Waxaa wili la isla dhexmarayaa khilaaf xoogan iyo kala jab ku habsaday kooxda Al-Shabaab.
Arrimaha ugu buuran ee khilaafkaas keenay ayaa sida la sheegay ah Qarixii Shaamow maadaama qeyb Shabaabka kamid ah ay ka xumaadeen in aan la sheegan oo lagu faanin nasiib laawihii isku qarxiyay Shaamow taasoo meel ka dhac weyn ku ah dhiiga Mujaahidiinta oo ay dhici karto in ay caqabad ku noqoto dhalinyarada loo diyaarshay is-qarxinta marba hadii laga bari noqonayo marka ay is-qarxiyaan sidaasna ay ku noqonayaan lax bakhtisay.
Halkan ka Dhageyso Khilaafka Axmed Godane iyo Mukhtaar Rooboow
Hadaba kala jabka Al-Shabaab ayaan si rasmi ah loo xaqiijin lamana hayo warbixin sugan oo khilaafkaas xoojinaysa, waxaana dhici karta in warka la faafiyay ay ku jirto dacaayad iyo ka bad-badis.
Laakin waxaa jirta hal arrin oo aan shaki ku jirin waa in khawaariji kala jabeyso, waa in mulki khawaarij uusan daaimeyn oo mar walba oo ay gees la soo baxaan Allah soo saarayo dad ku leefa oo geesaha ka riffa.
Warkaan la sheegay ha jiro ama yuusan jirin balse waa war waafaqaya taariikhda lagu yaqaanay khawaarijta oo ah in ay boqolaal firqo u kala baxaan oo ay isgaalaysiiyaan ugu dambeyna aduunka lagaga sifeeyo ayagoo dhex dabaalanaya foolxumo iyo kala qeybsanaan.
Khawaarijtii hore ayaa boqolaal koox u kala jabay oo qaar badan oo kamid ah Allah isku jabshay, mana la fogeysan karo in la arko Al-Shabaab oo toban firqo noqota.
Taariikhda khawaarijta soomaaliya markaad dib u fiiriso ayey kuu soo baxaysaa in wararka la shaaciyay iyo wax ka daranba soo socdaan.
Khawaarijta/Takfiirka soomaaliya ayaa boqol marxalad iyo tafaraaruq soo maray oo Al-Shabaab laftigooda waa khawaarij ka falaagowday Ururkii Al-Itixaad, Itixaadkuna waa Takfiir soo maray marxalado kala duwan oo ka sii fallaagoobay takfiir hore.
Marka kala jabka iyo aasaasmida ururo cusub oo isla khawaarijtii ah ayaa ah tan lagu arkay kooxaha khawaarijta ee soomaaliya soo maray wilina ka jira, waa arrin aan xad laheyn, kaliya magaca iyo waqtiga iyo siyaasada markaas jirta ayaa kala gadisan.
Sidoo kale mar kale ayey Shabaabku ka fallaagoobeen huwantii Maxkamadaha islaamiga.
Maantana waxaan heynaa in ay gaalaysiiyeen dadkii hormuudka ka ahaa midowgaas, ugu dambeyna ay gaalaysiiyeen oo ay ku leefeen walaalahooda khawaarijta ee Xisbul islaam.
Maraaxisha khawaarijta iyo magac badalashadooda iyo tafaraaruqooda waa baab weyn oo baxar baxuur ah oo hadii dib loo raaco taariikhda wax walba waa kala cadaanayaan, meeshana waxaa ka baxeysa riyada ah in kuwaan yihiin Mujaahidiin mideysan oo shacabka u wada kheyr.
Al-Shabaab hadii ay ka soo jabeen oo ay ka goosteen khawaarij ka horeysay maxaa diidaya in ay sii kala jabaan, hadii khawaarijtii hore ee ay ku abtirsadaan sidaas u kala jabeen wax weyn maaha in ayaguna kala jabaan.
Kala jabka la shaaciyay ee Milatu Ibraahim iyo magacyada kale waa meeshooda, waxaase marag madoonto ah in Urur kasta oo afkaar khawaarijnimo aaminsan uusan taagnaan karin.
Waxa kale oo cadeyn noogu filan in ragga hormuudka ka ah khawaarijta soomaaliya ay tobaneeyo mar ummada usoo badasheen magacyada ayagoo tuuray magacyo hore oo wasakhoobay.
Wadaadadii shacabka ku soo xasuuqay Boosaaso, Arraare, Gedo ayaa waji kale iyo siyaasad kale kuugu imaanaya markaas ayey dad badan moodaan xalay dhaley aan waligiis dhiig soo galin.
Magacyadu waxba kama badalaan xaqiiqda oo Milatu Ibraahim iyo magacyo kale oo qurxooon horay ayaa loo soo arkay, khawaarijna waa khawaarij haba kala duwanaato jidka ay ummada ku soo galaan iyo quruxda magacyada ay la baxaan.
Koronto Kakuma | 11:25pm on Saturday, January 23rd, 2010 |
Marka hore waansalamayaa bahda misanka shabaab iyo shekh awees shaydaan baywada dhasheen shaqadiisina wa hayan |
omar usa | 5:31pm on Friday, December 25th, 2009 |
walaale cadaaladu waa muhiim,shabaab ma aha khawaarij,waa muslimiin wax badan ku khaldan,wax badana ku saxan,waxay la midyihiin itixaadka,bal waxaa ladhihi karaa waxaa waxan oo dhan ka masul ah kuwa hubka u dhiibay ee dawlada soomaaliya markay dhacday hubka la booday, |
mis somalia jermany | 2:29pm on Friday, December 25th, 2009 |
asc wr wb waad mahadsan tihiin bahda miisanka warkiina xaqiiqada ah waadna ku mahadsan tihiin ilaahey khawarijta haka qabto shacabka soomaaliyeed. aamiin. |
mis somalia sahruuji5@hotmail.com | 2:28pm on Friday, December 25th, 2009 |
asc wr wb waad mahadsan tihiin bahda miisanka warkiina xaqiiqada ah waadna ku mahadsan tihiin ilaahey khawarijta haka qabto shacabka soomaaliyeed. aamiin. |
Geele Capetowne | 8:45am on Friday, December 25th, 2009 |
Alloow dabiyo baasiinkubeer dalkoo nabada andegnee waa mcquul inay dhibkooda ilaahay umadenaka dulqaado silaca ay badeen al habaab iyo taageerayaashooda guracan |
Soma jeeste Cadaado | 8:37am on Friday, December 25th, 2009 |
INacaladu kugu dhacday maantana ma wuxuu noo keenay maxkamadihii qabaailka iyo itixad waa khawaarij maantaan hubaa inaad munaafaq tahay duliyahow alaha quweeyo mujaahidiinta kala jabna ma jiro oo waxeey ku midoobeen ayaan aheeyn kursi inshalah ma dhici doonto arinkaa |
cabdulaahi muqdisho | 7:58am on Friday, December 25th, 2009 |
Annaga hadaan nahay dhalin yarada soomaaliyeed iyo dhamaan shacabka waxaan aad uga naxsan nahay falalka wuxuushnimada ah ee ay mar walba ku kacaan ururka al shabaab sida isqarxintii hotel shamo oo ay ku dhinteen dad badan oo ahaa indhaha iyo aayaha dalka soomaaliya!!! ok maleeshiyaadka al shabaab waxaan leenahay gaar ahaan axmed godane .....
haday dowladi rido yihiin oo xisbul islaam rido yihiin oo ahlu suna rido yihiin oo O.L.N.F ay rido yihiin yaa islaam ah waa su'aal iswaydiin leh una baahan in laga jawaabo |
cabdulaahi muqdisho | 7:53am on Friday, December 25th, 2009 |
Annaga hadaan nahay dhalin yarada soomaaliyeed iyo dhamaan shacabka waxaan aad uga naxsan nahay falalka wuxuushnimada ah ee ay mar walba ku kacaan ururka al shabaab sida isqarxintii hotel shamo oo ay ku dhinteen dad badan oo ahaa indhaha iyo aayaha dalka soomaaliya!!! ok maleeshiyaadka al shabaab waxaan leenahay gaar ahaan axmed godane .....
haday dowladi rido yihiin oo xisbul islaam rido yihiin oo ahlu suna rido yihiin oo O.L.N.F ay rido yihiin yaa islaam ah waa su'aal iswaydiin leh una baahan in laga jawaabo |
maxamuud cali U.E.A. | 7:16am on Friday, December 25th, 2009 |
waxaan u arkaah alsheydaan iyo al cudur ha leska qabto dadkii dhameeye waxana ka faaiidesteen somalida jilicsan dadku hiska daayey qabiilka ha arkeen cadawga cunaaya |
BILAAL UK | 2:38am on Friday, December 25th, 2009 |
ALSHABAAB CAAWA AYUU XAMAR KABAXAY ASIGOO LOO DAABULAYO XARARDHEERE LABO MARKAB AYAANA LOO DIYAARSHAY EE KUWA KUNOOL MUDUG IYO GALGADUUD WAA LIINGU FOOL LEEYAHAY EE CADAWGA HEEGAN UGALA FAROOLE IYO SHARIIFKA XAMAR WAA SHAQAALE DAAHIR AWEEYS EE LASODA WAA HALKA MEEL EE UHARSANAA SHABAAB KUWA SHEEGTA DHAQANKA HAWIYE AND ALSHABAAB CAAWA CISILEEY AYAA LAGA DAABULAA LASOCDA |
cabdullaahi america | 1:48am on Friday, December 25th, 2009 |
A,cam,w. mahadsanidiin. |
dulmidiid1# maxaa kagalay | 9:19pm on Thursday, December 24th, 2009 |
hala garaaco mooryaanta alsheeydaan iyo xisbul
sheydaan umadi waad dhibteen
ee dhibka nagala soobaxa alsheydaan iyo al awees |
farxaan booama | 7:15pm on Thursday, December 24th, 2009 |
waxaan u arka faaladaasi mid aad u tafaqya tiran maxaa yeelai waxa badan ayuu taabtay waa mahadsanyahayi
|