Shir Magaalada Gaalkacyo todobaadyadii ugu danbeeyay uga socday gudiyo ka kala socday maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa lagu kala kacay ayadoon wax hishiis ah laga gaarin.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Xasan Faarax Barre ayaa sheegay in wada hadalada la isugu soo laaban doono, wuxuuna tibaaxay in wada xajoodku marayo meel fiican.
dhinacyada ayaa isku mari la' qodobo ay kamid yihiin in la helo meel ay kala maamulaan labada Maamul iyo sugida amaanka magaalada Gaalkacyo.
Labada maamul ayaa xooga saaraya in aysan dib u soo laaban xasradii ka dhacday magaalada dabayaaqadii sanadkii na soo dhaafay tasoo galaafatay Noolasha dad badan.
Waxaana la isku mari la'yahay halka uu dhici lahaa Xad ku meel gaar ah oo labada maamul ku kala rogmadaan, sida uu sheegay Mudane Xasan Faarax Barre.
nabad kunoole uk | 2:48am on Saturday, February 6th, 2010 |
fadlan KUWA DAGA GAALKACYO OGAADA KOOX AYAA JIRA FIDNA WADA YAAL AH OO LABADA DHINAC AH OO UBAD KODA IYO EHEL KODA JOOGIN DEEGANKA EE DANIHIINA GARTA BYY |
ALI Location unknown | 11:31pm on Friday, February 5th, 2010 |
RUNTA MARKII LAGA HADLO GALMUDUG HAL XAAFAD KALIYA AYEY DAGAN YIHIIN OO QASHIN BADAN XATAA MA ISKA NADIIFIYAAN PUNTLAN WAXAY KOONTAROOSHAA GAALKACYO BADANKEEDA HADA WAXAY KA WADAA NADAAFAD DHANKA PUNTLAND QASHINKA AYAA LA QAADOOYAA MARKA GALMUDUG WAA INAAD BARAATAAN SIDA WAX LOO MAAMULO |
Cabdi salan Khalijka | 6:16am on Friday, February 5th, 2010 |
Gabadha saabirin rag badan ayad ka caqli badantahay haba uhoreeyen ninka qoray warkan iyo kan tifatiray waxanse u malaynayaa website yada qabiilku tifatirayaalba maleh sida miisanka ookale oo waxad ka daremin shirkii waa lagu kala tagay iyo gudomiye galmudug o leh wanag uu ku dhamaday ileen kuwaan ceeb uma dhintaan saabirin waxay kalo dhantaa kana maskax badantahay ninka la baxay galmudug boy oo runtii daciifnimo muu jiyay asagoo tuugaya kuwo ayagii yaaban waxna istari la Waxuuna ka cararayaa qolyo islaama oo leh dalka diin ayan ku xukumayna waxaa moodaa inuusan wali ilbixin oo uusan fahmin nimanka ahlusuna labaxay hoos u dhaca ay beeshisa ku hayaan siday marna dagaal qabiil u galinayen marna siyaaro beena xoolihii ooga dhamaynayeen aaway arigii iyo geelii sacad waa lawada qashay qaab aan shareecada waafaqsanayn ayay ku dhamadeen iyo awliyaa iska leh iyo shirkiyaad ee tolkaan go ay sxb isku day sidii gacanta nimankaa suufiyada loga bixin lahaa |
runsheg jarmalka | 4:57pm on Thursday, February 4th, 2010 |
asc waxaan lahadla galmudugboy waa kaxumahay inaad ku baryatmeysiin nabad nasiya reer putland xamarna 20sano nabad laga waayey xaqa saas buu noqdaa kkk
|
galmudug boy Norway | 3:00pm on Thursday, February 4th, 2010 |
waxaa arrin laga xumaado ah in ay aan wali heshiis laga gaarin arrinta gaalkacyo,waxaan rumeysanahay in putnlad ay kacajiideyso in ay heshiis waafi ah lagasho GALMUDUG STATE.
Waxaan usoo jeedin lahaay putland in ay la heshiiso Galmudug si la isaga kaashado cadow kii ugu darnaay ebed ee soomaaliya soo maro(AL-Shabaab Iyo Xisbul Islaam)sidii ay isaga kaa shadeen xiligii maxaakiimta islaamiga u soo ruqaansadeen goboladaas, oo runtii loo baahanyahay in ay labada dhinac ee Gaalkacyo fahmaan khatartaas u soo hanqaltaageyso goboda ay kataliyaan,waliba si gaar ah waxaan u soo jeedinayaa putland oo aad moodo in uu caad ka saaranyahay khatartaas oo ay ka dhamaan la'dahay colaada Galmudug iyo somaliland.
Ugudambeyntii waxaan leeyahat ha guuleystaan Galmudug State iyo Ahlusuna Waljamaaca hana dhacaan Shabaab iyo xisbul Sheydaan |
saabiriin xamar cadde | 12:00pm on Thursday, February 4th, 2010 |
illaahayow soomaali qabiilka iyo qabyaalada kasaar ugu horeeyaan kuwa saxafiyiinta is mooda oo leh saxaafad dhexdhexaad eh baynu nahay warka wuxuu hordhac kaga dhigayaan kuwaan miisaanka waa lagu kala tagay hadaad aqrisana waa la isku soo laabanayaa bey leeyihiin iyo meel fiican buu marayaa bal eega kala taga ay jecelyihiin iyo balaayo abuurnimadooda war nimankiinaan bariiskooda been sheegnimada illaah ku xiray rabi ka cabsada oo umada war wanaagsan oo wax gal eh usheega oo soomaalinimada ku guubaabiya hadii kale u adeegsada web xun oo 100$ku kireesateen kala ququbid soomaaliweyn hadii lagu kala tagana wey uwada darantahay oo cid heer ku gaareeso malaha lakiin illaahey soomaali bagooda burcad ha isku mariyo |