Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links

Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
somalireal
Xogsheeg
 
Sh Maxamuud Shibile oo ka soo horjeestay Dagaalka lagula jiro Kooxdiisa Xisbul islaam ee ka socda Jubbooyinka islamarkaana taageeray dagaalada ka socda Muqdisho iyo Gobolada Dhexe! (Warbixin Xasaasi ah Q-1aad) Posted to the Web Mar 08, 11:20


Sh Maxamuud Maxamed Shibile oo kamid ah Culumada Soomaaliyeed ee ku abtirsata Ururka Al-Ictisaam iyo Xisbul islaam ayaa si cad uga soo horjeestay Dagaalka ay Shabaabku kula jiraan Xisbul islaam ee ka socda Gobolada Jubbooyinka.


Sh Shibile ayaa waligiis ka soo horjeesan Dagaaladii ay Xisbul islaam iyo Shabaabku sida wadajirka ah ugula jireen Soomaalida kale balse furka tuurtay markii xabadu ku soo jeesatay Kooxda Xisbul islaam oo ah koox hoostagta Al-Ictisaam islamarkaan ah Ururkii horay usoo xasuuqay soomaalida ee lagu magacaabi jiray Al-Itixaad.


Sheekha ayaa baryahan Muxaadarooyin Musalsal ah ka wada Masaajidka Al-Hidaaya ee uu Imaamka ka yahay kuna yaala Magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya.


Sh Shibile ayaa Muxaadarooyinkaas ku sheegay arrimo ay Cimaamadu uga dhacday oo aan waji ku laheyn Diinta Islaamka iyo Caqliga Fayow balse la oran karo waa arrimo ku dhisan kooxeysi iyo Caadifad Qabiil islamarkaana ka fog Asluubka lagu yaqaano Culumada Nadiifka ah.


Arrimahaas ay cimaamadu uga dhacday ayaa qaar kamid ah qodob-qodob u xuseynaa anagoo raacineyna tacliiq kooban.


1-Sh Shibile ayaa fitno ku tilmaamay Dagaalka ay Shabaabku kula jiraan kooxdiisa Xisbul islaam ee ka socda Jubbooyinka.


Sheekha ayaa horay looga heyn meel uu fitno kaga tilmaamay dagaalada lagula jiro Dowlada Soomaaliyeed iyo kuwa lagula jiro Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka socda Gobolada Dhexe wuxuuse xanuunsaday markii ay dhibaatadu soo gaartay kooxdiisa iyo dhulka ay tolkiisu degaan asagoo ka baqay in dabkaas uu soo gaari karo dhulka Kenya oo ah meel kale oo tolkiisa iyo asaguba degan yihiin.


Hadii Sheekhu daacad yahay muxuu ugu ekaan waayay in uu fitno ku tilmaamo dhamaan dagaalada ka socda Soomaaliya! Maxaase fitnada uu sheegayo keenay marka ay arrintu ku soo qaloocatay Xisbul islaam iyo tolkiisa hadii uusan sheekhu laftigiisu aheyn mid fitneysan!


2-Sh Shibile oo qiil u raadsanaya dagaalka lagula jiro Dowlada Sh Shariif oo ay Culumo badan horay ugu tilmaameen Dowlad islaami ah ayaa sheegay in Dagaalka lagula jiro Amisom uu sax yahay, ogow in ninka Amisom la dagaalamaya uu dagaal kula jiro Dowlada Soomaaliyeed ee xubnaheeda oo dhan ay Muslimiinta yihiin.


Sh Shibile oo mooday in laga caqli iyo cilmi liito oo aan la fahmeyn hagardaamadiisa ayaa isla qodobkaas Amisom raaciyay in aysan qurxooneyn Madaafiicda ay kooxaha islaamiyiintu ka dhex tuurayaan shacabka.


Dagaalka lagula jiro Amisom waa sax iyo Madaafiic yaan laga dhex tuurin shacabka sidee isku keensan kartaa sow Amisom iyo islaamiyiintuba ma dhex degana shacabka!


Anagoo qodobkan ku dheeraaneyna ayaa soo qaadaneynaa Mawaaqifta Culumada Soomaaliyeed ee la tirsado iyo Tusaalayaal khuseeya Sh Shibile.


Marka hore Culumada Soomaaliyeed ee qiimiga leh ayaa u dhaxeeya qeyb waxa soomaaliya ka socda oo dhan ku tilmaamtay Fitno hala-gula jiro Amisom ama Soomaali kale iyo qeyb si cad u taageertay Dowlada Sh Shariif sida labada Caalim ee waaweyn Sh Shariif Cabdinuur iyo Sh Cumar Faaruuq islamarkaana ay khawaarij ama buqqaat ay noqonayaan cid walba oo ku kacda Dowladaas islaamiga ah.


Waxaa kale oo ogsoonahay in Culumadii Musaalaxada ay ku dhici kari waayeen in dagaal sax ah lagu tilmaamo kan Amisom ayna fatwoodeen in saarida ciidamadaas shisheeye aan loo mari karin wado dhibaato u keeneysa shacabka ayadoo lagu saari karo wado fudud sida heshiis iyo is-afgarad kale.


Hadaba Sh Shibile iyo rag kale oo culumo ku sheeg ah ayaa dadweynaha ku marin habaabiya in marba hadii dagaalku ku wajahan yahay gaalo uu saxsan yahay taasoo ah marin habaabin cad oo la marsiin karo dadka ay hooseeso garashadooda diinta iyo caqligaba.


Dagaalka Gaalada lagula jiro ayaa fitno noqonaya hadii aan loo marin jidkii saxda ahaa iyo shuruudihii jihaadka islamarkaana aan la isku fiirin dhibka ka imaanaya iyo faaidada ku jirta iyo in jihaadka yahay jidka ugu dambeeya ee la maro marka ay wado kasta oo xal ah soo xiranto iyo in jihaadkaas ay furaha u hayaan ama ay fatwoodaan dadka talada leh sida Culumada iyo Madaxda.


Soomaali kasta oo caqli leh ha isweydiiyo faaidada ka timid dagaalka lala galay Amisom ama madaafiicda lagu tuuray, jawaabtu waa Amisom lama saarin, shacabkiina waa halaagsamay, diintiina kor looma qaadin in dadkeeda la sii duleysto maahee, hadaba miyey jirtaa Masaalix la taaban karo oo ka dhalatay dagaalka Amisom, waa maya hadii aan sida Shibile la is indha tireyn.


Dhowr tusaale ayaa raacineynaa oo si gaar ah u khuseeya Sh Shibile islamarkaana muujinaya in uu lafcad toobin ku hayo oo uu ka been sheegayo ama dano kale ka leeyahay dagaalka Amisom ee uu ku tilmaamay mid sax ah.


Tusaalaha Koowaad. 


Sh Shibile Muxuu ugu baaqi waayay in dagaal lala galo Dowlada gaalada ah ee Holland ee uu maganta u ahaan jiray, hadii aan niraahno awood uma uusan laheyn ama maslaxad kuma jirin in dowlada Holland lala dagaalamo maxaa diidaya in dagaalka Amisom aan awood loo laheyn ama maslaxad aysan ku jirin!


Tusaalaha Labaad.


Sh Shibile waxa uu har iyo habeen ku baaqaa in nabad lagula noolaado Dowlada Gaalada ah ee Kenya oo aan guluf colaadeed laga kicin wadankaas uu ku nool yahay oo uu ku leeyahay ganacsiga baaxada leh.


Waxaa rabnaa Diiinta iyo Caqliga ogolaaneysa in Dowlada Kuffaarta ah ee Kenya lagula noolaado nabad oo aan lagu jihaadin islamarkaana ogolaaneysa in Amisom lagu jihaado!


Hadii aan xujo ka dhigano in Amisom heysato Laba KM oo kamid ah Muqdisho miyeysan Kenya heysan Gobolo baaxad leh oo ka tirsan Dhulka soomaalida! haatana ku darsatay Baddii Soomaaliyeed.


Kee baa mudan in Kenya loo dhaafo Goboladaas ay heysato iyo in Amisom loo dhaafo laba KM oo kamid ah Muqdisho.


Sh Shibile wuxuu bilowgiisii wax ku soo bartay Gobolada Kenya ka heysato Soomaalida oo aan ognahay in uusan ka jirin nidaam islaami ah sidoo kale wuxuu haatan ku nool yahay Nairobi oo ah halka gaaladu ka soo abaabusho dhibaatada soomaaliya + Dekada Mombasa ayaa ah halka laga soo daldalo saanada Milatari ee Amisom, saas oo ay tahay Sh Shibile ma ogola umana soo jeedo in Kenyada kuffaarta ah oo sidaas ah in lagu jihaado oo lala dagaalamo!


Sidoo kale hadii aan niraahno Dowlada Kenya waxaa ku jira ashkhaas muslimiin ah, ayey Amisomna ku jiraan askar Muslimiin ah oo waliba la arkay ayagoo tukanaya.


Sh Shibiloow waxaan ku leenahay marka hore dagaalka saxda ah ee aad sheegeyso ka soo bilow Nairobi kadibna soo xoree dhulka iyo Badda ay Kenya naga heysato, markaas ayaa ka wada hadli doonaa in uu sax sanyahay kan lagula jiro Amisom ama warkaagu waji yeelan karaa.


Waxaa kale oo xusid mudan in Sh Shibile dhowr bilood ka hor mar uu Muxaadaro dhanka taleefanka ah ka jeedinayay Masaajidka Abuubakar Al-Sadiiq ee ku yaala Maryekanka uu ugu baaqay soomaalida Mareykanka in ay nabad iyo wada noolaansho fiican ka muujiyaan dhulka Mareykanka ee ay ku nool yihiin, hadaba waxaa la oran karaa in Sh Shibile uusan ogoleyn rabsho laga kiciyo dhulka Mareykanka oo ah meesha aababaha u ah dhibaatada aduunka hadana uusan ogoleyn in nabad lagula noolaado Amisomta joogta Muqdisho.


Warka Sh Shibile ayaa ah mid aan loo helayn waji sax ah marka laga reebo dano qabiil iyo kuwa kaleba sababtoo ah Gaalada uu Masaalixdiisa ku qabo waa mamnuuc in lala dagaalamo halka uu Maslaxad u arkay dagaalka ay shacabka Muqdisho ku xasuuqmeen oo lagula jiro Amisom kana soo horjeestay dagaalka ay Shabaabku kula jiraan tolkiisa iyo Xisbul islaam.


Waxaa farxad ah in Soomaali badan ay maanta fahmeen dhagarta iyo hagardaamada ay wadaan wadaadada isku heybta ah ee furka tuurtay markii dharbaaxadu ku dhacday Xisbul islaam, waxaa horay furka u tuurtay oo cimaamadu ay ka dhacday wadaadka ay saaxiibka yihiin ee Imaamka ka ah Masjidka Abuubakar Al-Sadiiq ee ku yaala Xaafada islii ee 6th street.


La soco qeybta labaad ee qoraalkan, waxaa dib ka raacin doonaa dhowr qodob oo kale oo ku jiray Muxaadarooyinka Sh Shibile.


Akhriso qoraal ku aadan Culumada Taageerta Nabada Kenya islamarkaana hurisa Colaada Soomaaliya.


Sidaas ayaan ku soo xireynaa qeybta koowaad ee Qoraalka anagoo sida ugu dhaqsiyaha badan soo raacin doona qeybta labaad oo ay ku jiraan arrimo kale oo muhiim ah.

72 Comment(s)

jaamac   neirobi

3:03am on Thursday, August 19th, 2010

assalamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu
walaalayaal Umal qadka ayuu ka baxay shibilina ka daran shabakadii buush ayey ku dhaceen marka waxaa lanaga doonayaa inaan ku jihaadno dilno insha'allaah waxaan rajaynayaa inaan anigu gacanteyda ku dilo murtadiinta cusub

UMUL KHAYR   YURUB

2:16pm on Sunday, March 14th, 2010

WALAALAYAAL ILAAHAY KAYAABA OO XASUUSTA MAALINTA QIYAAMAHA IN QOF WALBA LOO QANAYO WIXII U AFKIISA KA SHEEGAY. YAY IDIN QAADIN XAMAASAD QABIIL OO XASUUSNAADA IN UU QABRIGA KULAGALEYN QABIILKAAGA WALAALAY IN UU KAA CAAWINEYEY XITAA LAXDA QURA EE ILAAHAY KA BAQA OO NINKAAN YUU IDIN FIDNEYN.

amina   sweden

2:15pm on Sunday, March 14th, 2010

WALAALAYAAL ILAAHAY KAYAABA OO XASUUSTA MAALINTA QIYAAMAHA IN QOF WALBA LOO QANAYO WIXII U AFKIISA KA SHEEGAY. YAY IDIN QAADIN XAMAASAD QABIIL OO XASUUSNAADA IN UU QABRIGA KULAGALEYN QABIILKAAGA WALAALAY IN UU KAA CAAWINEYEY XITAA LAXDA QURA EE ILAAHAY KA BAQA OO NINKAAN YUU IDIN FIDNEYN.

XAATIRIYE   UK

10:37pm on Saturday, March 13th, 2010

ASC WR WBR ANIGA WAXAAN LA YAABANAHAY DADKIINAAN NINKAAN DAAHIR CALASOW LAYIRAAHDO WAA NIN AAN XISHOOD AQOON . NIN AAN XALAAL KU DHALANNA MAXISHOODO MAGACA UU WATANA WAA BUG WAXUUNA SHEEGTAA INUU YAHAY SACAD WAXAADNA ARKAYSAAN ISAGOO CAYNAAYO XATAA HABAR GIDIRTA KALE AFAR IYOLABAATANKA SAAC WAXUU KA HADLAA GALMUDUG, CAYDIID, CUSMAAN CAATO, OO LAWADA OGYAHAY DHIBAATADA AY GEYSTEEN QOF UU DHAAFAAYANA MAJIRTO WAXAANA IDIN LEEYAHAY HA KU DAALININA XAARAAMIGAAS CULUMADA CAYHAAYO OGAADANA MAR WALBAA QABIIL INUU KU CAAYO WEBKA WAAGACUSUB LAYIRAAHDO IYO WEB SAYDYO KALE INUU LEEYAHAY .

sugal   sweden

6:51pm on Saturday, March 13th, 2010

waa tuug qabyalista ah shibille waxba diin yu ku soo ganban waa nin ku raxeysa dhiga shacabka muqdisho.

samawade   Anonymous

5:00am on Saturday, March 13th, 2010

Xanah, inan kulacaytamo sharafteydaa kaweyn, gabadh soomaaliyeed oo khawaarijta wahaabiyada ah eey caqiidadii wanaagsanayd kamarinhabaabiyeen baad tahay. haddaan horta wahaabiyo iyo shabaab xugum diini ah weydiiyo anigaaba diinta meel ooga dhacaye walaal waxaan ilaah kaaga maciino caqiidada wahaabiyada khawaarijta ah. Waxaan anugu kufaanayaa oo igufilan caqiidadii soojireenka ahayd ee 1500 oo sano eynu heysannay. seddexda towxiid ee wahaabiyadu dadka baraanna waxaan leeyahay Allahummanajinaa iyo deyran!! Haddaad culimo wanaagsan dooneyso weyjoogaan iyagoo kummannaan ah oo aanan ahayn macalimiinta shabaab sheydaan.

xannah   deer

12:25am on Saturday, March 13th, 2010

Assalaamu calaykum

Samawade matihide sharwade ayaad tahay. Waxaa dhici karta in islaantii dalqooyinkeedii kaa dhamaadeen oy culimada kudheheen raali ahow. Xaasidnimo ayaa kee keentay ee siday Kaaha tiri ayaan leeyahay Allaha kugu mashquuliyo balaayo aad ku ilowdo cayda culimada adiga iyo kan maqaalka qorayba

samawade   Anonymous

11:57pm on Friday, March 12th, 2010

Dal baaba'aya waxaa lagu gartaa meesha balaayadu oogatimid magartaan. SOOMAALIYEEY halaagga inahaysta meel kale inooga imane wuxuu noogayimid waxaan culimo kadhigannay niman Wahaabiyo ah, sida UMUL, FAARUUQ, MUSTAFE IYO SHIBLI. Horaybaan usheegay nimankaanu ineykucaqiida yihiin shabaab sheydaan. Halayska daayo diinta nimankan lagaqaadanaayo. diinta halagaqaato culimadii ALIF WAXMALEH NABARTAY, haddii kale waa inoo hoog iyo baaba'. ARRINTANU QABIIL MAAHEE WAXAN KAHADLAYAA WAA SAMATABIXINTA UMMADDA SOOMAALIYEED.

samawade   Anonymous

11:53pm on Friday, March 12th, 2010

Dal baaba'aya waxaa lagu gartaa meesha balaayadu oogatimid magartaan. SOOMAALIYEEY halaagga inahaysta meel kale inooga imane wuxuu noogayimid waxaan culimo kadhigannay niman Wahaabiyo ah, sida UMUL, FAARUUQ, MUSTAFE IYO SHIBLI. Horaybaan usheegay nimankaanu ineykucaqiida yihiin shabaab sheydaan. Halayska daayo diinta nimankan lagaqaadanaayo. diinta halagaqaato culimadii ALIF WAXMALEH NABARTAY, haddii kale waa inoo hoog iyo baaba'. ARRINTANU QABIIL MAAHEE WAXAN KAHADLAYAA WAA SAMATABIXINTA UMMADDA SOOMAALIYEED.

Kaaha   span

11:15pm on Friday, March 12th, 2010

Assalamu calaykum

Waxaa wax aad looga xumaado Culimadda soomaaliyeed ee larabay inaan Allaah kumahdino inuu nasiiyey ee ah Dhaxalkii Nabi Muxamad SCW in sidaas loo cuno hilibkooda Sh Maxamad Cabdi Umal Iyo Sh Maxamuud Sh Maxamad Shibli waa laba sheekh oo leh maashaa Allaah diin, akhlaaq iyo cilmi diini iyo mid maadi ah, marka ninkii colaystay oo beentaan kaqoray waa Xaasid, marka xaasidnimana waa waxii wadankeena burburisay oo Ilaa iyo hadda uu ladagi layahay. waxaa soo aroortay inuu Nabigu yiri SCW: xadisu qudsi inuu Allaah SW yiri:"ninkii lacolaytama wali aniga aan leeyahay oo adoonkayga ah waxaan ogaysiiyey dagaal" marka ninka maqaalkan qoray dagaal inuu Ilaahay kulajiro ha ogaado, athar kale oo soo aroortay ayaa iyadana ahayd "Qofka culimadda wax kasheega waxuu dhintaa geeridiisa horteeda" yacni isagoo nool wali ayuu hadana nolol ciriiri ah kunool yahay oo buuq iyo shar kaliya ah. Midda kale qofka muslinka cadiga een culimo ahayn oo xumaan laga sheego baa kadaran in Kabcada sharafta leh wax laga sheego xattaa xadiisku wuxuu ahaa in aan loo malaynin illaa khayr uun ma ogiye, hadii qofkii muslimka ahaa sidaas loo ilaaliyey maxaad umalaynaysaa qof xambaarsan Kitaabkii Ilaahay oo dartiis loo dhibaayo oo dartiis loo xiraayo oo dartiis loo masaafurinaayo. Haduu Allaah ugu talagalay hanuun ninka maqaalka qoray waxaan leenahay Allaha soo hanuuniyo hadii kalena sharkiisa Allaha kaxijaabo culimadda oo Allaha ku imtixaano oo ha ku ibtileeyo waxuu ku iloobo been abuurka culimadda uu kasamaynaayo Illaahayow daalimkaan daalim kale kudir culimaddana sharkiisa kaxijaab Ilaahayow iftiinkii yaraa ee nooharayey rabaan inay naga damiyaane naga qabo

Kaaha   span

11:13pm on Friday, March 12th, 2010

Assalamu calaykum

Waxaa wax aad looga xumaado Culimadda soomaaliyeed ee larabay inaan Allaah kumahdino inuu nasiiyey ee ah Dhaxalkii Nabi Muxamad SCW in sidaas loo cuno hilibkooda Sh Maxamad Cabdi Umal Iyo Sh Maxamuud Sh Maxamad Shibli waa laba sheekh oo leh maashaa Allaah diin, akhlaaq iyo cilmi diini iyo mid maadi ah, marka ninkii colaystay oo beentaan kaqoray waa Xaasid, marka xaasidnimana waa waxii wadankeena burburisay oo Ilaa iyo hadda uu ladagi layahay. waxaa soo aroortay inuu Nabigu yiri SCW: xadisu qudsi inuu Allaah SW yiri:"ninkii lacolaytama wali aniga aan leeyahay oo adoonkayga ah waxaan ogaysiiyey dagaal" marka ninka maqaalkan qoray dagaal inuu Ilaahay kulajiro ha ogaado, athar kale oo soo aroortay ayaa iyadana ahayd "Qofka culimadda wax kasheega waxuu dhintaa geeridiisa horteeda" yacni isagoo nool wali ayuu hadana nolol ciriiri ah kunool yahay oo buuq iyo shar kaliya ah. Midda kale qofka muslinka cadiga een culimo ahayn oo xumaan laga sheego baa kadaran in Kabcada sharafta leh wax laga sheego xattaa xadiisku wuxuu ahaa in aan loo malaynin illaa khayr uun ma ogiye, hadii qofkii muslimka ahaa sidaas loo ilaaliyey maxaad umalaynaysaa qof xambaarsan Kitaabkii Ilaahay oo dartiis loo dhibaayo oo dartiis loo xiraayo oo dartiis loo masaafurinaayo. Haduu Allaah ugu talagalay hanuun ninka maqaalka qoray waxaan leenahay Allaha soo hanuuniyo hadii kalena sharkiisa Allaha kaxijaabo culimadda oo Allaha ku imtixaano oo ha ku ibtileeyo waxuu ku iloobo been abuurka culimadda uu kasamaynaayo Illaahayow daalimkaan daalim kale kudir culimaddana sharkiisa kaxijaab Ilaahayow iftiinkii yaraa ee nooharayey rabaan inay naga damiyaane naga qabo

miss   Somali

9:31pm on Friday, March 12th, 2010

LAAILAHA ILALAAHU.
WALAALAYAAL HA DANBAABINA OO ALLE KABAQA SHEIKHAN AFKISA WAX CAD KAMA HEYSAAN OO RADIOGA AYUU KA HADLI LAHAA. WEBSITEKAN DULMI AYUU WADAA WAXANA UMALAYNAYA DAHIR CALASOOW INU LEEYAHAY.

Samawade   Anonymous

8:01pm on Thursday, March 11th, 2010

Waxaan ummadda oogadigayaa khayaanada KHAWAARIJTA raacsan caqiidada faasidada ah ee Maxamed C/WAHAB. Ninkanu wuxuu diinta kusoodaray sedex towxiid isagoo tixraacay trinity ga masiixiyadda. Cumarfaaruq, shibile, umul, mustafe iyo dhamaan wixii ey iyagu wax bareen sida shabaab sheydaanna caqiidadaa faasidka ah ayey heystaan. Dadbaa waxay ku odhanayaan M.C/WAHAB inta fiican ayaan kaqaadanaynaa. waar maisagaaba wax fiican qoray. wuxuu qoray waa uun fasaad iyo diin baddel. Maxaa idiin diiday inaad wax kaqaadataan culimadii saalixada ahayd ee diinta 1500 oo sano soo wadday?

gacal05   usa

8:35am on Thursday, March 11th, 2010

breaking news:
alsunna oo xukun doon ah melasanawi ayaa dhaxdhaxidanayo ayaga iyo dowlad ku sheg

gacal05   usa

8:29am on Thursday, March 11th, 2010

adiga amisom difacaye miyaad waliga ka hadashay inta shacab ay xasuqeen iyo inta dad ay baro kiciyeeen balse waxaa jirto malin shilinka aad galada ka qadatay aysan ku anfaci donin insha allha waa malinta qiyamaha

NIN WALBAA QUMANE   UK

3:22am on Thursday, March 11th, 2010

1995TII MUNAAFAQAAN SHIBILEEY WUXUU GAAL KUSHEEGAY SH IBRAAHIM DASUUQI KANI WAA AHLU JANA KANA WAA AHLU NAAR ILAAH BAA TAAS AWOOD ULEH EE NINKAN ILAAHNIMADA SHEEGTAY ILA ARKA

jawle   uk

9:50pm on Wednesday, March 10th, 2010

Ninbaa laga sheegay wallee sagaaro ima barato..... walle Soomaalaay dad cibro qaata matihidiin..
Anigu shariif maqas iyo cidkale toona ammaani maayo maxaayeelay wax lagu ammaano maba aneey samayn.. balse waxaan la yaabsanahay Ninka shiikha sheeganaya ee caadifadda qabiil qaaday...
Haddaba waxay taasi i xusuusinaysaa marka jabhaddii USC lA DAGAALAMAYSAY DOWLADDII SIYAAD BARRE AYAA WAXAA DHACDAY IN URURKI ITAAXADKA AY U KALA JABAAN LABA QAYBOOD QAYB UU KAMID YAHAY SHEEKHAANU WAXAY YIRAAHDEEN WAA IN LALA DAGAALAMO JENERAL CAYDIID HALKA QOLE KALENA AY KA HORTIMID... marki la waydiiyyaa waxa u dhaxeya caydiid iyo siyaad barrena jawaab kama anaeey bixin marka ma ,aha marki ugu horreysay ee caadifad qabiili qaado mana noqonayso marki ugu dambeeysa e caadifaddi qaado.. wuu wadayaa inta uu ka dhimanayo.
HADDABA DADOOOW WALIGIIN DIIN ISLAAM DAAROOD HAKA QAADANINA... SOOMAALI KA BADAN KANA CILMI BADAN AYAA JIRTA U DOONTA DIINTA DADKA AHALKA U AH..... DAAROOD MARNABA MUNAAFAQAD IYO QABYAALAD KAMA HARAYOO... DIGNIIN ISKA ILAALI AXMD MADOOBE MARKI LALA KACAY AYAA LA BARAARUGAY MUJRIN FOWQAL MUJRIM.

ciise   england

2:40pm on Wednesday, March 10th, 2010

qofka qoray maqaalan maha qof xishoonaya, wa mooryaan is qaawiyay, maalinkastana wuxu ku caayaa shabakadan qofku u arko in danahisa ku raaci waaya.

wa ayaan darro in culumada somaliyed maalinba mid lagu caayo meeshan iyadado taagero loo raadinayo dowlad ku meel gaar ah oo xili kasta sharifka aad taageereyso isaga tagi karo.

qoraalkan waxa qoray qof aad u aragti gaaban oo dagaal fool xun kula jira qof kasta uu fahmi waayo kuna gal galanaya sumcada dad badan oo somaliyeed

.

Aw Jamac   UK

10:37am on Wednesday, March 10th, 2010

Asc. In la aflagaadeeyo culimada Somaliyeed waa ceeb usoohoyatay inta caqli gaabka ah oo ay kamid yihiin ninka articlekan qoray iyo in badan oo faalooyin comments kabixiyay. Waxaan oran lahaa arinta yaanan looweecin qabiil iwm. Culumada Nairobi joogtana waa culumo aad ogaqayb qaata fidinta diinta manafilayo wax kadaacadsan inay jiraan. Aqoontooda ayaana halkaa gaysay kumay tagin qabiil iyo quran. Dadka qaarkii fikirkooda markaad akhriso waxaad moodaa inaysan 21 centurigaba aysan kunoolayn, oo ay baadiyo wax kasooqorayaan. Bilaa calaykum xafidahulahi Sh Shible iyo culumada kalaba aflagaada halaga daayo, qofkii aflagaadeeyana ilaahay afka haqabto.

Ahmed Maydal   Hargeisa

10:06am on Wednesday, March 10th, 2010

Yaab iyo Amakaag

Waxan aad uga argagaxay sida indhala'aanta ah ee ruuxa maqaal kan qoray u aflagaadeeyey caalim ka wayn ee umada soomaaliyeed. Dulmigu waa mugdiyaal maalinta qiyaame; Rabi u toobad keen. Muxaadarooyin badan oo sheekhu jeediyey ayaan internet kala socdaa, wuxuna sheekhu caan ku yahay in aanu xaqa ka leexan. Markaa Eebe halaga baqo oo culimada cirdigooda yaan lagu xad kudbin

saabir   baroorta wahabiyo ka weyn

6:39am on Wednesday, March 10th, 2010

bismilah

somalida marka aay arkan shekadan oo kale waxay yiraahdan barorta orgiga ka weyn oo loola jeedo orgi loola baroortee xanuunkale oo lagu qarinayaa meesha ku jira.

dadka fariimaha so qoray 80% wey ku xadgudbeen culimada somalied iyago ugu yeray in ay yihin wahabiyo lagana yaabe in aysan magacan wahabi inuu kamid yahay asmaulahil xusnaa, shekh m/ed c/wahab kitabada oo qoray qofki aqrista wixi kitabka iyo sunaha waafaqsan ka qada inta kalena iska daaya ma wahabi ayuu noqonaya wabahise mala noqon karaa?

baroorta wahabiyo ka weyn dadkan farimaha waxan u maleynaya in ay u badan yihin dadka aan aqonta laheyn ee diintoda sharaxadeda u danbeya cadowga kii loogu shego inu yahay argagixiso ama xag waa xagjir dhaha kii la dhaho waa quryar socodna kadaba dhaha.

marka ad farimahan tirada badan oo qabiixa ah kasop qoreysan culimada maxad uga hadli weyden maqal kal hore lagu soo bandhigay webkan sheydani ah ee aan diinta u adeegin ee ahaa

{IS JIIDJIDKA SOMALIA DIIN XAL MA U NOQON KARTA JAWABTINA KA DHIGAY QORAGA DIINTA XAL MAHAN}

walahu aclam

samawade   Anonymous

4:29am on Wednesday, March 10th, 2010

Arrinto HAWIYE IYO DAAROOD wey kafogtahay. Umul, Cumarfaaruq, Shibli iyo Mustafe, dhamaan waa KHAWAARIJ WAHAABIYO AH. Waana macalimiinta Shaabaab sheydaan iyo Xusbi sheeydaan. Anugu Hawiye maihi laakiin xaqa ayaan sheegayaa. nimankaanu waa kuwii caqiidadii saalixada ahayd ee 1500 oo sano lahaystay soomalida ka marin habaabiyey.

Nabadeey.

Caalim   Dalka

3:03am on Wednesday, March 10th, 2010

Umal iyo shibili waa niman daarood ah ilaahaybaana ka dhigay ninkii ka xuna cid u joojineysa ma jirto war adinkuna hawiye nimadiina iska iimaansada misaajidka xataa muxaadarada sheekha ka akhriya daarood waaye ha dhihinee kalsooni muujiya ileen ilaahbaa hawiye idinka dhigee sidaas iyo nabad galyo

RUN SHEEG   ARDULLAAHI

2:45am on Wednesday, March 10th, 2010

JAALE HAWIYE aqli iyo aqoon waxey ka noqotay isku dhererin daarood xataa wadaadada wacdinaya ma daaroodbay noqdeen war hawiyow cudurkan daaroodkaa ee kugu dhacay dhakhtar kaa qala waa in laguu raadiyo illaa idaacaday odayaashiinu la taagan yihiin hadda idinkaa sareeyoo samaawaadka gaaree sidiinaas ku jooga idinkaa fiican idinkaa caqli leh idinkaa cilmi leh wax walbaba hadaad qaadataan sow hawiye ma tihid iskuma kalsoonaaneysaan intaasi hanakala gaarto

samawade   Anonymous

10:34pm on Tuesday, March 9th, 2010

Waar akhristeyaasha qiimahabadan, yaan qabiil laga dhigin in ummadda loogadigo KHAWAARIJTA WAHAABIYADA AH, dad badan oo halka wax kuqoray ayaan ahayn hawiye. Dadku waxay fahmeen in wahaabiyadu caqiidadoodu khaldantahay, sidaa darteen ARRINTU MAAHA QABIILE WAA XUMAANTA WAHAABIYADA OO DADKA LOOSHEEGO. CUMAR FAARUUQBA WAA HAWIYE KAMIDBUUNA YAHAY WAHAABIYADA UMMADDA LOOGA DIGAAYO.

NABADEEY.

runsheeg1   xamar

9:40pm on Tuesday, March 9th, 2010

asc waxaan hadalkeyga ku bilabayaa somaliyey sheekh micnihiiso muxuu yahay?tan labaadmase hada modal so baxay waaye magaca sheekh mase kii aan aqoon jirnay kole kii aan naqinay sheekd magac mahan ee waa qof diin taqaan imaankana u sugan yahay intey diinta ka baratayna ku camal fasho inaad dembi ka qadeysiin ma fahan san tahiin ruux aan diin ku socon aad sheekh ugu yeertaan ama sumcaii sheekhnimada aad dhumineysaan sh shbaiile in uu yahay qabiileste ma hadaa ogaateen ama yahay khwarjta asgoo joogo yurub waa ninkii yiri meyd masajid la kenaya yuu yahay
subxaanalaa xataa wuxuu gaaray nin qaad cunay oo dhintay in uu janaso lagu ma dukan karo yiri maanta fidno uu dagaalka afmadow ku sheegay lakiin maanta fidnada reer kiisey heysataa xaqana ilaah ma oodo somaliya tuula yar oo afmado la yirahdaad ka degan tahay shibilow inted ku dhalatay waa etopia idaana ku hursan adsiga iyo reerkaaga godane ka arsay kkkkk

wiil isaaq   US

8:08pm on Tuesday, March 9th, 2010

hawiyow wwad ba,deen oo hoog ayaa idinku dhacay sheekh aan qabiilkiina ahayn sheekh uma taqaanaan marka waxaad sheekh ugu yeertaan indha cade iyo wixii la midka mardhow waxaa idinka soo dhow in aad qaydiid iyo yalaxow ugu yeertaan sheekh waayo ileen sheekh kale idin ma jogo culumadii somaliyed ma rabtan ilaahay idin halaag waabad halaagsanteene wax yar baa idinka soo haray kuwaas na hadda ayey halaagsamayaa waayo qabiil markaad ka hormarisan culumida sidaas ayaa la dinku abaal marin

shibille   arigube

7:30pm on Tuesday, March 9th, 2010

areey hawiyoow maad beentaad isusheegaysaan iska daydaan areey halkii hawiye ahaa xaaku beena mugaan. adoow xagoow ogaadeen xisbul islaam ku arkay waaba onlfe.

areey muga shaqa kale ood qabataanaad waydeene ordaha moxogiina iska diirta iyo muufadiina beenaad intaa dhuraydaan. yaayaa areey xaa ku hawa aan jirina. areey shiikhaan afkiina kaleexiyaha aan idin dhahay maandheeskoow.

hanad yare   Kenya

6:18pm on Tuesday, March 9th, 2010

Ninkaan shibili layira waxaa madax martay waa cunsuri iyo qabiili marka aniga sheikh madhihi karo, wana laga sugayey inuu noqdo nin qabiil oo uu horey u ahaa taas oo ay dadka qaarkood aysan aqoonin lakin hada asaga ayaba dadka isbaray. Tusale ahan markii uu hada qaylinayo away dadkii iyo shacabkii lalaynayey mudooyinkii badana? ma hada ayey bilawatay xasuuqa uu shegayo? ma hada ayey shababka xumadeen markii ay werarareen jufada uu kasojeedo shibili isku soo xooramiyee shibili wa nin qabiil mel uu wax geyn karo ayana iska yar ee magaca shiiqa kadaya fadlan.

Hersi   U.S.A

5:59pm on Tuesday, March 9th, 2010

Koox danleyda reer aduunyoodka ah (WAHAABIYADA) ama mooryaan gareyda hadba sida qofku u yaqaan ama magac badanayaasha diinta ku qaraabta ama KKAWAARIJTA sida dunida islaamka looga yaqaano waa niman soomaaliya lagu soo hogamiyey iney dumiyaan shacabka muslimka ahna gaaleysiiyaan waa niman gaalo u shaqeeya si dalka iyo dadka gaalo gacanta ugu galo hadaba shacabka soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ey iska qabtaan af iyo addinba la ogaadaana iney yihiin diin diid ..dowlad diid ..kheyr diid ..wax wanaagsan diid ..ilaahey ayaan ubariney in islaama uu ka qabto kuwa noocaas ah iyo inta fikirkooda qabta amiin!

Anti-khawaarij2   Arlullahi

5:13pm on Tuesday, March 9th, 2010

Wadaad xumayaasha khawaarijta ah sida umusha iyo kibi waligoodba ceeb kama baxaan ee waa caadadood.

HUBUROW   BAYDHABA

3:04pm on Tuesday, March 9th, 2010

ASKUM ARINTAAN TACLIIQ UMA BAAHNA INTII AAN KA DHIHI LAHAYN IYO IN KA SII BADANBA QORAALKAN AYAY KU DHAN YIHIIN

ducaale   America

3:00pm on Tuesday, March 9th, 2010

walaalayaay wanaaga raadiya hana kadaalina si aad u heshaan wanaag xaga ilaahay ah.

afrah   london

10:52am on Tuesday, March 9th, 2010

waxaan u sheegayaa shiik shibile
inuu diinta iyo siyaasada kaladaayo
sababtoo ah isaga ayaan ka maqli jiray markuu muxaadarooyinka jeedinayey
nin yiri siyaasi baan ahay, waanin ka xishooday beenlow baan ahay.
marka walaalkeen shibile ha iska daayo siyaasadaan meesha xun mareysa. wabilaahi towfiiq

Nuura   UK

10:10am on Tuesday, March 9th, 2010

Rabiigiina ka cabsa oo cidna ha u hiilina aan ka ahayn xaqa

caatike   swedan

9:09am on Tuesday, March 9th, 2010

asc walaal sheekh suu warka uwada ma ahan dagaal soomaliya waa fitna culumada ayaa dhahday marka wax kala oo la boobuuniya malahan sheekgna qabiil inay ku jirta ma umalaynaayo aniga sida aam aamisanahy in amimon lala dagaal waa sax laakiin indadka ceelasha u qaxay la dagaal laga daba gaya ma ahan waan sida aan aamisanay wadaada halaga leesdo soomaliya ilhay nabada ha siiyo aaaamiin dadka aan sika u fahmay cafwan

caatike   swedan

9:07am on Tuesday, March 9th, 2010

asc walaal sheekh suu warka uwada ma ahan dagaal soomaliya waa fitna culumada ayaa dhahday marka wax kala oo la boobuuniya malahan sheekgna qabiil inay ku jirta ma umalaynaayo aniga sida aam aamisanahy in amimon lala dagaal waa sax laakiin indadka ceelasha u qaxay la dagaal laga daba gaya ma ahan waan sida aan aamisanay wadaada halaga leesdo soomaliya ilhay nabada ha siiyo aaaamiin dadka aan sika u fahmay cafwan

calinuur Xoogsade   asc

8:49am on Tuesday, March 9th, 2010

shibili, Xasaan, Xasan Ashkir, Umal iyo kuwa kale ee Jooga Kiinya waa Niman Dantooda iyo tan Beeshooda ama Mararka qaar Kooxdooda kaliya ku hadla mana ah dad Diinta iyo Shareecada wax yar dhowra , sidaas darteed wax Qiima ah malaha in midkood ka hadlo Arimaha Ku gaar ah Soomalida ku Nool Soomaliya iyo Dowlada Soomaliyaba, marka Fatwo ma ah waxa ay ku hadlaan waloow Masaajid ay ka jeediyaan ayagoo Cimaamado iyo Koofiyado qaba ee waa Shir Jaraaid ay Beel Gaar ah Qabatay ama Koox Danley ah

KENADIID   LONDON

6:52am on Tuesday, March 9th, 2010

WAA LAGA FIICANYAHAY IN LA AFLAGAADEEYO CULIMADA SHEIKH SHIBILI IYO UMAL WAA WAADO SOOMALIYED MA AHAN QABIIL KAN QOREY ARTICLE KAAN WAA QOF QABYAALADI KABUUXDO MARKA ANIGA WAXAN ORAN LAHAA ILAAHAY HALAGA BAQO CULIMADANA YAANLA JAA IFEEN

NABADOON   NZ

5:43am on Tuesday, March 9th, 2010

KHAWAARIIJTA KU FASHILANT WAXII AY U SOO DHIIBEEN YAHUUDA WAXAY RABAAN HASHEEGAAN ITIXAAD AL IXSAAB WAHAABIYO KHAWAARIIJ XISBI SHAYDAAN MAXAAKIIM DHAMAAN WAHAABIYO AYAGAA IS QILAAFAY OO DADKIINA KAWAREERSHAY CAQIIDADII WANAAGSANAYD OO SOO JIREENKA AHAYD KUMANAAN SANO MARKII MAGAC FASHILMO MID KALE SHEEGTA DADKANA KU WACDIYA DANTIINA BEENLOWYAAL WAREERSAN

Hobyo Man   Xamar

5:35am on Tuesday, March 9th, 2010

WAHAABIYADA MARKAY KU FASHILANTO QAABQORSHADOODA WAXAY SHEEGAAN WAXAY MARKAA U ARKAAN DANTOODA MARKA NINKAAN SHEIKH KUMA SHEEGI KARNEE WAHAABIYGAAN WAXUU KA MIDYAHAY WAHAABIYADA ADUUNKA WAREERISAY

NIN WALBAA QUMANE   UK

3:35am on Tuesday, March 9th, 2010

NINKAANI WAA NINKII UGU WEEYNAA QAWAARIJTA WAANA NINKII KOOW RUUX MUSLIM AH WAA GAAL YIRI SH IBRAHIM DASUUQI WAXAA JIRA NIN ASIGA LADHASHAY OO KUNOOL MAGAALADA LEICESTAR OO IMAAM KA AH UNA ARUURSHA LACAGO QAWAARIJTA MAGACIISANA WAA SH RAMADAAN

liban cadowle   canada

3:10am on Tuesday, March 9th, 2010

Saxibyaal Wadad Iyo Nin Afka Dubtay Maa U Dhaxena Aniga Waa Yabee Waxaa Dhihi Lahaa Wadada sandkan Jiro Haa Iska Siigestan Qolalka Plt Iska Imada Iska Bashala Ileen Intaa Dili Kartaan Waa Disheen

mahad geele   dhuusa mareeb

2:07am on Tuesday, March 9th, 2010

waxaa wax la yaabo ah in qof kaste u yiraahdo waa gaal oo qaofka la iska gaaleesiinayo maqaal ka hadalaayo runta iyo wixii jira in dadka qaarkiis dhahaan gaal ama sufiya waa wax la yaabo waana waxa ey nabaday wahaabiyada labaatanka sano dhibka soomaaliya masul ka aheed waan ugu hanbalyeynayaa sida wanaagsan miisaanka warbixintaan u quray in wadaado dhahaan dulka gaalada sida kenya usa nabadooda halaga shaqeeyo shacabka soomaaliyeed oo xamar ku nool wax yeeli ha gaarto taas waxey la midtahay hala hirgaliyo fikirka takfiiirkaa ee wahaabayada ka soo us kuntay marka umada yahay ilaahey haloo noqdo dowlada islaamigaa halataageero

Rayid   Carro edeg

1:30am on Tuesday, March 9th, 2010

ninka qoray maqaalkaan waxaa laga yaabaa inuuba gaal yahay waxyaabaha aan kula yaabay miisaanka taageerada dowlada ayey culumada u caayaan culumana waxey dhaxleen anbiyada nin aan xathiis iyo aayad midna daliishanayn ayaa wadaad muxaadaro qabtay radinaya haddii aad caqli munaasib ah aad leedahay culimada ma caydeen diintuna ma aha sida caqligaagu qabo khasabna maaha sidaad jeceshahay iney wadaadadu raacaan ee wadaadadu waxey raacaan xaqa iyo diintu sida ay qabto hadaad ka weydo sida aad rabto ma aha inuu shiikhu yahay ogaadeen ama daarood culumadu qaar waxey qabaan fitno iney tahay waxa soomaaliya ka dhacaya qaarna shabaabkey taageeraan iyo xisbul islaam qaarna ehelu suna wal jameeca idinkuna dowlada shariifka taageeradeedana maaha in culimada loo caayo ama loo af lagaadeeyo qabiilna loo nisbeeyo shiikh shibilina waxaan u maleynayaa dadka uu iimaanka u yahay oo uu shanta salaadood tujiyo iney u badan yihiin beel ahaan beelaha hawiye ee mushaaikhda qabiil dadka ha ugu fasirina muxaadaradey qabtaan kaasi waa isaaq kaasna waa daarood kanna waa hawiye kuwaasna waa asharaaf kuwaasna waa digil iyo mirifle kaasna waa jareer kanna waa reer baraawe kanna waa carab waa iga suaale keebaa soomaali ah ama wadaad islaam ah wabilaahi towfiiq

mstaf   usa

12:57am on Tuesday, March 9th, 2010

war maxaad karabtta wadaadka

Anonymous   Location unknown

11:25pm on Monday, March 8th, 2010

Waxaan shaki iiga jirin, in kuwa ku hadaaqaya, muslimiintana ku duraya,magaca wahaabiyada, ay seddex qolo middood yihiin, Gaalo, Shiico, Suufiyo, ama daba dhilifkooda.
Waayo, dad badan oo kasoo horjeeda siyaasadda wadaaddada ku qaraabanaya diinta, ayey ku sheegaan, wahaabinnimo.
Waxaana sababteeda leh, wadaad xumayaasha, diinta kursi ku raadsanaya.

ff   dfd

11:17pm on Monday, March 8th, 2010

dfdf

ff   dfd

11:16pm on Monday, March 8th, 2010

dfdf

msaadaq   uk

11:09pm on Monday, March 8th, 2010

Nin ayaa ku maahmaahay HADII AAN GEERI JIRIN MIYAAN CADAAB IS ARKI LAHAYN, hadda hadii aan wahaabiya iyo itixaad iyo surweelo gaabtoodu jirin miyaan shabaab iyo shayaadiintaan is arki lahayn. runtu waxay tahay shibile, umul ,xasan d awees,iyo kuwa lamidka ahi waa lamid shabaabka iyagaana sabab u ahaa in ay dalkayaga yimaadaan.

msaadaq   uk

11:08pm on Monday, March 8th, 2010

Nin ayaa ku maahmaahay HADII AAN GEERI JIRIN MIYAAN CADAAB IS ARKI LAHAYN, hadda hadii aan wahaabiya iyo itixaad iyo surweelo gaabtoodu jirin miyaan shabaab iyo shayaadiintaan is arki lahayn. runtu waxay tahay shibile, umul ,xasan d awees,iyo kuwa lamidka ahi waa lamid shabaabka iyagaana sabab u ahaa in ay dalkayaga yimaadaan.

msaadaq   uk

11:07pm on Monday, March 8th, 2010

Nin ayaa ku maahmaahay HADII AAN GEERI JIRIN MIYAAN CADAAB IS ARKI LAHAYN, hadda hadii aan wahaabiya iyo itixaad iyo surweelo gaabtoodu jirin miyaan shabaab iyo shayaadiintaan is arki lahayn. runtu waxay tahay shibile, umul ,xasan d awees,iyo kuwa lamidka ahi waa lamid shabaabka iyagaana sabab u ahaa in ay dalkayaga yimaadaan.

msaadaq   uk

11:06pm on Monday, March 8th, 2010

Nin ayaa ku maahmaahay HADII AAN GEERI JIRIN MIYAAN CADAAB IS ARKI LAHAYN, hadda hadii aan wahaabiya iyo itixaad iyo surweelo gaabtoodu jirin miyaan shabaab iyo shayaadiintaan is arki lahayn. runtu waxay tahay shibile, umul ,xasan d awees,iyo kuwa lamidka ahi waa lamid shabaabka iyagaana sabab u ahaa in ay dalkayaga yimaadaan.

Abdisalam   USA

10:24pm on Monday, March 8th, 2010

sc, walaal waxaad idinku bishaaraynayaa inaad denbi idinku socdo xanta aad xamanaysaan dadkaa idinka maqal,marka Alle ka baq oo xisaabiya waxa aad ku hadlaysaan.
waad mahadsan tihiin

Abdisalam   USA

10:23pm on Monday, March 8th, 2010

sc, walaal waxaad idinku bishaaraynayaa inaad denbi idinku socdo xanta aad xamanaysaan dadkaa idinka maqal,marka Alle ka baq oo xisaabiya waxa aad ku hadlaysaan.
waad mahadsan tihiin

ZUBEY   kalkata

10:20pm on Monday, March 8th, 2010

Intaanan ku degdegin faalleynta waxa la qoray, waxaan ka codsan lahaa qoraaga WAAGACUSUB inuu na maqashiiyo muxaadarada uu sheekhu jeediyey si aan ugu raacno ama ugu diidno qodobada uu ka doodayo.

Ali,   K

10:05pm on Monday, March 8th, 2010

Wiil hawiye, You are very good english. Are you professor of college. You are excellent.

replywiilhawiye   uk

9:56pm on Monday, March 8th, 2010

wiil hawiye kakakakaka what are you talking man
i understand nothing from you
learn english for god sake lololol

Run sheeg   UK

8:52pm on Monday, March 8th, 2010

ASC walaalyaaloow culumada yaan been laga sheegin ninkii isaga oo diin sheeganaayo umada been u sheego isaga ayaa naarta ugu hormari doono, dadweynoow culumada daaya, culumooy RABBI ka yaaba oo daacad umada u hogaamiya.

wiil hawiye,   Location unknown

7:58pm on Monday, March 8th, 2010

Asc hello miisaanka Where is hawiye sheekh? We are not need sheekh doordt that clan to bad? Who is agree to me. Sometimes talk about sh ouar and sh shariif abdinuur. agin Where hawiye sheekh? Goodbye.

Hersi   cismaaneey@live.com

7:26pm on Monday, March 8th, 2010

Kuwaan waxaa layiraahdaa wahaabiya e culimo maahan waa mooryaan diimeed ..islaamkeey weeraraan oo hadana laayaan waligood gaalo lamadagaalamin in ey caawiyaan mooyee ..iyagoo dhan gaalaa abuurtey oo eey u shaqeeyaan sidaasi daraadeed waxaan idinka codsan inaan loogu yeerin culimo ee aad ugu yeetaan mooryaan diimeed.

runta   ardu laahi

7:22pm on Monday, March 8th, 2010

Asc
Walaalayaal illaahey ka baqa oo runta sheega nin jecleysi iska daaya ama qabiil koley hadey wax tarayaan labaatan sano ayaa noogaga luntey qofka macsuum ma'ahan wax waa qaldi karaa waxna waa saxi karaa koley in 100% sax ah lama heli karo marka waxaan leeyahay inta xoogga wax ku raadineysa hajoojiyaan xal ayaaba yaalo oo adigoon dhib geysan aad wax ku heli kartid anaa iri duulnaga horeeyey ayaa ku baaba'ay diintana ma'ahan xoog dadka waa wada Muslin marka ninkii ay wax ka qaldan yihiin u sheeg iyadoo aad qancineysid dowladna xoog kuma dhalato ee waxey ku dhalataa rabitaanka dadka ha kasbadeen dadkooda nin maqana intaad sugi laheyd in aad isku tashato ayaa wanaagsan oo aad dadaashid wax walbana xal ayey leeyihiin illaahey aan talo saarano asagaa nagu filanee
wabilaahi towfiiq.

jamaal   germani

7:14pm on Monday, March 8th, 2010

war daayerkan maxuu ahaa diinti tusaalayaal iyo qabiil u rogay tolkiis baa la wareeray iyo tolkey maxuu uga hadli waayey caqli maaha ee culumada afkaaga qashinka ah ka daa

ahmed   sweden

7:08pm on Monday, March 8th, 2010

asc waxan idinkula talin lahaa qoladaan websidka miisaanka in aad iska daysaan wax ka sheegida shayaadiinta wahaabiyada ah ee magacyada badan la baxay waxayna dhamaantoon ku dhamaan doonaan gudaha somalia insha-Allah meeshaadku aragtaan wahaabi dil yuusan kaa fakan waad ku jano tagi doontaa insha-Allah.

faarax   Location unknown

6:57pm on Monday, March 8th, 2010

waa ceeb in culimada la caayo hada culimada miyaa idinka baxsanwaysay faraha ka qaada culimada

Saabir   xamar

6:08pm on Monday, March 8th, 2010

bismilah.

waxana ka xumahay in aad ciyaalka qurbaha ku halaabay ee diinta dhan lagu diray aad culimada somaliyed sawirada usoo saartan idinko farihina buka wax uga shegaya.

Dhab ahan qolada webka miisaanka waxan filayaa in aay idinla noqotay in ad markan garten waqtigi si aan ka leex leexad laheyn uso dhangi laheyden ujeedkina dagaal saxafedka ,koley waa suro gal in aay weli idin tahay in aad si dahson wax u wadan lakin qiirada aya idinla tagtay, hadda dontan iska dhiga in aad culimada qaar rabtan qaarna didan tihin laakin mar an aqriyay maqal lagu faafiyay webka oo ciwaankisa ah mid jiro badan ka muqato oo aha {IS JIIDJIDKA SOMALIA DIIN XAL MA U NOQON KARTA JAWABTINA KA DHIGAY QORAGA DIINTA XAL MAHAN} waxa iso baxday in eydan culimo gaar la dirirsaneyn, malaha waa xuriyadda saxafada in aad maqalkas oo kale faafisan

walahu aclam

wadani   UK

5:38pm on Monday, March 8th, 2010

ugu horeyn waad ku mahadsan tihiin bahda miisaanka sida cadaalada leh ee aad ugu soo bandhigtaan xaqiiqda dadaalkiina sii laba laaba umada u soo bandhigi diinla aanta wahabiyada. taas ka dib mr saciid xaqiiqda ayaad ka hadashay 4 waxyaabood ee aad ku sifeysay wahaabiyada waa xaqiiqo mida ugu weyn aay isticmaalaan waa BEENTA Qof walba waxey ku tilmaameen sh 3 aayad iyo 4 axaadiith intala soo barto ayaa la leeyahay shiikh hebel. maku jiraa intaan wahabiyada ah ee darajada shiikh iska sheegtay mid soo baray ardy 1 kitaab? ama masajid ka aqriyay kitaab? jawaabta waay fududahay oo ma jiro hadey dhahayaan kitabo ayaan ka aqrinay masajid waxey naqanee tafsiir aan loo akhrin sida saxda ah culumo waa ehlu suna waljmeeca oo waligood wax na bari jiray nabadana jecel oo aan raacno soomaaliyey WS/WR/WB

hatesaweys   Location unknown

5:35pm on Monday, March 8th, 2010

shibille waa dambiile,lacnatallah aleyka ya shibille.

Siciid   Uk

3:37pm on Monday, March 8th, 2010

Asc shibile iyo umal anigu marka hore umaba aqaan culimo soomaaliye ee waxan u aqaan colooshood ushaqeystayaal an ku dhaqmin diin hadii an kasii hadalnana waxba kaheli meyno danbi iyo daal mooyaane una maleyn maayo in uu jiro qof ku qatalmaya labadaa uruf wahaabiyiinuna wey tilmaamo badanyihiin laakiin 4calaamo ayaa ugu sahlan in lagu garto 1been 2qiyaano 3xishood la aan 4fidna wade

mis muqdisho   GERMANY

2:56pm on Monday, March 8th, 2010

asc wr wb intan dhihi lahaba waxa yiri qoraaga allaha qeyr siiyo iyo webka miisanka .com oo cadalada saaro wararka sidoo kale difaaco diinta iyo dalkeena waana ku mahadsan yihiin waana waajib saaran qof walbo oo soomaali ah difaaca dalkaiyo diintena.
aniga kuma dheeranayo wadadan kenya fadhiya ee qabiilka duloodey ee doonayo in shacabka muqdisho la xasuuqo balse ALLAAH SWC ayaa jooggo oo og waxa quluubta ku qarsoon aniga sheekh shibile iyo sh umulba waan ixtiraami jirey caladaha muxadarooyinkoodana soo iibsan jirey balse maanta wey fashilmeen oo ceeboben ilaahey ha u towbad keenen , shacabka soomaaliyoodow gacmaha is qabsada oo hishiiya wadad xumayasha danistayaasha ah iska qabto ha noolaaaaaaaaaaaaaaaaato soomaaliya ilaahayow noo nabdee wadankeena oo ka qabo dhager qabayaasha diinta iyo afmacanida beenta ku ganbanayo.


Page: -1-   2   

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com

Sh Fuaad Shongole:: Waxey Leeyihiin Qanyare Waa Towbadkeenay, Qanyare Ma Ogolyahay in uu Ariga ii Raaco. Towbad Ma Leh ilaa uu Xoolaha noo Raaco. (Cod Xasaasi ah)

Al-CALLAAMAH
Sh Maxamed Macalin Xasan:
Alle ha u Naxariistee: oo Noo Fasiraya Aayadaha Soonka. Dhageysi Wacan.


Al-Callamah
Sh Shariif CabdiNuur:
Ciidamada Soo raaca gaalada Intii la dagaalankooda laga wareegsan karo halaga wareegto Fatwo dhaxalgal ah + Cod.


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Shariif iyo Ragiisa ka aqbali meyno Shareecada Islaamka!!!


Sh Aweys oo isqarxinta ka qaatay filimaanta Ruushka Is Qarxinta waxaan uga dayanaynaa Gaalada sida Japanka iyo Ruushka Khilaafka Kooxaha Islaamiyiinta Dhageyso Sh. Xasan Turki oo diiday Maamulka Kismaayo Khudbadii ciida fitriga 21-09-09 Dhageyso Khudbad Dhaxal gal ah
1aad| 2aad|

Nabad galyadu Waa laf dhabarka Nolasha
Sheikh Shariif iyo ragiisa
waa murtadiin gaalo ah.
Sheikh Xasan Turki

War midoowgii ka baxayeey waar kaanbooni baan ahayeey!
Sheikh Xasan Turki

garabka Asmara iyo Jabuuti dowlad islaam ah ma soo wadaan
Sheikh Xasan Turki

Inhacadde wax hub uu nasiiya ma jiraan, annagaa hubka siinay
Sheikh Xasan Turki

Annagaa Xilka u dhiibanay awoodna u maleh in uu wax saxiixo Sheikh Shariif.
Genaraalka iskii is dalacsiiyay Gen. Indha Cadde.