Horta Sheekh Maxamed C/wahaab Muxuu Aaminsanaa?







Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links

Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
somalireal
Xogsheeg
 
Sh Xasan Turki oo la yaasiimayo. Warbixin............. Posted to the Web Dec 05, 00:32



Waxaa laga dayrinayaa Xaalada caafimaad ee Horjoogihii hore ee Kooxda Kaambooni Sh Xasan Turki, oo in dhaawalaba la waayay warkiisa, ayaa haatan yaala tuulo aan saas uga fogayn Magaalada Kismaayo ee xurunta Jobooyinka.

Sh Xasan Turki oo ah nin ay raadinayaan wadamada la dagaalama waxa ay ugu yeeraan argagaxisada ayeysan suurta gal u aheyn in lagu daaweeyo Magaalooyinka waweyn ee Soomaaliya gaar ahaan Kismaayo, saas darteed waxaa tuulada uu yaalo ku soo booqday dhaqaatiir Soomaali ah oo ka soo kicintamay Magaalada Kismaayo.

Dhaqaatirta soo booqatay Sh Xasan Turki ayaa ka deyriyay xaaladiisa caafimaad waxayna sheegeen inaysan waxbo ka qaban karin xanuunka haya Sheekha iyagoo sabab uga dhigay in Sheekhu yahay nin da' ah oo ku dhow 90 jir iyo inaysan suura gal ahayn in wadanka dibadiisa loo qaado.

Horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa isku dayay inay qariyaan Xaalada Caafimaad ee Sh Xasan Turki, waxaase arintaas aan qarin rag ay qaraabo yihiin Sheekha iyagoo qeylo dhaan u diray ganacsatadii maalgalin jirtay Sh Xasan Turki, waxaa magaalada nayroobi si qarsoodi ah uga socda qorshe la rabo in wadaadka Xanuunsan lacag loogu uruuriyo.

Sh Xasan Turki oo ah wadaad lagu bartay dagaal oognimo ahna nin quwad ku lahaa Jubooyinka Soomaaliya intuusan ku biirin kooxda Al-Shabaab ayaa in mudda ah la maqlin warkiisa asagoo ahaa nin ka dhex muuqda Bulshada oo goodintiisana laga maqli jiray Warbaahinta.

Xanuunka wadaadkan ayaa ku soo beegmaya xili uu jiro dharbaaxooyin culus la gaarsiiyay kooxda uu dhowaan ku biiray ee Al-Shabaab, waxaana sii xoogeysanaya Khilaafka kooxahii ku mideysnaa dabar-goynta Shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Turki ayaa lagu Xasuusan doonaa oday kaalin weyn ka qaatay daadinta dhiiga Muslimiinta, waxaa kaloo lagu xasuusan doonaa inuu ahaa oday takfiir ah oo aabe u ah kuwa maanta shacabka Xasuuqaya, waxaanse shaki ku jirin in Alle daalimka u sata dheeriiyo markuu qabtana uusan ka baxsanayn.


46 Comment(s)

1   1

6:05pm on Thursday, September 18th, 2014

-1'

cheap seo services   email@gmail.com

2:24am on Thursday, June 19th, 2014

bWL8dM I appreciate you sharing this post. Great.

seo company   email@gmail.com

2:11pm on Wednesday, June 4th, 2014

y2ZNU6 Say, you got a nice article. Really Great.

nice seo guys   email@gmail.com

8:45pm on Thursday, January 16th, 2014

779JuC Im obliged for the blog. Keep writing.

http://christianlouboutinforsal.webeden.   Christian Louboutin For Sale

3:15am on Thursday, January 17th, 2013

You have remarked very interesting points ! ps decent web site . "To grow mature is to separate more distinctly, to connect more closely." by Hugo Von Hofmannsthal.

ugaas cali   xishooda ,UK

5:29pm on Sunday, December 12th, 2010

war heedhe ninka waxaan qoray miyuusan xiniinyo lahayn,,ilaahay cudur aan daawo laayan kugu rid,muxuu xanuun qabaaa,duli midgaan ah,oo isasoo badhihi karin,xasan turki waa wadaad waana caalim waana nin toban awoowe sharaf leh kaana sharfoon,midgaan baad tahay in loo taliya mahane aan talin aqoon,ina gumeed ,gun gun dhashay
,,kkkkkkkkkkk,uf uf

usa   fahima

5:25pm on Sunday, December 12th, 2010

war meeshaan waa meel guri baas waana meel midgo leeyihiin waa meel culumada lagu caayo ,waa guri baas,ilahaay balaayo ha galiyo iyo baas idamale ha dhalinina,ilaahay baan idin baryay kan qoray iyo kan beenta ka abuurtay odayga labadiina fool xumo ilahaya ha idnka muujiyo,,,maalin walba meeshaan culumaa lagu caayaaa ilaahay ha idinla dagaalamo geeridana uga horee isaga adigoo wlaiba duloobay,ilaahay idanki hadaan muslin nahay

ali   guriceel: gobolka xorta ah

2:59pm on Thursday, December 9th, 2010

in uu dhinto kaas waa fiican tahay maxaa yee lay waa hogaamiye kooxeed weyn oo dhiigya cab ah marka waa war farxad leh laakiin ma iga hubtiin miisaankoow mase?

Magacaygu wa muslin man   Waxan joga dhul islan

6:52pm on Wednesday, December 8th, 2010

Anigu waxan dhihi laha horta marka ugu horeysa sh xasan turki somalida manta jogta hadii lo firiyo waxa la oran kara wuxu ku jira dadka ugu kheyrka badan maxa yeley nin somali ah o manta din islam in wadanka lagu mamulo 50 sano sano kahor damaciyey ma jira 1960 ayu waxa u ku fikirayey in din islam wadanka somaliya lagu mamulo marka somali dad islam ah wa ku yaryahay maxa yeley hadi wadadki ehlu kheyrka ka aha waxan arkey aflagado lashegayo aniga somali mel ilahay uwado ma garanayo e wadadka qof gala rac ah waxba kama shegi karo eilahay ka cabsada wabilahi towfiq

Lil   Masagawaay

3:16pm on Wednesday, December 8th, 2010

wadaadka waku taagan tahah ee halaga qaleeyo, arinta lagu heysatana toljeceel iyo waxuu dhuunta mariyo ayaa u geysay waxuuna kala mid yahay dhamaan wadaada soomaalida badankood

jamalking21   ceelbuur

12:35pm on Wednesday, December 8th, 2010

sheydaan xasan turki ilaaheey haka abaal mariyo dhibaatada uu ugeeystey umadda Somaliyeed. waana takfiir umada denbi ka galay , ilaahoow naxariistaada ka fogee
kuwa uu nooga dekeyna ilaahoow naka qabo amiin

Sargam   No place

9:00am on Wednesday, December 8th, 2010

Waa mahad ilahaahey hadii lawaayo gacan kudhiigle umada kagalay godob

ina libaaxsan kataabte   Burtinle

2:47am on Tuesday, December 7th, 2010

war hooga, ma halyeeygii iyo libaaxii Jubooyinka ee Kablalax,Xassan Turki bad xagxageneysan. waaba ehlu diinkii reerke,MEESHA ILEEN XISHOOD MAYAAL.

sumaya   norway

11:53pm on Monday, December 6th, 2010

walaalahi waxaan la yaabanahay somali ala kacabsi waa ey ka tageen mujahid ilahey dartiis wadankiina idiinku difaacay ayaad ku caasineysaan horta webka waa kii dawa dhilifyada waxaan leeyahay miisanka ala kacabsi la imaada sheeq xasan turki allah ha xafidee waa uu caafimaad qabaa ka naxa ama ha nixina beryaha fooda inagu soo haya ayuu ka qudbeeynayaa magaala muqdishu insha allah webkaan markale waxaan leeyahay alla kacabsi la imaada oo toowba keena sheeqa caada ka daaya oo kufaarta ka so hara wcs.

Samiira   Sweden

9:52pm on Monday, December 6th, 2010

Xasanoow haddii sida la sheegaayo ay dhabtahay oo ILLAAHAAGA ku oofsaday, cafis iyo musaamix (ileen horaa loo yiri mowtada lagama daba hadlo, oo adiga iyo camalkaada iyo carada hoosteeda) haddiise aad nooo shahay alleyleh towbad weeyn ayaa kugu waajibta, waloow aan ogahay in sida kuwii adigaba kaa horeeyey aad maskaxda ka jirin tihiin oonan laga yaabin in aad dabacdaan hadane rajo nagama dhamaatee waxaan wali ku leenahay towbad keen oo ILLAAHAGA u naqo inta wali nafta kugu dambeyso.

DHIIGOODA AAD U BADAN MASKAXDU WAY WADA BUGTAA, MASKAXDU WAY WADA BUGTAA..
Wabilaahi Nasticiin...

Daade yare   cepton

6:01pm on Monday, December 6th, 2010

Waxan arakay arinta xasanturki wariyihu u ka qoray kadib ayan waxan isku dayay bal ina an wax ka ogado xaladas waxan oga wil u awowe u yahay xasan turki o magalada nalajoga wilki ayan lakulmay waxan weydiyay aranta wuxuna ishegay in ey tacsi utalo

Daade yare   capeton

5:54pm on Monday, December 6th, 2010

xasan turki waxan arkay wiil uu awoowe u yahay galabta oo jooga magalada an kunolahay wuxuna ishegay in e tacsi utalo u awowgii dhintay INAA LILAAH WA INAA ILEYHU RAAJUCUUN

mahad xeroow   uk

5:43pm on Monday, December 6th, 2010

waxaan la yaabaa qolooyinkiina miisaanka maalin walba wadaada ayaa wax ka sheegtaan idinkoo amisom wax ka sheegaayo mala arko mise kaniisada ayaad ku xisaabsantihiin??

ilyaas   usa

3:29pm on Monday, December 6th, 2010

horta qofwalba waa uu dhimanayaa laakiin shacabkaa qasaaray hadii hogamiyayaasha wanaagsan ay ka baaba,aan soo nabad mahelaayaan marka somali waa u dhamaatey maxaa yeelay hadii alshabaab laga taqaluso soo nabad helimayaan maantey u dhamaatey shacbigii aadbaan ugu xumahay dhiigoodaa badbaadaya qaximaayaan dhimanmayaan dhaawacmimayaan qasara shacbigi ku dhacdey

salafi   dhul Alle

12:34pm on Monday, December 6th, 2010

Rasuulka csw, waxaa la amray in uu Ducada u khaalis(kali) yeelo Rabbi,oo aanuu shirki ku samayn( Qul Innamaa adcuu Rabbii walaa ushriku bihii axadan), {dheh ( nabiga Alloow)waxaan baryi Rabbigayga oo kaliya,lamana wadaajinayo baryaha cidna},
Waana arinta laga doonayo qofka muslimka ah ee aan shirki iyo iimaan isku qasin {Allaah barya, adinka oo u kali yeelaya diinta(baryaha) haba dhibsadaane! gaaladu!},(Fadcullaaha mukhlisiina lahud-diina walaw karihal kaafiruuna!),ikhlaas kaasina iyo in Alle kaligi la baryo, waa arinta mushrikiintu samayn jireen marka ay Fidradii Alle ku abuuray u laabtaan oo ay diinta Alle u kali yeelaan, shirkigana iska daayaan{haddii ay koraan Doonta ( ee dhib qabsado)Allaah ayey baryaan(DACAW ALLAAHA), iyaga oo u khaalis( kali) yeelaya diinta(baryaha), waase arrinta laga waayey mushrikiinta waqtiga Alle u badbaadiyo berriga oo ay barwaa qaysan yihiin,{hadii uu Alle u badbaadiyo Berriga waaba iyaga oo shirki samaynaya!},( Falammaa Najjaahum ilal barri idaahum yushrikuuna), waana isla arrinta dhibka weyn! ku haysa Shiicada, Suufiyada! iyo dhammaan inta aan kala sooci karin Uluuhiyada(in Alle kaligi la caabudo) iyo rubuubiyada( in la rumeeyo in Alle jiro, koonkana kaligi abuuray, leeyahay, kaligina maamulo), sidoo kale aan kala sooci karin shirkiga iyo ikhlaaska, istiqaasada bannaan iyo tan shirkiga ah,sugida karamada awliyada iyo caabudi dooda.
qofkii xaqqaas uga taga, sh hebel ma oran, tolkay kama soo gaarin, wahaabiyo! ayaa wadata, jadiidiya! ayaa tiri iwm, maalin kale ayuu xaqiiqda ogaan doonaa!.

Barre B/weyn   Jabuuti

9:12am on Monday, December 6th, 2010

Asc Oday turki haduu dhintane waa danbiile haduu noolyahayne waa lamid ama hala midoobo alshabaab ama hala midoobo gaalo kale dadka qaarne qiil Aan jirin ayeey u raadinayaan marka somalidu weey istaqaan ninka muwaadinka ahne lama xaqiro ninka dabar goynta umada u taagane waala yaqaan sida ina godane wabilaahi towfiq

ogaden   daarood

9:05am on Monday, December 6th, 2010

alylahay farmaajo been masheegin markuu sharaxay caqli xumadi dagaal-ooge dhiigyacab cydiid ,

bal ila fiiri turki waa wadaad fikir kudagaalamaya haba ahaado midkhaldan
lkn kawaran xaaraankunaax, qanyare, bashr rage , mooryaantii gabdhaha cade darod nafta oogabaxysy ,

Cubaad   Muqdisho

8:43am on Monday, December 6th, 2010

asc, yaab badana waa sheekadi gaalada hadii hogamiyasha hadalkooda la waayo wey jiran yihiin ayaa suuqa lasoo gelinayaa yaaaaaaab walee miisaanka maalmo madow wey ku sugayaan insha allah xasan turkina jimcihi hadda buu khudbad aqrinayay wuuna cafimaad qabay yaab allow qof aan wax ogeyn ha cadaabin wax aad marin habaabisaan ayaad rabtaan mujahidka haduu dhinto loo hutin maayo camalka waa uu socon. takfiirka aad shegeysana shiqu wuxu takfiiriayay qof alla qofkii cawiya itoobiya iyo galada ilaahay haka aqbalao jihadkisa hana cafiyo khaladadka uu galaya iyo dhamantenba wsc wr wb.

Cubaad   Muqdisho

8:38am on Monday, December 6th, 2010

asc, yaab badana waa sheekadi gaalada hadii hogamiyasha hadalkooda la waayo wey jiran yihiin ayaa suuqa lasoo gelinayaa yaaaaaaab walee miisaanka maalmo madow wey ku sugayaan insha allah xasan turkina jimcihi hadda buu khudbad aqrinayay wuuna cafimaad qabay yaab allow qof aan wax ogeyn ha cadaabin wax aad marin habaabisaan ayaad rabtaan mujahidka haduu dhinto loo hutin maayo camalka waa uu socon. takfiirka aad shegeysana shiqu wuxu takfiiriayay qof alla qofkii cawiya itoobiya iyo galada ilaahay haka aqbalao jihadkisa hana cafiyo khaladadka uu galaya iyo dhamantenba wsc wr wb.

Abu yusuf   Baydhabo

4:39am on Monday, December 6th, 2010

Sh hassan turkii is not agood aperson because he followed the al qaida so that he is not somali
he is the children of osama b.

Shariif   Xagardheere

4:16am on Monday, December 6th, 2010

Ruuxdhintay waamiskiin wadaadka wahaabiga ah alaha ugaraaxeyo umada somaliyed oo islaamka ah aamiin

Cabdi Dheere Axmed   Sweden

8:39pm on Sunday, December 5th, 2010

Waxaan ka xumahay Sheydaaan loogu yeero Xasan Turki xasuusaqii uu u geeystay kumanaan Soomaali waxaan Ilaahay ugu baryayaa markuu baqtiyo inuu ku fogaaye Naarta jaxiima.

Dirir   Kismaayo

5:08pm on Sunday, December 5th, 2010

Xasan Turki waa mujaahid Soomaaliyeed oo Xabashida iyo ashaahala la dirirka ka xoreeyeey Soomaaliya.

Khalad waxaa uu galay markii uu shabaab la midoobay oo axmed madoobe dhabarka u jeediyey.

Laakiin waxaan shaki ku jirin in wanaagiisa ka badan yahay khaladaadka ka dhacay.

Miisaan ha ogaato in sheekha uusan gaadhin weli 70 yaasiinna la sarin,

Haddii uu dhinto waxaa uu noqonayaa ninkii labaad after Sayid oo dhinta isaga oo ka fog aduunyo oo aakhira doonay


xoghaye   USA

4:28pm on Sunday, December 5th, 2010

Wadaadka ilaa iyo hada waxaa u furan inuu ilaahay u towbad keeeno Soomaali cafis waydiisto,Kolay qofwalba waxaa sugaayo camalkiisa waqtiigasana ma dhaafayo laakiin HASSAN TURKI waxay aniga ila tahay inuu danbi ka galay dadka iyo dalka soomaaliyeed .waxaaba waxaas ka sii daran asaga oo hada sii kala qaybiyay kooxahii uu asaga gacantisa ku aasaasay

awr   usa

4:17pm on Sunday, December 5th, 2010

alla yaa soomaali subaxwaliba war un usoo qora waxay rabaan ha sheegaane ma dhahayaan warkaan xaguu ka yimid ma dhahayaan ninka warkaan keenay siqadiisa waa sidee war heedhahaya xasan turki sow ruux bini aadam ah ma ahan miyuunan xanuunsan karin miyuunan dhiman karin waxaanse idiin hubaa inu yahay nin khayr badan oo mujaahid oo maalkiisa iyo naftiisaba u huray litakuuna kalimatillahi hiyal culyaa waxaan ku soo gabagabaynayaa habar walba xaarkay dhashaa ayay xaayow tiraahdaa misaankaba shariif fansalakh ayuu yiraahdaa xafidullaah

dahran   Location unknown

4:03pm on Sunday, December 5th, 2010

ASC SOMALIYEY DANBIGA ISKA DAAYA ALLE ADOOMANKISA WUU CAFIYA IDNKANA WUU IDIN CAFIYA EE IDINKA HADA DHAHAYA NAAXTU GALA MA IDINKA OK ALLA SOMALI DANBI JECLA AYAGA DANBIYA AFKODA KU RAADSADO WALALAYAL DANBIGA ISKA DAAYA NINKA MAQALKANA SOO QORAY WAXA MEESHAN KA DHACAYO DANBIGA WUU KU LEYAHAY OO DADKAN ASAGA DANBAJIYEY

umayma   usa

2:52pm on Sunday, December 5th, 2010

dadkaanoow ma is jeclaatiin anagana aan du caynee

Ch.d.d   Location unknown

2:02pm on Sunday, December 5th, 2010

War kalexda ninka dalka iyo dinta usohalgamay una duceya inuu cafiyo

wadaad   Location unknown

12:40pm on Sunday, December 5th, 2010

indhacade iyo shariif, yuusuf dabageed, xusein caydid, cabdi qaybdiid, cabdulaahi yuusuf, cali geedi,bahuko, bare huuraale, ina cali cumar,farmaajo,zinaawi, siilaanyo, rayaale kaahin, faroole, bal ragaas kawarama qaranka miyey difaaceen maxaa sh xasan turki idin tusay oo mujaahid soo halgamay ah mase qabiil ahaan baad ku diidantihiin??

3dex Alifle Saterlate   GURICEEL ma gaartaan

11:56am on Sunday, December 5th, 2010

1500 oo khawaarij oo ay horboodayaan xasan turki iyo xasan daahir ayaa isugu tagay DE MAXAAS ee gobolka hiiraan culimada AHLUSNNA waxay dagala kula waregeen deegaabka WABXO goor barqa ah ayaa waxaa foooda is daray TEEM kii lamada xasan oo kibirka ka muuqda aan la qiyaasi karin iyo XOOGAGA culimada difaaca DIINTA dalka iyo dadka halkaas ayaana wxaa aka dhacay dagaal loogu magac daray kibir jabinta khawaarijta iyo soo bixida XAQA waxaana lagu kalatagay xasan daahir oo XAGASHA badbadu uga taal iyo xasan TURKI oo garabka tareeso kaga taal wa bilaahi taqfiiq

3dex Alifle Saterlate   GURICEEL ma gaartaan

11:50am on Sunday, December 5th, 2010

XASAN TURKI iyo kooxdiisii khawaarijta ahaa waxay ka soo kicitimeen kismanyo waxay yimaadeen afgooye waxaa halakaas isugu tagay dhamaan khawaarijtii wadanka joogtey waxaana shir lagu qabtey beerta SHEIKH SAYID waxa alagu go,aamiyey in dagaalka lagula jiro AMISOM iyo xooxda SHARIIF uu ka daran yahay dagaalka XAQA ah culimada AHLUSUNNA maalintaas xasan turki idaacadaha MUQDISHO ayuuw arsiiyey asagoo sigaara ugu tiiqtiisadey JANAQOW kadibna wuxuu hugaamiyey dagaalkii lagu qabsadey JAWHAR lasoco 3AAD

3dex Alifle Saterlate   GURICEEL ma gaartaan

11:44am on Sunday, December 5th, 2010

Nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban Nin aakhira la geeyo maxaa lagu ogaysiiyey xasan rurki iyo xasan daahir loogana horayn qabuura fagashadii ay ku taageereen khawaarijta alshabaab waad xasuusataan markii dagaalkii XAQ ahaa ee u dhaxeeyey culimada ahlusunna iyo khawaarijta wahabiyada hadalkii uuu ka jeediyey KISMAANYO asagoo waliba kibir ku jiro oo uu yiri waryaada qoladii maryaha ku subaga lahayd oo qabuura caabud kaa hayd ayaa qori qaaty war ina keena hahhhhhaa

HUSSIAN   Location unknown

10:48am on Sunday, December 5th, 2010

XASAN TURKI IYO KUWA LAMIDKA AH SIDA: XASAN D. AWEYS, GODANE, SHONGOLE, ROOBOW, CALI DHEERE,CALI M. RAAGE, KABO KU TUKADE, IWM, EE KU CAAN BAXAY OLOLINTA DABKA COLAADEED EE WADANKA AY KA SHIDAYAAN IYO DHIIGA AY KU QUBEYSANAYAAN HAR IYO HABEENBA, WAXAA U DANEYN DOONTA INAY DUNIDA QAATUMO XUN UGA BAXAAN, AAKHIRANA NAARTA JAHANAMO KU WAARAAN. HADDII AAN NAHAY SHACABKA SOOMAALIYEED KUWAASI WEY NA KADEEDNE WAXAN ALLAAH KA BARYEYNAA INUU NAGA AQBALO HABAARKEENA, INAKOO KU INKAAREYNO INUU KADEED ADUUN IYO MID AAKHIRABA RAABI(SW) GALIYO. AAMIIN.

mohamad   gusha dowlada

10:12am on Sunday, December 5th, 2010

kolay anigu waxan leeyahay ilaah caafimaad hasiiyo intii xanuunsan eesomali ah melkasta ooay joogaan

Leicester   jamal 007

9:24am on Sunday, December 5th, 2010

sh Xasan turki Waxuu ummada somaliyeed u gaystay Ilaahey subxana watacala kula xisaabtamyo lakiin in shabaab ku biiro Asagoo da,daas ah wa cimri tagay ceeb ku sogooti waayo shabaab wa mooryaan Alqacisda iska gadeyso dadkooda 20 sano dagaal ku jiray u dhaxeynin oo wali xasuuqaya .

Waamo   Waala yaasiimaooyaakk

8:56am on Sunday, December 5th, 2010

WAALA YAASIIMOOYAAA WARKAASI WAR CARUUR IYO NIN WAALAN AYAA LOO SHEEGAA EE BEENTA ISKA DHAAFA EE RUNTA HALAGA HADLO YAASIINKA SANADKA LA,AQRINAAYO MUXUU AHAA WAA HORE AYAAD SOO QORTEEN IN UU XANUUNSANYAHAY MIISAANKA SUUQ LA,AAN AYAA KU HAYSO EE WARFIICAN RAADI OO SOOMAALI KA GADMI KARA

shariif sheekh aadan   kenya nbe

8:46am on Sunday, December 5th, 2010

runti waxan layabanahay waxa ay lamidoowi ladaha halii shego

mustafa   nairobi

8:10am on Sunday, December 5th, 2010

war allah sw cabsada

MOHAMED   KISMAAYO

2:27am on Sunday, December 5th, 2010

ASW, MUJAHID SHEEKH HASAN TURKI, HE IS VERY GOOD HEALTH, LON LIFEG YAA MUJAAHID SH HASAN ABDULLAHI ALTURKI.

mursal   usa

12:56am on Sunday, December 5th, 2010

kkkkkkkkk La yaasiimayo war say idinka noqotay Wadaada Cusub in wax la yaasiimo Bidco ay u haystaan,

Walaahi miisaanka waa iga Qosliyay ayaan dhaweydna waxaa ku arkay cinwaan nin dhintay oo ay ku qorantahay hebel oo xijaabtay kkkkkkkkk waxaa u maleeyay nin xibaat xirtay kkkk.

Xasan Turki wuxuu galay waa la og yahay Alle unbaa la xisaab tami inshallah

ijaabo   canada

12:44am on Sunday, December 5th, 2010

waxaa faa'iido adduun iyo aakhiro ku jirtaa ood ku badbadeysaa in aadan xaq ka gelin qof baniaadam ah
ilaahay waa qafuuru raxiim cafiya dambiyada aad asaga ka gasho oo ah salaadda soonka iyo wixi la mid ah laakin marnaba kaa cafin maayo waxaad muslinka ka gasho. adduunyo waa laga tagaa ilbiriqsi ayeyna kugu dhaafaysaa, waxaa loo socdaa meel aan laga gaboobayn oo laga tagayna oo aad kala kulmeyso wiii aad muteysatay oo laguugu abaal marin doono. xasan turki waa 90 jir intuu noolaa aan la soconno wuxuu soo falay. waxaa uu joogaa gabagabadii naftiisa, wuxuu joogaa shallaay laakin shallaay waa sheey xaaraan ah ayeey soomaalida tiraahdaa oo la micno ah in aad marka hore ku talo gashaa in hadhoow aadan shallaayin. midda kale waxaa la dhahaa intaadan falin fiirso. xasan turki wax walba waa falay asagoo diinta yaqaan saan filayo.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Siyaasaddii islaamku asaaska uga dhigay dowladda islaamka.
Riix Halkan

Qawaaniinta oo loo xukuntamo Ma la isku Gaaleysiin karaa?
Riix Halkan

Miisaanka sharcigu u dejiyay Gaaleysiinta iyo.....
Riix Halkan

Gaaleysiinta iyo Dhibaatada ay Islaamka Ku Heyso Markastaba.
Riix Halkan


Dhageyso Gabayo xul ah Abshir Bacadle Alle ha u naxariistee: Allaa Mahad Leh

Hubka Inaga Dhiga

Qabyaalada

Xadhig Xujo

Guurka

Qaadka

Shirib

Qudubi

Danta Guud

Gabayga



yaa Ka dambeeya Dilalka qorsheysan ee Muqdisho iyo Shirqoolada saxaafadda
Warbixin Xasaasi ah
Riix Halkan