Soomaali badan ayaa isweydiisa sababta keentay in dad Mujaahidiin sheeganaya uu har iyo habeen wajigu u duuban yahay oo xataa goobaha aysan colaadu ka jirin oo sida rasmiga ugu jira gacantooda aysan ku muujin karin wajiyadooda.

Suuqyada markaad joogto wajiga ayaa u duuban, goobaha ay ugu awooda badan yihiin markaad wareegto waa ku yaryahay mid wajigu u furan yahay oo midkaad aragtidba laba indhood oo kaliya baa u furan.
Arrintu intaas kuma ekaan oo xataa marka lagu sugan yahay Masjidka oo la gudanayo Waajibka Salaada ayagoo wajigu u wada duuban yahay bay kugu dhinac tukanayaan, halka ummadii kale oo culumo iyo caamaba leh uu wajigoodu banaan yahay sidaasna ay ku gudanayaan waajibaadkooda.

Waji duubashadan ayaa kalsooni darro ku abuurtay qaar badan oo kamid ah dadka aaminsan in kooxahan Mujaahidiin yihiin, waxeyna keentay inay isweydiiyaan sababta Mujaahidiintu wajigooda uga qarinayaan muslimiinta ay ku dhex jiraan hadeysan jirin wax la qarinayo halka Gaalka dhabta ahna uu wajigu ugu feydan yahay.
Hadaba Madax duubashada (Waji duubashada) kooxaha islaamiyiinta ayaa tuhun weyn galisay mid taageersan iyo mid kaleba, waxaana Muqdisho ka dhacay dhacdooyin kala duwan oo sii kordhisay Mugdiga ku jira madax duubashada Mujaahidiinta!
Dhacdada xusida mudan ayaa ah in wadaad ku ganacsada dhinaca Masjidka Xareed oo aan ka fogeyn Suuqa Bakaaraha asagoo sii galaya xiliga salaada duhur masjidka uu ka horyimid mid ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaabka oo wajigu u duuban yahay, wadaadkii ayaa ku yiri "Adeer salaadii baa la galayaa ee maad tukatid"? Waxaa loogu jawaabay "Adeer waxaan xasuustay in aan weyso qabin oo gurigeyga ayaan u weysa doonanayaa" Ganacsadihii ayaa markale suaal ku celiyay oo yiri "Adeer masaajidka hortiisa iyo gudihiisaba waad ka helaysaa biyo aad ku weysa qaadatid" Jawaabtii kama dambeysta aheyd ee soo xirtay sheekada ayaa noqotay " Adeer ma weyn biyo aan ku weysa qaato ee waxaan diidayaa in dadku wajigeyga arkaan xiliga aan ku guda jiro weysa qaadka"! Dhacdadan waxaa nooga warbixiyay isla ganacsadihii ay ku dhacday oo maalintaas wixii ka dambeeyay lumiyay kalsoonidii uu ku qabay kooxahan, Salaada Jamaacada oo la haleelo iyo Masaajidka oo lagu weysa qaato baa laga tagay si aan wajiga la qarinayo loo arag!

Mujaahidka dhabta ah ee Allah ka iibiyay naftiisa waa kan fisha guul ama shahaado oo ma jirto sabab keensan karta inuu wajiga ka duubto gaal iyo muslimba, muslimiintuna xili hore iyo haatanba qadarin ayay u hayeen Mujaahidka usoo dagaalamay koryeelida diinta Allah, ninkase wajiga duubtay waa nin ay fulaynimadu daris la tahay oo is qiima tiray, oo waji duubashada maaha dhaqan lagu yaqaano Mujaahidiinta ee waa dhaqan lagu yaqaano mujrimiinta qarinaya wajigooda si aan looga daba tagin ama dad gaara oo fulinaya howlo dowladi u xil saartay si aan gooni loogu raadsan, sidoo kale Madaxa ama wajiga oo la asturto ayaa ah arrin aan lagu aqoon ragga balse kamid ah labiska lagu yaqaano Dumarka Muslimiinta, ammaana u ah dumarka oo kaliya.
Kooxo sheegtay inay Mujaahidiin yihiin, dagaalna kula jiraan cadow Allah! isla markaana wajigu u duuban yahay, kuwii ay ku tilmaameen cadowga Allahna wajigoodu feydan yahay waa wax aan la fahmi karin, caqliguna qaadan karin.
Sheekh reer Muqdisho ah ayaan weydiinay waji duubashada, wuxuuna noogu jawaabay sidatan: "Nabigeena NNK iyo Asxaabtiisa iyo dadkii kale ee wanaagsanaa ee ka dambeeyay laguma aqoon waji duubasho xiliga ay nabada ku jiraan iyo xiliga ay jihaadka ku jiraan, marka laga reebo in safar lagu jiro oo qofku qoraxda iyo siigada darteed madaxa la hagoogto taasna waa arrin caadi ah oo dadku sameeyo si looga gaashaanto qoraxdaas ama siigadaas, laakin qofka meel walba wajiga ku duubtay waa qof ummada iska takooray oo xumaani u qarsantahay, gafuur duubasho iyo gaal iska celina meel ma wada galaan oo Asxaabtu marka ay gaalada la jihaadayeen waxey oran jireen yaa ii soo baxaya oo ay u yeeran jireen hebel oo gaalada kamid ah sidaasna fooda la isku dari jiray, wajiyaduna muuqdeen."
Warbixintaas kadib, iyo marka la tixraaco taariikhdii Muslimiintii soo jihaaday waxaa cad in dhaqankan wajiga lagu qarinayo yahay mid ka baxsan geesinimada oo aan kamid ahayn tilmaamaha Mujaahidiinta, qofkuna isla markiiba uu arko qof wajigu duuban yahay, wuxuu isleeyahay maxay tahay balaayadan wajiga duubatay, maadaama waji duubashadu tahay astaan inta badan lagu garto Mujrimiinta, si gooni ahna loogu garto khawaarijta.
Sidaasna waxaan ku garanay in Mujaahidnimo iyo Madax duubasho aysan meel wada mari karin oo waji duubashadu ku gaar tahay cid kasta oo aan kheyr faraha kula jirin iskaba dhaafee in wajiga loo qarsado jihaadkii kamid ahaa baalka sare ee Diinta islaamka.
Nin wajiga qarsaday waaba duleysan yahay sideebuu ku jihaadi karaa oo u sheegan karaa in uu sare u qaadayo Diinta islaamka, asaga ayaaba u baahan in duliga laga saaro oo la feydo wajigiisa.

Gafuur duubashada ayaan ku ekaan Maleeshiyaadka islaamiyiinta oo kaliya balse u gudubtay Amiirkoodii Axmed Godane, waana arrin lala yaabo in Maleeshiyaad badan ay kalsoonidooda siiyeen Madax duuban oo aysan garaneyn waxa ka hooseeya!
Ugu dambeyn Sawirka ugu dambeeya markaad fiiriso ayaa isweydiin kartaa sababta wiilashaas tirada badan ee yaryar uu wajigu ugu feydan yahay halka kii Mujaahidka sheegtay oo wata qorigaas dabajeexa ah uu gafuurka u duubtay! Masa Ragganimada, Mujaahidnimada, Geesinimada ayaa sidaas ah?
Ahmed Germany | 10:26pm on Wednesday, July 28th, 2010 |
Al Shabaab waa shayaadiin Ilaah iyo rasuulkiisa ka furtay ee Ilaah umadiisa islaamka ah 100kiiba boqol ee gaaleysiinayaan ha ka qabto Amiin Amiin. Wabilahi Towfiiq. |
ilhaan muqdisho | 5:29am on Saturday, May 15th, 2010 |
alshabaab ilaahay waxaan uga baryaya inuu naga soo qabto aamiin aaamiin aamiin marabno kuma jirno mataa geersanin waa arga gaxiso maaha dad ilaahay yaqaana uf uf |
ilhaan muqdisho | 5:29am on Saturday, May 15th, 2010 |
alshabaab ilaahay waxaan uga baryaya inuu naga soo qabto aamiin aaamiin aamiin marabno kuma jirno mataa geersanin waa arga gaxiso maaha dad ilaahay yaqaana uf uf |
ilhaan muqdisho | 5:29am on Saturday, May 15th, 2010 |
alshabaab ilaahay waxaan uga baryaya inuu naga soo qabto aamiin aaamiin aamiin marabno kuma jirno mataa geersanin waa arga gaxiso maaha dad ilaahay yaqaana uf uf |
Dj Zzu Nbi | 8:34am on Wednesday, April 14th, 2010 |
Buuqa maxa waaye xaafadaneto zab makajirto ya la xusooyaa |
xoriya canada | 1:34am on Wednesday, March 31st, 2010 |
war ha la isu samro, oo dulqaad hala muujiyo waan baa banay
|
Hobyo man Xamar | 5:16pm on Tuesday, March 16th, 2010 |
waxaa ilaahay mahadii ah in dhamaan dadkii soomaaliyeed fahmeen dhagarta Alshabaab iyo dhamaan wahaabiyo magacyada badan waad arkaysaan dadka meeshaan wax ku qoray qof raba alyahuud kuma jiro ee nimanka halaga shaqaysto sida Ahlusunna Waljamaaca Libaax yada geesiyaashaa Suufiyada xaqku dirirkaa waxaad kaloo is waydiisaan Maxaakiimtii Itixaadka iyo Ahlusunna keebaa xoog badan Ashabaab, Xisbi aways, Maxaakiimtii dhamaan waa Itixaad hadii ay isku tagaan 100 Ahlusunna Waljamaaca ah ma loodin karaan maxay tahay sabaabtu bal iswaydii? hadii aad ka jawaabi waydaan waan idinkaga jawaabayaa |
Sayid hasan norwey | 1:38pm on Thursday, March 4th, 2010 |
asc dhaman waxan salamayaa umada islaamka alshabaab iyo xisbul islaam kamidmaahan ok alshabaab shalay wexeeykeeneen hablaha in aay udiidaan RAJABEETADA barina waxeey keeni doonaan in lawadanoolaado ooaan leesguursan ok anigu kumatilmaamikaro xataa yahood bal wabakaxunyihiin alshabb
markasta waxeeyyiraahdaan gaalada alahanagaqabto anaka alahanagaqabto |
abu mohzin al somal Mogadisho | 11:46am on Thursday, February 18th, 2010 |
waxaan ka mid ahay raga duubta wajiyada ee halkan lagu caayayo, haddii aan runta idiin sheego anigu waxaan wejiga u duubtaa, waxaan sitaa 4dhalasho oo wadamada gaalada ah, European Countries, ka markaa waxaan ku noqdaa Gaalada dhowr jeer sanadkii inta kalena waxaan ka soo dagaa Hargeisa waxaanan ka dagaalamaa Xamar, markaan Hargeisa imaado gaaladu waxay moodaa inaan NGO ku leeyahay Somaliland, laakiin waxaan ku halgamaa si kalmadda illahay u noqoto Kor, markaa haddii ay wejigayga arkaan doofaaradii aan hawl galka ugu tagi jiray wadamadooda ma suuragalaysaa inaan Etheopia iyo Amisom iska celiyo? maya weeye jawaabtu.
Alsalaamucalaykum |
farbaraako soud afrca | 5:02am on Wednesday, February 17th, 2010 |
asc yaa aqWaanii waxaan idiin sheegaa oo iidinka hoos baxsan qolada la yiraahdo al shabaab waxay soo aruursadeen caasi waalideen kooliiste iyo kuwi ku jiray ee ahaa agoonta lafoole waana wada duran yihiin diina ma hayaan oo mushaa,iqdii weyney ee diinta faafin jirtay bey ka soo horjeedaan marka kuwa taageersanoow alshabaab ku tusaala qaata wabilaahi towfiiq . |
bashka uk | 6:09pm on Tuesday, February 9th, 2010 |
walaal alshabab waa mujaahidiin qalad wuu ka dhici karaa mujaahidiinta balse ma aha, in la aflagadeeyo insaanka waa makhluquul makhluuqana wuu qaldamiraa oo asxaabtii nabiga NN K ayaa qalad ka dhahay ilaah ayaana saxay iyo suubanaha waxyiga ku soo dagay walaal |
bashka uk | 6:06pm on Tuesday, February 9th, 2010 |
walaal alshabab waa mujaahidiin qalad wuu ka dhici karaa mujaahidiinta balse ma aha, in la aflagadeeyo insaanka waa makhluquul makhluuqana wuu qaldamiraa oo asxaabtii nabiga NN K ayaa qalad ka dhahay ilaah ayaana saxay iyo suubanaha waxyiga ku soo dagay walaal |
shiiqaal celasha | 4:00pm on Tuesday, February 9th, 2010 |
walaalyaal aflagaada iska daaya nimankaan waa khawaarijta casriga ah walaal oo uu noo sheegay rasuulkeen suuban walaalayal dhalin yartan laqalda waxaa hugaamiyo ninmankii dadka dhici jiray oo hada wadaada iska dhigaayo si aan loo la xisaabtamay |
shiiqaal celasha | 4:00pm on Tuesday, February 9th, 2010 |
walaalyaal aflagaada iska daaya nimankaan waa khawaarijta casriga ah walaal oo uu noo sheegay rasuulkeen suuban walaalayal dhalin yartan laqalda waxaa hugaamiyo ninmankii dadka dhici jiray oo hada wadaada iska dhigaayo si aan loo la xisaabtamay |
gaashaan uk | 8:59am on Monday, February 1st, 2010 |
shabaab waa sheeydaamo khawaarij ah oo eeynimadi ka badatay mida kale waa niman ay u geey sey fulaynimo ineey wejiga duubtaan marka nin jihaad ku jira uu cabsi bini aadan wejiga u qarsaday maxeey tahay jihaadka uu ku jiro ama ay dad ku xukumayaan lakiin wax yar ayaa u haray waqtigooda waana la tirtiri doonaa mar dhow inshaa-allah.
mida kale ninka la yiraahdo abdilaahi hargeisa waxaa tahay kalab adigaana yuhuud iyo khawaarij labadaba ah ee dadka websiteka leh afka ha ku taagin adigoo kale waa naqaanaa.
|
gar yaqaan finland | 4:51pm on Tuesday, January 19th, 2010 |
waxaan la yaabanahay shaqsiyaad somali ah oo weliba taageeraayo nimankaan all shabaab la baxay ok waad taageeri kartaa lakin maxaad ku taageeraysaa ma qabiil mise diin waan ognahay diinta ay nimankaani wataan oo waan ka wada dheregsanahay marka walaalkeeyoow waad dhunsan tahay ee ilaah wanaaga haku tuso ma ahan diin in shqsiyaad qiimo weyn ku leh umada soomaaliyeed dhexdeeda iyo weliba diinta islaamka inaad isku qarxisid ood tiraahdo waan ku jano tagaayaa inaah haku soo hanuuniyo ayaan ku leeyahay waxaana ula jeedaa guhaad iyo kuwa la midka ah sc wr wb |
layaab alle amsterdam | 10:20am on Sunday, January 10th, 2010 |
asc marka hore somaliyeey aniga waxan la yaabanahey ninka masawirka ee al shabaab lugahiisa hoose fiiri sida macluusha ooga muuqato iyo siduu u dhibaateysanyahey iyo qoriga ey dhiibeen siduu u culusyahey maba qaadi karee alloow yaa shandaqiiqo rid yiraahdo qoriga. waxaan hubaa inuu la dhacaayo. |
layaab alle amsterdam | 10:20am on Sunday, January 10th, 2010 |
asc marka hore somaliyeey aniga waxan la yaabanahey ninka masawirka ee al shabaab lugahiisa hoose fiiri sida macluusha ooga muuqato iyo siduu u dhibaateysanyahey iyo qoriga ey dhiibeen siduu u culusyahey maba qaadi karee alloow yaa shandaqiiqo rid yiraahdo qoriga. waxaan hubaa inuu la dhacaayo. |
qanciye kenya | 10:48am on Saturday, January 9th, 2010 |
al shabaab waa niman aan diinta ee shegayaan qalbika ku jiray waa dad shisheeya ah waa niman dankaar ah waro miyee diinta soo baxday hada somali iyaka oo dhan waa muslin dadka ee qalayaan waa dad ka soo horjeestay figradooda anika oo dhan miyaa isku fikrad noqan karnaa waa may shabaab waxaan dhihi lahaa dadka allaha ka qabto wabilaahi towfiiq |
Abdala Canada | 8:17pm on Friday, January 8th, 2010 |
Qofwalba omajahit ah wamit lakuyaqano in otubto wajikisa wana shahid Alle Asc |
ibrahim marka cadey | 4:16pm on Friday, January 8th, 2010 |
mujaahidiinta waalagu diirsaday mooryaan laga reysay dhegdheer dhimatoo dulkii nabadowyay |
Suudi Nairobi | 1:08pm on Friday, January 8th, 2010 |
Alshabab waa mujahidinta geeska africa oo u diiday in wax gaalo soo dhoodhoobtay lagu xakumo dalkena somaliya takbiir! Allahu akbar. Alah guleyo mujahidinta |
liibaan isse greece | 10:55pm on Tuesday, January 5th, 2010 |
ASC, Salaan kadib, qofka wajiga iyo madaxa duubto aad iyo aad ayaa looga argagaxaa sababta oo ah soomaalida dadka wajiga duubta waxaay u taqaanaa tuugada burcada wax dhacda si aan wajigaada loo garan, ninka wanaag falaya ee Alle dartiis u adeegaya ma ahan in uu wajiga duubto waana in uu aaminaa qadarta Alle dhimashana waa inuu san ka cabsan ogaadaana haddiiba uu yahay nin dar Alle u adeegaya in bulshadu soo dhaweeyneyso, marka arrinta madaxduubashadu aad iyo aad ayeey iila qaladan tahay
ilahay waxan kabarya inuu kaga aqbto kuwasi
|
maariya iswiidhan | 1:28pm on Tuesday, January 5th, 2010 |
markahore asc markaxigto alshabaab iyo ahlisunaba midkood illaah umabaneen dhiig in ay daadiyaan sabab la aan nin ashahaadanaayo ninkiidilaa jihaad lamadhoho midaas jihaadku koryeelida kalaanka rabi labadii muslimaa xadiis ayaa sheegaayo labada muslim haday dagaal dhexmaro midkood janamagalaayo maantay waxa dagaalamaayo waa dad diin sheeganaayo war illaah kacabsada diinta dib ufiiriya |
Nastexo Italia | 6:41am on Monday, January 4th, 2010 |
Dhaman musliminta waxaan ushegayaa nimankaan afka duubta waa tuugo mana muslimin kk,,,,, |
ismail Sweden | 10:01pm on Friday, January 1st, 2010 |
gabadha magaceeda ku sheegtay amaal ismail ali ee tiri waxaan joogaa kanada kalgary, waxaad tiri shabaab gaaladey necebyihiin oo waan taageersanahay, adigu halka aad joogto yaa leh aan ku weydiiyee fikirkaagu waa midka caruurta soomaaliyeed ee canada iyo usa joogta usoo dira soomaaliya si ay uga dagaalamaan. arinkaana waa midka lagu raad joogo qofwalba oo afkaar qaldan bulshada la dhexyimaada in laiska qabto. hadaba gabaryahay aan talo ku siiyee malaha warbadan maheyside hadalada noocaa ookale ah bulshada hala dheximan, hadiikale adigaa uaayi. |
runley rly | 9:45pm on Wednesday, December 30th, 2009 |
asc,hadal waa dhaamdey wax walba la sheeg laakin waxkasto waxaa ka fiican in naxariista laga tegen intaa aad soo shegtenba waa wada somali waxii dhacaba dhacee hadda ha leys daba qabto |
runley rly | 9:45pm on Wednesday, December 30th, 2009 |
asc,hadal waa dhaamdey wax walba la sheeg laakin waxkasto waxaa ka fiican in naxariista laga tegen intaa aad soo shegtenba waa wada somali waxii dhacaba dhacee hadda ha leys daba qabto |
cabdirisaaq swedan | 2:36pm on Wednesday, December 30th, 2009 |
waa xayawaan af duuban ilaahay inkaar h idinku rido ilaaahay tasaan ka baryayaa haday ducayadaydu tahay aqbal sidani diintu ma ogola waa diintee diinta sheegaysa midna ha la dilo midna ha la daayo |
indhayare australia | 1:15pm on Wednesday, December 30th, 2009 |
salaan guud iga guddooma walaalahay marka xigta waxaan leeyahay alshabaab ha la iska celiyo akhyarey yaan la firsan dhibka ay umda kuhayan ee iska celsha ,somaliyey toosa kaca waad qalinbantene |
guul dhulka | 7:58am on Wednesday, December 30th, 2009 |
shabaabaab guul. |
guul dhulka | 7:56am on Wednesday, December 30th, 2009 |
shabaabaab guul. |
sheeq abuu qatuurow kismaayo | 7:13am on Wednesday, December 30th, 2009 |
waxaan umada soomaaliyeed u sheegaa in waxa aay wadaan qolooyinkaan isku sheegaya islaam aysan waxba ka jirin duli alaha badee weey jabayaan laakinn yeeysan noqon sidii hore oo markeey jabeen dadka soo dhax galay maskiina iska dhigay ka dibna dil qorsheeysan ku bilaabey markaan hadeey jabaan hala sii jabito waa gaalo madoow ciilkiina ha qarsanina ee is difaaca shacabyahow waxaa u hambalyeeynaa wadaadada xaqa ee ahlu suna wal jameeca ee hacanta ku haya gobolada dhaxe waa geesiyaal u istaageyb difaaca diinta dilana qawaariijta al shacraar iyo daba dhilifkooda xisbul sheeydaan |
filsan canada | 7:10am on Wednesday, December 30th, 2009 |
alshabaab waa khawaarijta qarniga ee hala sugo cida walboo awood sheegata waxaa ka awood badan allaah taasina waxaa daliil nogu filan hogaamiye kooxeedkii way baaba,een ilaah wuxuu ku saliday kuwa ka awood badan marka alshabaab sidaas oo kale unbay ku dambayn doonaan |
gaasi us | 5:59am on Wednesday, December 30th, 2009 |
shabaab illahay hagarab galo. |
amaal ismaaciil cali canada calgray | 6:34pm on Tuesday, December 29th, 2009 |
asc wrwb waad salaaman tihiin intaa kadib qofkii qof muslin ah wax ka sheegaw ilaahay ayaa ku arka al sha baab waa rag jira oo mujaahidiina oo gaaladii caalamka kaga cabaadiyay waayo warag ale ku xiran oo gaal nacayb ah qofkii al shabaab naca ogaw nacaybkaa aad naceb tahay inaadan wax ku yeelayn al sha baab |
amaal ismaaciil cali canada calgray | 6:34pm on Tuesday, December 29th, 2009 |
asc wrwb waad salaaman tihiin intaa kadib qofkii qof muslin ah wax ka sheegaw ilaahay ayaa ku arka al sha baab waa rag jira oo mujaahidiina oo gaaladii caalamka kaga cabaadiyay waayo warag ale ku xiran oo gaal nacayb ah qofkii al shabaab naca ogaw nacaybkaa aad naceb tahay inaadan wax ku yeelayn al sha baab |
maxamud U.A.E. | 2:09pm on Tuesday, December 29th, 2009 |
alshaydaan marka horeba waxay laayaan dadka laga tirabadan yahay maxay uhiiliyaan iyagay ku barteen gowraca iyo xusbul ximaar markaa sidee bay uraacaan miyey waasheen |
maxamud U.A.E. | 2:07pm on Tuesday, December 29th, 2009 |
alshaydaan marka horeba waxay laayaan dadka laga tirabadan yahay maxay uhiiliyaan iyagay ku barteen gowraca iyo xusbul ximaar markaa sidee bay uraacaan miyey waasheen |
HIGAADSHE HINGO | 8:44am on Tuesday, December 29th, 2009 |
WADAAD WAA WELI ALLE
WADAAD DIIDNA WELI SHAYDAAN
WADDOOYIN AAN KULMEYN BAY
WELIGOODNA KALA HAYAAN
WAAXIDKII NA UUMIYO
WELI NABI MUXAMMADKII (SCW)
WADADAY DHIGEEN (SHAREECA)
WAX KU MAAMUL KII YIRI
IYO MIDKA WAREERSANE
WADDADII IBLIISKA
WADIIQO HAADAAMA JAHANAMA
WAR U KAALAYAAY YIRI
WALLEE WEEDHA KUMA SINNA |
Muuse Muusdi Fikir | 6:30am on Tuesday, December 29th, 2009 |
waxaan u sheegayaa dhaam beelaha laga tirada badan yahay in ay taageeran Alshabaab si nolol cadaalad ah ugu noolaadan .
waxaan u sheegayaa in aysa heeyb qabiil waxa u tareen hadab waxaan idin leyahay taagera alshaab o ay galadu iyo gaaalo raaca ay u yaqaanan dad xun lakin ah dad fulinatya shareecada islaamka ayna dhab ka tahay |
abdi togdheer alaska | 6:18am on Tuesday, December 29th, 2009 |
mujaahidiinta alshabaab guul. |
jamac canada | 6:13am on Tuesday, December 29th, 2009 |
alshabaab ilahay hagarab galo |
hahan bango usa | 5:44am on Tuesday, December 29th, 2009 |
waxaye wajiga laduubteeen in ay laayaan maatatda iyo dadka waxgaradka ah si dii ay u laayeen ardaydii jamacada muqdishow oo kale waa tuug ilaahay ka furatay diinta mulimka ayeey been kasheegayaan qof wadaad sheeganaya waxaan ookale masameeyo waxaa soo dhow goortii ilaahay subxaana watacaalaa uu ka qaban lahaa maatada dhibaatey san insha alaah |
ali geeedi kenya | 5:38am on Tuesday, December 29th, 2009 |
hala taagaaro mujaahiddinta |
amiin faarah u s a | 12:09am on Tuesday, December 29th, 2009 |
waanini salaamay waxaan inii sheega
yaa waadhamaanayee waxaad inoogudu
caysaan inuu ilaahay shabaab nagaqa
bto aamiin aamiin aamiin |
Soma jeste Cadaado | 11:39pm on Monday, December 28th, 2009 |
War xishoda naagihiinaan mujaahidintu akhlaaqdiina ayeey sugayaan mise waxaad rabtaan adinkoo daba qaawan in wadooyinka la idin ku fuulo sharaftina taas kuma jirto ee xishoda |
kawsar New Zealand | 11:37pm on Monday, December 28th, 2009 |
aduunka intaad joogto waxwalba waad ku arkaysaa waa aakhiru sabaan ee yaan lala yaabin in laga gaashaanto oo barnaamij adag la samaysto oo loo midoobo laakiin inta la kala daadsan yahay arintu sidaas iyo si ka xun bay ahanaysaa |
shababwakhawarij uk | 11:21pm on Monday, December 28th, 2009 |
They are cowards,only cowards and criminals hide their faces.
|
nasra finland | 10:04pm on Monday, December 28th, 2009 |
walalayasha muslimka waxaan usheegaa ineysan wadaadada caynin ileen ayaga waxba kama qabtaan dalka wayka soo carareen waxana taageer sanahay qofka dalka difaaca shabaab guul ayaan leyahay |
aadan london | 9:42pm on Monday, December 28th, 2009 |
kkkkkkkk Najma idinka aa ku filan oo kuwan rag uma baahna, naagaha aa iska celin kara |
daday canada | 9:18pm on Monday, December 28th, 2009 |
dumarka uma jawaaaaaaaaab no |
dayax us | 9:15pm on Monday, December 28th, 2009 |
kuwa galada u adaaga uu ha ku shaakaastaan waganareedka |
najma london | 9:14pm on Monday, December 28th, 2009 |
waxaa iga talo ah maadaama ay wajiga xerteen malaha waa naago ee aan naagaheena aan la dagaalno meesha ragba uma baahno rageenana wixii raga hanaga celiyaan
|
najma london | 9:13pm on Monday, December 28th, 2009 |
waxaa iga talo ah maadaama ay wajiga xerteen malaha waa naago ee aan naagaheena aan la dagaalno meesha ragba uma baahno rageenana wixii raga hanaga celiyaan
|
dalo dhulka | 9:12pm on Monday, December 28th, 2009 |
maxay ku dhacday dadka tagarsan mujaahidiinta in loo ogaleen halkan |
najma london | 9:11pm on Monday, December 28th, 2009 |
waxaa iga talo ah maadaama ay wajiga xerteen malaha waa naago ee aan naagaheena aan la dagaalno meesha ragba uma baahno rageenana wixii raga hanaga celiyaan
|
indheere francais | 8:47pm on Monday, December 28th, 2009 |
mujrimino iyo shaydaanimo ku jirto ayey la duubtaan |
suleeqa london | 7:59pm on Monday, December 28th, 2009 |
sc wr wb walaalayaal wadanka waalugu sooduuley waxa kusoo duuley cadow wejiyo badan o ninba dhinac buu dalka duulaan kagayayay marka soomaaliyey aan baraarugno nimankan afka duuban daalimiinbaa kabuuxda oo waxyaabo fara badan baneystey sida kufsiga gabdhaha yar yar oo hadhow kayiraa wey sineysatey walciyaadu billaah waxa kabuuxa niman aan lagaraneyn ujeedadooda xitaa kuwa soomaaliyeed eeay adeegsanayaan bey gumeystaan oosixun uladhaqmaan marka ajaanibta joogta soomaaliya oo baxsadka ah oo soomaalida ushaqeysaba waakuwo lagumeysto ee waxaan dhihi lahaa dalkiiniibaad joogtaane ninj xun ooafgaan ah ama bakistaan sidee buu wadankaagi hooyo adoo jooga kuugumeysan karaa miyednaan damiir lahayn waxey xoog kusoo doontaan gabdhaha yar yar hadii loodiidana wey bireeyaan dhageysta dhacdadii ugu danbeysay ee xanuunka badneyd ee 18ki bishan disembar kadhacdey muqdisho kadhageyso hon afrik qofki reer afduub isku taageero walee waad dhun santahay ee baraarug |
Moqdisho girls Muqdisho | 7:52pm on Monday, December 28th, 2009 |
alaaha dhibo waana dhibeen yaanaga qabta |
Awdal Star Borama | 6:58pm on Monday, December 28th, 2009 |
guest muqdisho maxaad la caytamaysaa khansiirbaad tahee anaga masoo dirin ina Axmed Godane anagaba waakii hargeisa iyo UNDP madaxtooyadaba qarxiyey anaga masoo dirin ee sideen iskaga qabanaa kaliya ayaa wanaagsan in aan kawada hadalo meeshana cay loogama baahno mida kale hadii aad qabataan maaha in aad diswhawawn anaga maxkamad ayaan saareynaa si loogu abaal mariyo waayo dawlad ayaan nahay anaga hidii uu Somaliland joogi lahaana hal bil laguma dhexdhuumaalaysteen lakiin iniga ayaa ah kuwa ilaaladiisa ah ee waxkasta lagab taagan kuwii iskukaaya qarxiyeyba reer koonfureedkiina xunka ah ayey ahaayeen anagu isma qarixno ee inigaa akhlaaqdaa xun nooga keenay Ciraaq iyo Afganistan ee ha caytamin se sideen u qabanaa ina Axmed Godane ayaa meesha taala kaliya |
Mustaf Sunni Angola | 6:48pm on Monday, December 28th, 2009 |
dhamaan aqyarta commentska baxshay waad salaamantihiin mida kale hadii aan toobiga u leexdo waxaala yiri colku dhac oo tuugo kuu ciidamisey ayaa jirta waa tan oo kale waxba yeysan kuu hariweeye Xasan sweden si qaas ah mahad sanid waayo waxaad tibaaxday dhabta oo ah in aan ka tagnay culumadayadii wax hoos ahna aan moodney culumo iyagiina ay birta na saareen walaahi waa dhab waxaa la rabaa in dadkeena sidii aan uga korqaadi lahayn waxaas cudurka ah in aan ka wada qeyb qaadano walaalayaa walaahi hadii kale in aan qof noo hareyn oo waan wada baaba'aynaa kuwi dagaalka lagala cararay xitaa baxsan maayaan oo waa la soo celinayaa inta mid hoohaalaha ka taba tago ee aan tashano |
Abdi africa Nairobi kenya | 6:44pm on Monday, December 28th, 2009 |
Alshabab hizbul islam aljameca al suna dowlad sharifka oo gabadka galo ah midna tagero uma ahi way iga dhamatay tagaro qabil ama urur kuwa aan tagerno oo wadani somali ah allle ha keno |
xassan swede | 6:32pm on Monday, December 28th, 2009 |
walaalayaal culimadiinii markii aad xaqirteen islaamka iyo diinta idin soo baray oo la idiin sheeko xumeeyay oo aad ka dareerteen oo ay ogaadeen hadda in iinaan gadaal u noqon karin ayaa si fiican birta la idiin saaray marka waxaan idin leeyahay idinkaa ka tagteen culimadiiniiye ku sabra culumada cusub oo afka duuban oo aad xerta u noqoteen |
maahir husni vienna | 6:31pm on Monday, December 28th, 2009 |
mar kale waan ku celineynaa ay uu yahay godane nin la soo diray shacabkuna waa ay og yihiin somali land lkn maahan waxa soo diray lkn waa dad qaas ah ayaa qabaa aniga oo raadinaya qarasha layidhi somalia ayaa qaadatay marka waxaa waxba kama jiraan sxb |
abdirahman vienna | 6:25pm on Monday, December 28th, 2009 |
ani mar labaad waxaan qabaa in ay wadaad dhaqamo kala duwan oo ay ka keeneen wadamada kale ee afghaan iyo bakistan hadaba hadii ay sidaa tahay mala raaci karayaa dagaal wade ama qabqable iska xildoon ah sidaa hassan daahir sheydaan iyo shariif la soo gamay iyo guug indha cade xeyraamiinta somalia gedisay waxaa kale oo aan dhihi lahaa shahiidku ayaga ayaa uu qabanayaa ee ma qabanayo qofkale ee somali ah ilaan caruurtaa qoriga gacanta loo galiyey waa iska waxaan wax ogeyne oo layidhi waa jihzaade gala |
MAXAMEDYARE GUBTA | 6:20pm on Monday, December 28th, 2009 |
IGAAR AFDUBAN IYO IBLIIS CAD
GUBTA ILA JOOGI MAA
ITOOBIYO IYO INA SIYYAD BARE
ADINKAA KA ARXAN DARANEEY
INANTII INA AW HEBEL
ABRAAR WEEYNAA KU ALBABTEEN
RABI KA BAQ RAAGE CALIYOOW
RAQDII RAGAADA KU ROROGTAA
RAJIIMKA AAD LA JIRTIYO
RAGIISA WAA REER DHAQAA
ADNA RAGAADA WAA RAJMEE
ASEEY QUBUURTA KA RIIMAAN
RAAGOOW RAGAANU WAA KU RARTEE
RUNTA MARKEEY TIMAADNA WAA ROORAA
KU CALIMAXUD RAGE
QORE MAXAMED YARE
WALAAHI KU WAAS KA BAQEEYNIN
GURIGEEYGA WAA YAQAANIN HA II YIMAADAAN DIYAAR BAAN UAHAY
IN AAN DALKEEYGA DADKEEYGA
DIFAACO |
ASAD MOGDISHO | 6:11pm on Monday, December 28th, 2009 |
WAR OROMADA MAXAD KARABTAA WAXAY KUWASHEN DOWLADNIMO MARKA HALA YABIN SXB |
guest muqdisho | 6:08pm on Monday, December 28th, 2009 |
SOMALILAND NAAGO AYAATIHIIINWAXUU YIRI NOSOGACANGALIYA HEBEL GODANE INTAD TIRAHDEEN SOLAYA DADKA MUQDISHO JOOGO OO ISKUDIRA AYAAD LEDIHIIN NOSOGACAN GALIYA WAR HADANQABANO ASIGOONOL AYAAN WASILAHEEN HADUU DINFAFINAYO IDINKA MUSLINAHEENE MUU IDINKENO SHEKADUNUGUHAYO XARAN XARAN DHASHAY AYAA TIHIIN ANIGANA IDINWASO ADINKA IYO NAGAHA AAN XARKA ISKADHAQIN EESHARUMOTOOYINKAA |
wadani ina somalia abdirahman austria vienna | 5:57pm on Monday, December 28th, 2009 |
waad wada salaaman tihiin dhamaan waxaan qabaa in ay yihiin kuwa kala goynaya dadka iyo diinta al shabaab waa dadka kaliya ee ka adag dadka birima gowdada ah ee ha ahaadeen kuwada dalki jooga iyo kuwa kama qane aniga ahaan teyda waxaan qabaa in ay dadka ka ceyrinayaa diinta lkn dadku waa ku dhasheen kamana tegayaan waxa ay ku bar bareen oo ay ku dhasheen |