deetana isagii dagaal bilaabo, wadaaddada waa isla sidii, maalinba kii nabad ogolaada waxaa la leeyahay Jihaadkii buu ka harey oo mid cusub baa
ciidamadiisa la wareega, dagaalkuna halkii buu ka sii socon. Hoggaamiye kooxeed walba qabiil buu meteli jirey, aagga ay deggan yihiin qoladiisana ka dagaali jirey, haddii uu ka tagana dadka deegaanka ayaa la diriri jirey uu ku duuley, waxa haatan dhacaya sow isla sidaasi ma aha, sow tan reer walba uu sameystey jabhad Islaami ah balse qabiil ku dhisan? Sow wadaadkii ka dagaalama magaalo uusan qabiilkiisa degganeyn lagu leeyahay orord aad qabiilkaga magaaladuu uu deggan yahay oo halkaa ka dirir anaga wadaadka qolodeena aha ayaa loo ogol yahay keliya inuu halkan ka diriro.?
Habka uu dagaalka ku bilowdey oo ahaa aan dirirno oo keliya oo aan ku dhisneyn maamul xeeladeysan uu la soo turxaan bixiyey si markaa aysan u dhicin fowdo joogta ah oo dadka galaafata u dhicin, sida loo diidey dadka wax bartey in laga qeyb galiyo maamulka ay xaqa u leeyihiin, kursi jaceyl uu hoggaanka u qabtey madaxdii sarre, sida aan dadka loogu aabo yeelin ee la iskaga dul dagaalamo. Akhriste sow intaaso dhan ma aha wixii aan ka soo baraney hoggaamiye kooxeedyadeenii na haligey, sow ma aha dhaqankoodi, sow ma aha tacliintoodii, sow ma aha dhaxalkoodii, sow ma aha shaqadoodii.? Jawaabta waa qof walba iyo caqligaa, xikmaddaa, cilmigaa, magaaladaa, reerkaa, derejadaa.
Waxaan qoraalkeygaasi ku soo koobeyaa, Gabayaa Somaliyeed oo aan idaacadaha ka dhegeystey erayadiisa cajiibka ahaa ee u dhignaa sidan : “Culimadooy idinkaa dan kale lehee, diintu muran-ba kuma jiro”.
Fadlan wixii dhaliil ah, eed ah, ama wax u sheegis ah, iigu soo hagaaji email-ka hoose
W/Q: Khaalid Cabdullaahi Cali
Minnesota, Minneapolis (USA)
khaalid-@hotmail.com
No comments have been provided.