Jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark gaar ahaan Caasimada Copenhagen ayaa xiriir ay la soo sameeyeen Webkan kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay marin hababain ay horay uga sii digeen iyo Bayaan lagu qoslo oo ka soo baxay Masjidkii uu ku xirnaa wiilka isku qarxiyay Hotel Shaamow.
Jaaliyada ayaa ka warbixisay arrimo ay ku tilmaameen Marin habaabin qorsheysan, taasoo ay iska kaashanayaan Websadyo laga leeyahay Denmark iyo Masjidka uu ku xirnaa nasiib laawaha is-qarxiyay.
Sidoo kale Jaaliyada Denmark ayaa markale hoosta ka xariiqday in dhagarta la maleegayo ay balaaran tahay si meesha looga saaro in wiilkaas ahaa qofkii is qarxiyay taasoo meesha ka saareysa in dib loo raaco raadka is-qarxiyaha oo la ogaado shakhsiyaadka ku nool Denmark ee maskax iyo maalba kaga qeyb qaatay foolxumadaas.
Jaaliyada Denmark ayaa markale ku celisay in marin habaabinta socota ay ka soo fushay Al-Shabaab iyo Xaaska is-qarxiyaha halka dhinacyada Denmark ku sugan ku qasban yihiin in ay ciyaaraan kaalin muuqata si ayaga iyo Al-Shabaaba u badbaadaan
Jaaliyada Denmark ayaa sheegtay in shalay uu Bayaan ka soo baxay Masjidkii uu wiilku tagi jiray, bayaankaas oo lagu cambaareeyay Qarixii Hotel Shaamow.
Jaaliyada ayaa bayaanka ku tilmaamtay mid lagu qoslo oo marin habaabain cad ah maadaama Masjidku si cad oo aan gambasho laheyn u taageeri jiray kooxaha khawaarijta ee xasuuqa ka wada Soomaaliya.
Madaxda Dowlada KMG iyo Culumo Soomaaliyeed ayey sheegeen in si cad looga gaaleysiiyay Minbarka Masjidkaas, ayadoo si joogto ahna looga barakeeyo xasuuqa ka socda Soomaaliya ee la huwiyay Magaca Diinta.
Jaaliyadu waxey sheegtay in Masjidka uusan waligiis soo saarin Bayaan lagu cambaareynayo qaraxayda ay kooxaha islaamiyiinta fuliyaan sida Qarixii Baladweyne ee galaaftay waxgarad badan oo uu kamid ahaa Marxuum Cumar Xaashi, Allah ha u wada naxariistee.
Jaaliyada ayaa hoosta ka xariiqday in Bayaanku yahay mid siyaasi ah oo gudiga Masaajidku si degdeg ah ku soo saareen kadib markii ay soo shaac baxday in wiilku reer Denmark ahaa, mase dhacdeen in gudiga Masaajidka cambaareeyo qaraxaas hadii falkaas uu geysan lahaa qof ka tagay wadan kale.
Maxaa kalifay in ay Soo saaraan Bayaan noocaan oo kale ah oo aan horay looga baran? jawaabta ayuu qiyaasi karaa qof kasta oo caqli leh, ileyn horaa loo yiri far iyo meel bugtaa is og.
Jaaliyada ayaa warbixinteeda ku xustay in aan lagu xadgudbeyn koox ama masjid gooni ah, danta guudna ay tahay in laga salgaaro wax walba oo fudu-deeyay in wiilkaas is-qarxiyo.
Jaaliyada Denmark waxey cadeynaysaa in Masjidka Al-Towxiid ama Markazka Al-Towxiid ee is-qarxiyuhu ku xirnaa uusan aheyn Masjid matala Ummada Soomaaliyeed balse yahay Masjid ay isaga huleeleen soomaalidii waxgaradka aheyd iyo dad kale oo badan, iminkana ay maamulaan kooxa aan magac iyo maamuus ku dhex laheyn Mujtamaca soomaalida ee ku dhaqan Copenhagen, kooxdaas oo ay ku tilmaameen koox ka falaagowday soomaalida inteeda kale.
Bayaanka loogu tala galay ka hortagida xaqiiqda ee Masjidku soo saaray ayaan waxba kaga duwaneyn Bayaano horay uga soo baxay Masaajidyo hore oo qeyb weyn ka qaatay dhalinyarada loo diro Dagaalada Soomaaliya.
Waxaana xusid gaar ah mudan in Masjidka Abuubakar Al-Sadiiq ee ku yaala Magaalada Minnesota uu horay usoo saaray Bayaano lamid ah Bayaanka Masjidka Al-Towxiid kadib markii ay ka warheleen dhimashada dhalinyaradii ay direen, taasoo ku sii kaliftay in ay Mu'tamarkooda sanadlaha ee xiligaas u baxshaan Mu'tamarkii Nabadgalyada ayagoo ku marti qaaday wufuud gaalo ah.
Sidaas darteed Jaaliyada Denmark waxey ka digeysaa in lagu sirmo Bayaanada Cambaareynta ah iyo ku gambashada Nabadgelyada ee ka soo fuleysa kooxaha islaamiyiinta ee mas'uulka ka ah dhibka dhacay iyo kan socda.
Ugu dambeyn Jaaliyada Denmark waxey Saxaafada u balan qaadeysaa in ay soo bandhigi doonaan Xog faahfaahsan oo ku aadan Masjidka is-qarxiyuhu ku xirnaa.
Warbixintan ayey qalinka ku duugeen jihooyin kala duwan oo ku dhaqan Denmark, waxaan sidoo kale u bandhignay soomaali kale oo ku dhaqan Copenhagen iyo Denmark waxeyna noo sheegeen in warbixintu tahay mid xaqiiq ah.
Hadaba akhristayaasheen ku dhaqan Denmark waxaan ka codsaneynaa in ay nala soo xiriiraan hadii ay hayaan wax ka duwan warbixintan ama ay jirto mulaaxadaad kale.
Halkan ka akhriso digniin iyo warbixin hore oo Jaaliyada Denmark bixisay.
Akhriso qoraal qeybtiisa dambe looga hadlay arrimo la xiriira Masaajidyada dhalinyarada laga marin habaabiyo.
yuusuf xaaji waxaa jooga nadarlaan | 12:00pm on Saturday, January 2nd, 2010 |
asc dhamaantiina waa ni salaamay aniga waxaan ahay wiil 22 jir oo dagan wadanka naderlaand aniga waxaa dhihikaraa masjidkaas antoo run yahay waa inaa lakabadalaa kuwa maa mulaan iyo kuwa kacanat siiyo ok taas kagudub anuga maanta waxaa nahnay dad islaam ah oo diin muqadis heesato ok laakiin waxaas oo dhan dadka ayaa u ah hugaan sabab too ah waxaad arkeesaa wiil odagaalamaayo aabahiisa markoo soo dhaawcamo waa daaweehaa muu iska daayo inoo daaweeyo laakiin antoo daaweyo woo ku laa wahaa laakiin aniga waxaa warkeyga ku kahtimaa alaha nasiiyo doolid caadi al |
Hayat Kenya | 9:24am on Sunday, December 20th, 2009 |
Allow nima wax ogen ha cadabin ine naftoda halagan iyo masakinta bey yurub uga imanayan dad an ku jirane ya nageyo bey ka tagantahay ilen mel nabad ka jirto wali ma arkine ma istirahden ciyalka san yurub ugu xiso qabno bey xasusqa ugu jel qaban yaab yaab |
Abdi Dahir, Nairobi, Kenya. | 9:56pm on Saturday, December 12th, 2009 |
Ibleysku ehlu naarka isago ku qoslaya ayuu ku dhahaa "ma qasab ban idinku kenay naarta wixi an idin qurqurxiyey ayun bad iska raacdeen"
markaa kuwa masajidada wiilasha yaryar kaso duufsanayaa waa shayaadiinul insi. Waa askarta iblayska o dadka naar ugu yeeraya.
Khawaarijtu waxay ku canbaxday inay galafato nolosha shacabka. Weligodna gaalo lama dagaalamaan e waxay laayaan muslinka iyo gaalada muslinka u shaqaysa sida hayadaha sama falka o kale.
War dadow ka firsada beenta iyo magaca diinta ee lagu gabanayo dadkana lagu xasuuqayo. |
qalinle yabaro kenya | 8:01am on Saturday, December 12th, 2009 |
horta ninkii isqarxiyay ilahay cadabtii haugubishareyo marka hore kuwii kadambeyay oo jogana ilahay ciqab adun hamarsiyo kan dhintayna narta jaximo hagalo isha alaah |