Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links


Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
Xogsheeg
 
Mugdiga ku jiraa Muranka laga keenay Wiilka isku qarxiyay Shaamow iyo Dadka u dooday +Dood qabow oo ku wajahan Aabaha Wiilka +Cod iyo Warbixin dheer. Posted to the Web Dec 25, 11:41

Aabaha dhalay wiilka sida aadka ah loogu tuhunsanyahay in uu 3dii December isku qarxiyay Hotel Shaamow iyo dad kale ayaa muran ka keenay in wiilkaas ka dambeeyay qaraxaas.


Hadaba Aabaha iyo dadka muranka ka keenay arrintaas maxey ku doodayaan? Ma wiilka ayaa la bari yeelayaa masa Al-Shabaab? Mase Arrimo kale ayaa jira?


Sida muuqata dadka ilaa iyo hada isku taxluujiyay in ay bari yeelaan Cabdiraxmaan Nuune oo ahaa wiilka 95% loo badinayo in uu ka dambeeyo falkaas ayaan wili afkooda laga maqal wax eedeyn ah oo ay u jeediyeen kooxda Al-Shabaab ee diyaarisay falkan laakiinse waxey eeda dusha uga tuureen Dowlada KMG, Saxaafada, iyo dhamaan Soomaalida badan ee aaminsan in Cabdiraxmaan Nuune asagu ka dambeeyay foolxumada dhacday.


Waxaa soo baxday in aan loo doodeyn Cabdiraxmaan Nuune balse sheekadu tahay in cida masuulka ka ah falkaas lagu qariyo bari yeelida Cabdiraxmaan Nuune amase hadii si kale loo dhigo arrintu halkaas ku xiranto marba hadii uusan Cabdiraxmaan Nuune is-qarxin sidaasna ay ku qarsoomaan dambiilayaashii maleegay is-qarxinta Shaamow.


Marka hore waxaan murugada la qeybsaneynaa Aabe Xasan Xaaji oo dhalay Cabdiraxmaan Nuune maxaa yeelay Aabaha Culeys ayaa taabtay oo wiilbuu meesha ku waayay tan kale Aabe Xassan Xaaji  goaanka uu qaatay waxaa qaadan lahaa Aabe kasta oo soomaali ah sababtoo ah Aabe Xassan Xaaji Waxaa la soo gaarsiiyay laba akhbaar oo kala qurux badan.


Tan koowaad waxaa loo sheegay in wiilkiisu is-qarxiyay oo uu ka dambeeyay foolxumada Shaamow ka dhacday.


Tan labaad waxaa loo sheegay in wiilkiisu uusan is-qarxin oo la marti qaaday sidaas darteedna uu kamid yahay Shuhadadii Shaamow.


Labadaas war kala macaan badan- Aabe kastana wuxuu horaba ka qaadan lahaa warka labaad ee ah in wiilkiisu uusan is-qarxin.


Halkan ka dhageyso wareysiga Xasan Xaaji.


Intaas kadib wareysigan aan soo bandhigeyno ayuu Aabuhu siiyay VOA, dabcan wareysigaas Xasan Xaaji wuxuu ku difaacay wiilkiisa sida ay sameyn lahaayeen Aabayaal badan laakin hadana wareysigaas ayaaba sii kordhiyay shakiga laga qabo in uu Cabdiraxmaan Nuune is-qarxiyay.


Aabe Xaaji Xasan wuxuu sheegay arrimo ay kamid yihiin in wiilkiisa uu fitno u aaminsanaa dagaalada ka socda Soomaaliya oo uu horay u balan qaaday ka fogaanshaha dagaaladaas, wuxuu kale oo sheegay in wiilkiisu Marka Cadey u aaday Barashada Luuqada Carabiga iyo Diinta islaamka, wuxuu kale oo sheegay in wiilkiisu ahaa maskiin aysan ka suuroobin ku kicida arrimahaas oo kale iyo in xaaska wiilka ay wadaad aheyd.


Sidoo kale uu wiilku Maalin Arbaca ah ka soo tagay xaas foosheedu dhowdahay balantuna aheyd in uu isla maalinta kale soo laabto inta Muqdisho Shoobin uga soo sameeyo xaaska.


Arrimahaas uu Aabuhu xusay hala saaro Miisaanka Cadaalada- Masa noqon karaan kuwa bari yeeli kara Cabdiraxmaan Nuune?


Tan hore Maxaa Cabdiraxman Nuune geeyay Soomaaliya marba hadii uu fitno u aaminsanaa waxa meeshaas ka socda! Allah baa idinku dhaarshayee ma Marka Cadey iyo Muqdisho ayaa xiligan loo aadaan Diin barasho iyo Carabi barasho!


Culumadii diinta laga baran lahaa waa isaga carareen Koonfurta Soomaaliya, wax la iibsan karo maaha in Koonfurta Soomaaliya loo aado diin barasho waa arrin kale hadii Al-Shabaab laga baranaayo Diinta islaamka iyo Luuqada Carabiga!


Xataa macquul ayey ahaan laheyd hadii uu Somaliland ama Puntland u tagi lahaa Barashada Diinta islaamka iyo Luuqada Carabiga.


Waxaa kale oo xusid mudan in nin lagu magacaabay Dhaqane oo ka tirsan baladiyada xaafadii Nuune ka deganaa Copenhagen aadna u yaqaanay uu sheegay in wiilku ka saaqiday waxbarashada oo ay jirto dayacaad ka timid dhanka waalidka, wuxuuna arrintaas sheegay mar uu wareysi siiyay BBC-da.


Waana la isku raacay in wiilku ka haray Waxbarashada oo himadiisu aysan aheyn waxbarasho, wiil saas ah oo degaan iyo waxbarasho u doortay Marka Cadey oo ah Talisyada ugu muhiimsan ee Al-Shabaab!


Wiilku Miskiin buu ahaa oo kama ay suurowdo in uu is qarxiyo ma tahay wax soconaya? Waxaan ognahay in miskiinimo aysan xumaan reebin oo qofku asagoo muslim ah ayuu galabtii gaal noqon karaa, hebel lagama filaneyn xujo ma noqon karto oo wiilashii hore ee ka dambeeyay is-qarximihii hore ee ka dhacay wadanka kuma jirin mid laga filanaayay is-qarxin oo dhamaantood waxey ahaayeen wiilal masaakiin ah oo ay ka muuqato degenaan iyo naxariis, waxaana la xaqiijiyay markii loo sheegay aabayaashii dhalay in ay u hadleen sida Xasan Xaaji oo ay rumeysan waayeen in wiilashoodu is-qarxiyeen.


Nin xaaskiisa fool tahay in uu aado martiqaad qalin jabin laf baa ku jirta, foosha iyo xaaska waxaa ka muhiimsan marti qaadka jannada waa hadii laga dhaadhiciyay in uu janno ku tagaayo falkaas.


Ma tuhunka ayey yareyn kartaa in Xaaska wiilka ay wadaad aheyd? waa maya oo wadaadnimada ayaaba xiriir la leh is-qarxinta iyo falalka foosha xun ee khawaarijtu ku kacaan sababtoo ah Mooryaan isma qarxiyo iyo dadka arrimahan xayeysiiya ama aaminsan oo wadaado ah, waana arrimo ummada ka soo galay dhanka wadaadada ay diintu ku qaloocatay, waxaadna ogaataan hadii wadaadnimo iyo cibaado badan ay xumaan reebeyso waxey ka reebi laheyd khawaarijta, yaa ka cibaado iyo Quraan akhris badan khawaarij.


Xasuusnaada Ninkii dilay Sayid Cali in uu ahaa nin aad u cibaado badan oo habeenkii salaad ayuu waaga ugu baryi jiray, maalintiina soon.


Marka hebel wadaad buu ahaa iyo heblaayo wadaad bay aheyd waa meesha ummada laga soo galay, kuwa dadka xasuuqaya soo wadaado maaha, kuwa Masaajidyada wax ka marin habaabiyay oo ilmihii lagala cararay soo wadaado maaha.


Aniga sidaan arko Aabaha arrimaha uu ku dooday gar ayuu u leeyahay waana lala fahmi karaa oo haduu yiraahdo wiilkeyga baa is-qarxiyay mashaakil oo dhan ayaa ku furmaya oo waxaaba dhici karta in dadka qaarkood ka takhalusaan carro ay qabaan darteed.


Waxaa kuu soo haray dadka kale iyo websadyada isku dayay marin habaabinta ummada ayagoo ka faaideysanaya difaacida Cabdiraxman Nuune laakiinse dantoodu tahay in Shabaabku bari noqdaan oo aan xisaabtan imaan.


Waxaa kale oo marin habaabintan ka qeyb qaatay Websadyo iyo dad Reer Denmark ah oo ay ku jiraan asxaabta Masjidka Al-Towxiid ee wiilka laga diray, kuligoodna ay bari yeelida Nuune ku qabaan masaalix kala duwan oo ay ugu horeyso in aan dhib iyo mashaakil lagu furin oo ay ka badbaadaan xisaabtan.


Dadkaas badankoodu waa kuwa hiil iyo hooba ku taageera kooxaha islaamiyiinta ee dagaalka ka wada soomaaliya, waa kuwa taageersan madhabka takfiirka iyo is-qarxinta ee Al-Shabaab, ma dad noocaas ah ayaa laga filayaa in ay gardarrada saaraan cidii laheyd!


Ilaa iyo hada lagama hayo dadaal ay ku baxsheen sidii loo heli lahaa dadka soo diyaarshay qaraxa shaamow waxeyse taas badalkeeda hurdadii uga tageen in ay raadshaan waxyaabo aan soconeyn oo lagu bushiyo is-qarxinta wiilkaas geystay.


Sawir ayey soo bandhigeen oo ay dhahayaan waa Cabdiraxmaan Nuune oo fadhiya xafladii qalin jabinta oo ku labisan shaatigii uu ku dhintay.


Maxaa diidaya in sawirkaas ay Shabaabku ka qaadeen asaga oo la fadhiya dhalinyaro kale oo Shabaab ah si looga sii hortago xaqiiqda.


Maxaa cadeynaya in meesha uu fadhiyo tahay Hotel Shaamow oo dhalinyarada ag fadhida ay yihiin ardaydii goobta ku sugneyd.


Qofka sawirkan qaaday muxuu usoo bandhigi waayay sawiro kale oo dheeraad ah oo si aan shaki ku jirin wax u cadeynaya, hadii Cabdiraxman uusan aheyn qofka is-qarxiyay waxaa dhici karta in uu hayo sawiro kale oo raad-raac noqon kara oo lagu heli karo dadka waxaan fuliyay, laakiin ma aysan dhicin taas oo sawir horay loo diyaarshay baa la keenay, cidii keentayna waa is qarisay.


Isma Muujin qofka sawirka soo diray, dadkuna kuma kalsoonaan karo qof is qariyay ama wajiga duubtay oo aan la aqoon waxa uu yahay iyo cida ka dambeysa.


Maxaa diidaya in sawirka lagu soo qaaday qol ku yaala Dayniile, Gubta, Suuqa Xoolaha ama Bakaaraha amaba lagu soo qaaday Marka Cadey.


Sida aan u badinaayo cida sawirkaas qaaday waa Al-Shabaab, hadafkuna maaha mid Nuune lagu bari yeelayo oo hadii ay daacad yihiin ha keenaan cadeymo aan haba yaraatee la tuhmi karin oo muujinaya sida ay Shaamow wax uga dhaceen, mana la haayo jiho madax banaan oo baaritaan fog ku sameesay sawirka ay soo bandhigeen, aduunkana wax walba waa la farsameyn karaa oo sawiro xaqiiq u dhow oo been ah ayaa la sameeyaa.


Shakina kuma jiro in Shabaabku hayaan Video, Sawiro iyo Macluumaad kale oo ay ka diyaarsheen is-qarxiyaha waase la qariyay sababo jira awgeed waxeyna doorteen in ay soo diraan sawirkaas dhagartu ku jirto.


Waxaa la yiri qof is-qarxiyay waxba kama haraan, taasna maaha arrin mar walba dhacda oo waxaa la arkay dad is-qarxiyay oo gacan ama lug kaliya goŽday waxaa la arkay qof is-qarxiyay oo dhowr musmaar oo kaliya mudeen iyo mid uuba qarixii u dhici waayay.


Mustaxiil maaha in qof is-qarxiyay waxyar ama waxbadan ka haraan oo dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in falka is-qarxinta Shaamow uusan u dhicin sidii la rabay oo qeybo badan oo qaraxa kamid ahaa ay khasaareen oo meelo qaldan ku dhaceen taasoo loo tiirinayo badbaadada qeybta hore ee jirka Cabdiraxmaan Nuune.


Waxaa kale oo la isku raacay in Cabdiraxmaan Nuune uu ahaa qofkii ugu dhaawac cuslaa oo aysan jirin cid kale oo ay soo gaartay dhaawac iyo burbur intaas dhan.


Boqolaalka dhiigoodu ku baxay Shaamow in aan hiil iyo hooba lagu bixin sida lagu heli lahaa cida xasuuqday oo hadana hiil iyo hoo lagu bixiyo sidii lagu bari yeeli lahaa Cabdiraxmaan Nuune- arrintaas mugdi weyn baa ku jira.


Dadka xoolahooda iyo kuwa khawaarijta aysan wada daaqin waa ay ka murmi karaan is-qarxinta Nuune maadaama aan looga shakisneyn xiriir iyo dabacsanaan ay u hayaan khawaarijta.


Guud ahaan Taageerayaasha khawaarijta ayaa xooga saaray Marin habaabino kala duwan sida in Dowlada ama Amisom ka dambeeyaan qaraxaas iwm.


Websadyada iyo dadka raba in ay si raqiis ah ku lumiyaan dhiigii ku daatay Shaamow waa in aan lagu sirmin oo qof kasta uu dib u fiirsho meesha iyo halka ay ka biyo cabaan dadka marin habaabintaas wada, qof ay khawaariji ku neefsatayna warkiisa wax ka soo qaad ma leh.


Dadkaas aan tilmaanay hadii ay daacad yihiin waxey diirada saari lahaayeen Al-Shabaab inta marka hore bari yeelaan Nuune, oo Nuune marka laga soo tago cida foolxumada ma leegtay waa Al-Shabaab.


Hadii Nuune la bari yeelo waxaan la bari yeeli karin Al-Shabaab, nasiib darro lama arag qof inta Nuune bari yeelay hadana la xisaabtamaya Al-Shabaab oo sidii aan horayba ku soo xusnay cida loo daneenayo maaha is-qarxiyaha ama Nuunow ee waa Al-Shabaab iyo ilaalinta Masaalix kale oo ay ku jiri karto dano qabiil.


Ugu dambeyn lama haayo wax cad oo lagu rumeysan karo in uusan Cabdiraxmaan Nuune is qarxin, tilmaamaha la baxshay iyo meesha uu ka doortay in uu soomaaliya ka dego iyo cudurdaarka uu ku baxay waa arrimo shaki weyn leh.


Is-qarxinta iyo foolxumada meesha ka dhacdayna waa tilmaamihii Al-Shabaab sidaas darteed waa la soo dhoweynayaa cid kasta oo ka fog Madhabka Khawaarijta oo shaki ka qaba is-qarxinta Nuune laakiinse aan ka shakisneyn in waxa meesha ka dhacay ay tahay wixii lagu yaqaanay Al-Shabaab, diyaarna u ah in uusan ifka uga harin Al-Shabaab.


Horay ayaan u xusnay in Barnaamijka Marti qaadka laga soo maleegay Soomaaliya oo ay iska kaashadeen Al-Shabaab iyo Xaaska wiilka, waana cadahay in sheekadu tahay mid la soo dhisay, mana is-qabsan karto in wiil waxbarashada ka saaqiday uu saaxiib la yahay wiil Muqdisho degan oo qalin jabinayay, ugu dambeyna la waayay cid qaada meydkiisa oo wiilkii wax marti qaadayna meydkiisii ay qaateen reerkiisa, tolow maxay uga tageen meydka saaxiibka wiilkooda qalin jabinayay! Maxeyse ahaayeen dadka sidatan cajiibk ah xog-ogaalka u ahaa oo Aabe Xasan Xaaji qaabkan wax ugu sharaxay, kuwa Muqdisho ka soo sheegay in la marti qaaday maxey ayagu u qaadi waayeen Meydka Nuune hadiiba ay ogaayeen in la marti qaaday!


Akhriso qoraal ka hadlaya sida qoyska wiilka dhalay loo qalday.


Al-Shabaab kuma bari noqonayaan Nuune oo bari noqda saa dhaqan xumadan is-qarxinta ah ayagaa keenay soomaaliya, is-qarxin kasta oo soomaaliya ka dhacdana oo ay fuliyaan qolooyin kale waxey ku leeyihiin dambi maadaama ay yihiin cidii ugu horeesay oo soomaaliya ka sharciyeysa falkaas xun.


 

77 Comment(s)

umu caatike   swedan

12:56am on Friday, July 9th, 2010

asc wr wb ninka qotay maqaalka run kama sheegin waxaas qoraysa ilhay ugu naq

aways .m. baana   angoola

2:46pm on Sunday, January 17th, 2010

marka uga horeysa aat baan uga xumahay qaraxa ka dhacay hotel shamo tankele hadan qiyaaso qaraxaani cidi kadam beysay qof kayimit wadanka taliyaniga qiyaas teydi

cawa   nl

2:53pm on Tuesday, January 5th, 2010

asc alshabaab belaayey qabaan ilaahey hanaga qabtoo soomaali caradii ilaah ku dhacday hawiyee daarood baad xaq kagasheen si xun hada maad wadankii hagaajisaan ilaah haydiin naxriisto koleey intaad daarood ku dhigteen kabadan way idinkuu dhacdee wcswrwb

Rahma   swedan

9:32pm on Thursday, December 31st, 2009

somaliyeey alle halga baqo qof kasta waxaad moodaa in uu u hadalyo in uu san dhiman doonin

caabi   SWE

12:39am on Tuesday, December 29th, 2009

AWLAN ILAAH HA UNAXARIISTO UMADII LA HALAAGAY, KAGADAAL WAA KHAWAARIJT SHABAABKA WAXA KADANBEEYO DHACDADAN XANUUNKA BADAN UMADA SOMAALIYEEDNA WAA WADA OGYIHIIN, CALI XOOLO KII KAN KAHOREEYAY EE HIIRAAN WAA KUFAANAY ,MUUSE KAWAANLANA WAA UGU NACAMLEEYAY KAN MAXOW KAAS KAGA DUWANYAHAY WAA ISLA IYAGII DABCAN WAXAY ILATAHAY 2 ARIMOD TAN HORE WAXAY KABAQEEN KUWET 2 , TAN LABAADNA CID KU TAAGEEREE GAALA IYO ISLAMBA MALAHAN. WAANA LEYS WEYDIINAA HADII ILAAH YIRAAHDO

Geedi Shaamboow   London -k

11:14pm on Monday, December 28th, 2009

Daahir Calasoow , adeerkaa Qaybdiid ma qarin kartid, Hawiayana ma kala badbaadin kartid oo caradii ilaah baa ku dhacday -qof walba wuu ogyahay in arrinta qaraan uu adeerkaa ka dambeeyay wanaa la isaga iman doonaa ooo lama cafin - adigana dabada madoww waa lagu soo qaban doonaa , hddana waxaan kuu sheegayaa in laguugu soo maqanyahay oo Holland rag laguu soo diray.

NIMCO   EGLAND

6:49pm on Monday, December 28th, 2009

XAQA HALOOSOLAABTO

muslimo   kanada

6:46pm on Monday, December 28th, 2009

godane halaga tashado

nadiifa   usa

6:45pm on Monday, December 28th, 2009

arinta illah haloodayo

al shabaab boy   Muqdisho

4:32am on Monday, December 28th, 2009

asc all inta xaqa jecel wax kastaa oo dhacaa ilaah xagiisa ayay ka qoran yihiin oo wax ma dhacaan ilaa uu ilaah xugmiyo ma ahanee waxaan kale oo aan ka xumahay dhalin yaradii ku naf waaysay qaraxaas iyo waalidiintii lkn kama naxsani kuwa Ridada ah ee ku baqtiyay sida Cadow, Waayeel, iyo Qamar waayo dadka maalinkastaa Bakaaraha hilbahooda ku go go a soo muslim ma ahan soo somali ma ahan why looga hadli la yahay iyo kuwa laaynaya ee cadawka ilaah ah iyo kuwa nacfiga aduun ku doonaya midkastaana saas ayuu u baxayaa ugu danbeyntii DAAHIR CULUSOW anaga waa ku naqaanaa waxa aa tahay iyo waxa aad beri yeelayso waa adeerkaa ina Qaybdiid anagana shagi nooguma jiro in uu ka danbeeyay markii laga qaaday xilkii beenta ahaa ee loo dhiibtay waana la argay in uusan sahalanayn oo qoorta ka wada jari garo dhamaantood saas ayaa hadana loogu magacaabay wasiir uusan waxba ka aqoon walow uu yaqaano sida dadka loo cuno dhacdadii SHAAMOW waxaa ka xanuun badnaa kii Suuqa Bakaaraha ISLAAMIHII Dahableeda ahaa cad cad loogu jaray taasna adeerka ayaa sameeyay marka horaa loo yiri habar dhali weyday aleele ku waalatay ALSHABAAB ku waalo adigana

al shabaab boy   Muqdisho

4:31am on Monday, December 28th, 2009

asc all inta xaqa jecel wax kastaa oo dhacaa ilaah xagiisa ayay ka qoran yihiin oo wax ma dhacaan ilaa uu ilaah xugmiyo ma ahanee waxaan kale oo aan ka xumahay dhalin yaradii ku naf waaysay qaraxaas iyo waalidiintii lkn kama naxsani kuwa Ridada ah ee ku baqtiyay sida Cadow, Waayeel, iyo Qamar waayo dadka maalinkastaa Bakaaraha hilbahooda ku go go a soo muslim ma ahan soo somali ma ahan why looga hadli la yahay iyo kuwa laaynaya ee cadawka ilaah ah iyo kuwa nacfiga aduun ku doonaya midkastaana saas ayuu u baxayaa ugu danbeyntii DAAHIR CULUSOW anaga waa ku naqaanaa waxa aa tahay iyo waxa aad beri yeelayso waa adeerkaa ina Qaybdiid anagana shagi nooguma jiro in uu ka danbeeyay markii laga qaaday xilkii beenta ahaa ee loo dhiibtay waana la argay in uusan sahalanayn oo qoorta ka wada jari garo dhamaantood saas ayaa hadana loogu magacaabay wasiir uusan waxba ka aqoon walow uu yaqaano sida dadka loo cuno dhacdadii SHAAMOW waxaa ka xanuun badnaa kii Suuqa Bakaaraha ISLAAMIHII Dahableeda ahaa cad cad loogu jaray taasna adeerka ayaa sameeyay marka horaa loo yiri habar dhali weyday aleele ku waalatay ALSHABAAB ku waalo adigana

safiyo   LONDON

11:45am on Sunday, December 27th, 2009

wsc wr wbr marka hore ani ahaan waxaan tacsi udirayaa dadkii ku dhintay hotel shamow waxaan lee yahay janada allaha geeeyo anaga allaha nooga daba naxariisto rayigayu hadaan usoo laabto anihaan waxaan umada soomaaliyeed meelkastoo ay joogto aan oran lahaa in arinta allah loo daayo wabilaahi towfiiq.

hibo   kanada

9:46am on Sunday, December 27th, 2009

nin xil lagaqaaday way dhicikartaa in uu sameeyay

hibo   kanada

9:43am on Sunday, December 27th, 2009

magaalada xamar munaafuq ayaa kabuuxa oo wax walba iskudirmo iyo munaafuqnimo kasameeya

HIBO   kanada

9:40am on Sunday, December 27th, 2009

tuhunka wa xaraan. laakin walaalyaal hadii lafiiriyo hadalada wiilka abihi ,waxa la is dhihikaraa.

Hibo   kanada

9:35am on Sunday, December 27th, 2009

Hadi laqiyaaso warka wilka abihi wax barasho xamar looma aado ,maskinkan daad baa ku adeegtay.

Hibo   kanada

9:33am on Sunday, December 27th, 2009

ninka wax qoray in u sixaq wax u baarayo iyo in u marin habaabis wado ale aya og.

ZUBEY   KALKATA

8:13am on Sunday, December 27th, 2009

FALKA DHACAY WUXUU U EGYAHAY MID AY KA DAMBEEYAAN CADOWGA UMMADDA SOOMAALIYEED. CADOWGA UMMADDA SOOMAALIYEED WAXAY NOQON KARAAN AJAANIB IYO MUWAADHINIIN INTABA. FALKA DHACAY EE LAGU LAAYEY WAXGALKII UMMADDA WAA ARRIN LOOGU TALAGALAY IN UMMADDAAN WAXTARKA LAGA LAAYO, MOORYAANTANA TALADA LOOGU DHIIBO. FALKA DHACAY XITAA HADDAY AL-SHABAAB KA DAMBEEYAAN TAASI MICNAHEEDU WAA INAY AL-SHABAAB U ADEEGEEN UJEEDDOOYINKII UU CADOWGA SOOMAALYEED KA LAHAA UMMADDANI. LAAKIIN FALKAAN WUXUU U EGYAHAY MID AY ISKA KAASHADEEN CADOWGA GUDAHA IYO MIDKA DIBADDA EE UMMADDA SOOMAALIYEED.

WAAN SOCDA   BADA

2:45am on Sunday, December 27th, 2009

Nabi Muxamed baa loo jeclaa, jaah mar la arkaaye (csw)

- Isagana waxaa lagu jirabay, inuu jihaadaaye

- Idinkuna xornimo saa jirtaad, jiif ka damacdeene

Shacab dhagoole   caro edeg

11:54pm on Saturday, December 26th, 2009

Waxaan aad ula cajiibay af soomaaligaad dambiga ku soo oogtay waxaa laga garan karaa in alshabaab yihiin kuwa leh tuhmida 1aad cidda 2aad tan 3aadna la tuhmi karin cid kale haddii baaritaan sax ah la rabo xataa adigaa lagu tuhmi karaa inaa tahay ama wax ka ogtahay marka baaritaanka dhinac walba halaga eego

muna   usa

10:55pm on Saturday, December 26th, 2009

asc wr wb war badan haan ma buuxshee ilaahay ha unaxariisto intii islaam ah oogacan ka xaqdaran dishay intii musiiba la wareegeesana ilaahay iyaga haku celiyo ee walaayaal iskadaayo waxaydaanm hubin ad ka hadleesaan ilaahaybaa wax walba naga og asc

adeer   ceelbuur

7:35pm on Saturday, December 26th, 2009

dadka waxbara ee ku jira an sugno
laakiin dood aan meela heysan yaan lagu dalin
ilahayna ka baqa maalin ayaa danbeysa wax walba la isweydiinayo, ninkase qoraalkan qoray ma aha dhexdhaxaad wana nin war badan hadal badana badh waa been baa la yiri

ASAD   GOTHENBURG,SWEDEN

6:42pm on Saturday, December 26th, 2009

WAXAAN SALAAMAYAA DHAMMAAN WALAALAHA SOOMALIYEED EE MUSLIMIINTA AH, SALAAM KA DIB.
UGU HORREYN WALAALKA ISKU SHUQLAY MAQAALKAAN , SI FIICAN AYUU UGA DOODAY OO WAAFAQSAN QAANUUNKA IYO CAQLIGABA .
DINACA KALE DURUUFAHA KU HAREEREYSAN DHACDADA, HADDII AYSAN KU FILNEYN IN LAGU TUHMO SHAKHSIGII IYO JIHOOYINKII ILAA IYO HADDA LA TUHMAY, MARKAA MACNO YEELANMEYSO MACAAYIIRTA IYO HALBEEGYADA LOO ASEEGSADO KOLKI LA RABO IN LA BAARO FAL DAMBIYEED. WAXA DHACAY TALKS FOR IT'S SELF.
BALSE WAXAA DHAB AH IN XAQIIQDA WAXA DHACAY UU OGYAHAY OO KALIYA CALLAAMUL GHUYUUBKA OO AH ILAAHEY IYO JIHOONYINKII KA DAMBEEYE FOOLXUMADAAS. WAXAA KALOO XUSID MUDAN IN AY DHICI KARTO IN QOFKA ISKA LEH SAWIRKA ILAA HADDA LA SOO BANDHIGAY- (THE ONLY CANDIDATE WITH HIGHLY CONVINCIING PROBABILITY)- UU BARI KA YAHAY ILAAH AGTIIS, BALSE ANAGA WAXAAN XUKMIN KARNAA WAA UUN THAAHIRKA AMA SIDA MUUQATO IN QOFKAAN YAHAY QOFKA KALIYA EE U EEDEYSAN FAL-DAMBIYEEDKAAS BALSE WIXII NAGA QARSOON EE AAN MUUQAN SIDA BARINIMADA SHAKHSIGA LA TUHUMSAN YAHAY TAA ILAAHEY AYEY U TAALLAA EE ANUKA NOOMA TAAL.
WAA MAHADSAN TIHIIN
A COMPATRIOT ASAD.

ASAD   GOTHENBURG,SWEDEN

6:37pm on Saturday, December 26th, 2009

WAXAAN SALAAMAYAA DHAMMAAN WALAALAHA SOOMALIYEED EE MUSLIMIINTA AH, SALAAM KA DIB.
UGU HORREYN WALAALKA ISKU SHUQLAY MAQAALKAAN , SI FIICAN AYUU UGA DOODAY OO WAAFAQSAN QAANUUNKA IYO CAQLIGABA .
DINACA KALE DURUUFAHA KU HAREEREYSAN DHACDADA, HADDII AYSAN KU FILNEYN IN LAGU TUHMO SHAKHSIGII IYO JIHOOYINKII ILAA IYO HADDA LA TUHMAY, MARKAA MACNO YEELANMEYSO MACAAYIIRTA IYO HALBEEGYADA LOO ASEEGSADO KOLKI LA RABO IN LA BAARO FAL DAMBIYEED. WAXA DHACAY TALKS FOR IT'S SELF.
BALSE WAXAA DHAB AH IN XAQIIQDA WAXA DHACAY UU OGYAHAY OO KALIYA CALLAAMUL GHUYUUBKA OO AH ILAAHEY IYO JIHOONYINKII KA DAMBEEYE FOOLXUMADAAS. WAXAA KALOO XUSID MUDAN IN QOFKA ISKA LEH SAWIRKA ILAA HADDA LA SOO BANDHIGAY- (THE ONLY CANDIDATE WITH HIGHLY CONVINCIING PROBABILITY)- UU BARI KA YAHAY ILAAH AGTIIS, BALSE ANAGA WAXAAN XUKMIN KARNAA WAA UUN THAAHIRA AMA SIDA MUUQATO IN QOFKAAN YAHAY QOFKA KALIYA EE U EEDEYSAN FAL-DAMBIYEEDKAAS BALSE WIXII NAGA QARSOON EE AAN MUUQAN SIDA BARINIMADA SHAKHSIGA LA TUHUMSAN YAHAY TAA ILAAHEY AYEY U TAALLAA EE ANUKA NOOMA TAAL.
WAA MAHADSAN TIHIIN
A COMPATRIOT ASAD.

indha deeq   USA

6:04pm on Saturday, December 26th, 2009

walaalayaaloow inta qurbahaan horay umartay joogto iyo inta aqliga leh ee waddanka joogtaba waan aragnay hadday wax la baarayo inta ey qaadatee website-yada maa dambi baarayaal ah mase tuhunkaa baarid ah mase dadka diidan in NUUNE wax qarxiyay ayaa cadeyn laga rabaa mase kuwa Alle malada ku cadaabi doonaa cadeyn laga rabaa Billaahi Caleykum keena cadeyn qofkii wax qarxiyay goormeey soomaali baaritaan sidaas u dag-dag badan oo accurate ah ay gaartay war Allaah ka cabsada oy caro idin ku xambaarin inaad cadaalada ka tagtaan waxaana la hubaa qofkii yiraah aniga ma ogi cidda ka dambeysay inay dambi kasoo gaareynin ee naftiina ha dulminina Jahanammaa dambeysee ninka qoraalkaan soo qorayow Allaah waxaan weydiisanaa inow ijoojiyo meesha lagugu su'aalayo meeshaad kasoo xigatay qoraalkaan aad adoo caafimaad Alle ku siiyay aad ku qortay ood ku jawaabi doonto EEEH>>>EEEH... waa hubaal iney imaan doonto haddad ka towbad keenin...

indha deeq   USA

6:02pm on Saturday, December 26th, 2009

walaalayaaloow inta qurbahaan horay umartay joogto iyo inta aqliga leh ee waddanka joogtaba waan aragnay hadday wax la baarayo inta ey qaadatee website-yada maa dambi baarayaal ah mase tuhunkaa baarid ah mase dadka diidan in NUUNE wax qarxiyay ayaa cadeyn laga rabaa mase kuwa Alle malada ku cadaabi doonaa cadeyn laga rabaa Billaahi Caleykum keena cadeyn qofkii wax qarxiyay goormeey soomaali baaritaan sidaas u dag-dag badan oo accurate ah ay gaartay war Allaah ka cabsada oy caro idin ku xambaarin inaad cadaalada ka tagtaan waxaana la hubaa qofkii yiraah aniga ma ogi cidda ka dambeysay inay dambi kasoo gaareynin ee naftiina ha dulminina Jahanammaa dambeysee ninka qoraalkaan soo qorayow Allaah waxaan weydiisanaa inow ijoojiyo meesha lagugu su'aalayo meeshaad kasoo xigatay qoraalkaan aad adoo caafimaad Alle ku siiyay aad ku qortay ood ku jawaabi doonto EEEH>>>EEEH... waa hubaal iney imaan doonto haddad ka towbad keenin...

indha deeq   USA

6:01pm on Saturday, December 26th, 2009

walaalayaaloow inta qurbahaan horay umartay joogto iyo inta aqliga leh ee waddanka joogtaba waan aragnay hadday wax la baarayo inta ey qaadatee website-yada maa dambi baarayaal ah mase tuhunkaa baarid ah mase dadka diidan in NUUNE wax qarxiyay ayaa cadeyn laga rabaa mase kuwa Alle malada ku cadaabi doonaa cadeyn laga rabaa Billaahi Caleykum keena cadeyn qofkii wax qarxiyay goormeey soomaali baaritaan sidaas u dag-dag badan oo accurate ah ay gaartay war Allaah ka cabsada oy caro idin ku xambaarin inaad cadaalada ka tagtaan waxaana la hubaa qofkii yiraah aniga ma ogi cidda ka dambeysay inay dambi kasoo gaareynin ee naftiina ha dulminina Jahanammaa dambeysee ninka qoraalkaan soo qorayow Allaah waxaan weydiisanaa inow ijoojiyo meesha lagugu su'aalayo meeshaad kasoo xigatay qoraalkaan aad adoo caafimaad Alle ku siiyay aad ku qortay ood ku jawaabi doonto EEEH>>>EEEH... waa hubaal iney imaan doonto haddad ka towbad keenin...

Warafaa   Netherland

5:48pm on Saturday, December 26th, 2009

Hawiya Hutu musiibada somalia iyaga ayaa masul ka ah, ee dadka masaakiinta masabidka ka daayaaan- musiibadii aad bilaawdeen 1991 iyo dhiigii aad gasheen ayaa dib idiinku soo noqday , waanad halaagmaysaan haddaydan eebe u toobad keenin- somalina way idin baratay.

y. sharif   norway

5:35pm on Saturday, December 26th, 2009

ASWWW salaan ka dib war eebe ka baqa waa caddahayee qofka ama dadka qarxiyey hoteel Shamo waa dadkii aaminsanaa in isqarxinta iyo leynta dadka iyaga la fikradda aheyd baneysta oo ku tilmaami jiray in ay murtid yahiin waxa iyaga ka soo haray ee eebe ka yaaba dadka aad u daafaceysaa reer ahaan ama qabiil ahaan iska daaya marka ay idin qabsato ayaan sheegi doontaan waa qolkaa iyo alshabaab dhihi doonaa cabdirahmaan nuune na waxuu ahaa dadka ay maskaxda ay ka xadeeen janno magalee jahana wayuuu galayaa hadduu ka dambeeyaa qaraxaasi sida loo badinaya !!!!!!!

Jimcaale,   USA

5:34pm on Saturday, December 26th, 2009

Waxaad soo qorteen dood dheer laakiin ilaa hada cadeyn lagu qanci karo ma soo qorin, marka laga reebo mala awaal.

C/rashid   UK

5:10pm on Saturday, December 26th, 2009

bismilahi rahmaani rahiim,

Masiibadii ka dhacdey Hotel Shaamow, waa mid islaanimada iyo xaquul insaanka ka baxsan ilaaheyna how naxariisto intii ku dhimatey, hana u fududeeyo inta ku dhaawacantey.
hadii aan u soo laabto, shakiga lagu sheegey in wiilka somaliga ay ee ku korey denmark uu ka dambeeyey iyo inkale.

Aabaha wiilka waa beer wax dhaley, layaabna maleh, in asaga ay fajac ku noqotey, waxa uusan fileyn ee loo soo sheegey iyo qaabkii uu ku wajihi lahaa.

waxaanse u soo jeedinaya, in aabaha, wiilka dhaley loga bahan yahey, cadeyn dhab, in wiilkiisu uusan wax lug ah kuleyn masiibadaas.

waxaa aabe looga fadhiygaa inuu keeno cadeymahan hoos ku qoran:

1- aabe, keen meesha wiilkaagu wax ka baranaayey, manhajka uu ku xiran iyo cida wax kabari jirtey;

2- as xaabtiisii, meesha uu daganaa iyo dadka uu ku xirnaa, inta u ku noolaa somaliya

3-ceyn ay soo saaraan dadkii uu ku xiraan, asxaabtiisa iyo meesha uu wax ka baran jirey.

dadka soomaaliya dagan waa lays qayaan, cida iyo ku xirnaa, wax yaalo badan oo qarsoon baa soo bixi lahaa.

xaaska wiilka iyo ehelda ma noqon karaan dad dhexdhexaada, sidaa la adligeed waxaa loo bahan yahey dadkale oo ka badax baanaan waxa meesha kajira. dadku meel kasta oo ay dagan yihiin dad baa yaqaan. xitaa hadii ay alshabaab koontoroosho meesha wiilku daganaa, dadka meesha dagan way sheegi karaan hadii uusan wax lug ah kuleyn kooxo gaar ah.

kuma filna sawir meel laga qaadey iyo war website lagu qorey in cadeyn sax ah ay ka bixiso sidii wax u dheceen iyo cida ka dambeysa.

marka Aabe hadii uu doonayo in uu wiilkiisa magaciisa ka tiro baalka madow hakeeno wax yaalaha aan kor ku soo xusey.

ayaan   somalia

5:05pm on Saturday, December 26th, 2009

as
waalaal yaal hortahore wiil kaan lagu been sheegayo ma is qarxin ee been baa laga sheegayaa kan is qarxiyeey nolal ba ma lagu arkin hilibkiisa waxu noqday bacla shiilay adinka ma ina la tahay qof is qarxiyeey baa qaan ka fiyo waada oo wuu ka la goay taas ma la idin ka yeelin wayo wiilkaan waxa loo yiri wa is qarxiyeey mala garaneeyn waana ku cusbaa wadan ka dadkii kalodhan walaga ranayey asag waxaa ayaqaanay wiilka saxiib kiisa oo lasogday asgiina na siib xumo waa la dhin tay saas baa dan biga du sha looga saara

abdirazak   natherland

4:49pm on Saturday, December 26th, 2009

ac asaga wuu nintaey ee hala raadiyo dadkii ka danbeeyay falkaas fuusha xun waa dad gaalo wax u galeen

MADAXWAYNE ABDULAHI YUSUF   SAŽNCA YEMEN

3:23pm on Saturday, December 26th, 2009

ISAGA KA DANBEYAY QARAXA WILKA RER DENMARKA

CABEY SHARIF   SWEDEN

3:07pm on Saturday, December 26th, 2009

WIXII WAXAS SUUBIYAY ILAHAY WAÁ OGYAHAY WAANA LA XISABTAMAYAA ADUUN IYO AKHIROBA ANIGA FIKIRKAYGA WAXAA WAYE DADKII HOREY LOGU BARTAY INAY MASUULIYIINTA KU QARXIYAN HOTELADA AYAA KA DANBEEYO KANA WAA WAX SIDII BISH OO SO BAXAYSA OO KALE U CAD LAKIN IYAGA WAY LA XUMATAY ARINTA XUN WAYNA SHEEGAN WAYEEN MAXAA YELAY INTA HABBAABSAN EE LA JIRTA AYA KA BAXILAHAYD HADAY SHEEGAN LAHAYEEN ARINTA SIDAS AWGEED QOFKA ARINTAN KA DANBAYSO WAA LA OGYAHAY UMA BAHNA HADAL QOFKA IS QARXIAYAYNA WAA LA GARTAY ASALKISA IYO AQONTISA IYO WAXA UU YAHAY UMA BAHNA MARKA HADAL BADAN NIN WANAGSANA WAA LA YAQAAN ASTANTISA QOFKA XUNA WAA LA YAQAAN SANSAANTISA .

CABEY SHARIF   SWEDEN

3:06pm on Saturday, December 26th, 2009

WIXII WAXAS SUUBIYAY ILAHAY WAÁ OGYAHAY WAANA LA XISABTAMAYAA ADUUN IYO AKHIROBA ANIGA FIKIRKAYGA WAXAA WAYE DADKII HOREY LOGU BARTAY INAY MASUULIYIINTA KU QARXIYAN HOTELADA AYAA KA DANBEEYO KANA WAA WAX SIDII BISH OO SO BAXAYSA OO KALE U CAD LAKIN IYAGA WAY LA XUMATAY ARINTA XUN WAYNA SHEEGAN WAYEEN MAXAA YELAY INTA HABBAABSAN EE LA JIRTA AYA KA BAXILAHAYD HADAY SHEEGAN LAHAYEEN ARINTA SIDAS AWGEED QOFKA ARINTAN KA DANBAYSO WAA LA OGYAHAY UMA BAHNA HADAL QOFKA IS QARXIAYAYNA WAA LA GARTAY ASALKISA IYO AQONTISA IYO WAXA UU YAHAY UMA BAHNA MARKA HADAL BADAN NIN WANAGSANA WAA LA YAQAAN ASTANTISA QOFKA XUNA WAA LA YAQAAN SANSAANTISA .

Mr Kaarim   Mombasa

12:50pm on Saturday, December 26th, 2009

A.s.c. Dhaman umadda somaaliyed. Ugu horayn allaah ayaa mahad iska leh. Horta maqaalkan qofkii qoray dadaal badan ayuu sameyay waana udhowdahay siduu uqoray. Waxase hubaal ah inay alshabab kadambeyen falkas folxumada ahaa. Dhanka kale aabe xasan wuxu kuhadlay wax soconaya mahan. Oo mel dagaal kasocdo diin looma raadsado meshan waa{timir lafbaa kujirta} qoladan dowlada kmg ah waxay amankoda sugan m/waynaha & R/wazaraha kaliya intakale intakale xil layskama saaro maxayelay malinkasta waxan maqalnaa xildhiban aya ladhawacy iyo waziir ayaa laweraray. Walle waa yaab!!!

abdi Jaamc   Sweden

12:40pm on Saturday, December 26th, 2009

maqaalkan waxaa qoray ninka la yiraah Dahir Cabdulle Calasow oo daggan Holland oo ay qaraabo yihiin Col. Qaybdiid - ueedada qoraalka waa in uu shakiga la qabo ka qaado, hase yeeshee cid walba way ogtahay in falkan ay ka dambaysay qaar ka mid dawladda, waana la daba socdaa oo runta way soo bixi doontaa- Calasow hadduu qabiil ku dardaray oo ku indha tiray waa laguugu daba jiraa ee sidaa ula soco.

jamac

Samatar   England

12:19pm on Saturday, December 26th, 2009

Acw, Waxaad moodaa qofka maqaalkan qoray inuu iska dhaadhiciyey falkii argagaxa badna inuu ka danbeey marxuum C/raxman Nuune hase yeeshee ma uusan soo bandhigin wax cadaymo ah oo aan ka ahayn tuhun, thani & ka been sheegid qof ayba u badantahay inuu yahay victim.

Koley ilaahay ayaa wax og..

xumadiid   nederland

11:05am on Saturday, December 26th, 2009

scw walaal ninka maqaalka soo qoray aad baad uga shaqeysay laakiin xaqiiq badan yaad ka tagtay hadii aad tahay xaqiiqan raadin wax badan aad soo qortay way dhici kartaa laakin waxan ku oran lahaa dhanniga iska ilaali waxaan rabaa in aan ku xasuusiyo maalintii dhacdada foosha xun dhacday afhayeenka booliska wuxuu nugu yiri wixii faafaahin dib yaan idinku sheegi doonaa maxaa aamusiiyay marna miyaad isweydiisay walaal warkan waa soo cadaan intaana dhanniga iska daa

Cali   Danmark

10:09am on Saturday, December 26th, 2009

Ninka sheeganaya wiilka aabihii ma ahan lakiin waa adeerkiis oo dumaaley hooyadii
waana faatale lawada yaqaan in uu in ilaa heerkaas difaaco waa lala yaaban yahey

sumyo   oslo

9:52am on Saturday, December 26th, 2009

Asc marka hore waxaan usheega umada soomaaliyeed meel walba eyjoogto ma ahan in eyy ilmahooda u ogoladaan meel colaad diimeed iyo qaraxa eel uu ka jiro in ilmaha loo diro oo la dhaho wax beey soo baranayaan ma isqarxis aala soo baraa mise ismiidaamin marka xiga waxaa wax barasho diimeed loo aadaa meel nabada ee meel diin loogu dagaalamaayo looma aado diin barasho iyo luqada carabiga Waxa dhacay 3di dicember waa maalin madoow ma ahan in lafdhabata la dabrgooyo hadii ii qofka qof wax fahmaayo uu yahayay waxii dhacay waaa wax aan dunida ka dhicin horeyna oo aag ee alshabaab iyo xisbulislaam iyo waxii ka danbeey ilaahey musiibo iyo alaag eeysan qabin umada faaq ha u gesho waa wax laga caroodo waxa dhacay umadii qaraxa ku dhinteyna ilaahey ha u naxariisto umadakalena ee ku dhaawacmey ilaahey ha caafiyo waa foolxumo laa faano taan oo kale ee ilaahey xaqa ha tusiyo aan leehayay mana ahan in umada gaar ahaan waxa kuwa meelaha ka taageera ee abaabulo masiibad iyo isqarxinta iigaba wax beey ka leeyihiin ee kii wax ku taageera masiibo ilaahey ha ugu badalo oonsho alaah

miskiinka   Norway

8:04am on Saturday, December 26th, 2009

horta wixii dhacey waa musiibo aan weligeed la ilaabayn waxaa kale oo musiiba ah aabihii wiilkiisa waaayay si walba haku waaye ama ahaato mid uu isaga raali ka yahay mise mid uu ka ahayn laa kiin waxaa runta ka fog in cariabi iyo diin loo doonto marko ama xamar waa mid diinta ka fog dadka carabiga inay bartaan rabo iyo diinta oo jooga yurub waqtul xaadirkaan waxey u doontaan wadamada carabta tan kale waxaan rabaa inaan soo xasuusiyo aabaha wiilka dhaley oo ku andacoonayaa wiilkeega meesha waa lagu marti qaadey isagoo xaaskiisa dhalmo kaba soo tag xaaas dhalkeeda aabo ma iisheegi kartaa sababta wiilkaaga ay caloosha ugu burburtey sababtoo dadkii meesha ku dhintey waxey kuligood u dhinteeen dhaaway firiri oo qaraxa ahaa laakiin hadii wiilkaga caloosha oodhan burburtey taasi waxaaan u arkaa in uu isaga xanbaarsanaa waxa qarxey sababtaasna uu ku waayay calooshiisa

Mukhtaar usa   Tennessee USA

8:00am on Saturday, December 26th, 2009

ASC, HORTA HORE WAXAAN LEEYAHAY MAQAALKAAN NINKA QOREY MAHADSANID SIDA AAD WAX U KALA DHIG DHIGTAY MAASHA ALAAH WAXAAD TAHAY MUWAADIN IN LAGU DAYADO MUDAN WAXAANA LEEYAHAY INTII KU DHIMATAY WASIIRADII NOOGA DHINTAY IYO ARDADII IYO DHAQTARADII IYO WAALIDIINTII KU DHIMATAY ILAAHAY HA U NAXARIISTO NINKII FALKAAN GAYSTAYNA NAARTA TAN UGU HOOSEESA KUWAAR IYO KUWA ALSHAYDAANKA LA LEEYAHAY, SOOMALIYEEY HALA LAAYO ALSHABAAB AYDA AYDA DHASHAY WAA GAALO AMXAARADA AYAGAABA KA DARAN EE HALA ISKA CELIYO OO AYAGANA HALA QARXIYO HALA UGAARSADO WAA IGA TALO WAANA KABAXAY .

FIKRAM   WADANKA

7:58am on Saturday, December 26th, 2009

WAAR NINKAAN MUJRIMIINTA SOODIRTAY HALA RADIYO WAXBAYAAN ISGA LAGU MASHQUULINE

ZUBEY   KALKATA

7:40am on Saturday, December 26th, 2009

Qolka ay xafladda ka dhacaysay waxaa laga duubayey ugu yaraan lix (6) kaamiro oo mubaashar (live) ah. Kaamarooyinkaan fiidiyoowga ah waxaa lagaa oo duubanayey shirkado caalami ah sida Al-Carabiya, Al-jaziira, iyo shirkado isgaarsiineed maxalli ah sida Shabelle IWM.

Qaraxa cidda ka dambeysey waxaa si sahlan looga heli karaa kaydka kaamarooyinkaan laga duubayey xafladda. HADDII SAWIRKA KAAMAROOYINKAAS DIB LOO CELIYO (REWINDING) IYADOO SI TARTIIB AH (SLOW MOTION) LOO WADO, kolkaa sawirka duuban ee kaamarada wuxuu ku geeynahaa HADBA MEESHA UU QARAXA KASOO BILOWDAY! Ha ahaado qof is qarxiyey, ha ahaato qalab meesha yaalay oo ay ku jireen waxa qarxay, ha ahaato wax meesha kusoo dhacay.

Su'aasha waxay tahay maxaa loo qariyey oo ilaa haatan loo soo bandhigi la'yahay sawirka kaamarooyinkaas?

mukhtaar   somalilaand

7:19am on Saturday, December 26th, 2009

waxaan aad u ga xumahay wixii kadhacay hoteel shaamow 3 bisha december

ABDIWALI   ETHIOPIA

7:08am on Saturday, December 26th, 2009

WALAALAYAAL INTII DHIMATAY ALAHA U NAXARIISTO DHAMAAN LAAKIIN WALAALAYAAL WAXAAN IDIINLEEYAHAY ILAAHAY HALAGA CABSADO OO QOF AAN LA OGAYN INUU QARAXAAN KADAMBEEYAY YAAN DUSHA LAGA SAARIN ILAA I NAT AY KACADAANAYSO AAN TUHUNKA ISKADHAAFNO

balqiisa   Garowe

6:20am on Saturday, December 26th, 2009

marka hore dhamaantiin waad salaaman tihiin. horta wixi meesha ka dhacay waxa lagu sheegi kara musiibo waxana ka danbeeyey oo aan shaki ku jirin alshabaab waxan illahay uga baryaha inti ku dhimatay in uu janada geeyo intii ku dhaawacmatana uu caafiyo lkn wax yar ayan webka miisaanka u sheegi laha waxayna tahay horta qofki isqarxiyey idinkuna ma taqaanin anaguna ma naqaan lkn waxa naloo sheegay marki hore in uu qaraxa fuliyey nin qaba xijaab iyo niqaab wax yar ka dib waxa lasoo bandhigay nin aan intaas midna xirnayn oo shaati qaba waxana la yiri kan aya ka danbeeyey waan u qaadanay wakhti yar markuu ka soo wareegay hadana waxa lasoo bandhigay ninka lagu tuhmay isaga oo fadhiya safka hore ee xaflada waa isaga hadalka loo dhigaye marka hada waxad dhahdeen ma fadhin xaflada marka miisanka waxa laydinka baahan yahay qudhiina cadaymo aad ku muujinaysan in uu cabdiraxmaan ka danbeeyey oo dadkan diidan in uu c/yare ka danbayn qaraxa waxay soo bandhigeen sawir marka idinka hadalkiina wax lagu qanco keena wabilaahi towfiiq

mrefu usa   boston

4:32am on Saturday, December 26th, 2009

wsc wr wb all somalis.
somali allah ha u gargaaro shabaab iyo sheydaanba weygumaadeene everybody make a dua only allah can save us asc wr wb.

Hawiye dhuuso   xamar

3:09am on Saturday, December 26th, 2009

amagaro AMA hagaran alshabaab waa musiibo adiga kuu gaara-Aaway caqli

shiiq shariif shiiq ahmed   mogdisho

2:34am on Saturday, December 26th, 2009

anigoo ah madaxweyne waxa aan daceynayaa al-shabab in ay ka danbeeyeen falkii hotel shamow

xaayow   Madiina

1:31am on Saturday, December 26th, 2009

Ugaasow wax ma fahantid miyaa meesha sawirka lagu qaaaday waa qol Dayniile ku yaal, wiilasha agfadhiyana maaha arday ee waa mooryaan al-shabaab ah.
sawirka lagu tusay waa asagoo aan xijaab qabin oo dayniile fadhiya.

ugaas   som

1:09am on Saturday, December 26th, 2009

idin ka hadii aad tihiin webka miisaan ka wax cadeyn ah ma aydaan kenin in uu wiil kaas qaraxa kadanbeeyey webside yada aad dhaleecayneysaan waxa ay keeneen cadeyn wiilkii oo dhexfadhiya xaflaga oo wax gadisan dad ka mesha fadhiyey na kama muuqan markii hore waxaa saxaafada loo sheegay in uu jilbaab watey waxa ay noqotey been idinka weli warkii waad daba wadaan cadeyn keena dadka intiisa badan waxa ay aaminsanyihiin shabaab in ay kadanbeysey laakiin waxaa muuqata miilkaan in uusan fulin hadii aad haysaan idinka cadayn keena

ddj   ned 25/12/09

11:59pm on Friday, December 25th, 2009

foolxumo ilaahey ha u cadaabo
kii dhibkaan geystay iyo intii ka dambeysay abaabulkaasi foosha xumeyd

ddj   ned 25/12/09

11:58pm on Friday, December 25th, 2009

foolxumo ilaahey ha u cadaabo
kii dhibkaan geystay iyo intii ka dambeysay abaabulkaasi foosha xumeyd

DDj   Nederland

11:54pm on Friday, December 25th, 2009

intii dhimatay ilahey ha u naxareesto,shayaadiintaan Al-shabaab ah waa inaan iska qabannaa
Soomaliyeey, hadii kale maalin walba oohin baan u taagnaandoonnaa

alcadaala   SWIZERLAND

11:37pm on Friday, December 25th, 2009

wariyaasha iyo maamulaha shabakada miisanka waxaan idin leeyahay ilaah haidn gacansiiyo waxaana tihiin madaalayal u adeego arimaha bulshada allahu akbar

runsheg   adunka

10:14pm on Friday, December 25th, 2009

walalayal in aad ka hadasho ama ad shegto wax adan ogeyn ma fiicna malada qaarkeedna waa danbi oo qofka wax adannan ku hubin yaan lagu maleen ilaahay ka yaba raali gelin biliadam waxba idiin teri meeso teda kale hadii uu ahaa cabdiraxman ilahay ha u naxariste hadu muslim ahaye in donaya in uu dinta islamka barto intey ku talah adunka mesha uga habon kofurta somalia oo uu ka baran laha putland iyo somali land ma waxa aysan ahen kuwa ninkii ay gerka sunada ku arkan xabasha ka iibsanaya lol walee waa aduun is daba maray lakin qof walba ilahay aya amisan sarayo wabilahi towfiq

Mubaarak   marka cadey

9:04pm on Friday, December 25th, 2009

kkk Xaaska Nuune lama soo qaban karo oo Fuaad shongole baa aroos kula jira,

saaaly   zweaserlad

8:49pm on Friday, December 25th, 2009

waxan inka codasaneeyna qorasha miisanaka inaadan ka daaalin illaa run ad ka cadeeyneeysaa illaah hidinku karab kalo insha alaah suxufiyibta daacad ah

dhaadeey   london uk

8:28pm on Friday, December 25th, 2009

ninka is qarxiyay
waa ninka suwir kiisa la soo bandhigay
marka yaan waxba la qarin ninka
is qarxiyay waxuu ka tir sanaa argagixisa ashabaab shayaadiin

Awdal Star   Borama

7:21pm on Friday, December 25th, 2009

Halasoo qabto naagtii Noune iyo kuwii ku casuumay xaflada waxaa laga yaabaa in ay waxa gacanta lagu qaado ay u dhiibeen ninkan isaga ah xataa ayna la ogaayeen falkan ilaalada huteelka oo aan baadhin waxa uu siday Noune

Awdal Star   Borama

6:12pm on Friday, December 25th, 2009

Qoraagaana ama suxufigan soo diyaariyey maqaalkan waa nin sare,Ok waalidka Mr Noune marna ma ogolaankaro in uu isqarxiyo wiilkiisu laakiin aniga waxa aan ka shikisanahay Xaaska nuune in ay qaraxa ayadu ka dambaysay iyo cida soo casuuntay ay cilaaqaad lahaayeen kadib xaaska noune ay ugusii riday saladii uu shopinga ugusoo samaynaayey ayaan u malaynayaa kadibna uu midkale remoute ladaba joogsaday isaga oon warka hayn nnoune uu sidaa ku qarxay

Abdullah   London

5:50pm on Friday, December 25th, 2009

Maxamud,you are right his father lied when he said that a graduated student invited c/rahman nuune,and both(graduated student & nuune)died in that place.
That was a lie,because there was no student killed who graduated.
There is no doubt that alshabaab khawarij from marka cadeey was behind the genocidal suicideattack,and they will pay!
Axmed godane & the ajaanibta admits the attack,but new group milatu ibrahim led by abu mansur from baidoa and ali dheere denies the attack.


List of students killed:
13 Max’ed C/qadir Max’ed Dhimasho Arday/ 5aad Caafimaadka
14 Axmed Xasan Xuseen Dhimasho Arday /5aad Caafimaadka
15 Muxyadin Aweys Axmed Dhimasho Arday /4aad Caafimaadka
16 Maxamed C/lahi Cali (Dayax) Dhimasho Arday/ 6aad Caafimaadka
17 Jamaal Luqmaan Ismaciil Dhimasho Arday / 2aad Engneeriya
18 Aadan Mukhtaar Xasan (Korneele) Dhimasho Arday/ 3aad Waxbarashada

maxamud   sacuudiga

5:11pm on Friday, December 25th, 2009

Salaan wacan keddib, waxaan aad ula dhacay sida qoraalkan looga dheehan karo in si feejignaan ku jirto loo soo diyaariyay ,waxaa qoraalkan qoray waa ruux doonayo in uu cadeeyo in ay shabaab gacan weyn ku lahayd faajacada ka dhacay hotel shamo.
calaa kulli xaal qoraaga wuxuu ka tegay in aabaha willka sheegay been aad u weyn oo ku jirtay hadalka uu siiyay VOA,beentaa waxay tahay in uu yiri wiilkayga waxaa casumay mid ka mid ah ardayda ka qalin jebisay jaamcada, goobtana ku dhintay.
ma jiro arday qalin jebiyay ee goobtaa ku dhintay taanaa waxaa cadeeyay jaamcada banaadir bayaanka ay ka soo saartay dadki uga dhintay iyo kuwi uga dhaawacmay qaraxi foolxumada ahaa ee ka dhacay hotel shamow.

maxamud   sacuudiga

5:10pm on Friday, December 25th, 2009

Salaan wacan keddib, waxaan aad ula dhacay sida qoraalkan looga dheehan karo in si feejignaan ku jirto loo soo diyaariyay ,waxaa qoraalkan qoray waa ruux doonayo in uu cadeeyo in ay shabaab gacan weyn ku lahayd faajacada ka dhacay hotel shamo.
calaa kulli xaal qoraaga wuxuu ka tegay in aabaha willka sheegay been aad u weyn oo ku jirtay hadalka uu siiyay VOA,beentaa waxay tahay in uu yiri wiilkayga waxaa casumay mid ka mid ah ardayda ka qalin jebisay jaamcada, goobtana ku dhintay.
ma jiro arday qalin jebiyay ee goobtaa ku dhintay taanaa waxaa cadeeyay jaamcada banaadir bayaanka ay ka soo saartay dadki uga dhintay iyo kuwi uga dhaawacmay qaraxi foolxumada ahaa ee ka dhacay hotel shamow.

gabar somaliyeed   europe

4:48pm on Friday, December 25th, 2009

inaalilaahi wa inaalilahu raajacuun horta alaha u naxariisto dhamaan inta ku dhimatay iyo inta dhawaca ah oo meesha lagu xasuuqay qaraxana in ay qawaarijta ka danbayso lays waydiin maayo wiilkuna waxuu ahaa ciyala suuq madaxa laga xaday oo loo shegay in uu janada gali doono marka qawaraijta ayaa u bahan in layska qabto byee

Moh'ed   madaxtoyada Hiraan

4:41pm on Friday, December 25th, 2009

Alle hanaga dhigo kuwii ku samra qadarta shar iyo kheyr midey doontaba adinkana wax badan oo adan ogayn ha isaga hadlina allaa mahadleh AS WR WB.

walal somaliyed   london

3:42pm on Friday, December 25th, 2009

ascwrwb alle ha u naxariisato cidii ku dhimatay dilkii ka dhacay hotelkaa kii sameeyey iyo kii ka danbeeyeyena alle ayaa ka danbeeya ee somalaay u daaya talada alle waa naxadin,iyo geeri lama ilawan ah asc wr wb


Page: -1-   2   

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com

Sh Fuaad Shongole:: Waxey Leeyihiin Qanyare Waa Towbadkeenay, Qanyare Ma Ogolyahay in uu Ariga ii Raaco. Towbad Ma Leh ilaa uu Xoolaha noo Raaco. (Cod Xasaasi ah)

Al-CALLAAMAH
Sh Maxamed Macalin Xasan:
Alle ha u Naxariistee: oo Noo Fasiraya Aayadaha Soonka. Dhageysi Wacan.


Al-Callamah
Sh Shariif CabdiNuur:
Ciidamada Soo raaca gaalada Intii la dagaalankooda laga wareegsan karo halaga wareegto Fatwo dhaxalgal ah + Cod.


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Shariif iyo Ragiisa ka aqbali meyno Shareecada Islaamka!!!


Sh Aweys oo isqarxinta ka qaatay filimaanta Ruushka Is Qarxinta waxaan uga dayanaynaa Gaalada sida Japanka iyo Ruushka Khilaafka Kooxaha Islaamiyiinta Dhageyso Sh. Xasan Turki oo diiday Maamulka Kismaayo Khudbadii ciida fitriga 21-09-09 Dhageyso Khudbad Dhaxal gal ah
1aad| 2aad|

Nabad galyadu Waa laf dhabarka Nolasha
Sheikh Shariif iyo ragiisa
waa murtadiin gaalo ah.
Sheikh Xasan Turki

War midoowgii ka baxayeey waar kaanbooni baan ahayeey!
Sheikh Xasan Turki

garabka Asmara iyo Jabuuti dowlad islaam ah ma soo wadaan
Sheikh Xasan Turki

Inhacadde wax hub uu nasiiya ma jiraan, annagaa hubka siinay
Sheikh Xasan Turki

Annagaa Xilka u dhiibanay awoodna u maleh in uu wax saxiixo Sheikh Shariif.
Genaraalka iskii is dalacsiiyay Gen. Indha Cadde.