Waxaan ka aqriyey bogga wardheernews.com qormo si gaar ah ii soo jiidatey oo uu qoruhu uga hadlayey asbaabta ka danbeysey ka wareejinta Prof. Gaandi wasiirnimadii Gaashaandhiga, asagoo cuskadey hadalo fadhi ku dirir ah oo xaqiiqda ka durugsan, dhamaantoodna ku biyo shubanaya difaac indha la’aan ah oo heyb ku saleysan, laakin aan aheyn mid looga fadhiyey shakhsiyad sida Mudane Maxamed Cabaas oo aqoon-yahannimo sheeganaya inuu sidaas dhar la’aanta ah wax u difaaco, asagoo qabyaalad difaacayana uu ku tunto sharafta hogaanka siyaasadeed ee dalka.
Inta aanan guda galin qodobada uu ku xusey qormadiisa, waxaan jeclahey inaan wax ka iftiimiyo shakhsiyadda qoraha waxey tahey, waxaa la iigu sheegey markaan dabagaley inuu yahey Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia, oo ah shakhsi huwan ama xambaarsan kalsoonida shacab weynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Malaysia ee aqoonyahan iyo dad kaleba leh, waa midda koowaad miyey maankiisa ka baxdey inuu jagadaas muhiimka ah xambaarsan yahey asagoo aad moodid iney indha saabtey qabyaalada gabalkeedii xataa uu ka sii dhacayo dadka caadiga iska daa aqoonyahane, tan kale wuxuu sheegtey jago uusan gaarin oo Dr-nimo ah oo ayaduna ah gef kale oo uu aqoonta ka galey, intaas waxaa u sii dheer aflagaadada iyo tixgalin xumada uu kula kacey hogaanka siyaasadeed ee Soomaaliya oo go’aano ay xaq u leeyihiin gaarey cidii rabtaa ha ka carooto ama ha ku faraxdo.
Haddii aan gudagalo mawduuca qormadaan, Prof.Gaandi waa muwaadin Soomaaliyeed oo qiimo iyo qadarin ku leh shacabka Soomaaliyeed, waa madaale u taagan danaha Soomaaliyeed, wuxuu mudan yahey wax kasta oo wanaag ah, ceeb aan ka sheego shakhsiyadiisa iyo shaqadiisaba intaba ma hayo, laakin waxaa in la is weydiiyo ay tahey Prof Gaandi waa maxey cilmiga uu takhasuskiisa lahaa wuxuu bartey cilmiga bulshada, wuxuuna ahaa nin lagu soo bartey ururada bulshada rayidka ah, jagada XKMG uu ka hayey ee Gaashaandhigga ee aan marnaba meel ka soo galeyn cilmiga uu yaqaaney, ma aheyd mid maqaam ahaan u qalanta Prof-ka mase sharaf dhac ayey ku rideysey, inuu dad laayo oo uu mas’uul ka noqdo danbi kasta oo ciidanka uu hogaaminayey ay geystaan iyo mid kasta oo AMISOM ay u geysato shacabka maatida ah? Waxaan is leeyahey qof kasta oo xoogaa caafimaad ahi uu ku jiro wuxuu dhihi lahaa Prof-ka qaaliga ah dhiiqo uu ku jirey ayaa gacmaha inta la qabtey laga soo jiidey, maantana wuxuu joogaa meel uu isaga dhiqi karo dhibkii dhacey mudadii uu xilka gaashaandhigga hayey, waxaana is leeyahey Maxamed Cabaas marka uu qormadaas qorayey uma fakarin si degen, ee waxaa la tagtey jidbada iyo marqaanka qabyaalada.
Mudane Maxamed Cabaas, muxuu qorey? Qodobo dhowr ah ayaa laga soo xigan karaa qormadiisa, marka laga soo tago faanka xad dhaafka ah oo iila ekaadey midka la aqriyo dadku marka ay dhintaan, wuxuu yidhi : arinka kaliya ee loo sameeyey isku shaandheynta golaha xukuumadda wuxuu ahaa in Gaandi jagada laga wareejiyo, Maxamed markaan wuxuu u hadley sidii nin xogta u danbeysa ka haya waxa ka dhacaya aqalada looga taliyo Soomaaliya, ama sida nin cilmiga faalka wax ka yaqaana, wuxuu carrabka ku adkeeyey in Itoobiya ay ka danbeysey arinkaas, wuxuu kaloo caro iyo xanaaq korka kala fuuley Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha oo uu ku tilmaamey inay arinkaas u sameeyeen si ay u muujiyaan daacadnimada Itoobiya, war Maxamed maad xishootid walaalle! Sow lagula yaabi maayo haddii ninkaad daafaceyso uu xukuumaddii ka mid yahey asagoo ku qanacsan jagada loogu bedeley tii hore? Sow noqon maysid dhurwaa keyn cidla’ ah ka ciyey! Sow kama baqeysey dadka mideysan ee xilka kuugu dhiibtey Soomaalinimada haddii ay dareemaan inaad is nuugeyso oo aad buraash wasaq leh is marmarineyso in ay kala tagaan oo halkaas midnimadii ay heysteen lagu waayo taasna ay keento in aad dayacdey fursad qaali ah, adigoo ku kacey arin aan Gaandina waxna u tareyn, Dawladdana aan waxba ka qaadeyn, adigana sharaf dhac kuu ah, Dadkii Soomaaliyeed ee Malaysia joogeyna kala geyneya?
Si kastaba, intaas kuma uusan ekaan Mudane Maxamed Cabaas, ee wuxuu ugu baaqey Prof.Gaandi inuu iska casilo xilka wasiirnimada cusub ee loo dhiibey, ayadoo aan is leeyahey waxaa ugu hoos duugan nooma qalanto haddii aan reer hebel nahey, oo uusan Maxamed laabtaba galin in aan ninkaan reer Hebel meesha geysan, ee uu yahey muwaadin Soomaaliyeed oo xil kasta oo uu hayo ugu shaqeynaya shacabka Soomaaliyeed, mabaadi’daasna ay yihiin kuwa Gaandi hadda uu ku shaqeynayo, ee uusan ku hawlgaleyn Prof-ku qawaaniinta geel jirayaasha iyo xafiiltanka reer hebelnimada ku dhisan ee uu la soo shir tagey Maxamed Cabaas.
Ugu danbeyn Prof.Gaandi waxaan kula talinayaa inuusan hadalada was-waaska ah ee uu kala kulmayo Maxamed Cabaas iyo inta kale ee la midka ah haddii ay jiraan ee cudurka xambaarsan inuusan laabtiisa u daadejin, sida hadda uu ku sugan yahey ay uga sharaf badan tahey middii hore, jagada muhiimka ah ee uu hadda hayana si daacadnimo ugu shaqeeyo.
Halkaan ka aqriso qormadii uu qorey Maxamed Cabaas.
The Untold Story Behind the Replacement of Prof. Gandhi
Deeq Maxamed Axmed
Qaranimo2009@yahoo.com