Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links


Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
Xogsheeg
 
Soo galitaanka Itoobiyaanka, Qeyla dhaanta Kooxaha Islaamiyiinta iyo Aragtida Shacabka. Posted to the Web Sep 01, 18:11

Qeyla dhaan isdaba joog ah ayaa ka soo yeeraysa kooxaha islaamiyiinta ee dagaalka kula jira Dowlada Soomaaliya, ayagoo adeegsanaya erayo lagu kicinayo dareenka dadka oo ay kamid tahay (Itoobiya baa wadankii qabsaneysa) (Shareecada Islaamka baa duulaan lagu yahay).


Hadaba Qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaan dhag jalaq usiin doonin dhawaaqa ka soo yeeraya kooxahaas balse arka in kooxaha islaamiyiinta aysan ka dhib yareyn Itoobiyaanka.


Arrimo badan oo aan la soo koobi karin ayaa jira oo keensanaya in shacabka soomaaliyeed aysan dan ka galin Itoobiyaanka daba jooga kooxaha Islaamiyiinta.


Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku dhaqan Gobolada Koonfureed ayaa xiligii dowladii TFG-da ee Cabdullahi Yuusuf madaxda ka ahaa lagu beerlaxawsaday in Itoobiya qabsatay somaliya aysana baxeyn, taasoo keensatay in dagaal ba'an lala galo Ciidanka Itoobiya iyo dowladii TFG-da, kooxaha Islaamiyiinta oo xiligaas ka faaideysanayay taageerada shacabka ayaa ku kacay tacadiyo aan la soo koobi karin ayagoo gaalaysiiyay oo laayay dad badan oo la shaqeyn jiray dowladaas.


Kadib markii lagu guuleystay in Itoobiya ku baxdo heshiis dhexmaray Isbaheysigii Casmara iyo dowladii TFG-da, lana dhisay Dowlada uu madaxda ka yahay Sh Shariif ayey soo laabatay rajadii shacabka, dadkuna guryahoodii ku soo laabtay maadaama ay Itoobiya baxday, oo waxaa la filayay in Kooxaha Islaamiyiintu ay nasiino iyo naxariis siin doonaan shacabka soo rafaaday marba haduu baxay cadowgii kaliya ee ay la dagaalamayeen, oo waxaa la xasuustaa in kooxahan oran jireen in waxa ay u dagaalamayaan kaliya ay tahay bixitaanka Itoobiyaanka aysana dan kale laheyn.


Maxaa dhacay bixitaankii Itoobiyaanka kadib? Waxaa dhacday in shacabkii yaraa ee hambeeyeen Itoobiyaanka ay halaageen kooxaha islaamiyiinta oo wax loo reebay aysan jirin, mid la dilay, mid dhaawacmay, mid xabadu wili ka kor dhaceyso iyo mid qaxay oo rafaad la ildaran.


Dad badan ayaa markii ay dhadhamiyeen dhib iyo rafaad garwaaqsaday in dowladii Cabdullahi yuusuf iyo Itoobiyaankii garab siinayay ay habooneyd in la taageero oo guluf colaadeed aan lagu kicin.


Hadaba shacabka ay kooxaha islaamiyiintu u qeyla dhaaminayaan waa shacabka ku sugan xaalada aan soo xusnay soona maray dhibaatooyin lama iloobaan ah, waa shacabka intiisa badan aaminsan in Cabdullahi Yuusuf iyo Itoobiyaanku dhaameen kooxaha islaamiyiinta ee bahaloobay.


Kooxaha Islaamiyiinta waxaa soo maray fursad ay ku hanan karaan shacabka oo qeyladooda lagu ajiibi karo mana aysan ka faaideysan, oo waxaa meesha yaala horay ayaan Itoobiya uga saarnay wadanka haatana sababtiina ayay ku soo laabteen, horumar iyo nabad aad keenteena ma jirto.


Barnaamijka Kooxaha Islaamiyiinta ayaa ah ineysan dagaal fool ka fool ah uga hor imaan Itoobiyaanka marka laga reebo  xabado yar yar oo la tuuro kadibna madaafiicda itoobiyaanka iyo shacabka la iskaga dhex baxo, arrintaasna waa mid horay loo soo tijaabiyay, waxaana cad in dadku diyaar u aheyn tijaabo kale.


Qaar kamid ah dadka oo xiligii dowladii TFG-da biyo iyo caano ka daba waday kooxaha Islaamiyiinta ayaa maanta hiil iyo hooba la garab taagan dowlada Sh Shariif haba kaashato Itoobiyaan.


Sidoo kale Culumo iyo Waxgarad soomaaliyeed oo markoodii hore ay la qumaneyd siyaasada kooxaha islaamiyiinta kana gaabsaday xadgudubyada kooxahan ayaa aaminsan in kooxaha islaamiyiinta ay god mugdi ah oo aan laga bixi karin galiyeen ummada sidaas darteedna aan waxba laga soo qaadin qeyla dhaantooda ku aadan Itoobiya.


Aabe Soomaaliyeed oo laba wiilashiisa kamid ah ku waayay dagaalkii hore ee lala galay Itoobiyaanka, sedex kalena ku waayay madaaficdii kooxaha islaamiyiinta la beegsanayeen dowlada Sh Shariif ayaa mar wax laga weydiiyay fikirkiisa ku aadan qeyla dhaanta ka soo yeertay kooxaha islaamiyiinta ee ku baaqeysa in lala dagaalo Itoobiyaanka soo galay wadanka ku jawaabay "Allow madaxa isku gali daalimiinta, anagana naga badbaadi" asagoo ula jeeda in Itoobiyaanka iyo Kooxaha Islaamiyiinta is laayaan shacabkuna badbaado.


Si kastaba ha ahaatee waxaan la iska indha tiri karin dareenka culus ee shacabku ka qabaan kooxaha Islaamiyiinta iyo in marwalba kooxahan sabab u noqdaan soo galida Itoobiya soo gasho Soomaaliya.


Akhriso qormo ku saabsan wadaad ukala garsooray DKMG iyo Mucaaradka.


 


 


 


 

1 Comment(s)

samawade   ireland

9:50am on Tuesday, August 3rd, 2010

war ha dhihin kooxa islaamiyiinta ee dheh xasuuqayaasha shacabka allow ummadaada ka qaba kuwa magaca diinta ku qaraabanaya ee taageersanaya argagixisada caalamiga ee alqaacida oo hooy soomaliya oga dhigat dambiilayaasha caalamiga

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com

Sh Fuaad Shongole:: Waxey Leeyihiin Qanyare Waa Towbadkeenay, Qanyare Ma Ogolyahay in uu Ariga ii Raaco. Towbad Ma Leh ilaa uu Xoolaha noo Raaco. (Cod Xasaasi ah)

Al-CALLAAMAH
Sh Maxamed Macalin Xasan:
Alle ha u Naxariistee: oo Noo Fasiraya Aayadaha Soonka. Dhageysi Wacan.


Al-Callamah
Sh Shariif CabdiNuur:
Ciidamada Soo raaca gaalada Intii la dagaalankooda laga wareegsan karo halaga wareegto Fatwo dhaxalgal ah + Cod.


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Shariif iyo Ragiisa ka aqbali meyno Shareecada Islaamka!!!


Sh Aweys oo isqarxinta ka qaatay filimaanta Ruushka Is Qarxinta waxaan uga dayanaynaa Gaalada sida Japanka iyo Ruushka Khilaafka Kooxaha Islaamiyiinta Dhageyso Sh. Xasan Turki oo diiday Maamulka Kismaayo Khudbadii ciida fitriga 21-09-09 Dhageyso Khudbad Dhaxal gal ah
1aad| 2aad|

Nabad galyadu Waa laf dhabarka Nolasha
Sheikh Shariif iyo ragiisa
waa murtadiin gaalo ah.
Sheikh Xasan Turki

War midoowgii ka baxayeey waar kaanbooni baan ahayeey!
Sheikh Xasan Turki

garabka Asmara iyo Jabuuti dowlad islaam ah ma soo wadaan
Sheikh Xasan Turki

Inhacadde wax hub uu nasiiya ma jiraan, annagaa hubka siinay
Sheikh Xasan Turki

Annagaa Xilka u dhiibanay awoodna u maleh in uu wax saxiixo Sheikh Shariif.
Genaraalka iskii is dalacsiiyay Gen. Indha Cadde.