GADIGGA MUCAARADKA.
Joqoraafi ahaan dhulka ay ka taliyaan Mucaaradka aan isku ujeedada ahayn, wuu ka baaxad weyn yahay dhinaca ay dowladdu joogto,
Waxaa si isku dhaf ah uga taliya Ururadda Alshabaab iyo Xisbul Islaam, oo midba amar soo saara, oo misana ka hirgaliya xoog iyo xeeladba.
Ururadan xiriir adag kama dhexeeyo, waxa kaliya oo ay isku waafaqsan yihiin na waa af-gambinta iyo rididda DKMG ah ee Muqdisho fariisinka u ah.
Mar kasta waxaa la filan karaa dagaal dhex mara labadan koox, kolka la eego hadaladda taagtaagan ee ay Warbaahinta isu marinayaan. Inta aan joogay Magaaladda waxaa xowli ku socday dilal qorsheysan oo ay kooxuhu isku ugaadhsanayaan tiiyoo dagaal weyn uu isla kooxahan ku dhex maray Goboladda Jubbooyinka ilaa hadana weli halkaas ka socdo
Dhanka kale waxaa muhiim ah in kolba dhan la iska taago waxa markaa laga hadlayo. Hadaba waxaa la iska indha tiri Karin Amniga iyo Nabadgalyada ka jirta dhulka iyo deegaanadda ay kooxaha mucaaradku maamulaan.
Dhacdooyinka amni-darada ah ee ka dhaca Degmooyinka ay joogaan Muacaaradku waa kuwo fara kutiris ah ama waxaa la oran karaa waa waxaan jirin aniga aragtideyda, maxaayeelay waxaan arkay guryo muddo 2 sano ka hor laga qaxay alaabtiina ay dhextaallo oo weli aan qaado laga qaadan cid waardiyeysana aysan jirin, sababtuna waxay tahay in ay gacan bir ah ku hayaan amniga oo hadii ay arkaan ruux ku kacaya waxyaabo amniga lid ku ah ama iyaga mashruucooda kasoo horjeeda waxaa la mariyaa ciqaab aad u adag, sidaa daraadeed dadku aad ayay uga baqayaan sax iyo qalad waxay sameyn lahaayeen ba.
In qof kastaa la marsiiyo abaalkiisa sifo uu amnigu usii jiro waa wax aad ammaan iyo bogaadin u leh, balse waxaa aad loogu dhaliilaa kooxahan dhulkan ka taliya in markasta ku amar ku taagleeyaan dadka oo misana ku kacaan arrimo aan waafaqsaneyn Shareecadda Islaamka sida:
Dadka oo sida xoolaha loo bireeyo, cabsi galin joogto ah, handadaad iyo caga-jugleyn iyo ciqaab aad u adag oo ay fulinayaan dhalinyaro aad u da’ yar tiiyoo aan loo aabbe yeelin nuuca ciqaabeed ee dambiilaha ku habboon, sidaa soo kale dhalinyaradda ciidanka u ah kooxahan dadka ayay jir dilaan ama ugu yaraan garaacaan iyagoo aan marsiin habka caddaaladda iyo maxkamadaha.
Tusaale ahaan maalin baan isa soo dul taagay laba wiil oo dhalin yaro ah oo ahaa Kirishbooyo ama Nacamleeye .. sida ay dadka qaar u yaqaaniin- waana wiilasha rara gawaaridda ukala gooshta inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. Waaxaa ciqaabayay dhalin yaro kale oo ciidamada ka tirsan, dambiga kaliya ee aadka loogu ciqaabayayna waa kaliya !
iyaga oo isku qabqabsaday dad rakaab ah.
Dadweynaha aad bey uga cawdaan kooxahan, waxaana ka mid ah in aad loo caburiyay dadka oo aysan dhaliili Karin ama wax ka sheegi Karin qaladaadka ay ku kacayaan dhalinta ciidanka u ah inay ammaanaan mooyee, taasoo si ugu eg habdhaqanka kali-talisnimadda. Nin baa maalin igu yidhi mar uu hadal iga soo baxsaday AFKAAGA GARIIR SAAR , kolkaan weydiiyay na wuxuu war iigu soo koobay sida mobile-ka ama telfoonadda gacanta gariirka (vibrating or silent) loo saaro afkaaga gariir u saar macnaha aamus oo afkaaga xidho haddaad rabto inaan magaaladan ku noolaato cidna afaarahooda ha galin. Intaan joogay Magaaladda gaar ahaan dhankan ay qolyahan mucaaradku ka taliyaan weli kuma arag laba qof ama koox dad ah oo intay meel isugu yimaadaan ka sheekeysta arrimo Siyaasadda iyo dagaaladda la xidhiidha ama ugu yaraan faaqidda wadciga uu Dalku marayo sababo cabsi iyo iyagoo ammaankooda u baqanaya xaaladduna waa “afkii baa juuq na gabay”.
Dhanka kale deegaanadan aan ka sheekeynayo waxaa aad ugu badan madaafiic tiro-beel ah oo ay soo hurgufayaan ciidamadda AMISOM, iyo ku DKMG ah, waana sababta kalliftay inay dadka aad uga barabaxaan oo ay geedaha hoostooda seexdaan ama ugu yaraan u cararaan dhanka dowlladda bacdamaa ay ka madfac yar tahay.
Sida dad badan ay isla qireen madaafiicda waxay aalaaba kusoo hoobtaan dhankan ay mucaaradku joogaan kolka kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay hoobiyeyaal ku tuuraan xarumaha ciidamadda AMISOM iyo kuwa dowladda.
Waxaaba sheeko caan ah noqotay in marka madfac qolooyinkan mucaaradku ay tuuraan jawaab degdeg ah ay kasoo bixiyaan ciidamadda Afrikaanka ah, taasoo ay dadku magacyo dhowr ah u yaqaanaan sida (flash iyo soo wicitaan) oo ay ka mataleen telfoonka gacanta.. Madaafiicdu waa kuwo isdaba joog ah oo baas usoo dhaca sida qoryaha darandooriga u dhaca oo kale, malahaygu ruux Bini’aadam ah ma ridee Barees Koronto ayaa ku xidhan oo lagu ridaa oo shan shan iyo toban toban ayay!
halmar usoo dhacaan ilbiriqsiyo gudahood. Xasuuqa ugu badan ba’anna wuxuu ku dhacaa suuqa Bakaaraha.
SUUQA BAKAARAHA
Suuqa Bakaaraha inta taqaan way taqaan intaan aqoonse waa Suuq aad u weyn oo halbowle u ah guud ahaan ganacsiga Soomaaliya gaar ahaan Magaaladda Muqdisho.Muddo aan sidaa usii fogayn Suuqu wuxuu ka koobnaa Baqaarro iyo Sandaqado Jiingado ka sameysan, wixii ka dambeeyay duullaankii Ciidamadda Xabashiddu ku qabsadeen Magaaladda Muqdisho, waxaa aad usoo batay dhismayaasha shubka adag kasameysan ee dabaqyada ah, taasoo ay dadku ku micneeyeen in madaafiicda looga gabbado ama ugu yaraan looga gaashaanto dabka aalaaba ka kaca Suuqa oo ay hanti badan ku gubato.
Suuqa Bakaaraha waa meesha kaliya ee ugu saxmadda badan illaa hadda Magaaladda Muqdisho, dadka ku ganacsada iyo kuwa usoo dukaameysi taga ba waxay isaga kala yimaadaan Magaaladda afarteeda gees. Suuqa maalmana howlihiisu si habsami leh ayay u socdaan halka maalmaha qaarna meydka iyo dhaawucu isdhex bilqan yahay madaafiicda culculus owgood oo dhagixii latuuraa qof ayuu ku dhacaa.
Suuqan waa xarunta ay ka biyo cabbaan Ururadda Dowladda kasoo horjeeda tiiyoo ay taal hanti badan oo ay soomali leedahay.
Dhan marka laga eego Suuqu waa meelaha ugu dhismaha badan misana ugu dhaqdhaqaaqa badan, waa Suuq soo dhaweeya Dadka dan-yarta ah, waa Suuq ay taal hantida ugu badan Dalka Soomaaliya.
Dhanka kale waa Suuq musuqmaasuq badan waxaana ku yaal Xarumo waaweyn oo lagu sameeyo waxyaabaha la been abuuro waxaana loo yaqaan C/dalla Shiddeeye. Sidaasoo kale waxaa laga heli karaa oo lagu iibiyaa Hubka nuucyadiisa kala gaddisan. Suuqu wuxuu kaabigga ku hayaa aagga uu dagaalka ka holcayo sidaasoo ay tahay hadana Dadka ku ganacsada kuma ba jirto wax cabsi ah ama walwal ah oo howlahooda ayay iska wataan, qaarkoodna kamaba war hayaan waxa ka dhacaya dhanka kale ee Suuqa haddii Dad iyo Duunyo ku rogmadaan, marka uu madfac ku soo dhaco Dadka waxay ku dhuuntaan guryaha shubka ka sameysan oo wax xoogaa dhaama meelaha kale, kana qasaaro yar. Xaafadaha ay Dadka Shacabku daganaayeen iyo inta badan goobaha ganacsiga ee ku yaal dhankan ay joogaan Mucaaradku waa kuwo burbursan, Guri ma jiro illaa rasaas ayaa ku taal, maxaayeelay tan iyo waagii Xabashidu Dalka soo galeen madaafiicdii ku billaabatay ayaa ilaa hadda ku socta.
Xaafadihii Dadku ku badnaan jiray manta waa cidlo, iska daa Dade Duunyo kuma dhaqna waa Howd waxaana aad ugu badan Geedka Cali-garoobka looyaqaan Dadka qaarna u yaqaanaan Geed-yuhuud iyo Boocbooc ayaa sidii keyn lama galaan ah uga baxay oo meelaha kan ayaa Dad ku noolaan jireen kugu soo dhici mayso
WARBAAHINTA MUQDISHO.
Warbaahinta qaybaheeda kala duwan sida Wargeysyadda, Idaacadaha,Televishinadda iyo qaybaha internetka dhammaan waa kuwo ka howl gala Magaaladda haba ukala dambeeyaane.
Warbaahinta xorta ah gaar ahaan Idaacadaha gaarka looleeyahay ee Madaxa-bannaan ayaa sanadkii 1999 wixii ka dambeeyay ahaa kuwo ka hanaqaaday Dalka guud ahaantiisa siiba Magaaladda Muqdisho, Xilligaa wixii ka dambeeyay waxay ahaayeen kuwo xowli ku kobcaya maalin ba maalinta ka dambeysa, misana uu tartan ka dhexeeyo. Xilligan Idaacadaha FM-ka ah ee ka howl-gala Magaaladda Muqdisho oo kaliya waxay tira ahaan sii cagacageynayaan 15 Idaacadood, dhamaan na waa kuwo gaar loo leeyahay marka laga reebo Radiyihii Qaranka oo ay Dowladdu maamusho hadda. Waxay ka soo wada galaan muujado is barbar yaal oo garbo siman ah, waxayna kala yihiin magacyadooda: Raadiyaha iyo Televishinka Hornafrik, Radio Banaadir, Raadiyaha iyo Televishinka Shabeelle, Idaacadda Quraanka Kariimka, Radio Soomaaliweyn, Radio Simbba, Radio Danan!
Radio Xamar, Raadiyaha iyo Televishinka GBC, Radio Muqdisho, Radio Capital Voice, Radio Xurmo, Radio Alfurqaan Iyo Radio Bar-Kulan (waa radio uu UN-ku maalgaliyay).Tira badnidaas tayo xumo ayaa u wehlisa.Barnaamijyadda ka baxa Idaacadahan waa kuwo aan ku salaysneyn ujeedooyinkii kolkii hore laga rabay inay xaqiijiyaan oo ahayd inay dadka waxbaraan oo ay ku hanuuniyaan wanaagga, Nabadda iyo Horumarka ka shaqeeyaan , iyo inay xog iyo macluumaad xaqiiqda ku salaysan siiyaan dhageystayaashooda iyo inay Umadda ku Madadaaliso Barnaamijyo waxtar uleh shacabka caruur iyo ciroolaba oo misana ku saleysan Qiyamka iyo Akhlaaqdda
Umadda Soomaaliyeed iyo ugu dambeyn inay ilaaliyaan Dhaqanka, Diinta iyo Qaranimadda Soomaaliyeed . Balse Idaacaduhu maaha kuwo utaagan waxyaabahaas aan kasoo sheekeynay, sababtuna waxay tahay Dadka ka shaqeeya oo aan aqoon fiican u lahayn Wariyanimada iyo Milkiilayaasha iska leh Idaacadaha oo mid kastaa dano gaar ah fulinaya bacdamaa ay Idaacaduhu u ba!
danyihiin Idaacado Ganacsi. Waxaa inataas u sii dheer maaha ku!
wo Umadax-banaan sameynta Barnaamijyadda iyo Wararka Xaqiiqda ku salaysan oo aysan sheegi Karin, taa cagsigeed waxaa loo yeedhiyaa Wararka ka turjumaya danaha Kooxaha Siyaasadda Dalka isku haya, Kooxdii iska weysana durbaba waxay ciqaab adag oo dil iyo handadaad bal eh isugu daraan Idaacaddii ka madax-adaygta awaamiirta Kooxda.
Guud ahaan Warbaahinta iyo Suxufiyiinta ka howl-gala Magaalada Muqdisho ma ahan kuwo xor u ah howlahooda iyo Mihnadahooda Warbaahineed. Runtii ciqaab aad u kulul ayaa la marsiiyay illaa hadana lagama dayn cagajugleyntii iyo handadaaddii waana sababta keentay in inbadan oo Wariyayaal ah Dalka isaga barabaxaan kuwa ku haray Dalka na ay sandullo ku shaqeeyaan sifo ay u badbaadaan.
Markasta waxaa lagu qasbaa inay tabiyaan Warar aan Xaqiiq ahayn oo Borobagaando u ah Shaqsiyaad ama Kooxo, haddaysan sidaa yeelinna waa Dil ama ugu yaraan waxaa lagala wareegayaa qalabka ay ku shaqeynayaan gabi ahaantiis.
Waxaa xusid mudan mar aan u kuur-galay sida ay Idaaacaduhu barnaamijyadda u tabiyaan in dhammaantood si isku mid ah oo joogto ah u tabiyaan shiiqa Caanka ah ee Soomaaliyeed fadhigiisuna yahay Magaaladda Hargeysa waa Shiikh Mustafa X. Ismaaciil Haaruun. Baaritaan gaaban oo aan arintan ku sameeyay na waxaan ku ogaaday in arintan ah in Shiikha Idaacaduhu xushaan ka wadaad ahaan isla markaana uu noqdo Shiikha kaliya ee ay casharadiisu sida joogtada ah ugan baxaan Idaacadaha Muqdisho inay tahay Rabitaanka Shacabka.
Shiikhu waa Shiikh dadka wax ugu sheega si cilmi iyo caqli saliim ah ku qotoma oo inta badan dhiraandhirin iyo ka dhaadhicin ay xikmad ku jirto oo misana ay ka muuqato Miyir, Daganaan, Dulqaad iyo Dhimrin aan Caadifad lahayn Dadka u wacdiya una wacyi-galiya, mahadi haka gaadhee Shiikh Mustafe miisankiisana Alaha ugu daro.
Wadaadadii kale waxay noqdeen kuwo la kala safta kooxaha Siyaasadda Dalka isku haya: “Maxay ka nuugtaa muxuuse ka nuuggaa” maxay Dad wacdiyaan maxayse Dad wax u sheegaan iyagiibaa manta faraqa isku dhaggan oo wax u sheeg u baahan maanta !!!......... Soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa Haday qeylo yeedho masaajidkaa loo cararaa, Haday qeyladdii masaajidka ka yeedhana meel loo cararo ma leh……….
Ugu dambeyntii waxaa Warbaahinta Muqdisho lagu eedeeyaa inay iyagu mas’uul ka yihiin oo ay buunbuuniyeen Shaqsiyaad iyo Kooxo kolkii hore uusan Shacabku garanayn , isla markaana jecel inay dagaaladda markasta ka sheekeeyaan halkii ay Dadka Nabadda u horseedi lahaayeen.
WAXBARASHADDA.
(Iskuuladda iyo Jaamacadaha)
Dabayaaqadii sagaashanaadkii ayaa Akhyaar badan oo Ganacsato iyo Aqoon-yahan ba Leh isugu tageen, oo isku kaashteen sidii ay dib ugu soo noolayn lahaayeen burburkii weynaa ee si guud ugu dhacay Waxbarashadii Dalka oo leh Iskuul,Jjaamacad iyo dhammaan adeegyadii aasaasiga uhaa Tacliinta. Nasiib-wanaag raggan Aqoon-yahanka ah oo isxilqaamay ayaa wax badan qabtay oo runtii lataaban karo, rajadii ahayn in wax labarto ayay dib boodhka uga jafeen, Ubixii Dalka ayay Mustaqbal u ifiyeen, misana dhiiri galiyeen, waxay abuureen Goobo Waxbarasho oo Hor leh min D/hoose illaa heer Jamacadeed haba ukala gadisnaadeen Manaahijta iyo luqadaha wax lagu barto taasoo Jaha-wareer iyo dhibkeeda leh.
Runtii dagaaladan ugu dambeeyay ee Muqdisho ka holcaya ka hor Magaaladu waxay la ciirciiraysay saxmadda Ardaydda, waxayna aad ugu dhex dhalaalayay middabadda kala duwan ee dharka Ardaydu xidhaan. Nasiib xumo waxaas oo dhan oo wanaag ah lama xushmeyn, qiimihii iyo qaddarintii ay mudnaayeen na lama siin, waxaa ku dhacay hooggii ku dhacay Shacabka Soomaaliyeed guud ahaantiis. Inta badan Iskuulladii iyo Goobihii Waxbarashada way burbureen , waa burburkoodii labaad tan iyo burburkii Dowladdii Soomaaliya. Ardayda iyo Macalimiinta ba saameyn weyn ayuu ku yeesheen Dagaaladan nasiib-darrada ah ee Dalka ka socda. Dilka, Dhaawaca, Barakaca, Qaraxyada, Burburka iyo Meehanowga ba intaba way isugu darmeen.
Bahda Waxbarashada bacdamaa ay ka mid yihiin bulshada inta soo hartay waa kuwo garab ku rarato ah oo hadba meeshii nabad ah kaddaga Magaaladda am ula qaxa Dadweynaha meeshay ubadkooda ula qaxaan.
CAAFIMAADKA IYO CUSBITAALADDA.
Sidaa soo kale Magaaladda malaha Cusbitaallo waa weyn oo ay u dhameystiran yihiin dhammaan agabkii iyo qalabkii caafimaad oo dabooli lahaa baahidda caafimaad haba ugu darnaadeen dhaawaca xad dhaafka ah iyo dhiig-baxa Shacabka Soomaaliyeed.
Cusbitaalladii laga dhaxlay Dowladdii Kacaanka waxaa weli ka nool oo ka dhaqdhaqaaqa labada Cusbitaal ee Madiina Iyo Keysaney, iyaguna waa kuwo aan haqabtiri Karin dhaawaca isdulsaaran oo mar ba marka ka dambeysa iska soo daba dhacaya.
Waxaa intaas kasii daran oo aan la tacajibay dadka dhimirka beelay oo maskaxdu isku dhexyaacday, kuna wareeray dagaaladan aan kala joogsiga lahayn ee maalin ba maalinta ka dambeysa kasii daraya. Tiro aan yareyn asse aan anigu xisaabin ayaa ku waashay dagaaladda kuna miyir-gaddoomay aafadda socota. Inta badan dadku waxay ku hal-qabsadaan ama u sameysteen eray-bixin cusub sida: Hebel qadkaa ka maqan, Hebel waa Offline, Dibaddaa u furan iyo kalmado kale oo kuwaa la mid ah.
Mar aan booqday Cusbitaalka Madiina oo ah kan ugu dhaqdhaqaaqa roon Magaaladda ayaa waxaan kula kulmay diif iyo darxumo weyn oo haysatay Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan oo si weyn loogu gumaaday Magaaladda Muqdisho.
Dhiigga iyo dheecaanka Cusbitaalka dhexyaal waa wax lagu yaqyaqsado, hadana waxaan kuu oggolaanayn damiirkaaga Soomaalinnimo,Islaanimo iyo mid kaaga Bini’aadannima ba inaad ku labalabbooto darxumadda meesha taal. Dhanka kale Magaaladda waxaa si shul iyo shal ah uga dhex shaqeeya Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah (Ambulance) oo ay ku tabaruceen hantiley Soomaaliyeed. Iyagoo aad u tira yar ayay u kala gooshaan dhaawaca iyo meydkana kasoo daadgureeyaan guud ahaan Magaaladda Muqdisho, Inkastoo aan la xushmeyn, shacabkuna dariiqyada ku cidhiidhiyaan dhinacyada hubeysanna ay rasaas la dhacaan in badan oo raggan ka mid ahna ay waxyeelo kasoo gaadhay amaba ku dhinteen.
DADKA BARAKACAY.
Kadid duullaankii Xabashidu ku qabsadeen Magaaladda Caasimadda ah Ee Muqdisho waxaa barakacay sadex dalool laba dalool (2/3) Dadkii ku noolaa Magaaladda. Inta ku hartay Magaalada na waxay isugu jiraan kuwo dantu bidday inay dhex joogaan qaska iyo qalalaasaha islamarkaana aan haysan qarash ay ku qaxaan, iyo kuwo ka door biday dhilqaha, kutkudaha iyo kutaanta kabuuxda xerooyinka iyo deegaanada loo barabaxay inay ku nasiibsadaan madaafiicda la isku asqeynayo. Magaaladda Dadku way cidleeyeen, waxaad na mooddaa kolka aad dhex socoto howd lama galaan ah meelaha qaarkood, illeen Dadka ayaa cammira nolosha.
Dadku waxay daadsanyihiin inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana abuurmay deeggaanno hor leh oo cusub isuguna tageen dadkii dan-yarta ahaa iyo kuwii wax haystay ba. Kuwo buushash cooshado ka sameysay iyo geedaha hoostoooda ayaa Hooy u ah halka dadka ladan ama uu jeebkoodu buudhan yahay ay dhisteen Guryo Villooyin ah. Waxaad na ka garan kartaa sida loo kala daggan yahay. Sidaa soo kale waxay abuurteen Suuqyo ganacsi oo runtii ay aad u cammirteen, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha, oo aad mooddo kolka aad dhex lugaynayso inaad joogto Suuqa Bakaaraha.
Dhinaca kale Dadka dan-yarta ah waxay isdulsaaran yihiin buushash cooshado ah oo baakado iyo callalo la isku xidhxidhay ka sameysan, Inbadan oo kamid ah na waa bannaan-yaal aan xittaa haysan buush ay cadceedda, boodhka, iyo qabowga kaga gabbadaan. Dadku waxay ku firirsanyihiin hareeraha Magaaladda Muqdisho sida: Garasbaaley,Siinka-dheer, Tareedishe (13km), Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi, Calamadda, Lafoole illaa Degmadda Afgooye. Dhammaan deegaanadan waxay Muqdisho kaga beegan yihiin jihada Koonfureed. Sidaa soo kale waxaa jira Dad iyana daadsan Jihadda Waqooyi oo iyaguna Cadceedda Marti u ah ILAAHAY oo kaliya ayaa u maqan cid kale oo daryeesha ama ugu yaraan ka naxda waxa ay Dadkan ku suganyihiin ma jirto, iska badaa in wax la taree dagaalka ayaa looga daba geeyaa meelaha iyo xeryaha ay qoxootiga ku yihiin.
Silaca iyo saxariirta taal meesha wax laga sheekeyn karo maaha, waa wax aad u xanuun badan ruuxii damiir bini’aadannimo uu ku dambeeyana waa wax uu aad ula murugoodo aadna uu uga qiiroodo diifta iyo dar-xumadda meesha taal.
XAALADDA BINI’AADANNIMO.
Dadku waa Dad dan-yar u badan islamarkaana Caruur ,Waayeel iyo Dumar ubadan, mana heli karaan waxay naftooda iyo Caruurtooda ku quudiyaan iskabadaa Hu’ iyo Hooy iyo meel ay kaga gabbadaan kuleylka qoraxdda. Qaarkood maalmo ayay qatanaadaan, Biyihii nolosha aas’aasiga u haa na ma helaan hadday helaanna waa wax yar oo aan ku filnayn baahidooda maalmeed, maxaayeelay intii badnayd waa la joojiyay Hay’adihii ku magacsheegan jiray ugu yaraan inay quudiyaan amaba haraad bixiyaan sababo ammaan. Sida intiina badan aad la socotaan waxaa la joojiyay Hay’adihii Gargaarka oo ay ku jirto Hay’adda WFP ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan raashin qeybinta, Si kasta oo wax looga sheego ama dhaliil kasta oo ay leeyihiin Hay’adaha Dad badan ayaa ku tiirsanaa oo ay wax un siin jireen.
Marka aad Kaamamka dhex marayso waxay indhahaagu qabanayaan Dad dhulka yaal oo aad moodo inay nolosha ka quusteen, qarkood Gaajo ayay sara-joogsigii la gabeen oo Macluun iyo Nafaqa-xumo ayaa ka muuqata, Halka qaarka kalana ay la daalaa dhacayaan Cudurro kala duwan haba ugu badnaadee Shuban Biyoodka ama Daacuunka bacdamaa xilligii kulaylaha lagu jiro, sidaa soo kale waxaa aad ugu badan Dadka Cudurrada Maqaarka ku dhaca waxaana sababta ugu weyn ay tahay dadkoo aad
ugu badan Kaamamka iyo Nadaafaddoo aad ugu yar.
Qoysas badan ayaa dantu waxay bidday inay Caruurtooda u diraan Magaaladda si ay ugu soo qaraabaan Xalaal iyo Xaaraan waxay soo helaan maadaama ay Gaajo hayso, kolkaasaa dhalinyarro aad u Da’ yar ku biiraan Kooxaha kala duwan ee Dalka ku dagaalamaya, Qaar way ku dhintaan kuwana lixdooda lixaad ayay ku waayaan oo way ku naafoobaan dagaaladda halka qaarka kalana Raq Iyo Ruuxdooda ayaa la waayaa. Isku soo duuboo Dadka waxaa isugu darmay Macluul,Gaajo, Oon iyo Harraad aan la qiyaasi Karin oo waxay arintu joogtaa halkii la odhan jiray “ Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna”
GABAGABO.
Waxaan jeclaan lahaa inaan kusoo gabagabeeyo qormadaydan dhowr arrimood oo isa sudhan : Waa midda koowaade in Dalkii iyo Dadkii ay ku halaagsameen Dagaaladan naxariisdarrada ah ee aan loogu aabba-yeelayn Shacabka marrasta iyo maatidda u badan. Qodobka labaad na wuxuu yahay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Muqdisho marnaba aysan raali ka ahayn rabinna Kooxahan kala jaadka ah hadana kala ujeeddada ah ee ku hardamaya Xukunka Dalka, waxayna sheeko ka joogtaa “ Hashii Ninkii Gurranaa Uu Raacay Dhinacna Uma Fiyooba” iyo sheeko kale oo ahayd “ Hadda ka hor ayaa nin Geel fara badan lahaa, kolkaasaa maalin Geelii intuu diday ayuu ninkii lahaa ku tuntay, intaa ka dib ayaa rag kale oo ay ninka Geela leh Qaraabo yihiin weydiiyeen Geelu wuuba kugu tuntaye Hashii kuugu darneyd, kolkaasuu ku jawaabay Miyayba ku jirtay hal aanan dhihin “Majabtey ahayd” calashaan iima kala roonayn” sidaa si la mid ah dhammaan kooxanan maanta Siyaasadda isku haysta ma jirto !
mid aan Shacabka dhibaateyn. Runtuna waxay tahay in kooxahan Magacyada kala duwan leh ay yihiin dhamaan anoon kala reebin Dowlad walaa Mucaarad “Lahaystayaal is haysta oo hadana Dadka haysta”
WQ: Sayyidcali Xuseen Gaabane
From: Sayyidcali Xuseen Gaabane (Gaabane99@hotmail.com)