Hordhac.
Sh. Shariif iyo hibaynta badda.
Sh. Shariif iyo Argagixisada.
Sh. Shariif iyo Ahlusunna.
Sh. Shariif iyo Dunida.
Sh. Shariif iyo lacagta cusub.
Sh. Shariif iyo maamul goboleedyada.
Gunaanad.
Qormadii hore waxaan uga hadlay lacagta cusub ee dawladda soo daabacanayso, waxaan ku muujiyey dhaliillo muuqda iyo kuwo dahsoon, taageero iyo diidmo wixii laga oran karay, todobaadkan waxaan ku soo qaadanaynnaa sanad guurada Sh. Shariif dawladdiisa waxa u qabsoomay iyo wax aan u qabsoomin, iyada oo ay jirto daaqado kale oo aan abbaari karno sida: midawga Argagixisada Alshabaab iyo garab ka mid ah Xizbul islam, Somalida laga soo celiyey Carabta ee lagu daadshay Muqdisha IWM, balse waxaan ku xeeriyey cinwankan aan wax ka tilmaami doonno.
Hordhac:
Sh. Shariif wuxuu siyaasadda ku soo galay jihaadkii madoobaa iyo jaanqaadkii wadaadada, wuxuu noqday bilic muuqata iyo bar la tilmaamsado ha noqoto gudaha iyo debadda, wuxuu si fiican uga dhex muuqaday maamulladii kala duwanaa ee ay dhisteen Wadaadadu, dharbaaxyadii ku dhacday wadaadada wuxuu dabada la galay toonta iyo hawdka Jubbooyinka, wuxuu magangalyo ka helay dawladda Maraykanka isaga oo muddo daganaa Kenya wuxuu ka dib u baqoolay Yemen.
Muddo ka gadaal wuxuu saldhig ka dhigtay Wadanka Erateriya isaga oo guddomiye loogu doortay shirweynihii habqankii Wadaadada iyo qurba joogta Soomaaliyeed, muddo markii uu dadka ku dagaal galiyey Jihaad iyo cadawga itoobiya wuxuu heshiis la galay dawladdii madaxweyne C/laahi yuuusf, doorasho ka dib wuxuu ku guulaystay inuu noqdo madaxweynaha dawladda midnimo qaran wuxuu dib ugu soo laabtay Muqdisha isaga oo aad loo garab socdo.
Sh. Shariif iyo hibaynta badda:
Dawladda Sh. Shariif tallaabadii ugu horraysay ee ay qaadday waxaa la dhihi karaa heshiiskii nacasnimo ee ay la gashay dawladda Kenya, heshiiskaa oo ahaa hibayn iyo deeqis ay siiyeen dawladda Kenya qayb ka kid ah Badda Soomaaliya, wallow heshiiska ay Baarlamanku gaashaanka u daruureen haddana waxay noqotay fal aan la illoobin oo lagu soo xasuusan doono, ujeedku ma ahan inuu isaga saxiixay balse waxay tahay inuu sidii lagu yaqaannay iska aamusay oo uusan marna ka hadlin!.
Sh. Shariif iyo Argagixisada: (Alshabaab iyo Xizbul Islaam).
Sh. Shariif iyo xerta Jihaadka waxay dhammaan ku soo wada dugaalleen diinta jihaadka IWM, muddo gaaban ka dib waa la kala weecday oo waxa kala gaddoomay danaha iyo masaalixdii isu keentay, kala weecsanka waxaa keenay aragtiyada oo kala duwan iyo daleesha wax laga arkay ama qof walba u bidhaantay, midna Sh. Shariif waan ku taageeray oo ah markii oo wada hadalka tooska ah la furay dalwaddii hore Anoo ka duulaya: “Wada Hadlaa Heshiiya” iyo “Gaal dil Gartiisana Sii”.
Alshabaab way ku gacan sayreen tallaabada Sh. Shariif waxayna sii kordhiyeen dagaalladii ay ku hayeen Amison iyo Xabashida, gadaal waxaa la dhashay Xizbul Islaam oo uu gacan ku rimis ku dhaliyey Xasan Dahir Aways, ujeedkeennu wuxuu yahay inaan tilmaamno waxa kala weeciyey jaallayaashii shalay maantana ka dhigay col iyo cadaawo!, ajandada shisheeye ee ay ku xukuntamaan Alshabaab waa mid aan lagu eegan karin miyaanse la dhihi karin Sh. Shariif wuxuu meesha u aaday waxaa u muuqday baadisiisii ka dibna uuba xaqijiyey?
Waxaa hubaal ah in waxa kala wareejiyey jaallayaashii shalay inaysan ahayn wax aan la garn karin ama aan muuqan, maxaa yeelay madaxtinimo iyo Anaa daarta maamulaya inay tahay waa mid iska muuqata, waxaase ayaan darro ah wali dadka qaarna la suuxsan yihiin wali suntii lagu cabsiiyey xilligii maxkadaha oo ay wali ka sii dhadhan sanayaan dhabxanagga kana sii shanqarayso dhagahooda Aayadihii Jihaadka iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Waxaa hubaal ah in tallaabada uu qaaday Sh. Shariif ay ahayd mid muddo la sugayey uuna qaaday mar arintu daba dheeraatay oo xeero iyo fandhaal kala dhecen, taas waxan u leeyahay waxay tahay dhibka dhacay qasaaro nafeed iyo mid maalba ma yara mana ahan mid ku soo kabsanaya muddo gaaban, waxayse dhaantaa wax la’aan, illeen awoodda xad dhaafka ah ee Alshbaab waxay yeesheen intii uu cimaamadda watay oo uu ku indha xirnaa Asmara, haddiise uu mar hore indha furan la soo bixi lahaa waa laga yaabaa inuusan xaalku sidaan ahaadeen qasaaruhuna intaan la ekaadeen.
Qodobka ku saabsan shareecada iyo diinta ee markii hore Sh. Shariif dadka ku beer laxawsaday haddana dubbihiisa ay wataan argagixisadu wuxuu u muuqdaa eray si dulman loo adeegsanayo, waaba yaabe dadka maxaa loo qasbayaa miyaa la waydiiyey waxa ay rabaan mise waxaa la taagan yahay waa dad muslin ah iyo waa wajib in shareecada lagu dhaqaa?!, waxay noqotaba waxaa muhim ah in dawladda Sh. Shariif aysan gacma jarayn godna inta faagto aysan dadka dhagax ku dilayn! iyada oo waliba ansixisay ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Sh. Shariif iyo Ahlusunna:
Ahlusunna waxay bunka jabiso oo xadradeeda wadatao waxay manta maraysaa in gudoomayahooda cusubi yiraa: “Waxaa la ii doortay inaan tirtiro Khawaarijta!” waa hadal uu ku taageero badsanayo ama ciil ku gaaxay uu rabo inuu kaga cad goosta raggan uu mgaca u baxshay, Ahlusunna waxay dagaal ay la galeen Alshabaab ku mutaysten inay la galeen heshiis gaashaanbuursi ah dawladda Sh.shariif iyaga oo ka wada duulaya isku cadaw ayaannahay ee aan is garabsanno, heshiiska wax badan ayey Ahlusunna u suura galisay inay socdaallo badan ku sameeyaan dibadda inay la kulamaan danjirayaal badan oo fadhiya Kenya iyo Itoobiya, in wax laga waydiiyo xalraadinta Soomaaliya.
Xaalka oo sidaan ah ayaa waxaa Sh. Shariif ka soo yeeray hadal aan laga filanay iyo qadaf uu u gaystay Ahlusunna, igama ahan inaan tageersanahay Ahlusunna ee waxaan sidaa u leeyahay Sh. Shariif waxaa ka qaldan tahay kaartada uu ku ciyaarayey, waxaa ka tan badisay fekerkiisa diiniga ah iyo aragtidiisa dhaqan korka ah in Ahlusunna yihiin khuraafiyiin, maalinbay ku habboon tahay in sidaa la yiraa balse manta oo kale ma ahan in sidaa loo hadlaa, Ahlusunna waa cududdda koowaad ee dawladda laga soo billaabo Gaalkacyo ilaa Jawhar dhulkaas oo dhan waxaa ka hortaaagan Alshabaab waa iyaga, haddii ay soo qabsadaanna waxay magac xumo iyo ciriiri u tahay waa dawladda Sheekha.
Dhanka kale Ahlusunna dagaalka uguma jiraan deeq ay ka qataan Sheekha waxay ugu jiraan inay daad ku soo hooray iska weeciyaan, waxaa si ula kac ah loo burburiyey astaamihii ay eegan jireen mudadana ay siyaaran jireen taas oo keentay inay xabadda qaataan, ujeedku ma ahan in la siiyo saxnaan ee waxay tahay muujin waxa ku keenay inay dagaalka safka hore ka galaan illeen 20-kii sano ee tagay lama sheegin Ahlusunna oo dagaal ku jirtee, waxaadna moodda in Sheekhu uusan si fican uga faa’iidaysanayn cududdaan muuqata ama ku meel gaarayn!
Sh. Shariif iyo Dunida:
Qodobkan waa qodobka ugu muhimsan dawladda Sh. Shariif, waxaan dhihi karnaa waa meesha ay nafta kaga jirta dawladdiisa, gudaha waa ka dhimatay ama nafta ayaa ku xaruuruga oo sariir ayey ku aruurtay, dunidase waxay ka tahay naf nool oo naaxsan walibana leh xoog iyo taag ay ku muquunin karto koxaha mucaaradka sheegta, Sh. Shariif wuxuu safarro badan ku kala baxshay wadammo badan oo dunida ah sida: Swiss, USA, Turkey, KSA, UAI, Qatar, wuxuuse ugu socdaal badnaa wadamada kala ah: Itoobiya, Libya, Sudan iyo Kenya, saacaddaan aan qorayo qormada madaxweyne Shariif wuxuu joogaa Itoobiya!
Taageero ballaaran ayuu ka haystaa sh. Shariif caalamka waxaa taas ku deeqay (kabaweyne; Maraykanka), wuxuu Sh. Sharif la kulmay Hillary Clinton nuxurka ma ahan salaan iyo gacan qaad dhex maray labada masuul sida dad badan wax uga qoreen (la yaab)!, ee waxay tahay teegeerada heerka ay gaarsiisan tahay iyo sida uu maraykanku u danaynayo in wax la socodsiiyo, ayaan darrose Sh. Shariif iyo dawladdiisuba kama faa’iidaysan taageeradaa ay ka heleen dunida ayna ugu horrayso Maraykanka.
Dabcan way jirtaa in taageerada Maraykanku ay ilaa hadda ku kooban tahay xabado iyo dhawr qoray oo qalalan oo aan wadan iidaankiisa, waxaan uga jeedaa qoriga uu ku deeqay iyo xabadda waxay u baahan tahay qof garabsada oo rida qofkaasna wuxuu u baahan yahay waa biil iyo bishaaro u soo dhacda, haddii aysan taasi dhicinna qorigu bakhaar ayuu ku daxalaysanayaa haddii uusan gacanta u galin kooxo iibsada.
Sh. Shariif iyo dawladdiisu in badan ayey muujiyeen dhaliillo dhaqaale la’aaneed iyo wax lacago ah inaysan ka helin dunida, waxaa jirtay inuu ka qayb galay kulanka madaxda yurub oo loogu ballan qaaday lacago ayse u baahan tahay in wax la dhaqaajiyo, illeen suura gal ma ahan in lacag la isaga kaa dhuree, midna ha ogaadeen taageeradaan waxay ku helayaan waa joogista kooxaha argagixisada ee haddii ay meesha ka baxaan ama awooddoodu daciiftay in la iska illoobayo ha ogaadaan, haddaba fursadda si fiican ha uga faa’iidaysataan.
Sh. Shariif iyo lacagta cusub:
Dawladda Sh. Shariif iyada oo dhaqaaqi la’ ayey waxay qaadday tallaabo u dhigan maahmaadii ahayd: “Socon waynaye aan Orodno!”, Dawladda Sh. Shariif markii ay wax ka qaban waysay ammaankii Caasimadda kaliya, markii ay ku guulaysan wayday inay wada hadal la furto qolyaha mucaaradka sheegta, markii ay ku guuldarraysatay inay iska caabiso weerarada uga imaanaya wadaada hubaysan, markii ay ku hungowday dhismo ciidan iyo cudud military, markii ay ka dhammaan waysay dumin iyo dhisid maamul ama labada gole ee dawladda, markii ay ka idlaan waysay dalxiiska iyo socdaalka dibadda , markii ay ..........markii ay ...... markii ay…..
Markii intaas iyo in ka badan waxba ka qaban waysay ayey waxay u soo jeesatay inay jeebabka buuxsato, waxay qaadday tallaabo dhuuninimo iyo hunguri waynan, sababtoo ah markii ay deeqi waayeen Canshuuraadka laga qaado Dekadda Muqdisha iyo Garoonka Diyaaradaha, markii ay deeqi waayeen lacagaha deeqa ah ee ay siiyaan dawladaha ay socdaalka ku tagaan iyo booqahada, markii ay ku fillaan waysay wixii soo galay intii ay dhisneed ayey waxay u soo jeestey inay jawaanka buuxsami waayey ka buuxshaan lacag la soo daaboco!
Ayaan darradu waxay tahay inaan waxba is badalin oo wadaad iyo waranlaba isku si u dhaqmayaan, igama ahan inaan Sheekha u haysto wali aan waxba wareemin ee waxaan ujeedinayaa hadalkan dadkii ku doodayey waa Mahdigii Soomaalida ka badbaadin lahaa balaayada, balse ha arkaan inuu isaguba balaayo horkacyo ama uu billaabayo, igama ahan inaan weeraro Sheekha oo maalin dhaweed ayaa waxaa i qabsaday in taageerayashiisa ka mid ah, balse waxaan doonayaa inaan is waafajiyo Aayadaha iyo dhaqanka, Quraanka iyo qaladka, Xadiiska iyo xaluulashada, mana ahan inay is qabanayaane waxaan doonayaa in dadku wax ku qaato oo aan lagu qaldin Aayad iyo Xadiis!.
Sh. Shariif iyo maamul goboleedyada:
Sheekhu waxay is mari la’yihiin maamulka Puntland khilaafku wuxuu salka ku hayaa hanqaltaag ku jira maamulkaa oo uu ku doonayo inuu ku helo xilal uu ku yeesho dawladda, taasna waxay daba socotaa heshiiskii dhex maray maamulka Puntland iyo C/raashiid Cali Sharmarke, oo ay ku jirtay in Maamulkaasi ku yeesho shirarka dibadda ka dhacaya xubin korjoogta ah oo ka socda maamulkaas, taas waxaa sii xoojiyey kulankii dhex maray Kheeskha iyo Faroole oo ku dhammaaday is afgaran waa, Mamulka Somaliland isaga warkiisa daa yaaba gaara waxaa loo tag la’yahay kuwii xerada qaran ku jiree.
Gunaanad:
Sheekhu wuxuu sanadka ku dhammaystay socdaal sawaariikh suug saraakiil shirqool lagu dilay iyo saro la jajabshay, sheekhu wuxuu gu’ga ku dhammaystay go’doon iyo geerashka villa Soomaaliya, sheekhu wuxuu sanadka ku dhammaystay saadaal aan fiicnayn ee sanadka xiga sara ma u kici doonaa oo wax ma la soo shir tagi doonaa, illeen sidaan anfici maysoo wuxuu u baahan yahay inuu wax is badal ah keenee.
Dhihi mayo meesha ka tag sida uu yiri ninka qoray Meesha kama tage waxna ma tare, ma canaanayo sida Culusaw, balse waxaan dirayaa dareenka sanadka soo socda, Sheekhu marka sanadka u dhammaado ma wuxuu samayn doonaa xilwareejin iyo Doorasho mise wuu cusboonaysiisan doonaa?!, taasi waa midda xeerka iyo xadiga la xiriiirta, dhanka kale ma noqon doonaa mid wax ka barta 6 bilood ee maxkamadaha ee uu ahaa Gudoomiyaha? Wax ma ka baran doonaa sanad iyo barkii uu ahaa gudoomiyaha Ururka dib u xoraynta? Waxa ma ka baran doonaa halkii sano ee uu ahaa madaxweynaha dawladda midnimo qaran?
Ugu dambyan sheekhu wuxuu ku guulaystay inuu taageero caalami ah helo inuu (Galbeedsi) balse kuma guulaysan inuu taageerada gudaha helo gaar ahaan xertiisa jihaadka(Gaaxsamid), Sheekhu wuxuu mudnaan siiyey ilaa hadda ma muuqato siyaaddiisuna meel ay u socoto lama garanyo(Galbasho) aan ka ahayn socdaalka iyo safarka joogtada ah iyo inuu ka qayb galo shirarka caalamiga ah taasba waa guul ayaa la dhihi karaa!, waxaase sugaya hawl adag iyo hardan aan yarayn dhinac walba.
Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com