Beesha Celi Cumar oo Nabada iyo dowladnimada taageersan
waxaan halkana ku cadeynaynaaa isla markaasna cambaaraynaynaa in qormada lagu qoray website-yada AllPuntland.Com….Shaaciye.com….Xusuus.com…Dayniile.com ee 02/2/2010 oo aan la ogeeyn cida qortay qoraalkaa ,taa waxaa cadeeynaya qorma walbaa waxaa lagu muujiyaa cida qortay iyo meesha eey ka soo baxday balse qormadaani waxeey aheeyd mid been abuur ah taana waxaa kaaga daliil ah qormadii la magac baxday : Beesha Celi Cumar oo ku goodisay in ay kalsoonida kala laabaneyso Dowladda KMG
1) Cida qortay lama muujin.
2) Qoraalka waxaa uu muujinayaa sida qormada ku cad : ” Xubnihii kulankani ka soo qeybgalay ayaa waxay intaa raaciyeen in xiligii Ra'iisul Wasaaraha Dowladda ka ahaa Cali Maxamed Geeddi maamulka Gobolka Banaadirna uu hayey Maxamed Dheere in Waqooyiga Muqdisho iyo guud ahaan Xamar gacanta Dowladda KMG ay ku jirtay.” Beesha Celi Cumar aad ayeey uga soo horjeeday Maquuste iyo shaqaalahiisii u shaqeeyn jiray sida Cali Geedi iyo Maxed dheere ,akhristow sow ma muuqato in qormadaani ay qoreen kuwa Maquuste iyo shaqaalihiisa ka midka ahaa si ay u kiciyaan Beesha nabada iyo wada noolaanshaha jecel ee Celi Cumar in eey lugta ku dhiftaan dowlada tabarta daran ee xiligaan ka jirta Somalia.
3) Waxaa foolxumaa in qormada ay ku jirtay : ” Sidoo kale shirkaasi ayaa la iskula soo qaaday ka qadsanaanta beesha Celi Cumar ee Xubnaha Baarlamaanka iyo qeybaha kala ee Dowladda ka kooban tahay, taasoo ay sheegeen in ay ugu wacan tahay Madaxweyne Shariif oo ay tilmaameen in uu xaqiray beesha Celi Cumar” Akhristow sow qormadaa kuma cada siyaasad xumida lagu been abuueranayo beesha, runtii beesha waa beel aanan ku degdegin qaabka wax qeeybsiga dowlada ee ah 4,5 sida la ogyahay qaabkaa waxaa wax ku helay oo umada bili-liqeystay qaasatan mida Mudulood kuwii hubka umada ku gumaadayay waxaana laga qadiyay Beelihii laf-dhabrka u ahaa Mudulood sida Moobleen.Wacdaan,Hilibi xagee joogaa Celi Cumar iyada oo la ogyahay in kuwa jufa ahaan u xigay ay bili-liqeysteen Mudulood oo dhan xaqii uu lahaa miyaadan maqal xaq maaha basle waa xal ????
Sidaasi darteed, Mulkiilayaasha website-yada AllPuntland.Com….Shaaciye.com….Xusuus.com…Dayniile.com waxaan ka dalbaynaynaa in ay raaligelin buuxda ka bixiyaan meel ka dhaca ay kula kaceen Beesha Celi Cumar waayo waxey daabaceen qoraal xaq darro ah oo fidno iyo Been abuur ah oo aan la ogeyn meesha cida qortay iyo meesha uu ka soo baxay.
Sidoo kale waxaan qormadaan ku qeexaynaa in beesha Celi Cumar ay tagareesan tahay jiritaanka dowlada midnimada qaran ee taagta daran safka horena kaga jirto horumarinta iyo adkaynta nabadgalyada caasimada dalka ee Muqdisho,Celi Cumar waxuu ku nool yahay nabada wadajirka iyo wada noolaanshaha dhamaan umada somaliya marka ay nabada timaado cid dafiri kartaa ma jito, basle Celi Cumar dagaal kuma raadinaayo in uu maroorsado talada dalka sida Maquuste iyo shaqaalahiisii xabashida dalka ku soo hogaamiyay.
Beesha waxaa ilaa iyo hada wax ka noqday mudane Nuur Xassan Xussen Nur Cade waxa uu qabtay iyo sida uu Ethiopia iyo Maquuste dalka kaga saaray waa la ogaa welina Somali waa ay u qoomameeysaa, Somalida waxey u baahan tahay kumanaan Celi Cumar ah oo jecel nabada iyo wadanoolaanshaha basle weli kuwii talada laga eryay ayaa wada qormooyinka been abuurka ah.
Dhinaca kale dadka qormadaan been abuurka ah qoray waxaan u sheegaynaa in haddii aad neceb tihiin madax weyne Sheekh Shariif , waxba magaca beesha Celi Cumar ha ka been sheegina ee haddii aad rag tihiin soo bandhiga magacyadiina oo sax ah iyo beesha aad kasoo jeedaan, wixii aad ka tabanaysaan si toos ah ugala xisaabtama Madaxwayne Shariif iyo maamulkiisa.
Ugu dambayntii waxaan dhammaan ummadda soomaaliyeed u rajeeynaynaa in Ilaah dhibta labaatanka sano dul saaran ka qaado dadka fitno wadayaasha ahna inuu Ilaah noogu badalo dad ummadda mideeya, jidka nabadana iyo wadanoolaashaha u horseeda.
Dr.Ali.A.HIrabe Hirabe_a@hotmail.com
laakin norwey | 8:26am on Friday, February 5th, 2010 |
scw kuwa dhacay xoolahii muduloodka hadii aad rabtaan waa noo shirib kuwa dhacay dhaqankiii iyo celi cumar taas aa noo balan eh taarikhda beeyn ma sheegto wabillahi toowfiikh |
hassan Finland | 10:21pm on Thursday, February 4th, 2010 |
As,c www runtii nabadda waa furaha nolasha laakiin xiligii Madaxweyne C/lahi yusuf wuxuu ahaa madaxweynihii lagu qancinaayey in ay ku heshiiyaan kuwa hogaamiyaal u haa qabaailadda in ay wadanka nabad ka dhigaan oo ay dejiyaan!! nasiib daro waxaa lugta ku dhuftay kuwa kitaab sheeganaayo oo hanti iyo dekad ku dagaalmay oo maxkamadaha la soo baxay!! wadankana ku soo hogaamiyey Itoobiyaan in ay yimaadaan !! maxaa ka dambeyey in bahaladii maxkamadaha ay dhalaan bahalo kale ee maanta ayaa laga rabaa in Nur Cade uu raadiyo nabdii soo dhaweyd oo uu burburiyey!! Gedi iyo Abdulahi waxaa ay ahaayeen dad yaqaano cadowgoodda laakiinn Nur cade ma aha nin yaqaano ! cadowgiisa !! Gebdho joogo wadanka kanadda ayaa u maahmaahay hadda ka hor waxaa ay dhaeen !!NUUROOW NIN NAAGTAADDA RABO GEBDHEYDA HOO KAAMA YEELO!! Marka sxbyaal adeer nuur waa fahmi waayey gebdhahaasi walaalihiisa ah!! wwww!! |
mis muqdisho GERMANY | 2:16pm on Thursday, February 4th, 2010 |
asc wr wb waad mahadsan tahey Dr hiraabe maqaalkan qiimaha leh ee aad qortey waayahan been abuurka waa iska badnaa ee ay wadaan fidnawadayaasha soomaaliya ilaahey hanaga qabto beesha celi cumar waa beel nabadeed oo qori xukun ku raadin noolaada taagerada dowlada sii wada halkeeda beesha waxa hogaamiya xafidullaaaaah Col nuur xasan xuseen rug cadaa siyaasi ah noolow. |
samsam uk | 1:57pm on Thursday, February 4th, 2010 |
celi cumar waa dad wadaniyiin eh oo jecel nabada somaali iyo tan mudulood
waxaan dhahaa viva celi cumar caadla guuro waana taageersanahay madaxweeynaheena shiiq shariiif shiiq axmed shiiq cigale guul |
abukar uk | 12:56pm on Thursday, February 4th, 2010 |
waan ka soo horjeednaa hadaan nahay beesha celi cumar dawladaan
ee hiraabe waa nin jiran ee ilaah ha caafiyo |
ruqiyo uk | 1:12am on Thursday, February 4th, 2010 |
aad iyo aad uga xumahay beenta aan raad laheen oo ay qoreen alla ilaahow dabka waa la waddaaaaa ee ilaahow adigaa shacabka maskiimiinta u maqan meel laysku cafinaayo ma jiraan web- diin plt radio ildhibaano waseero toog oo dhan ilaahow naga qabo yaa rabi |