Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka ee Dowlada KMG Sh Cabdiraxmaan Janaqow ayaa maanta soo bandhigay afar dhalinyaraa oo si ish-dhaaf ah ku waayay adimadooda laba bil kahor kadib markii xarakada shabaabku ku eedaysay falal burcadnimo.

Afarta dhalinyaro ayaa sheegay inaysan ku kicin falalka lagu eedeeyay balse ay adimadooda qaaliga ah ku waayeen eedayn ku aadan la shaqeynta dowlada KMM, sidaasna xarakada shabaabku ugu xukumeen is-dhaaf adimada loo jaro.

Dhalinyarada ayaa lagu kala magacaabaa Jaylaani Maxamed Cabdulqaadir, Ismaaciil Khaliif C/lle, Cali Maxamuud Cali, iyo Cabdulqadir Cali Dhuxulow.

Dhalinyarada ayaa sidoo kale sheegay inaysan waxba ka jirin eedaynta ah la shaqeynta dowlada KMG iyo tan ay shabaabku warbaahintu ka dhaadhiciyeen oo ah ku kicida falal burcadnimo.

"Waxaan ahaa xoogsade farsamiiste ah, waxaana laigu eedeeyay in aan ka shaqeeyo Hotel ay degan yihiin xubno katirsan dowlada" ayuu yiri Jeylaani Maxamed oo ah aabe dhalay lix caruur ah.

Ismaaciil Khaliif C/lle oo ugu yar dhalinyarada ayaa sheegay in uu ahaa arday waxbarta kadibna lagu eedeeyay ka tirsanaanta dowlada KMG.

Dhalinyarada ayaa sheegtay in loola dhaqmay si islaamnimada ka baxsan markii la soo qabtay iyo markii xukunka lagu fuliyay oo aan la siin daryeelkii asaasiga ahaa, ayna ku guuleysteen inay soo fakadaan ayaga iyo mid kamid ah ilaaladii waardiyaha ka heysay, ayna soomaalida ka codsanayaan in wax loo qabto.

Sh Cabdiraxmaan Janaqow iyo Sh Maxamuud Garweyne oo kala haya xilalka Cadaalada iyo Garsoorka iyo BaniŽaadanimada kana mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa wax laga xumaado oo laga naxo ku tilmaamay falkaas foosha xun ee lagu dhisay sharci darrada, labada sheekh ayaa si wadajir ah u sheegay inay raadinayaan xuquuda dhalinyaradaas adimadooda lagu ciyaaray ayagoo balan qaaday in si degdega loo siinayo xanaanada ay u baahan yihiin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa macruuf ku ah dhaqamada naxariis darrada ah oo ay u saarinayaan diinta Islaamka, umadiina ka dhigay kuwo ay xasuuqaan iyo kuwo adimadooda lagu ciyaaro.

Adimada oo is-dhaaf loo jaro ayaa u baahan helista dowlad hanata wadanka, waana arrin u baahan hay'ado iyo dad cilmi leh iyo borosees dheer oo intuba hoos yimaadaan dowladaas, waxaase murugo leh in koox khawaarij ah oo aan heer dowlad iyo mid maamulba gaarsiisneyn afduubtaan arrimihii dowladu lahayd, ayagoo adeegsanaya been abuur sidaasna ku mustaqbal seejiyay dhalinyaro soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.