Horta Sheekh Maxamed C/wahaab Muxuu Aaminsanaa?







Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links

Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
somalireal
Xogsheeg
 
Musiibadii Xisbul Islaam ka geystay Afgooye maaheen Xad Alle ee waa Xadgudub iyo Xaasidnimo iyo Raali galinta Al-Shabaab Posted to the Web Dec 15, 00:07

Maleeshiyaadka Xisbul Islaam ayaa 13kii Dec 2009ka ka geystay Magaalada Afgooye Xadgudubyo iyo falal naxdin leh oo aan Diinta islaamka Shuqul ku lahayn, Waxaana ogaanay in arintaas ay u sameeyeen Raali galinta Cadowga umada Soomaaliyeed.



Xisbul Islaam oo ka mid ah kooxaha khawaarijta ee gumaadka ku haya Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku kacay fal la oran karo Shaamow2 kadib markii ay si bareer ah oo dulmi ah ku dileen laba nin oo masaakiin ah halka gabar kale oo da´yar ay ka dharjiyeen karbaash, waxaa intaas kasii foolxun in falalkaas laga dhigay kuwa diintu ogoshahay sida fulinta Xuduudaha Allah.


Dilka arxandarada ah ayaa la huwiyey shaati Diin, waxaa is weydiin mudan Diinta Islaamka maxay ka qabtaaa in koox khawaarij ah oo gacan ku gabad ah ay dadka ku xasuuqaan magaca Diinta Islaamka?



Marka hore waxaa haboon cidkasta in ay ogaato oo rumayso in Xuduudaha Allah oo la fuliyaa ay kamid tahay Diinta islaamka sida in dhagax lagu dilo qofkii sinaysta oo horay usoo maray guur, kii aan u soo marinna 100 karbaash la qabadsiiyo.


Marka aan taas ka soo gudubno Dilalka sharci darada ah ee kooxaha khawaarijta fuliyaan ayaa ka yaabiyay Culumada Islaamka dhamaan iyo dadka diinta wax ka yaqaan iyo waliba kuwa aan wax ka aqoonba.



Waxaan qofkasta ka qarsoonayn in Soomaaliya aysan maanta ka jirin wax sharci iyo kala danbeyn ah, wadankuna ku sugan yahay Xaalad  jahwareer iyo kala guur marka laga reebo dhowr gobol oo nabdoon.


Yaa Khawaarij u xilsaaray fulinta Xuduudaha Allah? in ay fuliyaan iskaba dhaafee waxey diintu na fartay in ayaga lagu jihaado hadii awood loo hayo.


Sida aan horay u soo sheegnay Wadanka kama jirto dowlad hanatay maamulkiisa guud, arimaha noocan oo kalana waxaa fulin kara Dowlad quwad leh oo gacanta ku haysa talada wadanka oo dhan.


Marka laga soo tago in dowladu xaq u leedahay fulinta Xuduudaha Allah ayaa hadana waxaa jira hab loo maro dacwo ku soo oogida, mana ahan in qofkii la iska soo qabto isla markiiba lagu fuliyo xadkii.



Waxaan la soconaa in aysan ahayn arin sahlan Naf muslim ah oo la dilo waxaana arintaas u xilsaaran Hay'ado iyo Culumo waaweyn oo Alle u dhamaystiray Cilmi iyo Caqli, waxaa qofka la mariyaa baaritaano kala duwan iyo maxkamado kala daraja duwan, waxaana dhacda in mararka qaar la isticmaalo baaritaano casri ah Sida DNA-da iyo in la baaro qofka In maskaxdiisu caadi tahay iyo in kale.


Dowladaha fara ku tiriska  ee fuliya Xuduudaha ayay ku qaadataa sanado badan in ay fuliyaan hal xad ilaa laga sal gaaro oo waxkasta oo shaki keeni kara la suuliyo, waxaana marar badan dhacda in la sii daayo eedeysanayaal aan tiro koob laheyn maadaama aan lagu helin wax cadeyn ah oo ay ku muteysan karaan dil iyo ciqaab kaleba.


Maxkamadaha Khawaarijta Al-Shabaab iyo Xisbul islaam ayaa ah kuwa noocooda oo kale aysan ka jirin aduunka oo cid walba oo ay eedeeyaan ma badbaado isla markiina waxaa lagu xukumaa dil iyo ciqaabo kale oo adag.


Waxaa la yaab ah in Maleeshiyaadka soo qabtay labada nin iyo gabarta ay yihiin Xisbul Islaam, ninka qaadiga isku sheegayma uu yahay Xisbul islaam ninkaasoo aan la aqoon diintiisa iyo cadaaladiisa iyo heerka aqoontiisu gaarsiisantahay, kuwa dhagaxa ku dilayana ay yihiin isla Xisbul islaamka.


Arrintaas ayaa ah mid aad uga fog Cadaalada iyo Garashada bani Aadamka waayo waxaa laga maarmaan ah in qofku haysto fursad iyo Sharci yaqaan arintiisa gala, waa in ay jiraan jihooyin ka madaxbanaan Xisbul islaam oo sal iyo raad u baara arrinta lagu eedeeyay masaakiintaas.


Sidoo kale Waxaa waajib ah in la yaho Afar Marqaati ah oo cadaalad ah kuwaas  oo arkay xubinta taranka ninka iyo naagta oo isku dhexjira, hadii taas la waayo ma jirto wax xad ah ama rajmin ah.


Kuma filna in la arkay ninka iyo naagta oo qaawan oo korka iska saaran hadii aysan labada alaab is dhexgalin, socon meyso way baashaalayeen ama wey wada jiifeen.


Haduu qofku qirto ama labadooda mid ka mid ah uu kan kale ku eedeeyo la isuma qabanayo ee waxaa loo baahanayaa cadeymo iyo baaritaano lagu xaqiijinayo arintaas.


Habdhaqankii Nabiga SCW maaheen sida kooxahan sameeyaan ee Nabiga SCW dadka u yimaada oo qirta ficilada waajibiya xadka isla markiiba kuma uusan fulin jirin xad, balse waxaa dhacday in uu ka sii jeesan jiray oo inkiri jiray markuu qofku yiraahdo xadkaas ha la igu fuliyo ayuu haddana dadka weydiin jiray in ninka maskaxdiisu taam tahay iyo in kale.


Sidaas ayuu Suubanaheenii naxariista badnaa ula dhaqmi jiray dadka, Maanta waxaa soo baxay kooxo Khawaarij ah oo dadka ku xasuuqaya Magaca Jihaadka, Fulinta Xuduudaha iyo guud ahaan ku dhaqanka islaamka.


Diintu bari ayay ka tahay foolxumada ay muslimiinta kula kacayaan, arrimaha ay faraha la galeena maaha kuwa ayaga loo dirsaday ama loo xilsaartay, waa arrimo fulinteeda ay leedahay Dowlad ku awood ah tii Siyaad Barre ee Soomaaliya oo dhan u talisay.


Ma ahan in qofkasta oo hubqaata uu yahay qaadi iyo dowladii wax fulinaysay, kooxaha caadeystay ficilada noocan ah ayaaba ah in ayaga maxkamad la soo saaro oo laga qisaaso wixii ay xasuuq geysteen inkastoo aan la heyn dowladii la xisaabtami laheyd.


Kooxaha islaamiyiinta ee Soomaaliya ka jira ayaa kun mar ka liita qab-qablayaashii Muqdisho soo maray, sababtoo ah kuwan ficil kasta oo xun waxey uga been sheegaan Diinta islaamka halka kuwaas aysan ku been abuuran jirin diinta.


Xisbul Islaam oo aan horay u tijaabin rajmi beeneedka ay diinta u saariyeen ayaa arrintan ku raali galinayaa kooxda kale ee ka sii arxanka daran ee horay dhalinyaradii kaga dhigtay mid ay disho iyo mid ay naafeyso.


Waxaa la aaminsanyahay in ay ahayd dhoola tus siyaasadeed ujeedka ka danbeeyana uu yahay in Al-Qaacida Iyo Shabaabka la tuso in Xisbul islaamna saan oo kale sameyn karo.


Foolxumada Afgooye ka dhacday ninka gar naqeenka ka ahaa ayaa saxaafada u sheegay in Masaakiinta ay laayeen qirteen dambiga lagu soo eedeeyay!


Waxba ka ma jiraan in ay qirteen danbiga lagu oogay,dadkaasna waxaa lagu qasbay in ay qirtaan kadib markii jirdil lagu sameeyay.


Maleeshiyaadka Xisbul Islaam ayaa isku khilaafay fulinta arinkan waxaana dhacday in kooxdii ka soo horjeesatay in la fuliyo laga dilay saddax askari dabadana looga dhacay.


Khilaafka Maleeshiyaadka Xisbul Islaam ee ku aadan fulinta dilkaa ayaa daliil cad u ah in dacwad been ah lagu soo oogay si xaqdarra ahna loogu dilay Dhagax Muwaadin Muslim Maskiin Soomaaliyeed ah halka mid kalena rasaas baas ah madaxa looga furay, gabartii yareedna karbaash lala dhacay.


Haday fulinta xuduuda ka tahay diin iyo shacri fulin waxaa magaalada dhaxmaraya nimankii laayay Saraakiishii Xisbul Islaam kuwaas oo  ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaga ayaa ku haboonaa in la qisaaso oo madax laga jaro.


Lakiin taas ma dhicin oo dhaqanka Xisbul islaam ku kacay ayaa ah kii lagu yaqaanay Yuhuudii hore kuwaas oo masaakiinta kaliya ku fulin jiray Xuduudaha Allah, dadka xooga iyo darajada lehna dhaafi jiray.


Waxaa marag madoonto ah in Xisbul islaam kalhore qabteen Maleeshiyaad ka tirsan Shabaabka oo falal xun ka sameynayay degaanka Afgooye balse markii la ogaaday in ay Shabaab yihiin ayaa la sii daayay, ileen sharcigu shabaab ma qabtee!


Xisbul Islaamka fuliyay Dilkan foosha xun ayaa laba bil kahor sii daayay gaal faransiis ah kadib markii ay ka qaateen lacag madax furasha ah.


Cajiib Muslimiintiina waxaa lagu dilayaa dhagax, gaaladiina inta la xanaaneeyo ayaa lacag madax furasha ah lagu qaadanayaa, diinta qabtaa waa tee?


Gaalkii Faransiiska ahaa ee ay sheegeen in uu jaajuus ahaa sidaas ayaa loola dhaqmay, Muslimka aan dambiga laheyna saas ayaa lagu abaal mariyay.


Ha la ogaado in arrintu aysan diin aheyn oo xataa hadii ay qaban lahaayeen Bush uma aysan quureen hal karbaasha iskaba dhaafee dil iyo ciqaab kale.


Yaan dadka lagu beerlaxawsan in la diidan yahay ku dhaqanka iyo fulinta shareecada islaamka ee waxa la diidan yahay waa foolxumada khawaarijtu ku kaceyso ee aan booska ku laheyn Diinta islaamka iyo dhaqan kasta oo wanaagsan.


Kooxaha Islaamiyiinta iyo cid kaleba xaq uma leh in ay u qumaan arin aysan shuruudeeda oofin, waana meel uga dhac diinta Allah iyo xuquuqda Muslimiinta, waxaana masuuliyada arinkaas dusha u ridanaya dadkii ka danbeeyay iyo cid walba oo ku taageertay amaba ka aamustay ayagoo awood leh in ay ka hadlaan.


Mar kale waxaan hoosta ka xariiqeynaa in labadaas Marxuum lagu dilay dulmi ee aan lagu dilin diin, gabarta yarna gardarro lagu karbaashay.


Inta Allah abuuray waxaa ugu shar badan khawaarijta ee hala ogaado taas, suuragalna maaha in dadka kuwii ugu sharta badnaa ay yiraahdaan waxaan fulineynaa Xuduudaha Allah.


Waxa afgooye ka dhacay dhinac kasta marka laga fiirsho lama helayo meel laga soo galiyo Diinta islaamka, waa arrin laga helayo qaamuuska khawaarijta oo kaliya.


 

111 Comment(s)

1   1

10:27am on Tuesday, April 8th, 2014

-1'

Jibriil Abokor   Hargeisa

6:39am on Wednesday, June 13th, 2012

ilaa hada waxaan la yaabanahay danta ku jirta in dad muslimiin ah sida xayawaanka loo laayo iyadoon sharci banaynayaa jirin, waxaan markaa ku talin lahaa ilaahaw soo hadee dadkan lunsan

sahra iid maxamed   hargeis

11:36pm on Thursday, April 19th, 2012

waxan ahyi gabadh dayar waxan qab inayi culimadu ka sexdeen wcdi galinta dadka jahilint ah e somaliye

axmed saciid cabdi   Boosaaso

4:48am on Sunday, September 18th, 2011

kolabay waxaan dhacaya ilaah ayaa caadila ah Waxaana damaysa Xisaab wayn oo loo wada simanyahay kuwaanina ilaah ayaa iga astakoonay mahadsanidinn

cabdiraxmaan   swess

12:22am on Tuesday, February 1st, 2011

asc dhamaantiin runtii waxaad ogataan mark hore soomaaliya waxa ka taagan waan wada aragnaa qofna wax ma ka tari karto lakiin hadii aan ilahy u barino wax walbo waay hagaagayaan marka walaayaal anaga ooan is caaynin ama aan is eed eedin qof walboow xisaabta ku darso in aad dhimaneeysid oo ay ku sugeeyso xisaab marka aniga ahaan waxan idiin kula talin lahaa in aadan ku fududaanin wax walbo ka jaawaabideeda ama aadan dhihin sidaas ayeey iigula muuqataa qof walbo oo wanaag sameeya ama xumaan sameeya ilahay ayaa la xisaabtamidoono marka walaalayaal arintaan murugsan ee dalkeena haysato aan ilaahay u barino ddadkeena iyo dalkeen in uu ilaahay nabad nooga dhigo aan ku duceeysano

ayuub carab   afganistan

6:30pm on Wednesday, January 20th, 2010

wan idin salamy dhaman jameacada islaamiyiinta ah waxan idin shegayaa ugu horeyn waxa ka dhacay degmada afgoye wa xad ilahey nin lagu qabtay zinu guurna horey usoo maay waaye waxeyna diinta qabtaa in dhagax lagu dilo dad weynaha somaliyed waxan u shegyaa
war hooy yaan leydinka dhaadhicinin in xadka ey oofiyan kooxaxa islamiyinta ah uu yahy fal arxan daro ah ama xaq daro dadka ku tilmaamaayana inu yahy xaq daro haka laabtaano hana ka noqdaan arnkaan hadu kale waxa laga qadaya talab sharci ah

cabdulqadir   hollan

11:16am on Tuesday, January 12th, 2010

wan kaxumahay waxan leeyahay inta dhimatay alaha unaxariisto marka xigta kuwa diinta si qalad ah u isticmaalayo alaha soohanuuniyo
ilaahayna haka qabto umadiisa asc

cabdulqadir   afgooye

11:17pm on Sunday, January 10th, 2010

waxan ka xumahay ninka maskin ah oo lo gestay dilka xaqdaradad ah waxa u shegaya dadka masakinta dilaya dadka kalana ku shegay islam

cabdulqadir   holand

11:13pm on Sunday, January 10th, 2010

waxan farin u diriya ehelki u ka geriyoday ninkan ay naxarisla yasha ay dilen ilahay naxaris ha siye mida xigtana dadka masakinta ah ya sida la yelin ilahay halaga baqo oo dinta dib halo firiyo

cabdulqadir   holand

11:06pm on Sunday, January 10th, 2010

waxan farin u diriya ehelki u ka geriyoday ninkan ay naxarisla yasha ay dilen ilahay naxaris ha siye mida xigtana dadka masakinta ah ya sida la yelin ilahay halaga baqo oo dinta dib halo firiyo

abuubakar sidiiq   swedan

2:27pm on Tuesday, January 5th, 2010

asc aniga oo ah wiil somaliyeed waxaana ka tiiraan yonaa masikiib xaq daro lagidlay lkn dhib malaha wax kasto waa aduunyo somaliya waxaa ka jirto diin aan meel laheen oo ninkasto la ordaayo lkn dhib malaha waxaa udaran oday ciroole ah oo slabaab uga raadsanaayo waji ayaa dilay lkn dhib malaha

abdi risaaq yuusuf   nairobi-kenya

3:43pm on Tuesday, December 22nd, 2009

asalaamu caleykum
waxaan rabaa inaan ka hadalo falalka foosha xun oo ay ku kacaan khawaarijta ku dhaqan sooomaalia run ahaantii wee iska cadahay inay san al shabaab iyo xizbul sheydaan xaq ulaheen inay xad ka fuliyaan dadka muslimiinta ah waayo ayaka ayaaba ahlu baadil ah
sida aan wada ognahay nimankani waxa ay ka soo farcameen dul quweesara oo nabigeena muxamad hortii ka yiri nibiyow alle ka cabso marka nimankani waan khawaarij mana u naxayaan dadka islaamka ah
hadaba waxaa nala gudboon hadeeynu nahay ahlu sunna waljamaacah inaan bidcada dalka ka qabano waayo alle waa nasu aalayaa inaan diintiisa u gargaarnay iyo inkale
hadaba billaaahi caleykum ahlu sunna hurdada ka kaca oo khawarijta la dagaalama walaahi hadaad dishaan waad guuleesaneesaa hadeey idin dilaane janno ayaad leedihiin
asalaamu caleykum

aadan cabdi sheikh   canada

12:48pm on Tuesday, December 22nd, 2009

waxaan idiin sheegaa suufiyaalow afla gaadhada mujaahidiinta ka daaya haddii ilaahay hanuunii qorey allaha nii soo dadajiyo haddii uusan ilaahay idiin qorinda alaha niiga qabto umaada ahlu bidciyow ilaahay ayaan hanuun idiin ka baryaa iyo in aad mujaahidiinta carabkiina ka celisaan diintana aad barataan si aad uuga baxdaan jahliga iyo qabuuraha aad caabudeysaan oo ilaahay keligiis aad caabudaan oo towxiidka aad iska sax daan caqiidada mowliidka aad ku soo dareysaan diinta iska daaya ilaahayna ka baqa haddii kale waxaan ku dhamaaneysiin gacalta mujaahidiinta al shabaab iyo xisbul islaam ogaada haddii aad qaadan weydaan xaqa in ay mujaahidiintu idin garaacidoonto

cukaash   falastin

1:23pm on Monday, December 21st, 2009

asc wr wb dhamaana waa salaamatihin lakiin waxaa is weydiin mudan adinka ahlu suna isku ma gacaabay yaa ahlu na aheeyn mideeda kale ilaa hada yaa xad ku oo fiseen ilaah waxu idiinbaray wadaad dhintay mar hore in aad ku kor cibaadeysatane ee alla ka baqo quf danbi galay ayaa daah kor ka sii saareysaan ee alle ka cabsado xad alle lama oo finaayo war ma aha mikaan wariyaha ah adiga diinta maxaa ka taqaanaa;

cadale   toronto

12:33pm on Monday, December 21st, 2009

waxaan rabaa inaan kahadlo xadgudubka alshabaab ay kuheyso somaliya

abu hureyra   canada

4:35pm on Sunday, December 20th, 2009

waxaan aad olayaabey al shabaab marka ay leyihiin waxaa na soowerarey onlf meyeyna ogeen onlf iyo xisbul islaam inay iskumid yihiin hadii aysan ogeen waa inay ogadaan tas
waan ayaga kulatalina yaa inay xiriir lasameys taan ahlu suna wal jamaca si aad oga guleysa taan munaa fiqiinta

maxamed   canada

5:14am on Sunday, December 20th, 2009

waxaan rabaa inaan ogano waqtga ay bilowdeen wahabiyada somaliya yaase keeney
waxaa keeney mad mula waa maxamed cabdule xasan wuxuuna ka dhaadhiciyey qabiilkiisa oo ah ogadeen wayna qaateen waxaana gumaad lagu bilaabey umadiikale markii lajabiyey qabiilkas ayey waxay goaan sadeen wax kastaba haku qaadatee inay fikirkaas wahabiyada so codsiiyan wayna ku dadaaleen siday ku socod siin lahaayeen aya goo adeeg sadey waji ya badan magac yada wahaabiyada ay adeeg sadeen waxay kala ahaayeen
1 saalixiya 2 al itixaad 3 onlf
4 xizbul islaam hadaba waxaa loo baahan yahay in la iska ilaaliyo
arga gixisada waxana idiin shegayaa in usan jirin nin cidaas ah oo diinleh tusaale ayaan idiin siinayaa ninka la yiraahdo umal wuxuu sheeg taa inuu yahay sheekh wayn laakiin waxaan idiin shegayaa
qof muslim ah qofkii kuyiraahda gaal baatahay sidaad ogtihiinba
diinta wuu kabaxay

mouh   big london

9:06am on Saturday, December 19th, 2009

asc i hope somali be comes beter if allah wills asc that all

mouh   big london

9:06am on Saturday, December 19th, 2009

asc i hope somali be comes beter if allah wills asc that all

maxamed   canada

3:49am on Saturday, December 19th, 2009

waxaan u shegayaa dhamaan umada somaaliyeed inay iska qabtaan labada qabiil ahna arga gixisada somalia waa ogadeen iyo habar gidir
dha maan tood culima dooda iyo cama doodaba waa in geed la gu xiraa hadii saa layelo somaliya way degi hadii kale sidas ayaa la ahaanayaa

maxamed   canada

3:24am on Saturday, December 19th, 2009

waxaan aad ugu farxay maa mulka al shabaab markay ogadeen xisbul islaam inay yihiin jajusiin oo ay ka saareen magalada kismayo hadana waxaan aad oga naxay mar kay qabteen jaa juskii ugu weynaa oo aysan qisaas kusameynin weli

dhagoolka   alessandria

7:34pm on Friday, December 18th, 2009

marka hore waan idiin salaamaya salan kadib walaalay inta manta wadanka jookta iyo inta binnanka jookta ilaah aan kacabsanowaayo manta wax weliba waxaa dhibka wata waa dhalan yaradena wayel abaabulkisa yaa laqadan ee dhalan yarooy ilaah aan ka cabsano ee wadanka aan sameysano

shacni   canad

2:28am on Friday, December 18th, 2009

asc dhaman salan kadib waan ka naxay maskiinka sida xun loo dilay why lama garan garo wax saxda ah uu galbsaday kuwan afka duubtay oo dhahye diinta ayan wax ku xakumin hurta ayag mayaqan diinta mase fahansanyihiin dinta wax ha xukuman ma xume mabab ugu wax ay ku dhaqamyaan wan dad marin hababsan illaaaaaaah ha soo hanuuniyo haduusan hanuun u qurnin umad ay dhiyaan illaaaaaaaah ha dhafiyo dadka way gdiidan ku wasa

Cali faarax   Soomaaliya

10:19pm on Wednesday, December 16th, 2009

Asc. Marka hore waxan salamaaya umada soomaaliyeed. Salaan kadib waan ka xumahay falka logeystey muwaadiinintaa muslinka ah waa wax laga xumado

xaq u dirir   london uk

7:17pm on Wednesday, December 16th, 2009

xasan daahir xadka ha ku qaado kuwa ku qabiilka ah ee beeraha iyo guryaha xooga ku hesysta ee masaakiinta kaliya yuusan xadka ku qaadin.

GALTI   LONDON

7:10pm on Wednesday, December 16th, 2009

dadka halagu xukumo diinta islaamka,laakin yaa xasan daahirow kuu xilsaarey oo ku dhahay amiir baa tahay,xasan daahirow waxaad ogaataa maalin i khiyaamo lagu soo istaajinayaa,marka hore illaahay u toowba keen oo illaah ka cabso dadka ka daa gumaadka iyo barakaca idinka iyo al shabaab shaydaamiin baa tihiine.

Abu Naim   Mogadishu

6:21pm on Wednesday, December 16th, 2009

Ilaahey Daahir Calasow iyo inta la midka ku fikirka ah haka qabto umadda Islaamka ah ee Somaliyed.

maxmud hilawle   usa minneoplios

5:39pm on Wednesday, December 16th, 2009

ilahay ka baqa ooka daasta mujaahidiinta afkiina ilahay waa idin waydiinaya maalin aanad awood lahayn ma hadii xuduuda alle la ooogo ayaad gaale ku raali galinaysaan walahay ilaahay baan ku dhaartee dariiqii saxda ahaa ayay hayaan inshalaahna way ka guulaysanayaan gaalo iyo gaalo raacyo idinkuna waxaa idinla gudboon inaad alle ka baqdaan

deeqocabdi   uk

5:31pm on Wednesday, December 16th, 2009

WAX WAXBAA KA DARAN KAN WAX SOO QOREE LEH DIINBAA LAGU QARAABANAAYAA SOO MAAHAN KII UMAD LAFAHEEDA U YAABAN KII ISKU DIRAAYEY EE LAHAA SHEEKH SHARIIF RAALI BOO KA AHAA QARAXII SHAAMOOOW MARKA INA CALASOOW ISKA RUUFIYAANIMADA ADIGANA CADOOW IYO SHARIIFNA IYAGAA DAD IS FAHMAY AHAA ADNA ALSHABAAB WAX MA DHAANTID WAAYO AFKA AYAAD DADKA KU DISHAY BEELA IS JECELNA HA KALA DILIN AFMIISHAAR YAHOW AQLIGA QABIILKA KA GALAY XISBI ISLAAMNA WAA ADI QABIILKAA ISNA FIRBAA TIHIIN IYO ALSHABAAB MARKA WALEE AAQIRO WAXBAA IDIIN SUGAA

deeqocabdi   uk

5:29pm on Wednesday, December 16th, 2009

WAX WAXBAA KA DARAN KAN WAX SOO QOREE LEH DIINBAA LAGU QARAABANAAYAA SOO MAAHAN KII UMAD LAFAHEEDA U YAABAN KII ISKU DIRAAYEY EE LAHAA SHEEKH SHARIIF RAALI BOO KA AHAA QARAXII SHAAMOOOW MARKA INA CALASOOW ISKA RUUFIYAANIMADA ADIGANA CADOOW IYO SHARIIFNA IYAGAA DAD IS FAHMAY AHAA ADNA ALSHABAAB WAX MA DHAANTID WAAYO AFKA AYAAD DADKA KU DISHAY BEELA IS JECELNA HA KALA DILIN AFMIISHAAR YAHOW AQLIGA QABIILKA KA GALAY XISBI ISLAAMNA WAA ADI QABIILKAA ISNA FIRBAA TIHIIN IYO ALSHABAAB MARKA WALEE AAQIRO WAXBAA IDIIN SUGAA

naf yar   canada

4:49pm on Wednesday, December 16th, 2009

waryaa edeb laawe alshabaab + xisbul islaam maxaa ku dabo dhigay adigana waxaa tahay wax bilaa edeb ah saxaafadana si qaldan u adeegsada waxaa bulshada dhaxdeeda ka wado hadaa joojin weydo ogow dib baa loo noqonayaa waa la noqonayaa.
hadalka qaabka daran iska daa waa iga talo ina adeer ( lafahaagana u baq) byyyyyyy

haifa maxmad   bosaaso

4:40pm on Wednesday, December 16th, 2009

aad ayaan uka nmaxay walaalahay soomalida saa loo galayo waxaan ka codsanayaaa ummada soomaaliyeed in ay wax ka qabteen musiibooyinkan

um /osaama   imrad

3:17pm on Wednesday, December 16th, 2009

ilaah hala cabsado

baashi   nairobi

1:54pm on Wednesday, December 16th, 2009

waxaan oran lahaa marka hore ilaahay ha naga qabto khawaarijta, marka xigana dadwaynahay soomaaliyeedoow kaca oo arka waxaay suubinayaa khawaarijta , uurkana ka naca , arrintaana waxaa waxka qabanaya ahlusunna waljamaaca , ee garab ku siiya marka ay iyaga iyo khawaarijtu isku dhacaan , waayo waxaa looga adkaan karaa oo kaliya waa caqiido oo lagula diriro, marka dadwaynahay soomaaliyeed kolayba iska dhicinmaysaane , marka ahlusunna hadba dhinac u bursanayso garab ku siiya

f laki   nederland

8:15am on Wednesday, December 16th, 2009

asc walal dhamaan mel joogtaan waxan diin ma,ahan hala iska qabta qawaarijta aniga waxa ila fiican sheiq sharif in xukunka laga tuuro ka, dib wax waa hagagayan waa tas fakirkeyga ka, dub somali nabad aya ka, dhaceysa wscb

Jama Yare   Wisconsin, Miniwauke

7:18am on Wednesday, December 16th, 2009

Asc Wr Wb Dhamantiin, intas ka bacdi horta dhacdadan dhacday xukunkeda sidey diintu noo sheegtay waxa fulin kara dowlad dhamistiran oo muslim ah fulineysana inta shareecada islaamka ay shegtay intas ka bacdi hadii aan nahay somalia qoraal aan qorno lagu dhaleeceyo dadkan kaliya wax loogama qaban karo wixii xumaan hadii somalida si wada jir ah wax looga qaban lahaa waxan rumeysnahay in aan halagan nagu dhacay nagu dhaceen lakiin somaliyey anaga dad aad u liito ah sababto ah cudur kii ugu xumaa oo ahaa qabiil baa la dhishey, hada waxay maraysaa in xataa xumatadii ay gashay in lagu mar marsiyoodo diinta islaamka ee naxariiska ahayd wanaga ahayd raxmada ahayd diinta xaqa ahayd ee ilaahay koomkan isusoo dejiyay, somaliyay subxaana laah waxan dhacayaa waa wax aan anaku gacmaheena ku keensaney, waa wax aan si wada jira isaga qaban karno lakiin dad nimo xumo ina haysaa darteed aan naan iska qaban karin ilaahay cadilka komkana abuurey waxaan ka bareyaynaa in ilahay naxariistiisa ay na soo goorto, ilaahow na badbaadi adigaa badbadiye ahe ilaahow noo naxariiso adigaa naxariiste ahe, somaliyey dadkiina iyo dalkiina u duceeya iguna duceeya nin kastoo dhibato ku ah dalkiina iyo dadkiina in illaahay ka qabto, Wa Billaahi Towfiiq.

Jama Yare   Wisconsin, Miniwauke

7:17am on Wednesday, December 16th, 2009

Asc Wr Wb Dhamantiin, intas ka bacdi horta dhacdadan dhacday xukunkeda sidey diintu noo sheegtay waxa fulin kara dowlad dhamistiran oo muslim ah fulineysana inta shareecada islaamka ay shegtay intas ka bacdi hadii aan nahay somalia qoraal aan qorno lagu dhaleeceyo dadkan kaliya wax loogama qaban karo wixii xumaan hadii somalida si wada jir ah wax looga qaban lahaa waxan rumeysnahay in aan halagan nagu dhacay nagu dhaceen lakiin somaliyey anaga dad aad u liito ah sababto ah cudur kii ugu xumaa oo ahaa qabiil baa la dhishey, hada waxay maraysaa in xataa xumatadii ay gashay in lagu mar marsiyoodo diinta islaamka ee naxariiska ahayd wanaga ahayd raxmada ahayd diinta xaqa ahayd ee ilaahay koomkan isusoo dejiyay, somaliyay subxaana laah waxan dhacayaa waa wax aan anaku gacmaheena ku keensaney, waa wax aan si wada jira isaga qaban karno lakiin dad nimo xumo ina haysaa darteed aan naan iska qaban karin ilaahay cadilka komkana abuurey waxaan ka bareyaynaa in ilahay naxariistiisa ay na soo goorto, ilaahow na badbaadi adigaa badbadiye ahe ilaahow noo naxariiso adigaa naxariiste ahe, somaliyey dadkiina iyo dalkiina u duceeya iguna duceeya nin kastoo dhibato ku ah dalkiina iyo dadkiina in illaahay ka qabto, Wa Billaahi Towfiiq.

Jama Yare   Wisconsin, Miniwauke

7:14am on Wednesday, December 16th, 2009

Asc Wr Wb Dhamantiin, intas ka bacdi horta dhacdadan dhacday xukunkeda sidey diintu noo sheegtay waxa fulin kara dowlad dhamistiran oo muslim ah fulineysana inta shareecada islaamka ay shegtay intas ka bacdi hadii aan nahay somalia qoraal aan qorno lagu dhaleeceyo dadkan kaliya wax loogama qaban karo wixii xumaan hadii somalida si wada jir ah wax looga qaban lahaa waxan rumeysnahay in aan halagan nagu dhacay nagu dhaceen lakiin somaliyey anaga dad aad u liito ah sababto ah cudur kii ugu xumaa oo ahaa qabiil baa la dhishey, hada waxay maraysaa in xataa xumatadii ay gashay in lagu mar marsiyoodo diinta islaamka ee naxariiska ahayd wanaga ahayd raxmada ahayd diinta xaqa ahayd ee ilaahay koomkan isusoo dejiyay, somaliyay subxaana laah waxan dhacayaa waa wax aan anaku gacmaheena ku keensaney, waa wax aan si wada jira isaga qaban karno lakiin dad nimo xumo ina haysaa darteed aan naan iska qaban karin ilaahay cadilka komkana abuurey waxaan ka bareyaynaa in ilahay naxariistiisa ay na soo goorto, ilaahow na badbaadi adigaa badbadiye ahe ilaahow noo naxariiso adigaa naxariiste ahe, somaliyey dadkiina iyo dalkiina u duceeya iguna duceeya nin kastoo dhibato ku ah dalkiina iyo dadkiina in illaahay ka qabto, Wa Billaahi Towfiiq.

Jimcaale   South afrika

6:16am on Wednesday, December 16th, 2009

Aniska qabano cadowgaan fooshaxun ee dadki magaca diinta islaamkaku xasuuqaya waa inlatakooraa qofkasta ooku taageera gumaadka iyo diinla aanta kooxaha alhabaab iyo xisbushaydaan ma ahan waxla fiirsankaro dhibka iyo foolxumida ay umadaku hayaan soomaalay dagaal ka dhan ahkuwan anku qaadno itoobiyaa waxlaga sheegayey walaahikunjeerkuwaanaaka daran

muraayo garaad   nashville tn

4:11am on Wednesday, December 16th, 2009

inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun, balaayo idinla tagtey bal waxey sameeyeen fiiri, alxaram iyo hisbul fuley ilaaheey idin qabey oo naga dhex baxa, soomalideyda aloow samata bixi oo u soo hiili . aaamiiiiiiin

Osman   Asia

3:09am on Wednesday, December 16th, 2009

Al shabaab ayaa roon mana isu dhawa sababtoo ah iyagu masoo sawiraan waxay ay sameyaan. ku waan Afgooye kaliya ayay heystaan maaalinta hadana iyo meelaha lagu maasaakiinta ku qaxday hadana shacabki maasakiinta ahaa ay dhagta ku haayaan

Hassan   Somalia

2:55am on Wednesday, December 16th, 2009

Sinada qofka lagu qabto, waa inay afar qof oo shaahid ahi joogaan oo waliba arkayeen labada farji oo isku jira. Taasina waa madhacdo, ilaa laba qof oo filinka SEX iska duubaya mooyaane lama heli karo labada farji oo isku galmoonaya.

waa fidno ay u badheedheen dad wax magarato ah. Allaase ka abaal marin doona daalimka iyo madluumkaba.

maxamed   usa

12:49am on Wednesday, December 16th, 2009

walaal waxaan ahay ninusoo dagaalamay diinta islaamka o waxaan ka mid ahaa qolooyinkii la oran jiray alitixaad waxaana ku so koray waana jeclahay diintayda islaamka in lays ku xukumo,, laakiin waxaa yaab leh diinta ma waxaa ay qabataa dadka aan waxba galabsanin,maxaa loogu xukumi waayay gobalada dhexe? waa wax iswaydiin lahee mise waan kaa adkahay ayaa ka socoto somaliya ee waxaan oran lahaa ilaahay ahanaga qabto HABARGIDIR

Rakavelli   USA

12:48am on Wednesday, December 16th, 2009

AL SHABAAB......XISBUL ISLAAM .... Hala laayo Gaalada Gaaladu Dhashay....... waa YUHUUDA BERRIGA AFRIKA....... NACALAD HA KU DHACDO ..... QOF DAMIIR AADAMINIMO, MUSLINNIMO, SOOMAALINNIMO INNABA KU JIRTO....... Kuma Kici Karo Waxa Ay KU Kaceen Fadaradda ........ All of em waa Ciyaaladii Isbitaaladda Looga tegay............

ahlam   london

12:32am on Wednesday, December 16th, 2009

allah ha ku naxaristo maskinkas silica u dhintay waa wax ad u folxun in qoof saas lo dilo hadana camaro laga dubo oo dadka masakinta ah la tuso dadka dinta sheeganayo waa dadcun ee yaa naga qabta

arjun   london

11:50pm on Tuesday, December 15th, 2009

war dadka somaliyeed mid ayaan rabaa in aan u sheega mar ka hore ma ahan dad hada labaraayo diinta islaamka waa dad ku dhashay marka waa maxay dulinimada lagu hayo oo ay san ka hadli karin war saan inoo ma ahan dadyahoow inteena ugu tabar ta daran waa ay dhimatay inte kalena waa la barakaciayay ee maad meel in aad ka istaagtaan aad wax ka dhahdaan xaalada dalkeena uu galay walahi hadan saan ku siidayno beri ayaan ka shalaynayna

gdgd   grfdg

11:34pm on Tuesday, December 15th, 2009

dggdgd

riyaale   hargeysa

11:20pm on Tuesday, December 15th, 2009

shacabka reer koofureedow nimankan waad arkeysaan anigana wey isigeen waa niman hunguri wado waxaa kuu cadeynaya gaalkii faransiiska dolar bey ka qaateen ey ku shegeen basaaska masakiintii muslinka reer afgooyana sidaan bey u galayaan danbi kastana waxay yidhaahdan qofku isgaa qirtay waa yaab ,hadaan si wadajir ah leyskaga qaban somali oo dhan la arki maayo.

Hodan   sweden

11:14pm on Tuesday, December 15th, 2009

waa yaab ilaahoow kuwan Hargaysa nooga ilaali igagaaba faqashtii kabalo badan bismilaah

muuse suudi yalaxow   kaaraan

10:56pm on Tuesday, December 15th, 2009

areey igaartaan waa qooqeene siil haloo karsho haddii kalewaxaan wax ka xun ey la imaahaayaan anaga hee isbaradeenaan iska cuni jirnay dadkana diin uguma ganban jirine shacabow idinkaa niiga eexdee ka xaab xabsha hee

Shacab   Dunida

10:54pm on Tuesday, December 15th, 2009

Dadka islaamka ah waa xaq in ay diintooda ku dhaqmaan diinta islaamkana waa diin naxariis ee maaha diin argagixiso marka waxaan idinka codsanaynaa hadaad wax dilaysaan inaan mardanbe aan mediyaha laga soodaynin sababtoo ah waxaad samaynaysaan ma aha waxaad diinta islaamka ugu gargaaraysaan ee waa waxaad gaalada ugu gargaaraysaan si islaamka loo arko diin xun oo xuquuqda aadaha ku xadgudbaysa oo argagixso ah wadamo badan ayaa xadka laga fuliyaa dadka la toogtaa maalin walba wax sawir ahna waa mamnuuc hadda kuwiinan inaad wax wanaagsan samayseen baad isku qabtaan laakiin meeqa qof oo muslim ah oo dhalinyaro yar yar ah baa ku hadaaqaaya islaamiyiintu masaanbay ahaayeen waa xunyihiin islaamkunu waa diinta xaqa ah waana diin wanaagsan rabbina waxaan ka baryayaa inuu diintayada shaydaan naga fitnayn iyo dad danahooda gaarkaa wata wabillaahi towfiiq

fadiila   kenaya

10:14pm on Tuesday, December 15th, 2009

a/c waaba dhibto qof aysan war u hayn wuxuu sameeyey tolow marka u wax sameynaayey ma alshabaab baa kor jogtey wax lee jira miskiin bey ku dul bashalayaan walee ninkaan xaqis soon o later wuuu soo baxayaa .salama

abu cubaydah   dhulka ilaahay

9:23pm on Tuesday, December 15th, 2009

runtii aad iyo aad ayaan ugu diirsaday sida quruda badan ee ay hawshu u dhacday waanan ku indha qabawsaday waligay waa markii ugu horraysay oo aan arko xukun islaam oo lafulinayo alxamdulilah ilaahay tawfiiqda ha waafajiyo culumada is xil qaaday ee adduunku dhinaca kawada maray

ilaahaw diintaada u hiili

mustaf {jaceeylow}   nairobi

9:04pm on Tuesday, December 15th, 2009

walaal aad iyo aad ayaa umaasan tihiin bahda miisanka waxaan dhihi lahaa wxa kasocda somaaliya waa xasuuq waa fitno marka la mar sii naayo shacabka shareeco ku wa madfaca la dhacaya habeeyn iyo maalin walaahi waxaan idin dhihi lahaa ku somaaliya isku haya alshabaab xisbul islaam waxaa tihhin murtidiin madiin cusub ayaa timid somaaliya waa wax aan nan lamaqlin hada la arkin walaahi waxaan dhihi la haa shacabka soomaaliya in eey gacmaha is qab sadaan ha is ka qab taan cidii la da gaalm to ayaa liibaa neeyso ku diinta ku gan ba nayo ok by

saabiriin   usa

8:46pm on Tuesday, December 15th, 2009

illaah haka qabto islaamka inta aan daacada aheyn iyo inta xukun dardiis dad masaakiin ah u laayaya ninkii magac diin ku qaraabato koley alle baan wax ka qarsooneyn dhiiga islaamkana madayacmo iyagaa alle ku eegayaa kuwa silaca loo dilayo alle baa shuhadaa in ey noqdaan la jeclaaday illaah ha u naxariisto inta dhimatay intadhaawacana alle ha caafiyo

ikraan   norwey

8:44pm on Tuesday, December 15th, 2009

jawaab qofka isku sgeegay salagle walaal marka hore salaan ka dib waxaad tiri hawiye wali kow ma joogtiin marka waxaa lagaa rabaa meesh aan maanta dhib ka jirin waxaana fiicnaan lahayd in aad soo qorto meeshaad amaanayso markaas ayaan jawaab sax ah kuu heli lahaa waxaan maanta dunida islaamka ka dhacaayo ilaahay ayaa awooda inuu joojiyo asagaan kaamil ah cay iyo amaan midna ma daweeyn karo ninkii maanta ku farxo meel dhibaato ka jirto asna wey ku imaanaysaa 88dii markii ardaydii hargeysa ka soo qaxday la lahaa xabadi keentay ayaguna waxay lahaayeen xabad suge waana la arkay tan kale maxaa loo sawir looga qaadayaa qof sidaa loo dilayo kan sawirka ka qaaday ayaaba ka daran kii dilay aniga fikikeyga

ikraan   norwey

8:44pm on Tuesday, December 15th, 2009

jawaab qofka isku sgeegay salagle walaal marka hore salaan ka dib waxaad tiri hawiye wali kow ma joogtiin marka waxaa lagaa rabaa meesh aan maanta dhib ka jirin waxaana fiicnaan lahayd in aad soo qorto meeshaad amaanayso markaas ayaan jawaab sax ah kuu heli lahaa waxaan maanta dunida islaamka ka dhacaayo ilaahay ayaa awooda inuu joojiyo asagaan kaamil ah cay iyo amaan midna ma daweeyn karo ninkii maanta ku farxo meel dhibaato ka jirto asna wey ku imaanaysaa 88dii markii ardaydii hargeysa ka soo qaxday la lahaa xabadi keentay ayaguna waxay lahaayeen xabad suge waana la arkay tan kale maxaa loo sawir looga qaadayaa qof sidaa loo dilayo kan sawirka ka qaaday ayaaba ka daran kii dilay aniga fikikeyga

kuumade   usa

8:42pm on Tuesday, December 15th, 2009

ilaahay ha u naxariisto qofkaasi se waxaa ila qumman inta dad la eedaynayo in talo la bixiyo sida arrimahaas dhacay looga samatabixi lahaa.

sagaloos osman   holanda

8:37pm on Tuesday, December 15th, 2009

dadka hawiya shegayo oo leh wax ba idin dhiman soo ma arkaan wax ka dhacaayo bosaaso misa bosaaso hawiya maa dagan waa sual? iska daya cadifada qabiilka ee an uwada hadal no somali nim,o hadii kale anga waxaa daganahay dhul barwaqo soran ah marka waxaay dhibee dadaka ka yimid xul dhagaxa igaada waa is ogtihiin

dhaadeey   london uk

8:32pm on Tuesday, December 15th, 2009

ilaah khawaarijta dadka ha ka qabto waa cawaan dadka dhameey say ilaah cadowkaas dad ka ha ka qabto sheey daamiinta xisbul sheeydaan iyo shayaadiinta ashabaab
ilaah miskiinka aay dileen ha u naxariisto

dhaadeey   london uk

8:31pm on Tuesday, December 15th, 2009

ilaah khawaarijta dadka ha ka qabto waa cawaan dadka dhameey say ilaah cadowkaas dad ka ha ka qabto sheey daamiinta xisbul sheeydaan iyo shayaadiinta ashabaab
ilaah miskiinka aay dileen ha u naxariisto

cabdinasiir   canada

8:21pm on Tuesday, December 15th, 2009

naagta hawiyo wax ka shegayso waxaan ku shegaa hawiya waxaa iska dhicinayaa wixii edeb daran sida kayga aniga is kale kadana kula lihi ogoow hawiya waa laf weny waligaaga qaxoti ayaa ahanaysaa ogoow

nasra   Danmark

8:10pm on Tuesday, December 15th, 2009

Naxariis daranaa muslimnimo yar xataa kuma jirto miyaa dad ka daba sacabinaaya alle ayaa la xi saabtamin maalin kale

nasra   Danmark

8:09pm on Tuesday, December 15th, 2009

Naxariis daranaa muslimnimo yar xataa kuma jirto miyaa dad ka daba sacabinaaya alle ayaa la xi saabtamin maalin kale

Salagle   Toronto, Canada

8:08pm on Tuesday, December 15th, 2009

Hawiye wax badan oo Ilaah caradii ah ayaa idin harsan. Weli kow ma joogto.

cabdullahi yuusuf   yeman

8:00pm on Tuesday, December 15th, 2009

waxaan umaleynayaa in aad icafin doon taan oo iswey diin kartaan waxa aan kula dagaalamayay dadka isku sheegi jiray soomaali waxaana ogaataan khaar kaloo kuwaan ka sii xun iney idiin dhiman yihiin hadii aadan wax ka badalin wax kakhabashada iyo isku duubnidii lagu yakhaaney soomaaliya waayo amrkii la' idinkala kheybiyo ayaad wax garataan waa laga soo gudbey ayey ila tahay khabiil waayo waxaa yimid maskax iyo fikrad aan soomaali lagu arki jirin (talo) somaaliyey iku tasho ama kala tasho oo waxaa harey kala badbaadi war haidii lawaayo soomaali akhristoow aniga iyo adigana waa nala waayey intaas iyo nabadgalyo (scw)

rooda   abudabi

7:55pm on Tuesday, December 15th, 2009

inaalilaahi waa inaali laahi raajacuun illahay waxaan ka baryaa in uu nagasoo qabto kuwan iyo waxii raacsanba illahay hasoo hadeeyo hadii aanay soo hadaysmayna illahay hanagasooqabto intaa markaan ku dhaafo waxaan lahadlayaa shacabka soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan inta yar ee ka hadhay ilayn in dhahaan arkayno waxba kama hadhayaan hadii ay kusiijiraan waxane intaad kolba wadanka soomaaliya meel sooxidhanaysaan ee aad leedahiin anaa budlaana iyo anaa soomaaliland iyo anaa galmuduga isdaba qabta oo intaan laydin dabarjarin oo iskasooqabta yuhuuda kuwani waayuhuude islaanimo kadheere dhinac ugasoo wadajeesta caruur iyo coroole hana kabiqina ee isdifaaca illay ayaalagabaqaaye illahayna guusha haynasiiyo

caydiid   jamal

7:54pm on Tuesday, December 15th, 2009

rer afgooye waa loma oyaan ma la dilo kuwa haysto guryaha islameed anaga ma nola shegaa wax la rabo xasan dahiir max kamad ayaa ku sugayso ogoow xaramiyoo ilah ka furtay masakiin dil aya tahay waxana tahay mujriim

BITAALE   holland

7:54pm on Tuesday, December 15th, 2009

dadkii waxaa dhameeyay mooryaan garey
MOORYAN GAREY ILAHAY IDINQABAY
mooryan garay ninka dhagaxa kudisheen aaway marqatigii arkay
isagoo naagta fuushan markasto qofkaa dilaysaan waa qirtaa kuhaysaan marqaati la aan tuugo mooryaan garay diin mahan waxiina 4 marqaati mahaysaan hadana nin islaama dhagax kuboobteen qayaame xagee kagalaysaan vidio aad duubaysaan diintu ma ogashahay dadka caruurta dumarka calool xumada tusteen diin miyaa mise waa cabsi galin mooryaan garay aaqiro xisaab taal

c/qeybdiid   Muqdisho

7:52pm on Tuesday, December 15th, 2009

sinka iyo quraanka cadiima alle ha naga qabto xisbul xassan dahir iyo shabaab waxay ku ka ceen wax la fiirsa karo waxaan ku dadaaleynaa sidaan shacabka uga qaban laheyninsha,allaah weligey xabada waa ridi jiay dadna waa dli jiray madaafiicna waa ridi jiray laakiin diinta kama beensheegi jirin taas waa ka ceyntay alle mahadiis


Page: -1-   2   

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Siyaasaddii islaamku asaaska uga dhigay dowladda islaamka.
Riix Halkan

Qawaaniinta oo loo xukuntamo Ma la isku Gaaleysiin karaa?
Riix Halkan

Miisaanka sharcigu u dejiyay Gaaleysiinta iyo.....
Riix Halkan

Gaaleysiinta iyo Dhibaatada ay Islaamka Ku Heyso Markastaba.
Riix Halkan


Dhageyso Gabayo xul ah Abshir Bacadle Alle ha u naxariistee: Allaa Mahad Leh

Hubka Inaga Dhiga

Qabyaalada

Xadhig Xujo

Guurka

Qaadka

Shirib

Qudubi

Danta Guud

Gabayga



yaa Ka dambeeya Dilalka qorsheysan ee Muqdisho iyo Shirqoolada saxaafadda
Warbixin Xasaasi ah
Riix Halkan