Is-qarxinta 3dii December ka dhacday Hotel Shaamow ayaa durbadiiba isu badashay mid ay wax ku cunaan qolyihii qaraxaas maleegay iyo Maafiyo kale oo ka macaasha musiibo kasta oo timaada.
Arrinta ugu naxdinta badan ayaa ah in ay is xilqaameen dad aan la aqoon ammaanadooda iyo alle ka cabsigooda oo ay hoos ka hagayaan isla dadkii ka soo shaqeeyay Musiibada dhacday, kuwaas oo bilaabay in ay saxaafada ku gudbiyaan qeyla dhaan ku aadan sidii lacag loogu aruurin lahaa ardayda qaraxa ku waxyeelowday iyo dhaawaca kaleba.
Qeyla dhaanta lacagta lagu aruurinayo ayaa lagu lifaaqay taleefano iyo magacyo horay laga raaciyay sheekh fulaan.
Gudi la sheegay in uu ka kooban yahay Waxgarad, Culumo, Odayaal, Ganacsato ayaa maanta lagu sameeyay Suuqa Bakaaraha si ay ardaydaas lacago ugu aruuriyaan, qeyla dhaanta iyo codsiga gudiga ayaa si gaar ah ugu wajahan jaaliyada banaanka ku nool ee jeebkeeda la tuhmayo.
Waxaa xusid mudan in meesha lagu aasaasay Gudiga ay tahay Suuqa Bakaaraha oo ah xarunta ugu muhiimsan ee Shabaabku ka helaaan dhaqaalahooda kana abaabulaan xasuuqa shacabka.
Waxaan ka digeynaa in lacag loo diro gudi aan la aqoon oo ka aasaasmay goob hoy u ah Al-Shabaab ayna dhici karto in 100% gudigaas yahay Al-Shabaab.
Hadaba miyaa la iska dhaaafaa in wax loo taro dadka dhibku ka soo gaaray qaraxaas?
Jawaabtu waa maya, waxaase muhiim ah in qofku ku dadaalo sidii lacagtaas ku gaari laheyd dadka u baaahan oo aysan ku dhicin gacantii dhiiga geysatay.
Waa ay sahlantahay in gargaaar la gaarsiiyo dhaawaca yaala Muqdisho iyo Nairobi ayadoo aan la marin ragga cimaamadaha u xirtay ka faaideysiga musiibooyinka, wilina ah kuwa soo maleega balaayada taagan.
Qofii ay Muqdisho u joogaaan dad uu aamin ku yahay waxaa haboon in wixii lacag ah ayaga ku hagaajiyo kadibna ay toos ugu geeyaan dhaawaca.
Hadii aadan Muqdisho ka aqoon dad aamin ah waxaad heli kartaa saaxiib ama dad aad ku kalsoontahay oo kula degan wadanka aad joogto kuwaas oo Muqdisho ku leh dad aamin ah, qaabkaas ayey lacagtaadu ku gaari kartaa dadka dhaawacmay.
Sidoo kale dhaawaca Nairobi qaabkaas oo kale ayaad u mari kartaa, qofkuna hadii uu dadaalo oo fakaro ma weynayo farsamooyin uu kaga badbaaado maafiyadaas, sadaqadiisana ku gaarsiiyo dadkii muteystay.
Iska ilaali gudiyada iyo Hay'adaha samafalka ee feega ah kuwaas oo habeen iyo maalinba u taagan lacago aruursi, hana ku sirmin sawirada iyo muuqaalada murugada leh ee laguu soo bandhigayo.
Ogoow in wadanka ay ka howlgalaan Hay'ado samafal oo hoos taga kooxaha islaamiyiinta isla markaana xoolaha ay kaa qaadaan ku maalgaliya colaada.
Si gooni ah isha ugu hay Saxaafada caadeysatay in ay hormuud ka noqdaan Barnaamijyadaas oo ay qeybtooda ka qaataan xoolaha la aruursho.
Yaan loo qaadan in laga soo horjeedo in ummada dhibaateysan wax loo qabto ee hadafku waa sidii looga feejignaan lahaa shuftadaas horarka ah ee dhibka ay geystaan ku xoolo doonta.
Mar kale ha loo gurmado dadka dhibaatadu gaartay ha noqdaan dadkii laga dhintay ama kuwa dhaawacmay iyo kuwa qafiifay ee naxdintu saaqday, habaarkana haloogu roonaado cidii maleegtay dhibkaas iyo cid walba oo u sahashay in qaraxaas dhaco.
No comments have been provided.