
Wasiirka lacagata ee dowlada ku meel gaarka ee soomaaliya Cabduqaadir Cumar Cusmaan (injineer yariisoow) ayaa sheegay in ay heer dhamaad ah marayso soo daabicida lacag cusub oo ay yeelato dowlada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in lacagta cusub ay ka koobantahay 1000, shilin 2000, 5000,10.000, 20.000 iyo 50.000 isla marakaan wuxuu shaaca ka qaaday in dowlada ka baaran degtay in lacagata cusub dadka soomaaliyeed ku dhalin sicir barar.
Qorashaha dowlada ayaa u muuqda mid aan si sahlan ku hirgalayn madaama inta badan koonfurta Soomaaliya ay ka arimiyaan kooxaha Dowlada ka soo horjeeda.
Wasiir injineer yariisoow ayaa sheegay in dadka soomaaliyeed waajib ku tahay hirgalinta lacagtaas si loo gaaro qaranimo.
Arinta ay dowlada Soomaaliya ku dhaqaaqday waxaa horay uga soo horjeedsaday masuuliyiin ka kala duwan ayagoo tilmaamay in aysan xiligan ku habooneyn soo daabicid lacag cusub, madaama uusan wadanku lahayn Banki dhexe iyo meel ay dowladu maamusho marka laga reebo dekadda iyo gigada diyaaradaha.
sidoo kale Maamul goboleedyada ka jira wadanka sida Puntland ayaa gaashaanka u daruurtay, waxaadna moodaa in uu yahay qorshe si gaar ah ay dabada uga riixayaan wasiirka Ganacsiga iyo kuwa la fikirka ah.
Dad badan ayaa qaba haday Xukuumada Sh Shariif ku guuleysato dhaqan galinta lacagtan Cusub inay noqonayso dowladii ugu horeysay ee falgalisa mashruuc cayn kan oo kale ah tan iyo intii ay dhacaday dowladii dhexe ee soomaaliya, una sahlin karta in ay hirgalinta mashaariic kale.
Dhinaca kale hadii Dowlada u suurta gali weyso mashuuracan ayaa sii xoojinaya tabar darada haysata Xukuumada Sh Shraiif, loogana fadhiyo in ay la timaado isbedelo xagga siyaasada iyo midda militariba.
Marian Canada | 1:54am on Thursday, February 11th, 2010 |
Dadka lacagtan samaynayaa waa tuugo. Tuugana waa la iska celiyaa. waxay rabaan lacag been ah oo aan wax qiima ah lahayn inay kaaga beddeshaan waxaaga qiimaha leh.
Tuugow lagu arag oo lagu maqal. |
Marian Canada | 1:53am on Thursday, February 11th, 2010 |
Dadka lacagtan samaynayaa waa tuugo. Tuugana waa la iska celiyaa. waxay rabaan lacag been ah oo aan wax qiima ah lahayn inay kaaga beddeshaan waxaaga qiimaha leh.
Tuugow lagu arag oo lagu maqal. |
cabdula cisman uk | 10:56pm on Wednesday, February 10th, 2010 |
sa/wa/wa/walalayal rayigan waxaa loodhaafaa dadkii kashaqeey ayagaa laga rabaa inaay socoto ama ay joogsato waxay ka fikireen waa bal aan sukno inta kale yaan lay dilin yanlamurmin waxaa larabaa ficil wax tara dad fadhiyo an wax soowadin waxna aan rabin ayaabuuxameelkasta |
wiiil gendershe gendershe | 8:06am on Wednesday, February 10th, 2010 |
WAA SALAMANTHIIN DHAMAN AQYAARTA WAXAAN IDIIN KA COD SANAA DHAMAN SHACABKA SOMAALIYA IN AAN KA FIKIRNO MASLAXDA WADANKEENA EE AAN ISKA DEYNO ISKA HADALKA. WAXAAN IDIIN WEYDINAA BILAHI CALEYKUM SIDEE UGU BIXI KARNAA DHIBKAAN U,BADBADINAA DALKEEN DUMARKEEN CIYAALKEENA XOOLEEHEN NOOL BADEENA DUGAAGTEENA WAXAAN IDIN SHEGAYAA OO HUBAAL AH HADIIN AAN WADA FIKIRNO SI WADANIMO AH AN KA BIXI KARNO DHIBKAAN XASUUS NAADA TAARIIQA,DOWALADA JABAAN,OO LAGU GARACAY ATOMICAL BOMB, HADANA AH DOWLADA UGU TECHNOONLIC BADAN ADUUNKA, MARKA WALAYAAL AN KA FIKIRNO WADANKEENE WAA MADSANTIHIIN..... |
abdullaah london | 10:11pm on Tuesday, February 9th, 2010 |
lacagta cusub umadda somali ayaa lagu dhacaa nimanka smay saana waa tuugu sidaas. |
abdullaah london | 10:11pm on Tuesday, February 9th, 2010 |
lacagta cusub umadda somali ayaa lagu dhacaa nimanka smay saana waa tuugu sidaas. |
amiko finland helsink | 4:13pm on Tuesday, February 9th, 2010 |
Waan soo dhaweyneynaa lacagtan cusub, waxaan jeclaan lahaa in laga bilaabo somalia meel kasta, wabilaahi towfiiq. |
waan yaabay Uk | 10:14am on Tuesday, February 9th, 2010 |
WAAR WAXAAS WAR MAAHEE MA DADKA INTA HADHAY AYAA LA SII HALIGAYAA WAAYO TANI WAA MID WAXII HORABA KA SII DARAN WAAYO WAXAAD MOODAA IN ARINTANI WADATO UJEEDO GAAR AH EE AAN UMADA LOOGU DANAYNNAY. KUNKII AYAA LALA LIITAY SIDEE LA ODHANAYAA 50000 KUN OO AAN SARIFNA LAHAYN WALAAHI SOMALAI WAY SII DHIIQOOBAYSAA ILAAHAY HA INOO GARGAARO |
ufiirso soomaaliya | 1:06am on Tuesday, February 9th, 2010 |
MARKA HORE CARUURTA IYO DUMARKA DHAXANTA IYO CUDURKU KUHEYSTAAN GEEDAHA AFGOOYE KUWAAS UMACIINA OO CADAWGA KADUL QAADA WAADBA LEEYSEENE YAAD SHILINKA USAMEEYSEEN? |
Hurdaaye South africa | 10:09pm on Monday, February 8th, 2010 |
Asc marka hore dowladu waa in ay hanataa dhamaan dalka soomaaliya si ay usocodsiiyo lacagta maxaayeelay dowladu maheysato dhul badan mana damaanad qaadi karto dhibkasta ay sababto lacagtani mida kale dowladu waa in ay kafikirtaa dhaqaalaha wadanka ee sii dhimanaya hadii aysan sameyn karin lacag jelyo ama dhagxaan waxaa loobaahnaa in lasameeyo shilimad yaryar sida 5osh 100sh 200sh 500sh ugu badnaan 1000 kun shilin 50000 oo mid warqad eh intee lageynaayaane |
yaska nairobi | 9:07pm on Monday, February 8th, 2010 |
waxaan u maleeeynaa in lacagtaan ay tahay mid sun ah waayo 50000 oo isku dhagan waa dhib weeyn waxaa loo qaatay ayagoo shilimaad keena lakin xagee loo sameeyey ma nambar afar iyo madaxtooyo ayaa laga isticmaalaa shabaab waxeey dhihi doonaan qofkii lacagtaas lagu arko waa murtad kkkkkkk lakin lacagta cusub waa qalad |
samatar nairobi | 2:29pm on Monday, February 8th, 2010 |
ma xuma lacag , lakin su aasha waa maxaa loo suubin waayay lacag yar ayr ila cilada taagan waa dhibka uu ku hayo 1000 oo wax walbo loo adeegsado , bahida waxey aheed lacag yar ma hana lacag badan sida ku cad qoraalaka lacag ka badan 1000 oo isku dhagan uma baahnin waa fikradeda
|
abdiaziz caraale u.k. | 2:12pm on Monday, February 8th, 2010 |
ma xumo arinta madaama ay yaraantay lacti hore e la istacmaali jiray waa haday hirgasho oo la qaato mida lakin uma maleyaayo in la qadanayo maxaa yeele dowlada dalka kama wada taaliso oo xamar ayay meelo koban ka jogta |
Massago Khlm_Sweden | 11:53am on Monday, February 8th, 2010 |
IS WARSI MAXUMEEE LACAGTA CUSUB YAA WAX LOOGA GADAHAA SHACABKIBA HAL HAADAY IYO HAL HEYBI HAA LAMIIS HABAARTAY KEE HEREEN A KU DHACDAY XAA BENTA LOO SHEEGAA OO MADAX BUKO LAFA LOOOGU BAANIHAA
SOMALIA LACAG CUSUB UMA BAAHNO E TEDA KALIYA HALOO DHAAFO HANA LAJOOJIYO DAGAALKA IYO MADFACAAAN CAWO OO MAHOOW MASEEYMA JIRO IYO LA,AQAAN AC |