Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ka sameeyay Howlgalo la xiriira xaga ammaanka.
Howlgalada oo ahaa kuwa xoogan ayaa lagu soo qab-qabtay dad badan oo lagu eedeynayo in ay ka dambeeyaan falalka amni darrada ah ee ku soo badanayay Gobolka.
Eedeysanayaashaas la qabtay ayaa haatan ku jira Xabsiga Koonfurta Gaalkacyo waxaana la filayaa in Maxkamad la soo taago.
Taliyaha Saldhiga Galmudug Cabdi Qooreey ayaa Saxaafada u sheegay in Howlgaladaas ahaayeen kuwa la xiriira adkeynta amniga islamarkaana laga fuliyay dhamaan Xaafadaha Koonfurta Gaalkacyo laguna qabtay dad badan oo la tuhunsanyahay.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Maamulkoodu aysan ka gaabin doonin xoojinta amniga ayna rajeynayaan in dadka deegaanka gacan siin doonaan Ciidamada Booliska si loo xaqiijiyo xasilooni dhameystiran.
Koonfurta Gaalkacyo ayey horay uga dhaceen falal amni darro ah oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo.
hajji Galinsoor | 8:24am on Saturday, February 6th, 2010 |
been badana war ana xala ka soo lugeeyay magaalada waxna majirin. |
sugal sweden | 5:56am on Saturday, February 6th, 2010 |
tuvantii aya idunku maraysaneyso ee waxaadna tihiin albaabkii laga galayay puntland iyo somaliland waxan waa jib ah in aad ka hortagtaan argagaxisada rabto in ay qasaan dhul nabtoon. |
Hoy man gaalkacyo | 2:01am on Saturday, February 6th, 2010 |
Runtaan la isku sheegayne waxa qoraxyada waadaa waa alshabaab iyo saaxiibadooda Wahaabiyada oo rabitaankooda ka jecel diinta ay sheegaynayaan meeshii aysan xukumin waxay ku dilaan way u banaantay sida ay qobto manhajkooda Amaanka waa in la adkeeyaa mar walba |
xiiray El-Garaz | 9:19pm on Friday, February 5th, 2010 |
sugita amaan waa howl wanaagsan hana la iska qabto al shabaab |