Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links


Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
Xogsheeg
 
Al-Shabaab Khawaarijta oo u dhaqmaya sida Wakiilada Malakal-Mawtka ee Geeska Afrika. Posted to the Web Aug 21, 07:43

Ha la yaabin cinwaankaan, ee waxaa mudan in lala yaabo hab dhaqanka xishoodka iyo diintaba ka murduxan ee kooxda khawaarijta ee loo yaqaan Alshabaab, waxey dhinac kasta nuxurkii ka rideen diinteenii qiimaha badneyd, waxeyna ku soo koobeen diintii mid wax lagu dilo, tu dadka loogu hanjabo laguna argagax galiyo, tu dadka xoolahooda lagu boobo, iyo mid ciqaab iyo caytan ah. 


Kooxdan khawaarijtu waligeed Soomaaliya kuma bireen qof gaal ah, laga soo bilaabo taariikhdii joogitaanka xabashida illaa kuwa hey’adaha u shaqeeya ee ay afduubteen ama hadda u afduuban, waxey si fudud uga qaataan lacago baad (xaaraam) ah, mudada ay hayaan si wanaagsan ayey u xanaaneeyaan, ka dib sidaas sahlan ayey ku daayaan, laakin haddii qof Soomaali muslim ah uu galo gacantooda, waxaa maxkamadoodu xukuntaa ruuxaas ku bireyn middi saawir (aan soofeysneyn) ah, waayo tanaa ajar badan sida ay qoreyso diintooda gacan ku sameyska ee Usaama Bin laadin u yahey kan u waxyooda qalooca. 


Laga soo bilaabo hadal aad tiraahdo adigoo fadhi ku dirir fadhiya sida “dalkaan iyo dadkaan waa dhiban yihiin Allow faraj degdeg ah u keen” illaa inaad si toos ah wax ugu qorto bogagga internetka, ama inaad ka hadasho raadiye adigoo sheegaya dhibaatooyinka khawaarijtu ay geysanayaan, intuba waa xukun dil ah kooxdaan agteeda. 


Min gurigaada adigoo la haasaawaya xaaskaada iyo caruurtaada illaa masjidka dhexdiisa dilku uma kala duwana kooxdaan baadiyowdey, waliba waxey u jecel yihiin marka masaajidka gudihiisa ama agtiisa uu joogo dhibbanaha toogashada khawaarijtu ku xukumeen. 


Hadaba anigoo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaan si joogto ah kala kulanaa kooxda khawaarijta digniino cod ah ama fariimo hanjabaado ah oo ay noo soo marsiinayaan khadka teleefoonka ama fariimaha la isugu diro e-mail-da ama teleefoonada. 


Maalin maalmaha ka mid ah anagoo dhowr ruux ah oo meel ku sheekeysanayna, kana hadleyna hanjabaadahaan argagixinta ah ee ay kooxdani dadkii wadnaha ku gooyeen, ayaa waxaa nin saaxiibkay ahi noo wariyey qiso cajiib leh oo ka dhacdey masjid ku yaalla Suuqa Daawada (bakaaraha) dhexdiisa, halkaas waxaa salaadda duhur ka dib kitaab ku gali jirey Shiikh culimada Soomaaliyeed ka mid ah, asagoo casharkii maalintaas bartamaha marsiinaya ayaa waxaa teleefoonkiisa oo miiska saarnaa ku soo dhacey fariin (message), ku amreysa inuu meesha uu marayo ku joojiyo casharka, maanta ka dibna uusan aqrin kitaabkaan, sidaasna uu u sheego xerta kitaabka dhageysaneysa, amarkaana waxaa hoos uga saxiixnaa madaxa Xisbada ( Khawaarijta) – Xisbah macnaheedu waa faridda wanaagga iyo reebista xumaha- waa koox u qaabilsan arinkaas khawaarijta, oo ay muuqato in ay fahamkii qaloocnaa uu ku futogadoomey ayagoo wanaaggiina xumaan u arkey, sida barista cilmiga, isla markaana xumihii u arkey wanaag sida dhamaan ficilada guracan ee ay sameynayaan waliba ayagoo ku faanaya ayey warbaahinta siiyaan. 


Waxaa la yaab ku noqtey Sheekhii fariintii, wuu labalabeeyey, wuxuuna is yiri bal casharka maanta un dhamee, markii uu afka kala qaadey ayaa wiil xertiisa ka mid ahaa oo safka ugu horeeya fadhiyey cod dheer ku yiri sheekhii “ amarka lagu siiyey fuli wadaad” isla markiibana bistoolad ayuu galka kala baxey, halka laba wiil oo kalena ay labada garab ka istaageen sheekhii ayagoo takbiirsanaya, xaaladdu markaan faraha ayey ka baxdey!! xertii yaab iyo amakaag ayaa ka soo harey!! Sheekhii wuxuu qaatey tallaabo geesinimo leh si uu xaaladda uu u dajiyo asagoo fahmey qisadu halka ay ka socoto, wuxuu soo qabtey moobeylkiisii wuxuuna aqriyey fariintii ugu danbeysey ee u soo dhacdey, wuxuuna qaatey go’aanka ah in aan maanta ka dib loo imaan wax cashar ah halkaasna uu ku eg yahey kitaabkii ayuu ku yiri sheekhii cod hoose oo ay ka muuqato maquunin iyo in xoog lagu jajuubey. 


Wax kasta waa laga fishaa khawaarijta waayo waa niman waysadii ka burtey, fahamkii qaloocnaana uu ku xidideystey, laakin waxa dadkii kitaabka ku taxnaa iyo dadkii kale ee qisada maqley filan waa ku noqdey wiil sheekha ardaydiisa ka mid ah in uu sheekhiisii sidaas uga xishoon waayo, taasna waxey dadkii isku qanciyeen waxaani iney yihiin caasi-waalidiin qaangaartey oo nin waalidkiis uu ka soo quustey oo ku soo caasiyey inuusan kala aqoonin sheekh iyo shariif midna tanoo isoo xasuusisey maahmaahda Soomaaliyeed ee oraneysa “ neef gawracani geedo kama waabto”. 


Isla markii qisadaas uu noo sheegey wiilkii waxaa bilowdey in qaar raggeenii meesha joogey ka mid ah ay fureeen moobayladooda sanduuqa fariimaha keydiya, qaar kalena ay sheegeen rag meesha ka maqnaa oo ay ku dhacdey qisooyin cajiib ah oo ay kala kulmeen kooxdaan kibirku ka tan badiyey, waxyaalaha fariimahaasi ku qornaa waxaa ka mid ah:   “karfintaada tolo waad socotaaye”, mid kale waxey u qorneyd “Cadowgii ilaaheyow meeshaad gali laheyd doondoono”, tu kalena “ haddaad moodey in saraha hoostooda aad ku badbaadeyso usbaacaan ayaa noo ballan ah”, midda la yaabka laheyd waxey aheyd “meel kasta oo aad gasho waa kula joognaa murtadyahow”, tana waxey u qorneyd sidatan “islaamka sharcigiisa wixii aad ka muteysato ayaad u diyaargaroobeysaa gala raacyahow” iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin oo kulligood hanjabaad, aflagaado, iyo xukun caruuri gaartey isugu jirey. 


Waxaa isweydiin mudan waxey tahey, Alshabaab (khawaarijta) goormaa loo wakiishey in ay u dhaqmaan sida malakal mawtka oo kale, oo ay qabtaan shaqadii ilaahey u sameeyey malagaas ? inkastoo xikamad weyn ilaahey uu galiyey dhimashada taasoo ah in laga qariyey qofka marka uu dhimanayo, sidaasna ay tahey raxmad ilaahey uu ku manneystey adoomadiisa, laakin kooxdaan waxaad moodaa sida ay ugu xadgudbeen wax kasta oo diinteena ka mid ahaa, haddana in ay meelaha qaarkood ay ilaahey xataa ka dheereeyeen, ayagoo u sheegaya qofka marka uu dhimanayo, iyo meel kasta oo uu galo in aysan ka dabahareyn illaa ay geeridiisa ka hubsadaan. 


Hadaba shaqooyiin badan ayey la wareegeen kooxdaan qooqdey, oo ay ugu weyn tahey kaalintii culimada oo ay yiraahdeen anaga cid aan aheyn dadka wax uma sheegi karto, anaga cid aan aheyn shareeco ma hirgalin karto, kaalintii ciidanka xoogga dalka oo ay hubkii oo dhan gacantooda ay galiyeen qof kalena aysan u ogolayn inuu xaq u leeyahey hub sidashada xataa haddii uu arigiisa dugaaga uga ceshanayo, kaalintii warbaahinta oo waxaad dareemeysaa cadaadiska ay ku hayaan warbaahinta dalka waliba mararka qaar in ay u meeriyaan waxay oranayaan haddii ay ka dhaga adeygaana dhegtaa dhiigga loo darayaa wariyihii sidaas sameyn waaya sida rag badan oo asxaabteena ay arin noocaas oo kale ah xi xaq darro ah ugu dileen. 


Waxaa ugu darnaatey Markey ilaahey loolan la galeen, ku tunteena xikmadihii nolosha iyo dhimashadaba uu galiyey, haddana ay gabi ahaan la wareegeen hawshii malakal mawtku ka qaban jirey geeska Afrika, laakin waxaad mooddaa in malakal mawtka u gacan marnaan doono qaadista ruuxda khawaarijta marka dhamaadkoodu soo dhowaado oo aad moodo in ififaalaheedii uu muuqanayo maalmaahaan. 


Gabagabadii dadka Soomaaliya koonfurteeda ku nool waxey ula mid tahey shabaab ayaa ku soo wacey ama fariin kuu soo direy in malakul mawdkii ay fariin ka heleen, taasoo ula macno ah in ay isku diyaariyaan dhimasho express ah oo aysan u diyaargaroobin, tanoo ku keentey dad badan in ay dalka dibadiisa lafahoodii ula carareen, halkaasna uga tageen guryahoodii, iyo qoysaskoodii ay jeclaayeen, ayadoo soo noqoshada dadkaasi ay ku xiran tahey ka takhulisadda kooxda khawaarijta. 


Si kastaba ha ahaatee wax kasta maalin ay bilowdaan iyo maalin ay dhamaadaan ayey leeyihiin, khawaarijtu waxey yeelan doonaan maalin aysan dhaafeyn, maalinkaasna waxaa lagu dari doonaa ciidaha Soomaalidu ay sida weyn ugu dabaaldegto. 


Deeq Maxamed Axmed


qaranimo2009@yahoo.com


Muqdisho 

6 Comment(s)

gabar somaliyed   sweden

9:35am on Friday, August 27th, 2010

war shabaab ha u danaanininee waa shayaadiin shaar madow soo xirtey oo wax diin la dhahaayo aan garaneynine waxaana waaye dadka aad leedihiin waashabaab mooryaantii umada leynjirtey oo soo xirtey shaar dimeed warxagey ka jimaaden shabaabku ma hadey wadanka u soo dhashen waa kuwii maryaha dumarka ka furan jirey oo kufsan jireye ma wadaadbaa waa kuwa dhiga dadka iyo gowracoda baneystey sheydaamada alla hanaga qabto aamiin

Axmed   Kenya

12:08pm on Monday, July 26th, 2010

Magaranayo alshabab iyo waxkale, jidka ilahay iyo sunada rasuulka scw hala raaco

daadeyare   bakaaro

4:29pm on Friday, April 16th, 2010

waxaa iigu yaabka badnaa intaan joogay soomaaliyo mahan layaab in waxladilo ama inwax ldhaco intab soomaliya weykajirtay laakiin (suneyso) oomacnaheeduyahay maalin maalmaha kamid ah aayn waxaan kasoobaxay gurigeyga oo udhowaa bakaaro waxaan lakulmay wiilsoomaaliyeet oo dadiisa aankuqiyaasay 20|30jir ayaa waxaa heestay niman alshabaab ah oowexey lahaayeen waarido nimanki nin kamidah ayaa wuxuusooqaatay tooreey aduwen oo afbadan aan laheeyn markaas ayaa wiilki uukubilaabay qalid wiiki oo ashhadanayo anigooyaaban ayaa waxaa meesha soomaray nin midhaa aanisdhahay wey yaqaanaan magac ayuu uguyeeray markaas ayaa ninki sooeegay misna wuuqoslay wuxuyiri nin kale ayaa soobooday ooyiri arararar hakaboobin sheeqa sheeqoow kaalay suneyso anoo yaaban markaey meeshaas mareeyso arinta ayaan hadana waxaa kasiicajiib badneyt ninki looyeeray markuu soo kor istaagay ninki laqalaayay ayuu camaamda iyo baakoor uu watay udhiibtay nin kale ayuu yiri jizakalah warsoomaliyey mawaxn isugu yernaa kaalay ninkan goowrac inaa lilaah wa inaa ileyhu raajucuun

Murshid   Nairobi- Kenya

9:52am on Sunday, February 7th, 2010

alshababka maxey yihiin, ma kuwa kugabanaayo dinta oo sabab laanta dadka u laaya, mise wa kuwa shisheyaha keenay dalka soomaaliya.

Shacab dhagoole   Caro edeg

11:20pm on Saturday, December 19th, 2009

Wariye al shabaab ka qaxay waad u war egtahay khawaarij marka hore macnaheeda baro al shabaabna waxay tahay baro shalay soomaaliyey waa taad wadaadada lahayd maanta khawaarij aadan aqoon inaad ku tilmaanto dadnimada kuma jirto afkaad shalay ku ammaantay maanta ku cay ee ha la adkaysto gagsooy aflagaado wax ma tarto ee wax iska dhici ama qaxooti edebleh noqo nabadgalyo

muslim   norge

3:57pm on Saturday, December 19th, 2009

alshabaab daaya ha laidinka raacee nacaybkooda

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com

Sh Fuaad Shongole:: Waxey Leeyihiin Qanyare Waa Towbadkeenay, Qanyare Ma Ogolyahay in uu Ariga ii Raaco. Towbad Ma Leh ilaa uu Xoolaha noo Raaco. (Cod Xasaasi ah)

Al-CALLAAMAH
Sh Maxamed Macalin Xasan:
Alle ha u Naxariistee: oo Noo Fasiraya Aayadaha Soonka. Dhageysi Wacan.


Al-Callamah
Sh Shariif CabdiNuur:
Ciidamada Soo raaca gaalada Intii la dagaalankooda laga wareegsan karo halaga wareegto Fatwo dhaxalgal ah + Cod.


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Shariif iyo Ragiisa ka aqbali meyno Shareecada Islaamka!!!


Sh Aweys oo isqarxinta ka qaatay filimaanta Ruushka Is Qarxinta waxaan uga dayanaynaa Gaalada sida Japanka iyo Ruushka Khilaafka Kooxaha Islaamiyiinta Dhageyso Sh. Xasan Turki oo diiday Maamulka Kismaayo Khudbadii ciida fitriga 21-09-09 Dhageyso Khudbad Dhaxal gal ah
1aad| 2aad|

Nabad galyadu Waa laf dhabarka Nolasha
Sheikh Shariif iyo ragiisa
waa murtadiin gaalo ah.
Sheikh Xasan Turki

War midoowgii ka baxayeey waar kaanbooni baan ahayeey!
Sheikh Xasan Turki

garabka Asmara iyo Jabuuti dowlad islaam ah ma soo wadaan
Sheikh Xasan Turki

Inhacadde wax hub uu nasiiya ma jiraan, annagaa hubka siinay
Sheikh Xasan Turki

Annagaa Xilka u dhiibanay awoodna u maleh in uu wax saxiixo Sheikh Shariif.
Genaraalka iskii is dalacsiiyay Gen. Indha Cadde.