Madaxda Al-Shabaab ayaa bilaabay Kulamo ay la qaadanayaan Beelaha Soomaaliyeed.
Kulamadan ayaa Beel walba si gaara loola yeelanayaa waxeyna salka ku hayaan istaraatiijiyad cusub oo ay qalinka ku wada duugeen Madaxda Al-Shabaab iyo Taliskooda sare ee Al-Qaacida.
Istaraatiijiyadan ayaa ah mid lagu soo celinayo sumcada Al-Shabaab laguna kasbanayo taageerada odayaasha beelaha Soomaaliyeed ee furaha u ah Taageerada Shacabka ayadoo Bulshada laga dhaadhicinayo in Al-Shabaab aysan shuqul ku laheyn arrimo ay kamid tahay Qalalaasaha Soomaaliya yaal, Qaraxyada dhibka u keena shacabka, Muslimiinta la gaalaysiinayo, Dilalka Qorsheysan, Dhiiga Shacabka ee qubanaya iyo wixii xumaan ah oo dhan.
Kulankii ugu horeeyay ee la xiriira helista Taageerada Beelaha Soomaaliyeed ayey Madaxda Al-Shabaab la yeesheen Odayaal iyo waxgarad matala Beesha Sacad ee ka tirsan Beelaha Habargidir.
Madaxda Al-Shabaab ee la fadhiistay Odayaashaas ayey ugu waaweynaayeen Sh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Afhayeen Sh Cali Dheere iyo Uqaabilsanaha Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir Sh Cali Maxamed Xuseen.
Kulanka ayaa lagu qabtay Guri ku yaala Suuqa Bakaaraha waxaana marti loo ahaa Madaxda Al-Shabaab oo ayagu dalbaday in ay la kulmaan Odayaal matala Beeshaas ayadoo Beeshuna ajiibtay dalabkaas.
Odayaasha Beesha Sacad ayaa bilowgii kulanka si kaftan ahaana u sheegay in ay soo dardaarmeen oo aysan hubin in ay guryahooda nabad ugu laabanayaan maadaama ragga ay la fadhiyaan ay yihiin Al-Shabaab.
Cabsidaas ayaa laga bixiyay Odayaasha waxaana loo balan qaaday in aysan wax dhib ah la kulmeen oo la damaana qaaday ammaankooda, xorna ay u yihiin dhiibashada fikirkooda.
Madaxda Al-Shabaab ayaa Odayaasha u sharaxay Siyaasada Ururkooda iyo halka ay Mustaqbalka tiigsanayaan.
Sharaxaadaas oo lagu soo koobi karo in Siyaasada Al-Shabaab ku dhisantahay Kitaabka Qur'aanka iyo Sunnada Suubanaheena NNKA islamarkaana Ururka Al-Shabaab uu wadanka ka xoreynayo Cadowga ku soo duulay iyo daba dhilifyadooda kadibna ay dhidibada u taagi doonaan Dowlad islaami ah oo looga sii gudbo khilaafadii weyneyd ee isku wada keyneysay Muslimiinta oo dhan.
Sidoo kale Madaxda Al-Shabaab ayaa Odayaasha Beesha Sacad u cadeeyay arrimo dhowr ah oo laga xusi karo.
1- In Shabaabku aysan Dagaal Muuqda iyo Mid qarsoonba kula jirin Beesha Sacad.
2- In Shabaabku aysan ogolaaneyn in lagu xadgudbo Beeshaas iyo Beelaha kale ee soomaaliyeed.
3- In Siyaasada Al-Shabaab ee ku aadan Beelaha Soomaaliyeed ay tahay mid ku dhisan Cadaalad, salkana ku haysa Diinta islaamka.
Madaxda Al-Shabaab ayaa intaas kadib Odayaasha weydiiyay in ay jiraan wax ay ka tabanayaan dhankooda.
Odayaasha ayaa tilmaamay in xiligii Maxkamadaha si weyn loogu xadgudbay Beeshooda laguna qaaday dagaal ay ku waaweeyn dad fara badan, hub, iyo hanti kaleba.
Al-Shabaab oo eedeyntaas ka jawaabaya ayaa sheegay in aysan Mas'uul ka aheyn dagaalkaas lala galay Beesha Sacad, Magaca lagula dagaalamayna uu ahaa kan Midowga Maxaakimta ee uusan aheyn magaca Al-Shabaab.
Madaxda Al-Shabaab oo jawaabta sii wata ayaa sheegay in raggii dagaalkaas madaxda ka ahaa aysan xili hore iyo mid dambaba xubin ka noqon Al-Shabaab ayna haboon tahay in ayaga lagala xisaabtamo, raggaas oo ay ula jeedeen Sh Shariif iyo Sh Xasan Daahir Aweys.
Waxaa kale oo Odayaasha loo cadeeyay in gacanta Al-Shabaab aysan ku jirin hub iyo hanti kale oo laga helay dagaalkaas.
Arrimaha ay Madaxda Al-Shabaab carabka ku adkeeyeen ayaa aheyd in Beesha Sacad lagula dhaqmi doono Cadaalad ayna marqaati u tahay in dhowaan xukun dil ah lagu qaadi doono Nin ka tirsan Al-Shabaab oo dilay wiil u dhashay Beesha Sacad oo aan ka tirsaneyn Al-Shabaab.
Odayaasha ayaa lagu martiqaaday in ay ka soo qeyb galaan fagaaraha lagu qisaasi doono Ninkaas ayadoo taariikhda iyo goobtaba dib looga sheegi doono.
Waxaa kale oo xusid mudan in Abuu Mansuur uu kulankaas ka ammaanay Gen Ceydiid, asagoo sheegay in uu aad u taageersanaa siyaasadiisa iyo shakhsiyadiisa marka laga reebo arrimo uu diin ahaan ku qaldanaa.
Gabagabdii Kulanka iyo waxa lagu balamay.
Hadaba markii intaas la is dhaafsaday oo labada dhinac si fiican isku dhageysteen ayaa Odayaasha Beesha Sacad laga codsaday labadan arrin oo kala ah.
1- In Beesha Sacad ay taageerto Ururka Al-Shabaab, ayna kaalin weyn ka qaadato halgankaas islaamiga ah.
2- In Beesha Sacad aysan ka qeyb qaadan Dagaal kasta oo lala galo Al-Shabaab waa hadii aysan fulin codsiga koowaad.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa codsiga koowaad ee ah in Shabaabku helaan helista taageerada Beeshaas balse hadii beesha Sacad laga waayo arrintaas aysan ka qeyb qaadan dagaal kasta oo lala galo Al-Shabaab ayna ahaato Beel dhexdhexaad ah.
Odayaasha Beeshaas ayaa sheegay in aysan horayba kaga jawaabi karin codsiga Al-Shabaab, arrintana ay u bandhigi doonaan Gudi ay taladu ka go'do oo Beeshu leedahay maadaama xubnaha gudigaas aysan wada joogin kulanka, waxeyna balan qaadeen in jawaabta ay Beeshu qaadato usoo celin doonaan Madaxda Al-Shabaab.
Madaxda Al-Shabaab ayaa ugu dambeyn hoosta ka xariiqay in aan la bartilmaameedsan doonin qof kasta oo ka tirsan Beeshaas xataa hadii ay Beeshu ku gacan seyrto taageerada Al-Shabaab.
Ugu dambeyn Odayaasha ayaa midkiiba la siiyay lacag dhan 300 oo doolarka Mareykanka ah taasoo Madaxda Al-Shabaab ay sheegeen in ay tahay gaari raac.
Sidii aan horay ku soo sheegnay kulankan ayaan ku ekeyn Beeshan oo kaliya balse ah kulamo bilowday oo Shabaabku ay la yeelanayaan Beelaha soomaaliyeed si ay u helaan Taageerada iyo Sumcada ay Shabaabku tabayaan in ay ka maqan tahay, weyse adkaan doontaa sida ay ku helaan taageero qalbiga ka timid maadaama siyaasada ay kulamadan oo kale ka sheegaan iyo tan ay ku dhaqmaan ay tahay kaaf iyo kala dheeri.
Kulamada noocaan oo kale ah ee taageera doonka ah lalana yeelanayo Beelaha Soomaaliyeed ayaa waxaa horay u sameeyay Madaxweyne Sh Shariif iyo Sh Xasan Daahir Aweys waxaase shacabku qiimeeyaan isbedelka dhabta ah ee aan aheyn balan qaadyada aan la fulin ee siyaasiyiintu ka dhaadhiciyaan Odayaasha ay la kulmaan.
Warbixinta kulankan ayaa ka helnay mid kamid ah Odayaashii goob jooga ahaa oo naga codsaday in aan la xusin magiciisa.
axmed xuseen mudisho | 12:04pm on Tuesday, March 23rd, 2010 |
Hogaamiyaha Al-Qaacida ayaa Fariin Muqaal ah u diray Dawladaha Reer Yurub
March 20, 2008 in General
World News:- Hogaamiyaha Ururka A-Qaacida Shiikh Usama Bin Ladin ayaa Farii Cajil ah u diray dalalka Reer Yurub kuwaasi oo uu uga digay inay joo jiyaan Faragalinta ay ku hayaan Diinta Islaamka ee Suuban, Binladin waxa uu sheegay inay jiraan kuwa Dacaayadu ka fidiyay Nabi Maxamed Naxariis iyo Nabad Gelyo ilaahay ka Yeelee,kuwaasina ay dhawaan la kul mayaan Talaabo xoogan xoogan oo ay Ururka Al-Qaacida ugaga Aar gudayaaan
|
CAAFIMAAD IYO CUDUR | 2:14am on Thursday, February 11th, 2010 |
KII ALSHABAB AMA DAHIR AWEYS LAHESHIINAYA YUUSAN SACAD KURAFANINE SHAQSI AHAANTAADA URAAC THXXU |
Karinle Gunta | 2:10am on Tuesday, February 9th, 2010 |
Jawaab ku socoto Abu Salaama oo ah ninka leh ha lagu daydo Murusade iyo duduble, Waxaan u sheegayaa inaad ku wiilal beesheen meehaas, oo hal nin oo Murusade ama duudble ah ku jirin Maamulka Sare ee Shabaab, Fu'aad Shangaale iyo Axmed ma gudane ayaa idiin taliyo idinna bah dila Allaha idiin soo hanuuniyo |
Abtidoon Aw-Baahalow Canada | 2:06am on Tuesday, February 9th, 2010 |
Saqjaamiinta Alshabaab Irdihii Kheyraadka iyo Alnaanadii jannada ayaa iska soo xiray, Wax axdi oo lala gali karo ma jiraan, marka hore waa iney qirtaan khaladaadkoodii Hore, Marka Xiga waa iney iska saaraan Carabta iyo Pakistaanka u taliya oo ku takri fala, Tan Xigtana waa iney na tusaan in Ethiopia tahay Cadawgooda oo ay goob kaliya kula dagaalamaan, ilaa hadda lama hayo meel ay Ethiopia kula dagaalameen, |
ALA AAMIN SACAD | 6:03am on Monday, February 8th, 2010 |
ILAAHEEY HAGUULEEYO CIDII XAQ KUTAAGAN KUWII BAADIL WADANA NAG IYO BAABAH ALOOW KAYEEL AAMIIN QABIIL IYO 2010 GUUL SUUFI |
Rayid Carro edeg | 2:55am on Monday, February 8th, 2010 |
Waa fikir fiican waxaana fiican in qoladii hishiiska gashaa aysan waligeed ka bixin xataa hadii laga adkaado al shabaab sababtoo ah waa wax kugu waajibaya jabintiisana aakhiro rabbi waa ku weydiin midna waa iga digniin qabiilkii al shabaab hishiis la gasha ee ka baxda hadey al shabaab awood yeelato waa lagu duuli oo la baabi,in sidii yuhuudii reer madiino ee balanta nabigeena muxamed csw ku balan furay marka sidaas ogaada hadda sacad wali balan ma galin iyo qabiilada kalaba qoladii balanta fulin karta oo aan hadhow ka baxayn un ha gasho inta kalana ayagaa caafimaadkooda og wa billaahi towfiiq |
luqman binu cutayba galinsoor | 2:50am on Monday, February 8th, 2010 |
waa wax fiican in kuwaan tagaan dhulka sacadku dago waayo kii wax dilaba way qabanayaan dilayan marka nabad baa imaan lahayd. rayigayga |
Dalabeey Liibiya. | 1:50am on Monday, February 8th, 2010 |
Waa arrin fiican hadii Abuu Mansuur ammaanay Gen Ceydiid, waa soo dhoweynaynaa. |
sacadboy galmudug | 10:29pm on Sunday, February 7th, 2010 |
the relationship between alshayatiin and us(reer sacad) is nothing but war
we tell alshayatiin: we will never join you!!! |
sahal norwey | 7:50pm on Sunday, February 7th, 2010 |
al shayaadiin waligood ilaanimada way ku yareed seey ku aminayaan oday dhaqameet cimaamada usoo xirtay |
beelo sacad siciid galmudug | 6:52pm on Sunday, February 7th, 2010 |
alxasooq baadiheen oo diin mawadaan iyo darajo toona aftoob batiheen dadka balayseen ilobimayno waligeen reer aarsadibanahay weelee itima ilowno dadkad layseen dr cadow iyo ardaydii qalin jabinaysay iyo shiiq cagawine iyo cali siciid xasan iyo qaarkale oobadan inta gabari naganooshahay walee idima diyno qawarijiyo qaawan baatiheen |
faadumo somaliya | 6:41pm on Sunday, February 7th, 2010 |
diinmawadaan iyo darajo intaba ee oodhaafa dalka iyo dadaka pls khashin baatiheen
|
MUJAAHID JECLE MEESHAAN RABO | 6:23pm on Sunday, February 7th, 2010 |
ASC WR WBRK
WAXAAN AHAY WIIL U DHASHAY BEESHA SACAD WAXAAN AAD UGU FARAXSANAHAY SIDA MUJAAHIDIINTA AY USOO DHOWEEYEEN BEESHA AAN KA DHASHAY. WAXAANA LEEYAHAY HALA TAAGEERO WALALAHA U DAGAALAMAYA DIINTA RABBI INEY KOR NOQOTO, QABIIL WAX MA TARO QABRIGA KU DADAALA IN ALLAAH UU IDINKU SHARFO. MIDDA KALE WAXAAN LEEYAHAY MUJAAHIDIINTOOW OGAADA IN CADOWGIINA AY IDIIN BIRO TUMANAYAAN WAA INAAD BADISAAN FOOJIGNAANTA IYO KALSOONIDA WAA INAADNA KU DADAASHAAN INAAD BADISAAN DIGRIGA RABBI GAASHAAN TAAS AYAA IDIINKU FILAN. BEESHA AAN KA DHASHAY WAXAAN KULA TALIN LAHAA INAAD RAACDAAN OO ISKU DHIIBTAAN MUJAHIDIINTA. WABILAAHI TOWFIIQ. ASC WR WBRK |
Ahmed Louisville | 5:01pm on Sunday, February 7th, 2010 |
"Divide, then rule"... waa tactic-ii gumeysigu uu isticmaalay, wiliba Khaas ahaan Afric ilaa iyo hadda bur-burkii uu saameeyo. Awalbeysan Somali isku duubneyn, balse in ay "in ay isku ogaato, in ay kala qeyb santahay" bal aan aragno xanuunka sii wiiqida kala furfurnaanto keento, iyo sida ay u saacido caddowga sii naafeeya, qabsadayna dalka badi... gaar ahaan dhallinta soo koreysa. |
Ahmed Louisville | 5:01pm on Sunday, February 7th, 2010 |
"Divide, then rule"... waa tactic-ii gumeysigu uu isticmaalay, wiliba Khaas ahaan Afric ilaa iyo hadda bur-burkii uu saameeyo. Awalbeysan Somali isku duubneyn, balse in ay "in ay isku ogaato, in ay kala qeyb santahay" bal aan aragno xanuunka sii wiiqida kala furfurnaanto keento, iyo sida ay u saacido caddowga sii naafeeya, qabsadayna dalka badi... gaar ahaan dhallinta soo koreysa. |
SOMALI CIRKA | 4:48pm on Sunday, February 7th, 2010 |
WAXA YAAB BADAN DAD DIIN SHEEGANAYO HADANA QABIIL LA KULMAYO KKKKK ALSHABAB SOMALIYA DAN UMA WADAN WANA LA TIRTIRI DOONA HADII AAN TIRTIRI WAYNO ADUUNKA AYA NA TIRTIRI DOONO...
WAQTIGA INTA LA HAYSATO SHAYAADINTA SO WADAJIR HALOOLA DAGAALAMO NACALADA QURUNTA GARKA ORGIGA LEH AFKA DUUBTAY |
Anonymous Location unknown | 4:28pm on Sunday, February 7th, 2010 |
Shabaabku waxa ay isku dayayaan in ay sameeyan wax kasta oo ay is leeyihiin wad ku fushan kartan arimihiina laakiin soomaalida wey ka dharagsantahay sisaasada shabaab oo wey fahantay waxeynu ognahay aakhirkii 2008dii markii xabashidu kabaxday baydhabo maxaa dhacay? ciidamo uuwato mansuur oo xiligaa ahaa afahayeenka shabaab ayaa xoog kugalay baydhabo kadib maxaa dhacay? ciidamadii waxa ay qabteen rag badan oo katirsanaa maamulkii c yusuf oo uu kamid ahaa xaabsade wana lasii daayay mansuur hadii uu daayay xabsade cali dhere manta maxuu dhihi lahaa qanyare hadii uuqabanlahaa uqaabilsanaha gobalka banadir cali maxamed xusen maxuu dhihi lahaa hadii uuqabanlahaa en. nune? Maxuu khawarij inoo leeynaa ilen wan ujeednaa diinta shabab waxey ... Sheegi makaro |
alashari dhuusomareb | 4:09pm on Sunday, February 7th, 2010 |
anigoo ka tirsan beesha habargidir Ceyr waxaan idin sheegaya in qawaarijta shabaab iyo beesha Cayr oo ah militariga mujahidiinta ahlusunnah wal jamaacah dagaal u dhaxeeya ilaa yawmut Tanaad |
Hobyo Man gaalkacyo | 11:15am on Sunday, February 7th, 2010 |
KHAWAARIIJTA ASHABAAB MARKAY OGAADEEN IN JABKOODII MAALMO KA DHIMANYIHIIN AYEY BELAABEEN IN AY YIRAAHDAAN BEELAHA AYAAN LASHIRAYNAA SI AY U MAGAN GALIYAAN FIRXADKOODA MARKII HALAAG KU DHACO SACAD LAMA SHIRIN WAHAABIYADA KHAWAARIIJTAA SACAD TALADIISU WAXAY KA GODAA CULUMA,ADIINKA AHLUSUNNA WAJAMAACA ALSHABAAB HADII RABAAN SHIR SACAD HA UTAGAAN AHLUSUNNA WALJAMAACA DADKA SOOMAALIYEED U HA DIYAAR GAROOBAAN KA AARSIGA ALSHABAAB MAXAA YEELAY DADKIINII AYAGAA DHAMEEYEY AYAGOO SABAB UGA DHIGAYA WAA GAALO MAXAA YEELAY WAXAY AAMINSAYIHIIN WAXII KA SO HARAA WAA GAALO XATAA MACALIMIINTOODII ITIXAAD AYAA DIIDAY FAKARKOODDA IN KASTOO AY ISKU MANHAJYIHIIN DHAMAAN WAHAABIYADA KHAWAARIIJTAA WARKA LA QORAYNA WAA BEEN IYO BEERDULUCSI AY ALSHAYDAAN BILAABEEN SI AY UGU SAHLANAATO DUUFSIGA BEELAHA KALE MARKAAD NIN USOCOTO NIN BAA LOO SAATAA WEEYE SHEEKADU |
Anonymous Location unknown | 11:09am on Sunday, February 7th, 2010 |
tan kale ninka magaca carbeed wato ee diinlooga dhigay maandhoow abuu salama magac soomaali maahan ee soomaali xaalkeed kuuma yaal sacadna ha u hanjabin haddeey doonaan ha diideen ama ha dooneen meesheey ku dambeeynayaan allaa garanayo ee adiga maaha |
Anonymous Location unknown | 11:06am on Sunday, February 7th, 2010 |
adduunoow magacaa ba'ma maantaa sacad in la siro leesku dayay wallee hawiye lagama siro sacad iyo waceesle haddii labadaa la siro hawiye ma jiro fiiri alshabaab yaa taageero doqon iyo magarato maxeey rabaan dad siyaasad ku soo jiray siniin in aay siraan gabalkiinni waa dhacay |
wiil sacad 6 biyaano MALAYSIA | 10:07am on Sunday, February 7th, 2010 |
hadaan ahay beesha ugu quwada weyn ee somalia SACAD waxaan leeyahay wacalada tuugada dameerada otherska nacalaa cimaamadiina ku taal ee meel jooga duliyaalyahoow sacad waligiin riyo xataa idinku soo raaci maaye |
wil sacad switzerland | 9:36am on Sunday, February 7th, 2010 |
ASC WRB ANIGOO KU HADLAAYO MAGACA BEEL WEYNTA SACAD WAXAN U SHEGAYAA UMADA SOOMALIYEED INAAN DAGAL DANBE AANAN WIIL INOOGA DHIMAN MISNE ANAGA UU U DAGAALAMENO AL SHEYDAN LAGAMA YAABO ANAGA WAXA INO DHOSAN MAAMUL GOBOLEED CIDI KUS OO XAD GUDUBTO WAAN ISKA DIAFACEENA AL SHEYDAAN IYO SACAD WAA KAF IYO KALA DHEERI HA OGAADAAN SOMALIDA OO DHAN SACAD WEE IDINKA CAQLI BADAN YIHIIN WSC |
axmed jamaame | 9:24am on Sunday, February 7th, 2010 |
SCW WAA YAABKA YAABKIISA MAANTANA MAXAY NOO KEENEYN SACAD GARABNASIIYA DAGAALKA NALA GALA WAXAAN LEE YAHAY SHEDAAMIINTA ALSHABAAB GABALKIINA WAA DHACAY EE LACAGTA AAD DADKA SIINAYSAAN WAA TII GAAL NIMADA EE YAA IDINKA YEELAYO BEESHA SACAD WAY IDINKA MASKAX BADAN TAHAY DAD LA QALDI KARO MA AHAN EE WAA DADA MUXTARIM AH DAGAALNA HORAY U SOO GALAY FAAIIDAD UU LEE YAHAY DAGAALKA IYO QASAARAHA UU LEE YAHAY WAY OGSOON YIHIIN EE DADKA SHACABKA BEEN HA U SHEEGINA HADA WAXA AAD WADAAN GARAB HANA SIIYO BERINA WAAN IDINKU SOO JEESANEYNAA TAAS MID SUURA GALAYSA MA AHAN SACAD HUUDAD GARAB SIINAAYO XASAN DAAHIR AWEYS OO BEESHA HABARGEDIR AH AYEY SIINI LA HAYEEN SIDAAS U OGAADA ALSHABAAB CAQLI XUMAA MARABAAN IN WADANKA DHISMO DOWLAD FIICAN WADANKA LAGA TAAGO MARABAAN WAXAY RABAAN IN AY DADKA QAALEYSIIYAAN KUWAASNA WAA TAKFIIR SOOMAALIYEEY KUWAAS WARKOODA HARAACINA WAA KUWA YAHUUD U SHAQEEYO OONA U ADEEGO WAXAY U FAAQEEN QABUURIHII SHEEKHYADA AHAA WAXAY U IIB GEEYEEN WADANKA YAHUUDA DADKAAS LAFAHOODA EYEY YAHUUD KA IIBIYEEN WARKOODA HALAGA BAXO SOOMAALIYEY SIRQABE ALOW SIRTIISA HA U SHALIN SIRTA UU WATO WAA SIR AAN WADA OGNAHAY BERITO WUXUU RABAA IN UU QALQALO DADKA MASAAKIMIINTA AMA UU XABAALO OO UU DHAGAX KU DILO SIDAAS AYUU DOONAYAA WARKOODA HALAGA BAXO EE ILMAHIINA KA ILAALIYA DHAQANXUMADA AY BARAYAAN SCW |
axmed jamaame | 9:20am on Sunday, February 7th, 2010 |
SCW WAA YAABKA YAABKIISA MAANTANA MAXAY NOO KEENEYN SACAD GARABNASIIYA DAGAALKA NALA GALA WAXAAN LEE YAHAY SHEDAAMIINTA ALSHABAAB GABALKIINA WAA DHACAY EE LACAGTA AAD DADKA SIINAYSAAN WAA TII GAAL NIMADA EE YAA IDINKA YEELAYO BEESHA SACAD WAY IDINKA MASKAX BADAN TAHAY DAD LA QALDI KARO MA AHAN EE WAA DADA MUXTARIM AH DAGAALNA HORAY U SOO GALAY FAAIIDAD UU LEE YAHAY DAGAALKA IYO QASAARAHA UU LEE YAHAY WAY OGSOON YIHIIN EE DADKA SHACABKA BEEN HA U SHEEGINA HADA WAXA AAD WADAAN GARAB HANA SIIYO BERINA WAAN IDINKU SOO JEESANEYNAA TAAS MID SUURA GALAYSA MA AHAN SACAD HUUDAD GARAB SIINAAYO XASAN DAAHIR AWEYS OO BEESHA HABARGEDIR AH AYEY SIINI LA HAYEEN SIDAAS U OGAADA ALSHABAAB CAQLI XUMAA MARABAAN IN WADANKA DHISMO DOWLAD FIICAN WADANKA LAGA TAAGO MARABAAN WAXAY RABAAN IN AY DADKA QAALEYSIIYAAN KUWAASNA WAA TAKFIIR SOOMAALIYEEY KUWAAS WARKOODA HARAACINA WAA KUWA YAHUUD U SHAQEEYO OONA U ADEEGO WAXAY U FAAQEEN QABUURIHII SHEEKHYADA AHAA WAXAY U IIB GEEYEEN WADANKA YAHUUDA DADKAAS LAFAHOODA EYEY YAHUUD KA IIBIYEEN WARKOODA HALAGA BAXO SOOMAALIYEY SIRQABE ALOW SIRTIISA HA U SHALIN SIRTA UU WATO WAA SIR AAN WADA OGNAHAY BERITO WUXUU RABAA IN UU QALQALO DADKA MASAAKIMIINTA AMA UU XABAALO OO UU DHAGAX KU DILO SIDAAS AYUU DOONAYAA WARKOODA HALAGA BAXO EE ILMAHIINA KA ILAALIYA DHAQANXUMADA AY BARAYAAN SCW |
Mahad mintid Mugadisho | 8:16am on Sunday, February 7th, 2010 |
Kkkkkk horta sacad xaa taagyero la weeydistaa saaxada siyaasada iyo furinta dagaalka weey ka maqanyihiin waan kaa rumeysan laheyn hadaad soo qaadi laheyd beelaha ka sokeya sida saleebaan iyo saruur marka afka ayaad isaga quruxsaneysaan |
thanks to all somalia | 7:56am on Sunday, February 7th, 2010 |
DADKII MADAXDA AHAAN JIRAY 1800SANO KA HOR EE DIINTA HORSEEDKA U AHAA AYEY RABAAN IN AY IYAGU MAAMULAAN OO SHALAY MAGAALADA SOO GALAY HADII AAN RUNTA IDIN SHEEGO LAMA SIRI KARO LABADAN BEELOOD EE KALA AH SACAD IYO WACEYSLE MAXAA YEELAY DIIN IYO DOWLADBA WAA KAA BADIYAAN SIYAASAD DAGAAL SHAREECADA ISLAAMKANA AYAGAA HORMOOD KA AHAA IYO DOWLADIHII DALKA SOO MARAY SHANTA GOLAHA AYEYNA KA MID AHAAYEEN ADINKOO TUULOOYINKA KA YIMI AYAA RABA INAAD SIR IYO LAALAAB KULA DHAQANTAAN BEELAHA SOMALIYEED EE FACA WEYN DHAGARTIINA ALLAAH AYAAN KA MAGAN GALNAY............. |
Keyse Nbi | 7:16am on Sunday, February 7th, 2010 |
Waa yaab maxa iska quseeyo sacad iyo shaydaamada, war anaga Ahlusuna ayan nahay taariqda sacad aya waxey tahayba Ahlusuninimo, khawarij iyo anaga balanteena waa xabad iyo dagaal, |
shire london | 4:43am on Sunday, February 7th, 2010 |
war anaga haddii sacad nahay doonimeyno wax wada hadal ah waa khayano al-shabaab maleygayo waa inaa odiyaasha ka digtownadaan anaga raali kama noqondoono wa dhaqarti shabaab |
Xasan cabdul Kenya | 4:34am on Sunday, February 7th, 2010 |
Inta aad adunka jogto hadba waxbaa maqlaysaa alshabaab miyaa taagero jaraadinaya sacad waa wax lagu qoslo waxaan leeyahay haku daalinina taagero sacad helmaysaane cagna masoo dhigi kartin meel sacad daganyahay sacad waa ahlusuna waljameca ahlunana lagama yaabo inay taageerto alshabab haku daalinina taagero sacad cirku intu idiinjiro ayey idiin jitaa |
Xasan cabdul Kenya | 4:33am on Sunday, February 7th, 2010 |
Inta aad adunka jogto hadba waxbaa maqlaysaa alshabaab miyaa taagero jaraadinaya sacad waa wax lagu qoslo waxaan leeyahay haku daalinina taagero sacad helmaysaane cagna masoo dhigi kartin meel sacad daganyahay sacad waa ahlusuna waljameca ahlunana lagama yaabo inay taageerto alshabab haku daalinina taagero sacad cirku intu idiinjiro ayey idiin jitaa |
Xasan cabdul Kenya | 4:31am on Sunday, February 7th, 2010 |
Inta aad adunka jogto hadba waxbaa maqlaysaa alshabaab miyaa taagero jaraadinaya sacad waa wax lagu qoslo waxaan leeyahay haku daalinina taagero sacad helmaysaane cagna masoo dhigi kartin meel sacad daganyahay sacad waa ahlusuna waljameca ahlunana lagama yaabo inay taageerto alshabab haku daalinina taagero sacad cirku intu idiinjiro ayey idiin jitaa |
Abuu Salama Xerada Maslax | 3:29am on Sunday, February 7th, 2010 |
Beesha Sacad waa in ay Taageerto Al-Shabaab hadii kale meel xun bay ku dambeynee.
Halagu daydo Beesha Murusade iyo Beesha Duduble ee garabka siiyay Mujaahidiinta |
Shiine Louisville | 3:15am on Sunday, February 7th, 2010 |
"Gaalka dil, gartiisana sii"... Waxay cayaareen, Al-shabaab tactic aad u wanaagsan. Kooxdaan, oon xabbad waxaan ahayn wax ku raadisa, waxay laba-labayn galinaysaa qofkii qaddiyad aan uga soo horjeedin, balse isdifaac inta aysan "too late" noqoni ku jirtay.
Waxaa iiga sii yaab badan, sida ay u bartilmaamayd sadeen beesha Sacad, uguna bilaabeen qorshahooda!!!! Very claver. Waayo beeshanan oo hankoodii iyo geedi socodkii dadaalkii ay ku baadi goobayeen xukun uu hingoobey, leh deegaan iyagu ay ugu tug-tug roonyihiin, sidii ay ugu faylsanaayeen raggoodii hore aan dowlada ugu jirn, Alshabaab dagaal beel ahaan ay isugu abaabluleena ugu hor imaan... Iyo mid igala sii xeel dheer. Habar-gidir oo Ceyr waayihii danbe uu horbood u ahaa, oo Al-shabaab ka sifeeyay deegaankoodii. Perhps, cayn wareejin in ay meeshaa ka aloosaan. Bal let's see cdii ku xigta.. most likely waa "Xawaadle iyo Gaaljecel" iyo inta aan wili meel cad raacin.
I'm sure in aysan Sacad xiiso dagaal u qabin, laga yaabee in ay sacond option afka ku diirtaan, "maalinba dibiga bidhaanta roon, ku tag"... |
sureer Location unknown | 2:17am on Sunday, February 7th, 2010 |
yaabka yaabkiisa ma'alshabaab baa runtaqaana waxayrabaan dad iyo qabaail ay isticmaalaan oo hadhowna markay dantooda gaaraan ku soo jeestaan. Alshabaab shaydaan shareeco iyo diin malahan mana yaqaanaan mana rabaan in ay bartaan waa dad sixran oo calooshood u shaqayteyaal ah. waxaana aniga iga dhaadhacsan iyoaga iyo alqaacidada lasheegaba in ay u adeegaan yuhuud waxaana iga su'aal ah hubka iyo lacagta ay haystaan dowladana islaamka hubna ma sameeyaan lacagtaasna mahaystaane xageebay ka keenaan?
yuhuuda hubkaysamayso bay dadka islaamka u iibgeeyaan si yuhuudo islaynta islaamka uga faa'iido |