Dowlada KMG ayaa Ciidamo soo dhoobtay qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho gaar ahaan meelo furin ah oo ay isku horfadhiyaan Kooxaha Mucaaradka sida Wadada Warshadaha, Warshadii Hore ee Kabka iyo Agagaarka Kuliyada Jaalle Siyaad.
Ciidamadan oo tiradoodu badantahay ayaa dhaq-dhaqaaq ka waday meelaha ay soo dageen oo markii horeyba ay ku sugnaayeen isla ciidamo ka tirsan Dowlada.
Goobaha Cidamada la soo dhoobay oo ah halka ay isku horfadhiyaan Maleeshiyaadka Mucaaradka ayaa loo fasirtay isku diyaarinta dagaal balaaran oo Dowlada KMG ay sheegaysay baryihii dambe inkastoo Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in dhaq-dhaqaaqoodu uusan weerar aheyn oo uu salka ku hayo sugida amniga meelaha ay magaalada ka joogaan.
Dowlada KMG ayaa damacsan dagaal ay ku qaado Kooxaha Mucaaradka waxaana la ogyahay in ay ku fashilmeen Dagaaladii hore ee ay qaadeen kuna waayeen dhul badan, mana jirto wax muujinaya in dagaalka ay haatan damacsanyihiin ay guul ka keeni doonaan.
MUUMIN UK | 7:50am on Monday, February 8th, 2010 |
HADAAN SOO TOOSABA DAD RAYAD AH AYAA HOOBIYE LAAYAY AAN MAQLAA IYO CIIDAMO TABAR SOO DHAMEEYSTAY AA LAKEENAY ILAAH KABAQA EE MARASTA XASUUQA KADAAYA AMA QAWAARIJTA KASAARA XAMAR |
c/rsaaq cali xasan nairobi kenya | 9:08am on Sunday, February 7th, 2010 |
wan ku faraxsanahay dagaalka ay wado dowlada somaali waxan leyahay halaga saaro wadanka somaali al shabaab iyo xisbu shaydan waa alqaacido rajo wan ayaa ii muuqata in laga saarayo wadaka soomaali maxa yeelay shacabka ayaa kacay guul ayaan u rajaynaya dad soomaliye in ay kabaxan dagaalada byby |
baale cadaado | 11:57pm on Saturday, February 6th, 2010 |
dawlada somaliay wa adiyaargarawday ilaahay ha guuleeyo dagaal kooban oo qasarihiisu yaryahay waxaan rajaynaa in madaxwayne shariif uu ka qudbeeyo maslax jowhar baladwayne kismanyo iyo baydhabo |
Faja Nairobi | 5:25pm on Saturday, February 6th, 2010 |
Iima muqdan wax sansan rajo somalia ah oo waxan arki hayaa dad qandaras ku so qatay dhiiga shacabka waxan u leyahay sida dowlada la shegayo qandaras ayay wadata sidas yeel lacagtan qado? Alshabab qandaras alqaido oo rag adunweynaha laga radinayo ayaa so buxdhafiyay in nadam la helo dan uguma jurto ma hayno tagero runta marka aan ka hadalno |
Saciid Kenya | 3:49pm on Saturday, February 6th, 2010 |
Doowlada waxaan kudhiri galineenee in ee wadanka kasifeeso Alqacidada hoyga kadhigatay somalia & qowleesatada islaamka seegto waa shabaab iyo xisbu-sheydhaan si umada soomaaliyeed wadan kooda ugu soo noqdaan waa mahad santěhiin bahda weebka by |
SHARMARKE nederland | 2:27pm on Saturday, February 6th, 2010 |
asc marka hore waxaan salaamaaya bahda miisaanka marka xigta insha alaah ciidamada doolada weey guuleesahaayaan hana lagalaan dagaal qawaariijta dalkeena dadkeena xooga kuheesta hana guuleestaan ciidamada doolada |