Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links

Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
somalireal
Xogsheeg
 
Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-Xaj (Q 2aad) Posted to the Web Nov 18, 11:59

Waxaan Qeybtaana kusoo Bandhigeynaa Axkaamta Udxiyada, taasoo ah Axkaam ku Gaar ah Bishaan Dul-Xaj laga Bilaabo Maalinta Ciidda ilaa sadaxda Maalin ee ka dambeysa, taasoo ah Cibaado aad u qiimo badan laguna weyneynayo Gudashada Waajibka Xajka oo ah Mid ka mid ah Arkaanta Islaamka.



Axkaamta udxiyada
 
Udxiyada waa Xoolaha loo Goowraco Ciidda darteed maalinta ciidda ah iyo sadaxda maalin ee ka dambeysa (11-12-13 Dul-Xaj) Cibaado ahaana loola jeedo in ilaahey loogu dhawaado waxa uuna qur’aankiisa allaah ku yiri:-
((فصل لربك وانحر (وَالْبُدْنَ جَعَلْنَاهَا لَكُم مِّن شَعَائِرِ اللَّهِ)
Waana sunno aad u muhiim ah mana wanaagsano inuu ka tago qof waliba oo awood u leh, nabiga suubana kama tagin inuu udxiyo la baxo mudadii 10ka sano ee uu joogay magaalada Maadaiina: sidaa darteed waxa ay Culimaudiinka yiraahdeen waxaa xataa u banaan qofka awooda inuu deyn qaato iskana bixin kara inuu qaato si uu udxiyada u baxsado oo ajarkeeda u dhaafin.
Muslimiintuna waxa ay ku mideysan yihiin sharci ahaanta udxiyada, waxa uuna gowraca udxiyada biloowdaa salaada ciidda kadib Sida uu cadeeyay Nabigasuuban :-
                                      من ذبح بعد الصلاة فقد تم نسكه وأصاب سنة المسلمين
Qofkii gowracaa salaada ka dib udxiyadiisa uu u ansaxday, sunnadii muslimiintana wuu haleelay)
Shuruudaha udxiyada
Udxiyada waa ineysan afar dhaliilood midoodna lahaanin Sida uu cadeeyay Rasuulka sharafta leh (SCW);-
 
أربعة لا تجزئ في الأضاحي : العوراء البين عورها , والمريضة البين مرضها والعرجاء البين ضلعها, والعجفاء التي لا تنقي
 
1-        Ineysan ahaan mid il la’a si muuqato
2-        Ineysan bukin Jiro muuqato
3-        Ineysan lug la’aan oo jiisnimo aysan ka muuqan
4-        Ineysan aheyn caato daran oo dhuux aan laheyn
Sidaas darteed dhaliil ka sii weyn afartaasna waa ineysan qabin
Waxaa wanaagsan qofka yaqaan gowraca inuu asaga gacantiisa ku gowraco sida Nabigaba (SCW) gacantiisa ugu gowracay asaga oo magacaabaayo allaah ka dibna naftiisa iyo ehelkiisa ama cidda u wakiilatay
 - بسم الله ألله أكبر, اللهم هذا عن فلان - qofkii aan gowraca aqoonin waxaa haboon inuu joogo meesha lagu gowracaayo udxiyadiisa hadii u awoodo, sidoo kale waxaa wanaagsan inuu qeybka Cuno qeybna u Hadiyeeyo Qaraabada & Dariska, Masaakiintana wax kaga sadaqeeyo    
(فَكُلُوا مِنْهَا وَأَطْعِمُوا الْبَائِسَ الْفَقِيرَ) ( فَكُلُوا مِنْهَا وَأَطْعِمُوا الْقَانِعَ وَالْمُعْتَرَّ)
Baraarujin:Waxaa u haboon qofka baxsanayo udxiyada inuusan jarin Wax ka mid ah cidiyadiisa ama timahiisa marka ay bilato bisha Dul- Xaj, hadii uu jarana wax kamid ah waa inuu illaahey u towbad keenaa udxiyadiisuna waxba uma dhimeyso, hadii uu iloobo ama dan ku kaliftana waa jari karaa waxaana sidoo kale ka reeban inuu iibiyo xubin kamid ah neefka udxiyada ah amaba uu kiro ahaan u siiyo midka xoolaha gowracaayo.
Waxaa sidoo kale Muhiim ah in Midida Neefka lagu Gowracayaa af badan lahaato si uusan Neefka Cadaab u Mudan, uuna Gowracaa Qof aqoon u leh Hab Gowraca.


Halkan ka Akhriso Qeyba Koowaad ee Qoraalka.
                                                                 
Waxaa diyaariyay Calinuur xoogsade
عيدكم مبارك وكل عام وأنتم بخير  

No comments have been provided.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com

Sh Fuaad Shongole:: Waxey Leeyihiin Qanyare Waa Towbadkeenay, Qanyare Ma Ogolyahay in uu Ariga ii Raaco. Towbad Ma Leh ilaa uu Xoolaha noo Raaco. (Cod Xasaasi ah)

Al-CALLAAMAH
Sh Maxamed Macalin Xasan:
Alle ha u Naxariistee: oo Noo Fasiraya Aayadaha Soonka. Dhageysi Wacan.


Al-Callamah
Sh Shariif CabdiNuur:
Ciidamada Soo raaca gaalada Intii la dagaalankooda laga wareegsan karo halaga wareegto Fatwo dhaxalgal ah + Cod.


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Shariif iyo Ragiisa ka aqbali meyno Shareecada Islaamka!!!


Sh Aweys oo isqarxinta ka qaatay filimaanta Ruushka Is Qarxinta waxaan uga dayanaynaa Gaalada sida Japanka iyo Ruushka Khilaafka Kooxaha Islaamiyiinta Dhageyso Sh. Xasan Turki oo diiday Maamulka Kismaayo Khudbadii ciida fitriga 21-09-09 Dhageyso Khudbad Dhaxal gal ah
1aad| 2aad|

Nabad galyadu Waa laf dhabarka Nolasha
Sheikh Shariif iyo ragiisa
waa murtadiin gaalo ah.
Sheikh Xasan Turki

War midoowgii ka baxayeey waar kaanbooni baan ahayeey!
Sheikh Xasan Turki

garabka Asmara iyo Jabuuti dowlad islaam ah ma soo wadaan
Sheikh Xasan Turki

Inhacadde wax hub uu nasiiya ma jiraan, annagaa hubka siinay
Sheikh Xasan Turki

Annagaa Xilka u dhiibanay awoodna u maleh in uu wax saxiixo Sheikh Shariif.
Genaraalka iskii is dalacsiiyay Gen. Indha Cadde.