Odayaasha Hawiye, Ganacsatada Muqdisho iyo dad badan oo ku diirsada dowlad la'aanta ayaa ka soo muuqan doona fagaaraha siyaasada marka ay dowladu ka faraxalato kooxaha nabada diidan.
Inta badan qeybahaan aan soo xusnay ayaa maanta ka muuqan fagaaraha siyaasada maadaama howshii ay qaban lahaayeen ay wadaan Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.
Hadey dhacdo in Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam si toosa looga adkaado waa sida loo badinayee waxaa si toosa usoo muuqanaya dad badan oo dowladnimadu dhibayso oo ay ugu horeeyaan Ganacsatada Muqdisho iyo Odayaasha Hawiye, kuwaas oo taageera hiil iyo hooba leh ka heli doona qaar ka tirsan Beelaha Hawiye oo aan ku noolaan karin jawi dowladeed.
Sidoo kale waxaa aad usii badan kara wajiyada iyo kooxaha cusub oo ay hoosta ka maamulayaan kooxaha nabada diidan balse muuqaalka kore ka ah Hay'ado bulshada wax loogu qabanayo, waxaana xusid mudan in ay maanta Muqdisho ku sugan yihiin Hay'ado ku diiwaan gashan wax uqabashada Bulshada oo si toosa ay u fangareeyaan dadka taageersan Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab, dhamaan Hay'adahaas iyo qeybaha kale ee aan dowladnimada rabin ayaa dhib weyn ku keenaya dowlada soomaaliya.
Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab iyo guud ahaan kooxaha islaamiyiinta ayaa macruuf ku ah shaati badalashada waxaana la ogsoonyahay xiligii ay dagaalka kula jireen Dowladii TFG-da in ay isticmaali jireen shaatiga Hawiyanimada iyo magacyo kale oo ku andacoon jiray in ay yihiin wadaniyiin ama gumeysi diid, maantana hadii laga adkaado waxaa diyaar u ah kaarar kale oo ay isticmaali karaan.
Magucu xaqiiqda wax kama badalo oo hadii Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab dagaal ahaan looga adkaado ayna booskooda buuxiyaan kuwo kale oo ay isku masaalix yihiin dowladnimana aan rabin waxey noqoneysaa in aan iska daba wareeg laga dhamaan, dowldana waxaa laga sugayaa in ay la timaado siyaasad hufan iyo dhaqan dowladeed si dadku aysan wanaaga uga dayin dhinaca dowlad la'aan.
Cali Sahal. alisahal778@gmail.com
Miisaanka.com
maxamad xamar | 8:28pm on Saturday, August 7th, 2010 |
waxaan layaabanahay umadaan hawiye naceyb madana awar ninka waxaan qoray ma fiyooba waxad qortay dib ayaa laguula xisaab tamayaa mida kale sida ay faadumo sheegtay cida aad doonto sheeg lakiin qabiil dhan uu shariif iyo sheekh leh afka kala bax |
maxamad xamar | 8:27pm on Saturday, August 7th, 2010 |
waxaan layaabanahay umadaan hawiye naceyb madana awar ninka waxaan qoray ma fiyooba waxad qortay dib ayaa laguula xisaab tamayaa mida kale sida ay faadumo sheegtay cida aad doonto sheeg lakiin qabiil dhan uu shariif iyo sheekh leh afka kala bax |
faadima abu dhabi | 1:07pm on Sunday, January 10th, 2010 |
ninka qoraalkaan qoray ma nin fiyowbaa mise waa in buka waa ceeb in aad qabiil dhan afka soo marisaaaniga waxa aan ku dhihi lahaashaqsiyaadka aad rabtisheeg magacyadoda maahan in aad soo qaadato qabiilka hawiye oo ay ka dhasheen malaayiin qof walaal iska dhaaf magac qabiil |