Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links


Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
Xogsheeg
 
Shacabka Muqdisho Ma looga digay Radio Muqdisho Masa Waa lagu Gaalaysiiyay?..(Faallo ku aadan Mamnuucista Al-Shabaab ee Dhageysiga Radio Muqdisho) +Video. Posted to the Web Dec 30, 04:16

Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Sh Cali Dheere ayaa 28dii Disembar shaaca ka qaaday in Shacabka Muqdisho ay la mid yihiin Dowlada uu ku tilmaamay Ridada hadii ay dhageystaan Radio Muqdisho.


Sh Cali Dheere ayaa hadalkiisa u cuskaday Aayada 140 ee Suuradda An-Nisaa.


Waana arrin soo jireen ah in kooxaha lunsan ay Aayaadka Qur'aanka u daliishadaan wax walba oo ka hor-yimaada siyaasadooda, maantana waxaa la hayaa in Shabaabku ay Radio Muqdisho u cuskadaan Aayad Qur'aan ah sidii ay horayba falalkooda gurracan ugu soo qaadan jireen Aayaadka Qur'aanka.


Marka hore Aayada uu Sh Cali Dheere soo qaatay iyo arrinta uu u xujeystay oo Radio Muqdisho ah ayaan wax shuqul ah isku laheyn sababtoo ah Radio Muqdisho iyo Warbaahinta kale ee wadanka ka jirta lagama beeniyo oo loogama jees-jeeso Aayaadka Allah.


Nasiib darro Sh Cali Dheere sida aqrinta Aayada ay uga qaldaneyd ayaa macnuhuna uga qaldanaa oo Aayadu waxey diiday oo kaliya dhageysiga gaalnimada iyo jees-jeeska Aayaadka Allah ilaa laga galo sheeko kale oo aan taas aheyn laakin Sh Cali Dheere si duuduub ah ayuu u mamnuucay Dhageysiga Radio Muqdisho oo gaalnimo cad ugu xukumay cid kasta oo amarkiisa kadib dhageysata Raadiyahaas, waxey doontaba haka dhageysatee.


Waa arrin murugo leh in Warbaahintu aysan sidii la rabay u qeexin hadalka Sh Cali Dheere oo waxey ku gaabsadeen in Shabaabku ka digeen Dhageysiga Radio Muqdisho balse meesha ma aysan oolin digniin ee Shabaabku xukun gaalnimo ah ayey ka soo saareen Radio Muqdisho oo Sh Cali Dheere afbuuxa ayuu ku oranayaa in Dhageystayaasha Radio Muqdisho loo aqoonsanayo xubno ka tirsan Dowlada KMG, taasoo la macna ah in ay Murtadiin yihiin hadey dhageystaan Radio Muqdisho.


Al-Shabaab ayaan aqoon qaab kale oo wax lagu mucaarado oo aan ka aheyn in ay gaalnimo ku xukumaan cid kasta oo ay wax tabanayaan ha noqoto Dowlada ama Saxaafad ama Shacab, halkaasna waxaa ka cad in aysan islaamnimo u aqoonsaneyn cid walba oo aan ka tirsaneyn iyaga amaba ka soo horjeesata siyaasadooda.


Warku waa cad yahay hadaad dhageysato Radio Muqdisho waxaa tahay gaal sidaasna waxaa ku banaan dhiigaaga!


Al-Shabaabka dhageysta Radio Muqdisho Maka baxayaan Diinta islaamka?


Waxaa marag madoonto ah in Al-Shabaab ay dhageystaan Radio Muqdisho oo ay dhageysan doonaa, hadaba miyeysan gaalnimadaas dib ugu laabaneyn xagooda? sida ay Muslimiinta u gaalaysiiyaan u gaalaysiin mayno laakin waxaa muuqata in ay ku dhacaan arrimo badan oo ay ku gaalaysiiyaan muslimiinta kale.


Waxaa dhici karta in Shabaabku iska dhaadhiciyaan khuraafaad kale sida in ay Radio Muqdisho u dhageysanayaan la socodka dhagarta iyo Siyaasada Murtadiinta, Maxaase Shacabka Muqdisho u diidaya in ayaguba la socdaan dhagarta iyo Siyaasada Dowlada KMG!


Hadii Diinta looga baxay dhageysiga Radio Muqdisho oo ay leedahay Dowlada KMG Miyaan Diinta looga baxeyn dhageysiga BBC-da iyo VOA saa ayagaba waxaa iska leh gaalo aan la isku khilaafsaneyn gaalnimadooda! waxaana ognahay in Sh Cali Dheere uu la soo xiriiro BBC-da oo uu dhageysto kana baxsho wareysiyo.


Inta badan Muslimiintu waxey dhageystaan ama daawadaan Warbaahin ay gaalado leedahay, Muslimiintaas oo dhan waa gaaloobayaan hadii la raaco hadalka Sh Cali Dheere, Masa waxaa gaaloobaya oo kaliya Shacabka dhageysta Radio Muqdisho!   hadalka Cali Dheere maaha mid waji ku leh Diinta islaamka iyo caqliga wanaagsan.


Sida ummadu ogsoontahay Radio Muqdisho lagama faafin gaalnimo iyo jees-jees ku aadan Diinta islaamka, suaashuse waxey tahay Maxaa dhibay Al-Shabaab? Maxaase ka careysiiyay?


Arrimo badan ayaa Shabaabka ka careysiiyay oo ay kamid tahay in Radio Muqdisho helay Dhageystayaal aad u fara badan iyo Raadiyaha oo Shacabka dareensiiyay arrimo aan Maslaxad u aheyn Al-Shabaab sida Dowladnimada, Nabada, Calanka, Soomaalinimada.


Arrinta ugu muhiimsan ee Shabaabka gubtay ayaa ah qaar kamid ah Barnaamijyada ka baxa Raadiyaha oo ay ku jireen Barnaamijyo looga hadlayo Xurmada dhiiga Muslimka iyo khatarya ay leedahay Gaalaysiinta Muslimiinta.


Waxaa xusid mudan in Radio Muqdisho sii daayo Barnaamij taxane ah ama Ruwaayad taxane ah oo shacabka lagu dareensiinayo foolxumada ay leedahay dilka, dagaalka, dhaca, musuqmaasuqa, naxariis darrada, qab weynaanta, boobka dumarka, burburinta iyo falal kale oo intaba looga been sheegay Diinta islaamka.


Ruwaayadaas oo la magac baxday Baadi kala Maqan ayaan lagu magacaabin Kooxda Al-Shabaab ama Koox kale waxaase la adeegsaday magacyo kale sida Reer Burburiye iwm.


Al-Shabaab ayaa u dulqaadan kari waayay Ruwaayadaas ileen meel bugta iyo far baa is ogee!


Dadka qaarkiis ayaa meel dhow ka fiirshay carrada Al-Shabaab ayagoo ku soo koobay Ruwaayadaas balse arrintu wey ka weyn tahay Ruwaayad oo kooxdan ma aqbali karaan camal aan xagooda laga wadin, mana yaqaanaan in Muslimiintu is khilaafi karto ayadoo aan la is gaalaysiin oo qolo kasta ay soo bandhigi karto fikirkeeda.


Tan kale falalka kala duwan ee Ruwaayada lagu soo bandhigay ayaa ah kuwa ay Shabaabku si dhab ah u sameeyaan oo wiliba ay magaca diinta ku sameeyaan sidaas darteed waxaa la xaraaraatay in dadku ay falalkaas u arkaan wax xun oo aan haba yaraatee xiriir la laheyn Diinta islaamka.


Al-Shabaab ayaa ka dhargasan in aysan wax saas ah sii jireen hadii shacabku helo xoriyad uu ku doorto kuna dhageysto cidii uu rabo, arrintuna kuma eka Radio Muqdisho oo waxaa afka laga daboolay cid kasta oo bixin laheyd sawirkii saxda ahaa ee islaamka oo ay ugu horeeyaan Culumada.


Foolxuma kasta oo la tilmaamo waxaa isla markiiba kaar cas (Gaduud) ka taagaya Al-Shabaab oo leh "Mujaahidiinta ayaa loola dan lahaa" ayagoo mar-marsiyo ka dhiganaya Diinta islaamka ayaa lagu jees-jeesay oo lagu kufriyay.



43 Comment(s)

sacdiya   guriceel

10:59pm on Thursday, May 27th, 2010

ninkaas ha jooji waxa uu ku haaya wadanka isaga baah raba waxa ku jawaada

dookh   london

5:11am on Sunday, February 21st, 2010

scw dhamaan aqyaarta 91 baa hawiye jihaad bilaabay welina waa ku jiraa cod walbana waa ku jihaadayaan ayagana waa isku jihaadayaan. oday indho la baa wuxuu maqlay ayadoo banabax la sameynayo markii itobiyaanka baxayeen odagii waxa loo sheagay banabaxu inuu yahay itobiyaankii oo baxay odagii hawiye aad buu qoslay wuxuu adeer maxaad ka banabaxaysan ma hawiya baxay dil qiil u helid ma dhamaan kuwii shalay laha itobiyaanka ku jihaadeen ayaga isku jihaadi sug war jira cakaaruu iman .marka somali waa dhiban tahay hawiyana wax maqal diid

dookh   london

5:06am on Sunday, February 21st, 2010

scw dhamaan aqyaarta 91 baa hawiye jihaad bilaabay welina waa ku jiraa cod walbana waa ku jihaadayaan ayagana waa isku jihaadayaan. oday indho la baa wuxuu maqlay ayadoo banabax la sameynayo markii itobiyaanka baxayeen odagii waxa loo sheagay banabaxu inuu yahay itobiyaankii oo baxay odagii hawiye aad buu qoslay wuxuu adeer maxaad ka banabaxaysan ma hawiya baxay dil qiil u helid ma dhamaan kuwii shalay laha itobiyaanka ku jihaadeen ayaga isku jihaadi sug war jira cakaaruu iman .marka somali waa dhiban tahay hawiyana wax maqal diid

maxamed c/laahi ciise   lafoole

6:18pm on Sunday, February 14th, 2010

asc aad baa uga xun nahay mam nuu citaanka radio mugdisho indhagay siga ladiido waa ka soo horjadaan walaalayaal waa ku mu caaradenaa walaalayaal cali dheere waa murtad walaalayaal

Masago   Sweden

7:28pm on Sunday, January 31st, 2010

SH,ALI DHEERE MUGOOW LEL YAHAY YAN LA DHAGEESAN RADIYO,MUQDSH WAXAA IGA SU,AAL US MAA NO GADAY RIKOORKA EWEL HAWL LA,AAA UMADAAN OKEK UNA HADAAN NAHAY SHACABKA YAAAN LA DHAGESAN RADIYAHA ALSHA,BBCSOMALIA,VOA,WIM DHAGOOLE HALA AHAADO CML

Diidaa   Norway

7:55pm on Monday, January 25th, 2010

Xuunsho(shimbir doqon lagu tilmaamo) baa lagu yidhi: goormaad wax dareentaa? Waxay ku jwaabtey: markuu dhagax igu dhaco, midna igu soo maqanyahay.
Isla su'aasha yaa la weydiiyey tukaha. Wuxuu ku jawaabey isagu: waxaan dareemaa marka laba nin iseegto. Reer koonfureed haddaad mooddaa inay waxyar fahmeen. Too late!

muqtar robow abuu mansuur   baydhabo janaay

1:07pm on Sunday, January 10th, 2010

AR SOOMAALIEEY AW WALSII SHEEGEE NINKII IS DILAAW HA IS DILO UNA WAL NIIKA JIRO MAJIRTO UNI ARLADAYNA NEBEDWA SAAS YAA SIIN SHEEGAANE OGSONTIIN XAMAR ISKA LAAYA UNI MA KI JIRNODIINA MAKI DHAGAMAANO SAASAA SIIN SHEGAANE SIDAASWA

muqtar robow abuu mansuur   baydhabo janaay

1:06pm on Sunday, January 10th, 2010

AR SOOMAALIEEY AW WALSII SHEEGEE NINKII IS DILAAW HA IS DILO UNA WAL NIIKA JIRO MAJIRTO UNI ARLADAYNA NEBEDWA SAAS YAA SIIN SHEEGAANE OGSONTIIN XAMAR ISKA LAAYA UNI MA KI JIRNODIINA MAKI DHAGAMAANO SAASAA SIIN SHEGAANE SIDAASWA

muqtar robow abuu mansuur   baydhabo janaay

1:05pm on Sunday, January 10th, 2010

AR SOOMAALIEEY AW WALSII SHEEGEE NINKII IS DILAAW HA IS DILO UNA WAL NIIKA JIRO MAJIRTO UNI ARLADAYNA NEBEDWA SAAS YAA SIIN SHEEGAANE OGSONTIIN XAMAR ISKA LAAYA UNI MA KI JIRNODIINA MAKI DHAGAMAANO SAASAA SIIN SHEGAANE SIDAASWA

fahad   Toronto

10:11pm on Saturday, January 9th, 2010

S/C walaalayaal salanata islamka kadib waxaan soo jeedinayaa inaan ILAHAY kabaqno, qof walbana ku xisaabtamo in kaligis qabri lagalinayo, oo aan lala soo bixinayn al-shabaab,ahlu sana- iyo qolo kale toona wixii sharciga waafaqsana la taageero

Sh.muqtaar Roobow Abuu Mansuur   Baydhabo

12:25pm on Friday, January 8th, 2010

Aniga waxaan layaabanahay dadka reer muqdisho maxaa yeelay waxa ay wadaan AL_shabaab waaba ay u jeedaan in ay diin ahayn maxay dadkooda isaga laynayaan
waad u jeedaan aniga 2008dii dhamaadkeedii in aan dadkeygii baydhabo lagu qabsaday sii daayay dadkaygina wax magaarsiin dhulkii aan u dhashayna nabad ayaan kusoo dabaalay dadkii raxanwaynta ahaa oo dhan way i jecelyihiin raaxana way ku nool yihiin
Sh muqtaar abuu zubayr dadkiisa reer hargaysa caadi ayay u nool yihiin dadkiisana raaxo ayay ku jiraan haddana doorasho ayay isu diyaarinaayaan
hawiye caqliga (ABUU MANSUUR IYO KAR AXMED GODANE INTOW IDINKA MARAY) laakiin dan ayaa noogu jirto in aad isku mashquushaaan maxaa yeelay hadaadan mashquul sanaan annaga ayaad nagu soo jeesanaysaan (MIISAANKA WARKAAN QOF HA"IIGA SHEEGIN WAA SIR)

alciraaqi   usa

6:17pm on Wednesday, January 6th, 2010

alshabaab waaa mujaahidiin weyna dilaayaa ninkii isku dayo inuu sharciga islaamka hor istaago sida kuwa ridooway dolada iyo kuwa yahuuda lashaqeeyo oo suna isku shegay wax isma naamaan waa la layn

saciid   nairobi

6:15pm on Wednesday, January 6th, 2010

sidaa aawgeed waxaan leenahay allah hanga qabto alshabaab
allah ayaanaku dacwaynaynaa.
ninkii lagu istaagan mar ayuu ciida iska jafaa
alshabaabna shacabka waay ku istaageen
mar ayayna iska jafi doonaan
alshabaabna iska cayrin doonaan

saciid   nairobi

6:11pm on Wednesday, January 6th, 2010

si walba oo aay ahaato shacabka somaliyeed waa aay fahmeen dhibka halka uuu ka haysto
shatigii diinta looga dhigi jiray
kaasoo in badan oo ka mid ah dhiigooda lagu daadiyay iyadoo loo adeegsanaao
diinta islaamka laakiin maaanta wixiika bilowda waxaa cad
in alshaabaab aaysan diinta islaamka aaysan raadku lahayn
sababtoo ruuxa islaamka ah ee aad afka ka gaalayso ayaad adiga kugu soo laabanaysa
markaana tilmaamaysa adigu in aad gaalka aad ku tilmaantay ruxaa aad noqonayso
hadiiba aya sidaa tahay
ka waran hadii uu banaysto dhiiga ruuxa islaamka ah
iyo hantidiisa

Filsan   filsan@hotmail.com

5:08pm on Friday, January 1st, 2010

KUWAAN WAA BADOW BAADILIIN AH EE WAXBA HA ISKU WAREERININA IYAGAA DHEXDOODA AYAA CADOW ISKUGU FILAN OO BOQNAHA ISGOYN DOONO EE ISKA SUGA ADINKA..

IYAGOO KALE HOREY DUNIDA USOO MAREEN

Caaqil   USA

11:26am on Friday, January 1st, 2010

Asc Sanadkan kii umadda Somaliyeed eey ku aflaxdo ALLAHA nooga dhigo Aamiin.
Afkeey dadka qabteen Takfiirtu.
Haddana dhegeheey u soo dhigteen.
Maxaa ku xigi doona?!.

Waxaan hore u soo aragnay Ilko dahab iyo Qalin ah oo leyska bixiyo(Siibaayo)
Saraawiil iyo Shaarbo Maqas lala daba taagan yahay.
Qabuuro la baabi'inaayo iyo dumar Jalaabiib lagu khasbaayo iwm.
Haddaan meel looga soo wada jeesan xaaladdu waa halis.

A\KHADIR KABARAAAY   NAIROBIA

1:17am on Friday, January 1st, 2010

QOKI UGU HOREYAY EE COMMENTIGA 2010KA QORAAL KUBILLAWO IHIYAAA WAXAANA LEYAHY SOMALIA SANADKAAN KII NABADA ALLE HAKAGA DHIGO SANADKII AAN WADANKEENIYOO NABADAANA KII AAN KU NOQONO ALLE HAINOGA DHIGO AMIN AMIN AMIN

Awdal Star   Borama

11:55am on Thursday, December 31st, 2009

diiriye banadir waxaan u malaynayaa in aad tahay naag xun oo jibriil abokora waan ku garanayaa sida aad u hadlayso waayo borama waad ka xuntahay oo waa meesha looga taliyo Somaliland oo dhan riciyadaydaanad tahay aniga ayaa waligayba ku maamuli oo aad kabaha ii qaadi futa weyne hana ka bixin mowduuca looga hadlayo Argagixsada Al-shayaadiin Boramana iyo Samaroonka waxba kama sheegi kartid Somali anagaa ugu nadiifsan naagyahow

maxamuud   U.A.E

7:49am on Thursday, December 31st, 2009

waxaan uarkaah alshadaadiin soomaalidu in ay hoos ueegaan oo u akaan lahaystayaal waxa dalkooda ku dila bagistaani iyo afganstaan baa dadkii ku gowraca somali

mascuud   USA,

1:30am on Thursday, December 31st, 2009

waxaa la yiri nin aduunya joogow maxaa aragti kuu laaban nimankan shabaab waa niman yaab badan. hadda ka hor baa nin gaari la saaaran gabadh siyaad barre wax isku yihiin , baa ninkii dhuusay markaasey tiri war ninka dhuusayo naga dhaaf oo dag ama joooji. markaasuu yiri awalbey afka na qabteena hadana ma dabdeennii bay usoo dhigteen ( waa sidaan sheekada ku maqlay), marka shabaab awalbey noo diideen inaan ku biirno dowladda ama raacno ama taageerno ee haddana inaan dhagaysano miyey nooo dideenn. ilaah baa inoo maqan. laakiin shabaabow barxadda xamar jadiid ayaa noo ballan ah. markaas baan baasuuke idinku asqeyn illaa aan idin ceyrsado ama aan ku shahiido gacantiina qaawarijyahay aan diinta waxba ka aqooon

diiriye   banadir

9:27pm on Wednesday, December 30th, 2009

suufi iyo wax aan suufi ahaynba nin boorame jooga waxba ugama jiraan qudrun iyo qurunba boorame ayuu yaal waxaana u sheekh ah reer boorame kan u sixir badan.
waaana wada saaxiroole dadka degen waxayna aamin sanyihiin sixirka,marka diin waxba lagama weydiinayo nin boorame jooga
hilba urayna(.......)gii haysan jiray baa leh

Awdal Star   Borama

5:40pm on Wednesday, December 30th, 2009

Ahlusuna waa suufiyiin qudhun ah iyaga laftarkkdu waa bidcoolayaal qabri caabud ah midna ma rabno walaa alshabaab walaa xisbul islaam walaa ehlu-sunah waljamaaca wax diin kusoo gabada looma baahna ee waxaan u dan ah Somali nidaamka dimuqraadiyada ee xisbiyada badan sida Somaliland iyo calamka hiigsanaya Dimuqraadiyada saxda ah ayaan soo dhaweynaynaa hadii kale reer konfureedoow kolba dayeero xun oo diin kusoo gabada xal mooda kadibna ilfaha ha idiin qaadeen diinta iyo siyaasadana halakala saaro

Liibaan   Holland

5:37pm on Wednesday, December 30th, 2009

Masha Allah miisaanka....Micne oo dhan waxaa isku qaatay Magaca webka....
Masha Allah Miisaanka ayaan leeyahay

junior   villa somalia

5:22pm on Wednesday, December 30th, 2009

war doqonkaan wuxuu ka faalooda miyuu waayay war duf ku baxee maxaa mujaahidiinta kudaba dhigay

junior   villa somalia

5:21pm on Wednesday, December 30th, 2009

war doqonkaan wuxuu ka faalooda miyuu waayay war duf ku baxee maxaa mujaahidiinta kudaba dhigay

wadani   london

4:06pm on Wednesday, December 30th, 2009

a.s.c waxa ilaah mahadii ah in shacabka somaliyeed fahmeen dadka cadeystay in eey diinta islamka ka dhigtan siyasad eey dantooda ugu adeegtaan. waxa wax lala yaabo ah in eey ka dhigan wax khilafsan diinta islamka idacad u adegta shacabka dhibateysan dhiiga muslinka eey faraha kula jirana ku tilmaman mujahidnimo su ashu seh waa adiga yaa kuu baneyey qof muslin ah dhihiisa umadeyda hala ii aman geliyo aya ilaheey dhahaye diinta kuu haneysay in ad dhiigooda baneysato waa dintee

xasan   norway

12:56pm on Wednesday, December 30th, 2009

bilaahi calaykum,fiirshaha indhaha mujrim cali dheere waxaa ka muuqda dhiigii islaamka ee uu daadiyay ilaahayoow cali dheere iyo asxaabtiis iyagoon toobad keenin ku dil qayaamana soo jooji iyagoo loohaysto dhiigii ay daadiyeen.

SHARMARKE   HOLAN

12:13pm on Wednesday, December 30th, 2009

alshabaab ilaaheey hanaga qaboto radiomuqdisho dadaal keeda hasii labo laab to ilaaheey na hala garab galo aan leeyahay

caamir   shiinaha

12:13pm on Wednesday, December 30th, 2009

asalaamu calaykum marka hore shabaabka iyo xisbul fazad magaalaa mise waa muslim hadii ay tahay jawaabtu waa muslim may nabad galiyaan muslimiinta gaajaysan naftii iyo maal kii cirdigii layiri hala ilaaliyo aaway hadii aysa mulim ahaynse maa meel lagasoo wada jeesto oo la tir tiro takfiirka xoogaystayyy

sanka   ksa

12:03pm on Wednesday, December 30th, 2009

kkkkkkkkkkkkkkk

sida ayada akhriskeeda uu jajabiyay ayuu macnaheedana u jajabaiyay

laki   nederland

11:34am on Wednesday, December 30th, 2009

asc walalayaal waxa idin la dardarmaya in la taageera mujaahidin alshabab iyo xisbul ismlam radio muqdisha hadu sidaayo wax mujaahidiina kaso horjeeda waa sax in dhageysigeeda la joojiya guul aya u rajeenaya walalheena mujahidiinta meel kasta joogaan wsc

muslimo   GERMANY

11:15am on Wednesday, December 30th, 2009

asc wr wb bahda miisanka jzk llaaha qeyran difaaca diinta dalka iyo ciiddaiyo calankeena baluuga ah ee aad ugu taagan tihiin .
al hababaab waa gababsi allaha naga qabte hadduuilaahey hanuun u qoreyna hasoo hanuuniyo hadeysan hanuneyna allaha na dhaafiyo aamiin.

xasan   norway

10:23am on Wednesday, December 30th, 2009

sck.
waxaa nasiib xumo ah in weli ay jiraan dad ku nool qurbaha,oo ra'yigooda u madax banaan in ay taageeraan al shabaab iyo xxasuuqa ay geysanayaan.
alashraar ma jiraan wax ay o golyihiinj oo aan ka ahayn rayigooda qurunka ah.
ilaahayow naga qabo shabaab iyo wixii jecel.
soomaali gacmaha haisqabsadaan hana iska qabtaan heeryada gumaysiga ay geliyeen alashraar iyo xizbulfasaad.
mintid kan isku magacaabay in aadan khayr lahayn magacaaga ayay ka muuqataa.

Kala dooro   Doha/qadar

9:59am on Wednesday, December 30th, 2009

Qof walba oo ilaah caqli siiyay waxuu garanayaa waxa ilaah u abuuray iyo koonkaan cida maamulkeeda rabi u dhaxalsinayo wax kalana maahan ee muslimiinta daacada ah ayaa mamulaya ee dadka dibadaha ka qaylinayow dalkeena hoyo waxaa ku tartamayaa xaq iyo baadil xaqaana sarayn dona insha alah xaqiiqdana dadka gudaha joga ayaa naga og iyo mujahidiinta

Kala dooro   Doha/qadar

9:58am on Wednesday, December 30th, 2009

Qof walba oo ilaah caqli siiyay waxuu garanayaa waxa ilaah u abuuray iyo koonkaan cida maamulkeeda rabi u dhaxalsinayo wax kalana maahan ee muslimiinta daacada ah ayaa mamulaya ee dadka dibadaha ka qaylinayow dalkeena hoyo waxaa ku tartamayaa xaq iyo baadil xaqaana sarayn dona insha alah xaqiiqdana dadka gudaha joga ayaa naga og iyo mujahidiinta

Al hahab aloow dumi   Jowhar

9:07am on Wednesday, December 30th, 2009

miisanka waa mahadsan tihiin tan xigta radio mogadishu nasoo galiyay shekada ka baxda iyo aqbaarta si aan u dhagaysano insha allaah wan jecelnhay waa radio qaran somalia

Mahad mintid   Mugadisho

8:59am on Wednesday, December 30th, 2009

Asc salan ka dib radiyo mugadisho waa mid gaalada ushaqeeya wuxuuna inkiraa jiritaanka jihaadka marka waaa in dadka looga digaa dhageeysigiisa maxaa yeelay wuxuu faafinayaa baadil cad marka alaha dhowro mujaahidinta ilaahbaa mahad iska leh alahii na fahamsiiyay dhagarta gaalada iyo gaalada raacyada

sacdiya-nuura   toronto

6:34am on Wednesday, December 30th, 2009

kuwaan wax walba ka filo waxey hada ogaadeen iney daaqada ka bixi rabaan marka wax walba oy shacabka ku soo jeedin karaan wey suubinayaan calool xanuun ha dilee shabaab magacooda waa lagu diimi doonaa insha allah,kuwaan allaha naga qabto sheydaamiinta umadii nafta ayey u keeneene,..

sacdiya-nuura   toronto

6:32am on Wednesday, December 30th, 2009

kuwaan wax walba ka filo waxey hada ogaadeen iney daaqada ka bixi rabaan marka wax walba oy shacabka ku soo jeedin karaan wey suubinayaan calool xanuun ha dilee shabaab magacooda waa lagu diimi doonaa insha allah,kuwaan allaha naga qabto sheydaamiinta umadii nafta ayey u keeneene,..

kaakuma   dhiiglaawe

6:22am on Wednesday, December 30th, 2009

Wabka waa mahadsan yahay sida ula doodo qolyahan takfiiriga ah waayo takfiirnimada uma in looga digo waa arin wanaagsan waxaan leeyahay Misanka waa mahadsantihiin hana kacaajisina warkina iyo ka run sheegida xaqiiqda

Geele   Captown

5:59am on Wednesday, December 30th, 2009

Sida igu maqal ah msbare ayaa marmamnuucay dhegeysiga bbcda lakiin taasiwaxba umakordhin maamulkisi sii liicayey kuwana waxba u kordhinmayso yaanladhegeysan radio muqdisho shacabku waa ogyahay alshabaab iyo dhaqankooda xun waana laan gebika laadlaada mana cimrindoonaan

somalijecel   seattle usa

5:32am on Wednesday, December 30th, 2009

somaliya waxay hadba heer joogto waxay maraysaa raadiya yaan la dhagaysan allow sahal amuuraha ma umalaynaayo inay sii jiridoonaan reer afduub

somali   xamarweyne

5:32am on Wednesday, December 30th, 2009


waan salaamayaa webkan sida fiican oo aad dadka wax u fahansiisaan shaqada aad wadaana ha ka cajisina dadkuna waa ku soo baraarugayaan dhegarta socda

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com

Sh Fuaad Shongole:: Waxey Leeyihiin Qanyare Waa Towbadkeenay, Qanyare Ma Ogolyahay in uu Ariga ii Raaco. Towbad Ma Leh ilaa uu Xoolaha noo Raaco. (Cod Xasaasi ah)

Al-CALLAAMAH
Sh Maxamed Macalin Xasan:
Alle ha u Naxariistee: oo Noo Fasiraya Aayadaha Soonka. Dhageysi Wacan.


Al-Callamah
Sh Shariif CabdiNuur:
Ciidamada Soo raaca gaalada Intii la dagaalankooda laga wareegsan karo halaga wareegto Fatwo dhaxalgal ah + Cod.


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Shariif iyo Ragiisa ka aqbali meyno Shareecada Islaamka!!!


Sh Aweys oo isqarxinta ka qaatay filimaanta Ruushka Is Qarxinta waxaan uga dayanaynaa Gaalada sida Japanka iyo Ruushka Khilaafka Kooxaha Islaamiyiinta Dhageyso Sh. Xasan Turki oo diiday Maamulka Kismaayo Khudbadii ciida fitriga 21-09-09 Dhageyso Khudbad Dhaxal gal ah
1aad| 2aad|

Nabad galyadu Waa laf dhabarka Nolasha
Sheikh Shariif iyo ragiisa
waa murtadiin gaalo ah.
Sheikh Xasan Turki

War midoowgii ka baxayeey waar kaanbooni baan ahayeey!
Sheikh Xasan Turki

garabka Asmara iyo Jabuuti dowlad islaam ah ma soo wadaan
Sheikh Xasan Turki

Inhacadde wax hub uu nasiiya ma jiraan, annagaa hubka siinay
Sheikh Xasan Turki

Annagaa Xilka u dhiibanay awoodna u maleh in uu wax saxiixo Sheikh Shariif.
Genaraalka iskii is dalacsiiyay Gen. Indha Cadde.