Horta Sheekh Maxamed C/wahaab Muxuu Aaminsanaa?







Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links

Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
somalireal
Xogsheeg
 
RIYADA ATAM IYO RAJADA FAROOLE TEE BAA RUMOOBI DOONTA?!!! Posted to the Web Aug 02, 02:53


Siyaasaddii Soomaaliya waxay u jiheysatay dhan cusub oo ka duwan dagaalada la daba dheereeyay ee Muqdisho ka socda.


Waxaa la qorsheynayaa Muqdisho inay yimaadaan ciidamo hor leh oo Afrikaan ah kuwaas oo ku biiraya kuwa AMISOM ee haatan xasuuqa ba’an ku haya shacabka waxaana magaca nabad ilaalin loogu bedelayaa nabad dhaliyeyaal taas oo macnaheedu yahay inay kordhiyaan dagaalada iyo duqeymaha ay haatan wadaan.


Arrintu waxay yeelatay laba weji. Wejiga koowaad, Alshaab ayaa hawlaheedii jihaadka ku fidisay Puntland iyo qeybo Somaliland ah. Waxayna markii ugu horeysay hawgaladoodii ka fuliyeen meel Soomaaliya ka baxsan, waa Kampala oo lagu dilay 76.


Wejiga labaad, beesha caalamka iyo dalalka Afrikaa ayaa mowqifkooda kala fogfogaa waxaa isku soo dhoweeyey weeraradii Kampala taas oo AMISOM u sahleysa inay ciidamo iyo dhaqaale hor leh helaan.


Masuuliyadda weeraradaasi waxaa sheegtay hogaanka Alshabaab oo weliba ku goodiyey inay bilow uun ahaayeen, ayna ku xigi doonaan weeraro kale oo lala beegsan doono Uganda iyo Burundi.


Hogaamiyaha Shabaab Sheekh Axmed Cabdi Aw-Maxamuud Godane oo loo yaqaano Abu Zubeyr ayaa soo saaray fariin uu ku bogaadiyey guutadii weerarka abaabushay iyo duco uu u duceeyey kuwii fuliyey.


Farriinta Godane waxaa la socday gabay kooban oo ay ka dhex muuqdeen sedax arrimood. 1. Rajo xumo xagga nabadda ah. 2.Ku digasho uu ku digtay Musaveni 3. Saadaal uu sii saadaaliyey dagaalo cusub oo hor leh.


Beydka uu rajo xumada nabadda ku muujinayey wuxuu ku leeyahay “Kol hadey fogaatoo fadarowday Nabadii, anaguna nin farabaxay fasax baanu siinee, fallaar baan cirka u ganay, foolbey la maqan tahay, nin walowba ila filo”


Fallaartaasi uu sheegay fasir dhab ah looma hayo balse waxay noqon kartaa arrimahan midood.


Weerar hor leh oo ay ka fuliyaan Soomaaliya banaankeeda, mise furimo dagaal oo ay ka furan Galgala, Gaalkacyo iyo Buuhoodle, mise Muqdisho oo dagaalada ka socda ay sii kordhaan, koley isaga uun baa og.


Waxaa jira arrimo isku xiraya farriinta Godane iyo dhaqdhaqaaqyada uu Puntland ka bilaabay Sheekh Maxamed Siciid Atom. Waayo Atom xiriir wanaagsan ayuu la leeyahay Alshabaab, wuxuuna ka mid yahay hogaamiyeyaasha ay ka go’do talada ururka.


Atom wuu dafiray xiriirka u dhexeeya kooxdiisa isugu yeertay ABDAAL AL-SAKHRAA oo la macne ah (GEESIYADA BUURAHA) iyo Shabaabka mar uu wareysi siiyey VOA.


Balse mar uu ka hadlayey qol ay Pal Talk ku leeyihiin Alshabaab wuxuu qiray in GEESIYADA GUURAHA ay ka mid yahiin Alshabaab, wuxuu yiri “Alshabaabu minnaa, wa naxnu minhum” oo macnaheedu yahay annagu shabaabka ayaan ka mid nahay iyagana anaga ayey naga mid yihiin.


Atom beeshiisa Warsangeli wuxuu ku dhex leeyahay sumcad sare oo waxay u arkaan hogaamiye diimeed mandiqadooda u horseeday inay dhalinta si wanaagsan diinta u bartaan taas oo nolosha deegaankaas wax badan oo wanaag ah ku soo kordhisay.


Sababta ay beesha u taageerto waxaa kale oo ka mid ah inay beeshu garaadyo u yihiin rag culimo ah oo fikirka salafiga ah isaga la wadaaga. Balse way jiraan siyaasiin deegaanka ah oo diidan hawlaha Jihaadiga ah ee uu wado kuwaas oo u arka inay dhibaato u keeni doono deegaanka, sida weeraro kaga yimaada dhanka Mareykanka ama in la go’doomiyo.


Atom wuxuu diyaarsaday ku dhowaad kun nin oo xer dagaalameysa ah, isagoo sidoo kalena kummanaan kale oo uu wax baray tababar ciidanna siiyey ku dhex milay bulshada qeybaheeda kala duwan sida Hogaamiyeyaasha beelaha, Ganacsatada, Ardayda, Macalimiinta, iyo ciidamada marka laga reebo kuwa nabadgelyada ee loo yaqaano PIS (Puntland Intelligence Services).


Sababta ay PIS ugu milmi waayeen ayaa loo fasiray inay tahay iyadoo shuruudaha lagu xusho qofka PIS ku biirayo ay ka mid tahay “INUUSAN QOF DIIN U JAJABAN AHEYN”.


Sidoo kale ayuu saameyn wayn ku leeyahay deegaanada Beeshiisa ay degto ee ay maamusho Somaliland, taas oo mustaqbalka istaraatiiji u ah dhaqdhaqaaqyo ay Alshabaab ku sameeyaan gudaha Somaliland.


Atom muddo ayuu diyaarinayey sidii uu awoodo qarsoon oo goortii uu u baahdo adeegsado ugu sameysan lahaa qeybaha bulshada Puntland, waxaana muuqata inuu taas ku guuleystay oo dhamaan deegaanada Puntland ay joogaan taageerayaashiisa.


Haddii taageerayaashaasi helaan fursad ay ku dhaqaaqi karaan waxay isku dayi doonaan inay la wareegaan deegaano badan oo Puntland ah sidii ay Taalibaanka ula wareegeen Afghanistan bartankii sagaashamaadkii.


Aqristayaasha qaar ayaa qodobkan igu diidi doona, balse marka aad u kuurgasho xaaladda dhabta ah waxaa kuu caddaaneya arrimahan soo socda.


1. Diyaarsanaan dhanka taageerayaasha Atom ah oo xeel dheer, taas oo ay door weyn ka ciyaarayaan rag u dhashay deegaanka oo Alshabaab ka tirsan misena hadda beelahooda ku tiirsan si ay u helaan daafac haddii ay maamulka hajuumaan.


2. Kala daadsanaan dhanka dowladda ah taas oo ay qeyb ka tahay beelaha Dhulbahante, Leelkase iyo Warsangeli oo dagaalada socda u arka kuwo ay ku soo ceshanayaan gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn (SSC).


3. Kala qeybsanaan fikirka beelaha ah oo ay ku kala qeybsan yihiin dagaalka nooca uu yahay.


Laakiin taasi kama dhigna inaysan dowladda Faroole maareyn karin dagaalada ku socda deegaankeeda.


Hase ahaatee lama dafiri karo diyaarsanaanta taageerayaasha Atom iyo inuu yahay nin cod kar ah oo fikradihiisa ka iibin kara dadka ku hareereysan.


Shaxaha siyaasadeed ee uu wadaadkani ciyaaro waxaa ka mid ah inuusan marna murtad ku tilmaamin Faroole iyo Golaha maamulkiisa. Taas wuxuu uga gol leeyahay inaysan dadka reer Puntland u arkin inuu ku hadlayo lahjaddii Shabaabka Muqdisho ee “Murtad” ugu yeeraysa dhinacyada ay is hayaan oo dhan.


Sanadkii 2008-dii weerar dhanka circa ah oo ciidamo Mareykanb ah ay ku qaadeen deegaanka Baargaal ayaa lagu dilay ku dhowaad 13 muhaajiriin ah oo marti u ahaa Sheekh Atom, taas oo iyadana cadeyn kale u ah xiriirka kala dhaxeeya jihaadiyiinta caalamka.


Mugdi kuma jiro inuu Atom ka mid yahay hogaamiyeyaasha ugu sarsareeya Alshabaab, sheegashadii shabaabka ee qaraxyadii Kampalana waxay soo jiidatay jawaab kulul oo ka timid dowladaha loo yaqaano beesha caalamka.


Jawaabta ugu kulul waxay ka soo yeertay Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni oo ku hanjabay inuu Alshabaab ku qaadi doono weerar aar gudasho ah kana tirtiri doono mandiqadda Bariga Afrika, walow hadalkiisaasi iska ahaa mid uun uu ku dejinayey reer Uganda.


Musaveni haddii uu koox masixi karo wuxuu tirtiri lahaa kooxda mucaaradka LRA ee uu hogaamiyo Joseph Kony taas oo muddo 20 sano ah dalkaasi ka wada dagaalo ay ku hoobteen.


Waxaa kale oo jirta inay Soomaaliya ka joogaan 3,600 oo ciidan ah oo ay wehliyaan 2400 oo Burundi ah, kuwaas oo taangiyada iyo dabbaabadaha ay heystaan ka badin waayeen inay xaafadaha dadweynaha iyo suuqa bakaaraha duqeeyaan.


Atom qofka ay haatan sida dhabta ah isu hayaan waa Madaxweyne C/Raxmaan Faroole oo ay rajadiisu tahay inuu deegaankaasi ka sifeeyo Xerta Sheekh Atom iyo martidiisa Muhaajiriinta ah.


Laakiin su’aashu waxay tahay “Faroole ma u diyaarsan yahay inuu Atom iska dhiciyo?”


Madaxweyne Faroole wuxuu xilka ka dhaxlay Madaxweynihii ka horeeyey Cadde Muuse oo ay dad badan u arkaan inay Puntland aad u kala daadatay inta uu xilka hayey, taas oo loo aaneynayo jilicsanaantiisa.


Inta Atom iyo saaxiibadiisa shabaabka ay ku abuurayeen ukumaha  Shabaabka (Dhalinyarada dagaalyahanka ah) meel walba oo Puntland ka mid ah Maamulka Faroole iyo Madaxweynihii talada kaga horeeyey midna iskuma diyaarin siduu Atom isaga dhicin lahaa.


Shabaab iyo Atom diyaar garowgooda waxaa barbar socday fariimo cad oo ay u direen maamulka Faroole iyo Hay’addiisa Nabad sugidda ee PIS.


Fariimahaasi waxaa ka mid ahaa dilal qorsheysan, weeraro is miidaamin ah iyo qaraxyada la hago oo laga fuliyey Puntland taas oo la mid ah bilowgii hawlaha ay Muqdisho ka wadaan Shabaabka.


Haatan oo Shabaab heystaan inta badan koofurta Soomaaliya, kama abaabuli karaan qorshe kasta oo ka dhan ah Puntland, waxay arrintu taagan tahay ninkii qeyrkii loo xiirayow madaxa soo qoyso.


Jileeca lagu xamanayey Cadde Muuse waxaa ka faa’iideystay laba koox.


Middood waa Burcad badeedda oo dhaqaale badan oo sharci darro ah soo gelisay deegaanada Puntland kuna abuurtay musuq maasuq tiro badan iyo amni darro baahsan.


Midda labaadna waa Alshabaab oo fursad u heshay u diyaar garowga qorshaha fog iyo istaraatiijiyada ay ku hantin laheyd dhulka buuraleyda ah ee Puntland ee xeebtana xiga.


Kororka taageerayaasha Alshabaab ee Puntland iyo dhaqdhaqaaqyada Atom waxay sirdoonka reer Galbeedka ku abuureen welwel ah inay deegaanadaasi saldhig weyn ku yeeshaan, kaddibna talada kala wareegaan maamulka gobalka ka arrimiya.


Sirdoonku aad ayay uga warqabaan baaxadda ay ku fideyso awooda qarsoon ee Alshabaab, waxayna ka cabsi qabaan inay Shabaabku wada hantiyaan Soomaaliya haddii ay u hirgasho riyadooda Puntland, taas oo haddii ay dhacdo ay la imaan karaa qorsheyaal halxiraale ku noqda reer galbeedka iyo saaxiibadooda gobalka.


Hay’adaha sirdoonka ee reer galbeedka waxay sameeyeen isku dayo ay ku doonayeen inay kula dabaaqtamaan shabaabka oo ah taageerayaasha Alqaacida ee gobalka, waxaana ka mid ah aasaasidii ururkii awooda badan yeeshay ee Ahlu Sunna wal Jamaaca (ASWJ).


Ururkan waxaa aasaaskiisa iska lahaa siyaasiinta kala ah Axmed C/Salaan Xaaji Aadan oo heysta dhalashada dalka Kanada iyo Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo heysta dhalashada Ingiriiska.


Ururkani waxaa soo wajahay qilaaf iyo kala qeybsanaan kaddib markii ay isku qabteen awood qeybsi lala galo dowladda KMG-ka ah taas oo sabab u noqotay inay is dhinto hankie loo hayeh.


Haatan jihooyinka reer galbeedka oo u muuqda kuwo ku hungoobay ASWJ waxay kalsoonidoodii u wareejiyeen Siyaasiga Cabdishukri Cali Xirsi oo ah siyaasi ka soo jeeda deegaanada Maamul gobaleedka Galmudug.


Cabdishukri wuxuu dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay Guddoomiya Ahlu Sunna Wal Jmaaca ee dib u soo celinta qaranka, wuxuuna durba bilaabay inuu diyaariyo maleeshiyooyin aad u tiro badan iyo hub.


Cabdishukri waa ninka kaliya ee ay reer galbeedku isku harsan yihiin ee ka mid ahaa 11-kii dagaal ooge ee 2006-dii ku dhawaaqay Isbaheysigii argagaxiso la dirirka, waxaana maleeshiyaadka uu aruurinayo ka mid ah kuwii ay Shabaabku kaga adkaadeen deegaanada Wabxo iyo Ceeldheer, mana hoos yimaado maamulka Galmudug.


Diblomaasiyiin dhaqdhaqaaqyadiisa xog ogaal u ah waxay sheegeen maleeshiyada uu Cabdishukri diyaarinayo inay Gaalkacyo ka fulin doonaan 2 ujeeddo.


Tan koowaad waxay isu diyaarinayaan inay dagaal la galaan ciidamo Alshabaab ah oo aan hadda muuqan balse lagu tuhmayo Masjidka Salaaxudiin ee Gaalkacyo ee uu imaamku ka yahay Sheekh Ismaaciil Khaliif Mire.


Ujeeddada labaad ee Cabdishukri waa inuu Shabaabka ka ilaaliyo magaala xeebeedka Hobyo oo loo arko inay muhiim u tahay Alshabaab maadaama ay u dhow dahay gacanka cadan marka loo eego Kismaayo, balse lama oga sida uu Shabaabkii uga adkaan karo maadaama ay dalka ka saareen xilli uu isbaheysi la ahaa 10ka dagaal ooge ee Muqdishougu tunka weynaa.


Cabsida ay maamula Puntland iyo saaxiibadood reer galbeedka ka qabaan masjidka Salaaxudiin ee Gaalkacyo waxay sii korodhay kaddib markii dhowaan Imaamka masjidkaasi u hadlay si aan gambasho laheyn.


Imaamka masjidka Salaaxudiin Sheekh Ismaaciil Khaliif Mire wuxuu urur diimeedka Ictisaam si cad ugu sheegay inay aakhiro iyo adduunba qaadi doonaan wixii masuuliyad darro ah ee ka dhasho jihaadka ka socda Soomaaliya isagoo ku eedeeyey inay iyaga dhalinta geliyeen jihaadka.


Imaamku wuxuu qirtay inuu ka mid ahaa dadkii ka barbar dagaalamay Maxaakiimtii Islaamiga ee 2006-dii isagoo xusay in dhawr boqol oo rag ah oo ka tagtay Puntland lagu laayey bandiiradley iyagoo dagaalamaya.


Imaamku wuxuu yiri “Haddii culimada Ictisaam ay jihaadka u diidan yihiin dhibaatooyin ay ka baqayaan darteed ha sheegaan waan difaaceynaaye, Haddii kale xaqa ha u soo laabtaan”.


Wuxuu ku jeesjeesay ciidanka ammaanka Puntland isagoo yiri “Haddii ay wax isku hayaan ha yimaadaan masjidka Salaaxudiin yeysan masaakiinta gumaadine”, taas oo u muuqaneysa inay jiraan ciidan uu ku tashan yahay.


Masjidka Salaaxudiin waa furin labaad oo muhiim ah oo maamulka Faroolena uu aad maanka ugu hayo, waana rag u diyaar ah inay dagaalamaan kheyr iyo qasaare wixii ay kala kulmaanba. Shabaabkuna sida Faroole oo kale ayey maanka ugu hayaan is diyaarinta Cabdishukri.


Madaxda Ictisaamka waxaa ka mid ahaan jiray Sheekh Xasan Daahir Aweys oo haatan saaxiibaddii ay muddada dheer isla ahaayeen Al Itixaad iyo Al Ictisaamba ay ku garab baneeyeen dagaalka uu la galay dowladda shariifka oo intooda badan u arkaan inuu qalad ahaa.


Xasan Daahir oo ah rugcadaa dagaal yahan ah wuxuu haatan ku jiraa jahwareerkii ugu darnaa ee mustaqbalkiisa soo wajahay abid, waxaa hor yaala laba arrimood middood.


Tan koowaad waa inuu ku biiro Alshabaab oo ah wiilal uu marna Sheekh u ahaa,marna taliye u ahaa, marna magantiisa joogi jiray xilligii dagaal oogayaashu ugaarsan jireen, kuwaas oo haddii uu ku biiro uu marti uga noqonayo talada dalka.


Tan labaadna waa inuu ku biiro dowladda KMG-ka ah ee uu ula dagaalamayey inay gaalo raac yihiin taas oo iyadana u horseedeysa inuu hoos tago Shariif oo uu u arko nin da’ yar oo khibrad badana aan laheyn oo colaadina dhax martay.


Waxaana u dheeraan doonta inay Shabaabka ku xukmaan inuu riddoobay sidaasna dhiigiisa baneystaan.


Taageerayaashiisa welwel wayn ayaa ka heysta amnigiisa. Wuxuuna xaalkiisu marayaa marxalad uusan wax go’an ah gaari karin. Dhamaan go’aanadiisana waxay soo bixi karaan marka uu qiimeeyo inay Shabaab raalli ka yihiin iyo in kale!.


Haddii maskaxda Shariifna ku ooday madaxtooyo, Xasan daahirna ka dhigtay nin amnigiisa ku mashquulsan ay tahay midda Godane, haatan oo ay is kaashanayaan Atom oo isagana aan ka shar yareyn waxay Puntland gelin karaan jahwareer aan yareyn.


Madaxweyne Faroole wuxuu ku tashan yahay taageerada Beesha caalamka oo ah taageerada ugu liidata ee lagu tashado, waayo taageeradooda af iyo amar mooyee wax qabad ma lahan, balse Shabaab waxay ku tashan yihiin dhalinta ay cabsiiyeen tahliisha gaarsiisay heer ay naftooda u haligaan fulinta amarrada amiiradooda.


Soomaaliya kooxaha ka jira waxaa mar walba ugu liidata tan ay beesha caalamka taageerto, waxaana sabab u ah beesha caalamka oo ay hor boodayaan Mareykan iyo Itoobiya oo labadaba aan wax sumcad ah ku laheyn gudaha Soomaaliya.


Kooxaha ay beesha caalamka taageerto waxaa lagu gartaa khilaaf iyo kala qeybsanaan dhexdooda ah taas oo ay ugu wacan tahay inaysan iyaga hogaanka dooran oo la isku keen keenay.


Tusaale Madaxweynaha KMG-ka ah Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal wasaarihiisa ayaa aad ugu kala fikir duwan nooca taageero ee ay beesha caalamka waydiisanayaan.


Shariif wuxuu doonayaa in aan ciidan Itoobiyaan ah dalka la keenin oo doorkoodu ku ekaado inay saanad military soo siiyaan, halka Cumar C/Rashiid ka doorbidayo inay dalka dib u soo galaan ciidamo itoobiyaan ah oo xoog leh.


Diblomaasiyiin goob joog u ahaa kulankii ugu dambeeyey ee Addis Ababa ku dhex maray Sheekh Shariif iyo Meles Zenawi bishan dhexdeeda waxay xaqiijiyeen in warqad uu Ra’iisal wasaare Cumar C/Rashiid u diray Meles Zenawi uu kaga codsaday in Soomaaliya loo soo diro 40,000 oo ciidan ah oo xuduudda ka soo galaya min Gaalkacyo illaa Doolow.


Laakiin warqadda oo uu waday C/Risaaq Jurille ayaan gaarin Meles kaddib markii Madaxweyne shariif oo warqadda loogu wareejiyey si uu u gaarsiiyo Meles uu ku adkeystay inuusan gudbineyn.


Sababta warqadda ay gacanta shariifka ku soo gaartay ayaa lagu sheegay inay aheyd kaddib markii uu wafdigiisa ku wargeliyey inuu Meles keligiis la kulmayo inuu Jurille u sheegay inuu dhambaal Meles uga sido ra’iisal wasaaraha.


Hoteelada ay degan yihiin xildhibaanada DKMG-ka ah ayaa laga dareemayey saameynta warqadaasi uu madaxweynaha jeebka gashtay. Xildhibaanada qaarkood oo xog ogaal u ahaa warqadda uu ra’iisalwasaaraha diray oo kuna rajo waynaa inay itoobiyaanku imaanayaan ayaa markii dambe la arkayey iyagoo weji dadbaya.


Haddaba, kol haddii Shabaabka (Atom) ay Puntland ka fureen aagag dagaal, Gaalkacyana ay ka mid tahay goobaha riman ee dhalida sugaya waxaa is weydiin leh “ma riyada Atom ee ah inuu hantiyo dhulka Buuraleyda ah ee Puntland ayaa rumoobi doonta mise rajada faroole ee ah inay Beesha Caalamku ka caawiyaan sidii uu uga taqalusi lahaa Atom iyo xertiisa?”.


Jawaabta way waxaa looga fadhiyaa waqtiga.


wixii talo, ammaan iyo dhaliil ah,ku soo hagaaji: abukar.albadri@gmail.com


 

25 Comment(s)

jaajaale   usa

5:24pm on Wednesday, August 11th, 2010

scw. alle ka cabsada meelkastood joogtaan,dulmiga gacan hasiinina.

mohamed asqalaani   bosaaso

3:20pm on Tuesday, August 10th, 2010

awalan asc salaan kadib hadii aan ka hadlo mowduuca taagan waxaan umaleynayaa in ay rumoowi doonto rajada mohamed said attom maxaa yeeley wuxuu jecel yahay in kitaabka lagu xukumo reer putland ninka faroole ah wuxuu jecelyahay in dhaqamada gaalada lagu xukumo reer puttland marka waxaan u maleynayaa labadaas in aysan meel isla gali karin baadhilka faroole hormuudka u yahay wey burburayaa hadiii ilaahey idmo maxaa yeley shacabkii ay u horsedeen dhaqamo xun xun iyo wax yaabo aan wanagsaneyn mida kale waxaba jirada kuwo lagu magacaabo in ay ladagaalamaan towxiidka kuwaas oo faroole abe u yahay mida kale faroole wuxuu ku tashadaa kuwa lagu magacaabo beesha caalamka wax ay u qabdonaan malahan kuwaas iyagaaba kaalmo ugu baahan melihii ay weerareen sid ciraaq afghanistan iyo meelo kale waxaan umaleynayaa in uu kalo ka helidoono aabihiisa malas oo mesha u joogo waxaan leeyhay dadka reer putland waa dhimaneysaan markasta ee taageradiina siya walaalka attam oo isku taxluujiyey in uu wax badan wanajiyo mid kale qabil ma jiro hada waxaa dagaalamaya waa ciidama itobiya iyo mareykanka oo foraale mesha u jogo iyo dadka reer putland oo dhibkooda ka soo horjeesadey doorteyna diinta islaamka dadka beenta soo qoraaya waxaan leeyahay ilaahey ka cabsada akhiro waa leydin xisaabin donaa diinta meel ayaad ugu aadan tahay qof walba waxaad awooda ka qabo ciidi qarash awooda ha bixiso kii hadal awooda ha difaaco kii awooda in adinkiisa ku laayo dhamaan waa waajib na saaran hadiii ay nunu nahay reer putland qasatan midka kale qofkasta waa ka kheyb qaadan karaa gadaalka lagula jiro faroole iyo ciidankiisa waxaan ilaahey weydiisanayaa in uu u kaalmeeyo walaahala hortaagan faroole iyo ciidankiisa

Labo xidigle guulane   Buurta galgala

2:07pm on Tuesday, August 10th, 2010

Puntland way ka guulaysatay dadkii yaryarka ahaa wayna kala cayrisay waxayna hada ku raad joogtaa firxad lug ku carar ah oo uu la fakaday atom

Hanka Sare   Denmark

1:33pm on Tuesday, August 10th, 2010

Waxaan ii muuqata in qoraaga maqaalkan uusan si daacad ah uga hadlin arinta, gaar ahaan Atom iyo iyo Puntland, waayo qoraagu wuxuu yiri Atom wuxuu ku leeyahay Puntland taageerayaal badan, taas oo ah waxaan jirin.
Haddii Atom uu ku lahaan lahaa taageerayaal badan waa la arki lahaa, xataa beeshiisa Warsangeli iska daaye laftiisa hoose dubeys ayuusan taageero ka heysan!
Teeda Kale qoraagu wuxuu is illowsiiyey in shacabka Puntland yihiin dad nabadda jecel oo aan marnaba dooneyn fitno iyo shiddo.

Tan kale oo uu sheegay in gaalkacyo riman tahay, waxaan dhihi karaa qoraagu waa xaalad abuur, waa dhici kartaa ineey jiraan dad niyadda ka taageersan Alshabaab balse ma joogaan Galkayo dad ku dhiiran kara ineey ka mid yihiin Alshabaab.

Guud ahaan waxaad moodaa qoraagu inuu jeclaan lahaa in alshabaab usoo wareegaan Puntland oo fitno ka abuuraan, wuxuuna kasoo qaaday dhibaatada ay koofurta Soomaaliya ku hayaan Alshabaab gaar ahaan Muqdisho iney tahay midaan sidaa usii weyneyn.

Soomaalidu waxay tiraahdaa "Mas madaxaa laga dilaa" Alshabaabna madaxoodii wuxuu yaal koofurta somalia waana meesha loo baahan yahay in wax laga qabto, Atomna waa "small fish" oo xataa awoodi waayey inuu si cad u sheegto inuu ka tirsan yahay Alshabaab, maantana waad aragtaa sida loo galay, marka waxaan dhihi lahaa qoraaga runta abbaar oo jooji keynta cidla'daa oo aad jafeysid!.

Maxamed   Hargeysa Somaliland

12:12pm on Tuesday, August 10th, 2010

War Ninkan waxan Qoray Dul badana oo dul qaad weyna,, Maxuu qashin ka sheekeyey Maxuu Wax an koob shaah cadeyn soo qoray,, waa al shabaab wa atom wa faroole wa ssc kuwo uu ku sheegay waa ahlu suno iyo hebel shukri,
waxaas oo dhan waxan u arka qashin, Puntland wa dad nabad yaqaan ah ee waxa lagu haysta maxaad nabad u samaysteen , waxan aku haysta dadkan ciyaalkooda qasha ee reer koonfurka ah ee imaanka beelay ,
ama al shabaab ha noqdan ama daahir aways ama shariif la soo tuuray ama hogaamiye koxeed ama ahlu hunguri war nimanyow waxan aad wad wadan waa iska dameer iyo labadiisa damood , dad hadaad tihiin waad gaadhi kartaan meel kasta ee dadkiina bad baadsada ok

Puntland boy   Mudug

9:06am on Tuesday, August 10th, 2010

waxba kama jiraan qoraalka uu qoray ninka meesha wax ku xariiqay

Somali-Athiest   London

8:07am on Tuesday, August 10th, 2010

Somaliyeey inta aad is rifeysaan aniga waxay iiga dhegantahay in aan u jawaabo Bajaqa la magacbaxay AbuuZubeyr ama aan u aqaano Godane Biiqe. Madaama uu u dhaxo Argagixisada Alqacida. Hadalkan uu yiri in uu falaar diray jawaabteedu waa tan:

Kani waa hadalkiisi:

Beydka uu rajo xumada nabadda ku muujinayey wuxuu ku leeyahay “Kol hadey fogaatoo fadarowday Nabadii, anaguna nin farabaxay fasax baanu siinee, fallaar baan cirka u ganay, foolbey la maqan tahay, nin walowba ila filo”

Jawaabtaan siinayo waa:

Hadaad nabadii fadaraysayood fowdo u joogtahay
Hadaad jihaad beenki la soo dhoodhobay iibin wayday

Iyadays fasaxday taladu kuuma fadhido eeh
Iyadaa fagaraha is keeni oo is falayne

Falartaad moodo in aad fasaxa siisay
Feertaada ka filo waa furuq aad abuurataye

Nin walbo geedkuu abuurto gurtaa mirihiiye
Nin walbo garadkii iyo geesi nimadii dheh

Shalaad sidatay googoradiyo jalbaab
shalaad socototay seer seere sariik la aaneed dheh

Beraad socon sidii hore dhuumalaysi dheh
Ba walboo la dhigo noqotaa beri samaadkeedi
Bootada iska dhaaf birtu kaa baxsataye
Beenta iska dhaaf iyo bururuqdad wado eh
Barxada soo istaag ee beene jihaad beenkaan dheh

Gaal tacliin leh baan ohoo garan arimaha eeh
Gashankaad wado anaa leh oo isku kiin eegaayo
Garabyadad u safantahay anaa biilo oo barujiyo eh

Adna ducuuf deris neceeb baa tohoo aarso is leh
Ana islaamkaan alada ka dhigi oo asal ahaan aafayn
Adna ugaarsi qabiil iyo olole raqiis leh

Ninba itaalkii iyo afkaartii dheh
Arinwalbo arinteed waa leeys asiibayaa dheh
Aqoon daranoow arini kugu forartaa dheh

cabdulaahi axmad cali (faat)   norwy

3:18am on Tuesday, August 10th, 2010

hambalyo qoraagan abuukar badri waxaan leeyahay qoraa loo bogay marka qoraalkiisa dhan walba laga eego sida uu miisaaamanyahay waana tan igu kaliftay inaan soo gudiyo aragtidayda hadaba waxaan leeyahay haka daalin qoraalkaaga cadaaladaysan iyo xograadinta sida hadaba ka muuqata qoraalka oo aad meelo badan ku taabatay

Xalima farax   Xamar

10:49pm on Monday, August 9th, 2010

Alshabab alqacida weyan ayadehey beniyan ibtilayna raban asalkana ma ogala ayatinka qaran ubadkayna dufsadan inlen aaya maleh. Wa run o waayaha cusub a horay u yiri qofki aminsan qabilow ka wantow o ha tagerin nin laga xukumo afganistan iyo carab ee garabsi dawlada puntlan si lo sifeyo hadi kale biri gabdhihina ajanib a adinka bobin qortana wa la idinka jarin ku wana qata konfurta waxa ay ka sameynayan dadki wagi hore usacab tumayay mel ku shega. Puntland ha gulaysato doni mayno alqacida dagalkuna wuxu udhaxeya dadka somaliyed iyo alqacida geriduna waxay dhibe ninki dhof ku yimid. Somaliya kor cadowga halo midobo wahabiyada halaga hortago mel walbay jogan shartu wa ayaga

Xaange   BOOSAASO PUNTLAND

10:11pm on Monday, August 9th, 2010

Horta qoraagu waxuu ka khaldamay marka uu yiri Attam waxaa taageersan beeshiisa taasi been bay noqotay oo beesha warsangeli inaanay taageereyn waxaad ku garanaysaan dagaalkii galgala attam ciidamada waxaa hogaaminayey rag ay attam ilma adeer yihiin waxaa kale oo caddaatay in Puntland ay tahay sheekada qabyaaladda iyo nin jeclaysigu mid laga il baxay oo nin magac diimeed wata balse kaleh arrimo gurracan diinta uu sheeganayo inaanay dadka reer puntland taageero siinayn qabiilkii uu doono haka soo jeedee

JIILAAL BARROW   WAQOOYI

9:06pm on Monday, August 9th, 2010

QORAALKA WAXAA KA MUUQANEYSA INUU XAMBAARSAN YAHAY MACLUUMAAD AY DADKA U BAAHAN YIHIIN INAY OGAADAAN.
QORAAGAN WAAN U DUCEEYEY ANIGA, WAAYO RUNTA AYUU KA HADLAA, DHINACNA MA XIGSADO, WAXAAN LEEYAHAY ILAAH CADOWGA HAKAA QABTO WAAYO ADIGOO KALE OO DHEX DHEXAAD AH OO BULSHADANA U HIILIYA CADOWGAAGA AYAA BADAN.
SI KASTABA, SOOMAALIYEEY ISRAACA, SOOMAALIYEEY FADHIGA KA KACA, SOOMAALIYEEY DALKIINA XUREEYA, SOOMAALIYEEY ALLAAH KA BAQA, WAA RAMADAAN.

liqaaye   south afrika

8:59pm on Monday, August 9th, 2010

asc salaan kadib walaalayaal soomaaliya ha israacdo aamiin dhaha dawlada islaamiga ah ee dhalan doontana halatageero aamiin dhaha shacabka soomaaliyeedna dawlad caadila ilaahay hasiiyo aamiin dhaha cadawgedana illaahay hakaqabto aamiin dhaha khayrka illaahay hana wbfajiyo aamiin dhaha by

SAMATAR   KSA

8:50pm on Monday, August 9th, 2010

waxaa ilahey mahadiis ah in dagaalki lasoo gabagabeeyay oo guushu raacday maamulka oo aad moodo ineey ehed arintaan ineey mar hore soo afjaraan lakiin lakiin taas badalkeda ay doortoon ineey sabraan oo ka warsugaan dhexdhexadinti ay wadeen odayasha degaanka lakiin taan ay keeni weyday natiijo markaasna laga fursan wayay in xabad lagu xaliyo arintaan tasoo mmanta soo dhamatay guushuna ku raacday maamulak puntland.
waxaa kaloo caden u bahan in ragi guuha ka kenay dagaalkan ay badankood wada ahayeen dad degaanka dagaalka ka socday u dhashay taas oo tusineysa in wali puntland mid tahay cadawgeda ay mid u tahay aysan jirin qabiil qabiil ku duulay meesha cida ku jirtay oo la dagaalamayayna ay ahayeen dad cawadan ku ah puntland dagaalna kusoo qaday puntland marka cida meesha qabsatay wa puntland cida laga qabsadayna waa cadaw puntland taasna hala ogooda .
waxaa dagaalkan sidoo kale laga faideystay in guusha dowlada ayku xirantahay shacabka tageeradiisa ineey hesho hadeey heysato tagerada shacabka in ay ka gudbeyso caqabado badan oo hor istagi lahaa guusheda taasna waxaa ku tusinaya in shacabka puntland oo dhan ay u arkayeen in doladu ku saxsantahay dagaal ineey ku qaado qolyahaas iyo xataa ineey dagalkaas hogaminayeen dhanka dowlada saraakiil u dhashay dekanka dagaalku ka dhacay, tageero la'aanta shacabka waa midi ay ku baxday lascaanood oo mamulki markaas ka talinayay puntland iyo shacabka lascanood waxa ka dhextagna khilafad kas oo marki danbe kenay in puntland lagala warego lascanood , marka mamulka si uu usoo ceshto lascanood waa ion shacabka degaankaas uu qanciyaa .

wabilahi towfiiq.

Abdi   xamar

8:14pm on Monday, August 9th, 2010

horta waxaa la yaab leh, dawlad gobaleed punntland isku magacaaday
waa majeerteen
waxaan oranaya magaalada gaalkacayo waa dhul sacad garoowana waa dhul dhulbahaneed boosaasana waawarsangali
majeerteen hadii aad isku soo hawar wacdaan sacad warsabgali uti dhulbanate waa gal mudug
taariikhda soomaliyeed dib ha loo raaco

koonfur boy   Location unknown

1:54am on Sunday, August 8th, 2010

Majeeerteen ninkii raba inuu ogaado allsanaag ha akhriyo

samatar   KSA

10:14am on Tuesday, August 3rd, 2010

adeer warsangali siyaad bare ayaa horay u shegay waxa uu yiri waxaa la mid tihiin bilaha ku dhamada 31ka maalintaas dheeriga ah waxba ma kordhiso oo qofka mushaar ku qaata bil lama dhaho malin dheeri ayuu shaqeye haloogu daro marka malintaas waxna ma tarto waxba ma dhinto marka nimankaas waa sidaa uu u shegay siyad bare waxna ma taraan waxna ma dhimaan

Abdi shire   galgaduudd

10:53pm on Monday, August 2nd, 2010

aniguu waxaan leeyahay attam fadlan haddii dooneysid adiga iyo shabaab wa inaa la jihaadaan gaalada iyo yahuuda ad cawisaan Falasdhiin oo maalin walba werarada lugu hayo haddii difaceysaan muslimada liikiin dad shacab masakiin 20-sanno dagaal hoos nool mar aan laheen inaad marmarsiyo ka dhiqatan jihaad baan ku jirnaa taa mid socondoonto mar ma modayoo waxaan oran laha dadkaani wadaadnimada sheeganaya bal ha ka fiirsadaan arinta jihaadka qaldan ee ha is saxaan inta jihaadka la ordin

umu hanna   Location unknown

1:50pm on Monday, August 2nd, 2010

warsnagli waxaan kula talin laha jaahilka wax magartada ah ee atam inaany marna garab siin , hadoo jiaahd rabo ha aado xodooda etoobiya ama dalalka gaalda waxa jihaadka yopo muslimka ku dhex wadin , warsngliyoow nabdaad ku haystaan boosaaso ha iska qubina , ina godane iyo dahir awyes ba fidnadooda ay diinta kula ganbnyaan yaan idin soo galin , waxnaan codsnayaa somli oo dhan inay nimnkaa meel uga soo jidsadaan , hadii kale mmarykan iyo gaaly soo wadaan wabilaahi tawfiiq

sahra   Location unknown

11:13am on Monday, August 2nd, 2010

Dulmidid adigu marba ma meel ba joogta marna qabilada cayda marna muminin ba nahay iyo walalo mu'mina mesha ma joogo alle hanaga qabto musibadan la isu soo diray diin iyo wax u dhuw xata kuma dhaqman been badana yaal argagixiso ah qarax iyo afladubto bal xage diinta islamka fuleynimadas ka so gasha nin wajiga xirtay sidi nagti midedkale miisaanka ma wixi doona wax isaga qora wayabe malin dhawayd wuxu qoray in been laga shegay ninka galgala joga iyo shabaab mantana wuxu leyahay isagu aha

Anonymous   Location unknown

9:55am on Monday, August 2nd, 2010

Jugjug meeshaada joog soomaali ha dhimato ayaa u taala

dulmi diid   puntland

9:41am on Monday, August 2nd, 2010

Su'aal miisaanka maxaa islaamka kudiray horta yaad u shaqeeysaa umaleyn maayo in ay jiraan gaalo hada dadka taagera waxsiisa maalin dhow waxaan sugaynaa soomaalidii yurub iyo ameerika oo qaxaya oo dibu dajinlagu sameen doono dowlada islaamka ee sooomaali wixii gaaloobay waa lagowracayaa ee laso iyo gaalaraaca war maad gaalada waxka sheegtid markaan ku arko waxaad saarantahay qof muslimiinta kamid ah mida kale dadka aaminsan xaalada soomali qabiil waad qaldantihiin darood hawiye isaaq all bro/sisters .walaalo muminiintu waa walaalo Allaahbaa yiri.I only wish in Islaam .no black and wite.

ladane   puntland

9:21am on Monday, August 2nd, 2010

Warsangali hadii tagero u ka haysto maxay u kordhinaysa dhabar macaan ninki yaqaan ba yaqaan xabadu dhabarka meel an ahayn ugama dhicin waligod ayago sii ordaya dhulbahante dhulkisa difac bu ugu jira o somaliland wa la dirira markasta lakiin wr wa isdheban waligodna xabad meel ay ka bilabatay ma sii istagin marka atam waxa u uga rayn kara puntland asago mucaradka mj iyo dhulbahante tagero ka hela iyo dashishe lelkase markas puntland waxay ku soo ururaysa beel ka mid ah majerten o la yirahdo maxamud saleban waxana ka dhashay c/lahi yusuf cade muse iyo farole. Waxan ugu baqaya shacabka puntland in aysan u garabin argagixisadan inkaran o meel islam jogayba dabka so qabadsiyay gaar ahan waxan leyahay majerten dowlada ha garab istago waxba ka xuman mayan hadi ay is raacan cali saleban cali jibrahil ugar saleban cumar maxamud intasba wa mucarad puntland waxa la haray wa cade iyo farole oo cade na wuxu aha nin aad u liita farole na wuxu kala diray shacabki puntland iyo kii somaliyed wuxuna puntland u kala qaybiyay. Dhubahante warsangali dashishe lelkase intas kadib majertenki bu kala qaybiyay waxa muxafid ka ah wa ciise maxamud iyo ciman maxamud xata cumar maxamud oo ah rer galkacyo wa mucarad cali saleban ugaar saleban cali jirahil siwakhron oo daga bari bosaso ayaguna wa mucarad dadkisa qoxotiga aha oo an 20sano wada noolayn nugu dir oo dad xun bu naga dhigay waar ya naga qabta nin kan walan cade dhamay o an dadka idku dirin waxqabadkisa ha yareda puntland waxa ay puntland ahayd wagi cabdulahi yusuf haystay mana la arki jirin mucarad ama dad is naceb puntland somali wa u sinayd haba ahado isna daba dhilifka gaalada

ali   asa

8:38am on Monday, August 2nd, 2010

Sahra aqliga kugu jiro hadi u dad badan ku jiri laha somalai waxba u qabsomilaha maxayelay dadka qaar waxa ay ku fikiran budland wa nabad konfur waxba nagama galin ama somalilan wa nabad tan hada waxey tusineysa dad badan in qaranki somalia an sinaba looga marmin shacabka budland ha iska qabtan khawarijta wa masibo sida loo daweyo wa adagtahay hadi cudurkas ku faafo melaha nabdoon wahabiyo faido maleh farole isna wa wahabi shacabka tas yeysan ka hoos bixin atom wa xulufadisa dhibkodana wa dhibaya hada wuxu isku dayaya in an mareykan duqeyn ana sifeynaya abeen ah iska qabto khawarijta somaliyey

sahra   Location unknown

8:04am on Monday, August 2nd, 2010

Asc wr insha allah waxa rumobi doonta rajada farole iyo rajada shacabka puntland ama somaliyed 90% gudaha iyo dibadaba ay ka qaban iska qabashada sunta somalia o ah diin ku qarabte qoraagu sidu hadalka u qurxiyayna wa waxjira iyo wax aan jirin mudug iyo galgudud wa labada gobol e ehelsuna ugu awooda badan yihin shacabkuna ay wada yihiin ehelusana tagero haday ku haystana wax ay ka sameyn karan malaha awoodna uma leh in ay dhaqdhaqaq yar xata sameyan meesha an ehelusana jogin wa bosaso wana sababta halkas ay u doorten inta kale gobalada puntland awood sas ah kuma laha kumana yelan doonan madama ay dhaqan u leyihiin fuleynimo iyo waji la duubto dagaal qarsodi ah marnaba ma dhacayso in ay dagaal waji waji ah la galaan faroole wa la oga ayagoo askar muruda gaadmo dagaal ah ku soo qaday ba laga raayay farolena hada inu san u diyaarsanayn iska dhafe waxa galgala joga dhowr askari o bosaso ka gurmadayba ka adkaday waba hada oo shacab iyo dowladba ka fijigan yihin medakale hadii u tagaro ka haysto besha u ka soo jedo e warsangali warsangali dad dagalama ma ahan wana kala qeybsantay awalna dad laga badanyahay bay ahayen oo harti mj iyo dhulbahanta ugu badan awalna ayago laga badna hadana ssc somaliland puntland kala racay tageridodu waxba tarimayso waxa kale oo xasusu mudan in ciidanka puntland aysan qabiil koban ahayn ee isku jiryihin dagaalkana waxa hogaminayo wa madaxweyne ku xigenka farole warku ku qeybsanyahay cabdi jen samad cali shire galgalu joga tah ah soo qoysona kk wa run somalia oo dhinac ka gubanaysa dhinac nabad ku jirimayo puntland haday xoog ku yeshana somaliland ba ku xigta waligay ma arkin dagal iyo nabad la'aan midna xabad qof ay ku dhacday xata saxafada igu horeysay waxa an inta uga digayo oo uga hadlaa shacabka dha
Dhibka ay ku hayan wa in aan somali waxba kala ahayn isku mid isku cadow kala marmina asc

sahra   Location unknown

8:03am on Monday, August 2nd, 2010

Asc wr insha allah waxa rumobi doonta rajada farole iyo rajada shacabka puntland ama somaliyed 90% gudaha iyo dibadaba ay ka qaban iska qabashada sunta somalia o ah diin ku qarabte qoraagu sidu hadalka u qurxiyayna wa waxjira iyo wax aan jirin mudug iyo galgudud wa labada gobol e ehelsuna ugu awooda badan yihin shacabkuna ay wada yihiin ehelusana tagero haday ku haystana wax ay ka sameyn karan malaha awoodna uma leh in ay dhaqdhaqaq yar xata sameyan meesha an ehelusana jogin wa bosaso wana sababta halkas ay u doorten inta kale gobalada puntland awood sas ah kuma laha kumana yelan doonan madama ay dhaqan u leyihiin fuleynimo iyo waji la duubto dagaal qarsodi ah marnaba ma dhacayso in ay dagaal waji waji ah la galaan faroole wa la oga ayagoo askar muruda gaadmo dagaal ah ku soo qaday ba laga raayay farolena hada inu san u diyaarsanayn iska dhafe waxa galgala joga dhowr askari o bosaso ka gurmadayba ka adkaday waba hada oo shacab iyo dowladba ka fijigan yihin medakale hadii u tagaro ka haysto besha u ka soo jedo e warsangali warsangali dad dagalama ma ahan wana kala qeybsantay awalna dad laga badanyahay bay ahayen oo harti mj iyo dhulbahanta ugu badan awalna ayago laga badna hadana ssc somaliland puntland kala racay tageridodu waxba tarimayso waxa kale oo xasusu mudan in ciidanka puntland aysan qabiil koban ahayn ee isku jiryihin dagaalkana waxa hogaminayo wa madaxweyne ku xigenka farole warku ku qeybsanyahay cabdi jen samad cali shire galgalu joga tah ah soo qoysona kk wa run somalia oo dhinac ka gubanaysa dhinac nabad ku jirimayo puntland haday xoog ku yeshana somaliland ba ku xigta waligay ma arkin dagal iyo nabad la'aan midna xabad qof ay ku dhacday xata saxafada igu horeysay waxa an inta uga digayo oo uga hadlaa shacabka dha
Dhibka ay ku hayan wa in aan somali waxba kala ahayn isku mid isku cadow kala marmina asc

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Siyaasaddii islaamku asaaska uga dhigay dowladda islaamka.
Riix Halkan

Qawaaniinta oo loo xukuntamo Ma la isku Gaaleysiin karaa?
Riix Halkan

Miisaanka sharcigu u dejiyay Gaaleysiinta iyo.....
Riix Halkan

Gaaleysiinta iyo Dhibaatada ay Islaamka Ku Heyso Markastaba.
Riix Halkan


Dhageyso Gabayo xul ah Abshir Bacadle Alle ha u naxariistee: Allaa Mahad Leh

Hubka Inaga Dhiga

Qabyaalada

Xadhig Xujo

Guurka

Qaadka

Shirib

Qudubi

Danta Guud

Gabayga



yaa Ka dambeeya Dilalka qorsheysan ee Muqdisho iyo Shirqoolada saxaafadda
Warbixin Xasaasi ah
Riix Halkan