Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links

Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
Xogsheeg
 
Al-Shabaab ma Khawaarijbaa? Xog iyo Xaqiiq kooban Posted to the Web Aug 10, 00:11

بـسم الله الرحمن الرحيم

 Mahad oo dhan Allah bay u sugnaatay Nabad iyo Naxariisna Nabigeena korkiisa ha ahaato.

Intaas kadib erayga “khawaarij” ayaa waayadan aad u baahay oo cid kastaabi baratay, haddana waxaa yar inta sida saxda ah u fahamsan, waayo dadka badankiisu aqoon fiican uma laha caqiidada fayow ee lagu kala garto kooxda hanuunsan iyo kooxaha lunsan, waxaana ugasii daray culumo-lamood had iyo jeer dadka marin habaabiya oo xaqa iyo baadilka isaga dheeha. 

Waxaa dhacday in qof magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Abyad  uu bogagga internetka qaarkood ku faafiyay maqaal uu cinwaan kaga dhigay Al-shabaab ma khawaarij baa? Aqristow qoraagu wuxuu ku soo koobay nuxurka qormadiisa “in shabaabku aanay khawaarij ahayn, maxaa yeelay usuushii firqadaasna kama muuqato, furuuc badan oo ay ku waafaqeenna looma jeedo!! ” sidoo kale wuxuu soo bandhigay 10 astaamood oo uu ku sheegay inay yihiin tilmaamaha ugu waaweyn ee khawaarijtu leedahay, sida ka muuqatay qormadiisana wuxuu u cuskaday 10kaas astaamood in Alshabaab aanay khawaarij ahayn, maadaama laga waayay astaamahaas!  

 Inshaa Allaah waxaan isku dayaynaa inaan wax ka iftiimino wuxuu ninkaasi ku dooday oo cuskaday gaar ahaan 10ka astaamood ee uu ku andacooday inay yihiin calaamadaha khawaarijta kuwa ugu tunka buuran (waa siduu u qoray!), innagoo calaamadahaas mid mid isku dul taagayna kadibna isbarbardhig ku sameyn doona astaamahaas iyo habdhaqanka Alshabaab. Waxaase ka hormarinaynaa dhawr qodob oo muhim ah mawduucana arar iyo hordhac u ah: 

    1. Khawaarijtu waa kooxdii ugu horreysay kooxaha habawsan ee ka leexatay wadada mu'miniinta, waxayna hubka uqaateen inay la diriraan muslimiinta iyo madaxdooda, sidaas ayayna u wadayaan kacdoonkooda ilaa kan ugu dambeeya uu la soo baxo Dajjaal sida nabiguba صلى الله عليه وسلم uu sheegay:"حتى يخرج آخرهم مع الدجال" Sidaa darteed ma laha waqti ay ku egyihiin oo ka horreeya xilligaas.

 2. Cid walba oo qaada wadada khawaarijta oo laga helo calaamadaheeda waa khawaarij goor iyo goob ay joogtaba, magacay doontaba  ha la baxdee, Shardina ma'ahan inay ogalaato magaca khawaarij, waayo khawaarijtii horaba waxay la bixi jireen magacyo ay iyagu doorteen, sida Shuraah oo ay ka wadeen kuwii naftooda Alle uga iibsaday raali ahaanshihiisa.

3. Astaan u gaara koox ka mid ah khawaarijta lagama dhigan karo halbeeg lagu qiyaaso ama lagu garto ciddii khawaarij ah oo qoladii laga waayaa tilmaantaas aan khawaarij la oran Karin haba wadatee astaamo kale oo khawaarijnima ah, waayo khawaarijtu waa kooxo badan oo kala nooc ah, soona baxay xilliya kala duwan, taasoo macnaheedu yahay inay koox kastaaba leedahay magac, caqiido iyo dhaqan ay uga soocan tahay loogana garto kooxaha kale oo ay isla wadaagaan khawaarijnimada guud, culimaduna  waxay mar walba wax ka qori jireen oo tilmaami jireen kooxaha ay soo gaareen, waxaana dhici jirtay muddo kadib inay soo baxdo koox hor leh oo wadata bidcooyin ugub ah ama cusub. 

4.Maadaama khawaarijtii isku casriga ahayd kala duwanaatay, waxaa ka sii mudan inay kala duwanaadaan oo astaamaha qaar isku khilaafaan khawaarijtii hore iyo khawaarijta casrigan, sidaa darteed waxaa habboon in tilmaamaha ay sheegeen nabiga صلى الله عليه وسلم  iyo saxaabadiisa usuul iyo gundhig looga dhigo astaamaha khawaarijta lagu soocayo.

5. Culimadu uma shardin jirin cidda ay ku tilmaamayaan khawaarij in laga helo dhammaan calaamadihii khawaarijta ama tiro go'an oo ka mid ah, balse waxaa dhici jirtay inay ku xukumaan khawaarij qof ama qolo ay ku arkeen hal astaan oo ka tirsan tilmaamihii khawaarijta asalka u ahaa.

Cuqbah ibnu wasaaj wuxuu yiri: nin saaxibkay ah baa iiga sheekayn jiray khawaarijta iyo dhaleecaynta ay ku hayaan madaxdooda! Markii aan soo xajiyay baan la kulmay Cabdullaahi ibnu Camar رضي الله عنهما oo ku iri: waxaad ka hartay asxaabtii rasuulka صلى الله عليه وسلم ,  Allana cilmi ayuu ku siiyay; dad halkaan jooga madaxdooda ayay dhaleecaynayaan oo ku marag furayaan inay lunsan yihiin! Wuxuu igu yiri (Cabdullaahi ibnu camar): kuwaas ha ku dhacdo lacnada Alle, lacnada malaa'igta iyo lacnada dadkoo idil! Rasuulka Alle صلى الله عليه وسلم  waxaa loo keenay dahab iyo fiddo (qalin) isku jira, markii uu  bilaabay inuu u qaybiyo asxaabtiisa baa nin reer baadiya ah istaagay oo yiri: Muxammadow! Wallaahi hadduu Alle ku faray cadaalad, uma arko inaad cadaalad sameysay!! Wuxuu yiri Rasuulku scw: ويحك من يعدل عليه بعدي؟ “hoogee! Yaa cadaalad u sameynaya aniga kadib?”.... Markii uu jeestay oo dhaqaaqay ninkii ayuu Nabigu scw yiri: إن في أمتي أخاً لهذا يقرؤون القرآن لا يجاوز تراقيهم ، كلما  خرجوا فاقتلوهم (ثلاثاً) . صحيح على شرط البخاري "السنة لابن أبي عاصم" “ummadayda waxaa ku jira kuwa la walaal ah midkan oo Qur'aanka aqrinaya uuna dhaafayn kalxantooda, mar walbay soo baxaan laaya! { saddex goor buu ku celiyay: mar walbay soo baxaan laaya!}. 

      Aqristow sida kuu muuqata saxaabiga markii loo sheegay qolada ku taagan madaxdooda durbadiiba wuu gartay inay khawaarij yihiin ee ma oran: 10 astaan ama usuul iyo furuuc badan ma ka muuqdaan!

6. Ugu dambeyn waxaa dood u baahneyn inay qaldan yihiin dadka ku koobaya khawaarijta kooxihii hore oo qura, sida laga dheehan karo qoraaga maqaalkiisa aynu diiradda ku hayno oo wuxuu ku andacooday “in khawaarijtu tira ahaan iyo siyaasad ahaanba ay maanta dunida farakutiris ku yihiin walow ay iyagu xukumaan wadanka Cumaan gaar ahaan firqada Ibaadiyada!” haddaba soo laysma waydiin karo; qoraagu waakan haraadigii Ibaadiyada tusaale u soo qaadanayee miyuusan aqoon mise wuu qarinayaa khawaarijta kale ee shartoodu ku baahday caalamka?!

Intaas kadib waxaan usoo laabanaynaa 10kii calaamadood oo qoraagu ku sheegay astaamaha ugu wax ku oolsan ama ugu tunka buuran! ee khawaarijtu leedahay! Inshaa Allaah sidaan horeyba u balanqaadnay mid mid ayaan u falanqayn doonaa, waana kuwan iyagoo u taxan sidii qoraagu u kala hormarsiiyay:   

  1. Inay qofkii danbi weyn ku dhaca sida beenta, xanta gogoldhaafka, khamriga, dilka, ribada iwm ku tilmaamaan gaal naarta ku waaraya.

    Haddaba waxaa is weydiin mudan; qof danbi wayn uu galay dartiis gaalnimo ma ugu xukumaan Alshabaab?

    Aqristow waxaa qoran ama duuban ama si kalaba loo og yahay in Alshabaab ku gaalaysiiyaan kuna dilaan dadka dabmiyo waaweyn iyo dambiyo yaryarba (mararka qaarna wax aan dambiba ahayn!). Maxaase farqiyoo u dhaxeeya kuwa ku gaalaysiiyay dunuubtaas (xanta gogoldhaafka…) iyo kuwa ku gaalaysiinaya “ in la qaato dastuur aan wada waafaqsaneyn diinta, iyo madax ama askar in loo noqdo dawladii qaadata dastuurkaas ama u ogalaata ciidan gaalo dhulka muslimiinta si ay ugu kaalmaysato dagaal ay kula jirto koox ku kacsan! “

    Haddii lagu doodo qofka gaal wali ka dhigtay gaalnimadiisa waxaa ku soo arooray aayado Qur'aan iyo Axaadiis, waxaa leenahay dambiyada horaba (sida dilka muslimka, zinada, tuugnimada, khamri cabka, ribada…) waxaa soo arooray aayado ama axaadiis ku tilmaamaya gaalnimo ama inuusan iimaan lahayn ama jannada uusan galayn ama naarta ku waarayo qofkii ku kaca dambiyadaas, waana daliilka ay ku doodeen khawaarijtii hore! Waxaana lagama maarmaan ah in la ogaado:

    • In gaalnimadu u kala baxdo gaalnimo weyn oo islaamka looga baxo "كفر أكبر" iyo gaalnimo yar oo aan islaamka looga bixin "كفر أصغر أو كفر دون كفر" sidaasna waxaa qabay asxaabta nabiga صلى الله عليه وسلم oo uu ka mid ahaa Cabdullaahi ibnu cabbaas رضي الله عنهما . Sidoo kale waa in la kala qaadaa sida culimaduba yeelaan oo si cad loo qeexaa macanaha wali ka dhigashada gaalada loola jeedo, ee aan la oran qof kastoo gaal la tacaamulaba wali buu ka dhigtay!
    • Inaysan isku raacin dhammaan khawaarijtii hore in lagu gaaloobayo dambi kasta oo wayn, oo qolada Ibaadiyada la yiraahdo ( waxay ku abtirsadaan Cabdullaahi ibnu Ibaad) ma qabaan inuu diinta ka baxayo qofkii dambi weyn ku kaca, {ka fiiri kitaabka "الملل والنحل" للشهرستاني} saas oo tahayna cidi kama aysan saarin liiska khawaarijta oo waxay ka mid yihiin khawaarijta kooxaha ugu caansan.
    • Inay isku waafaqsan yihiin khawaarijtii hore iyo kuwaan dambaba dunuubta qaarkeed ay wax ku gaalaysiiyaan, sida inuu gaaloobayo (si aan kala sooc lahayn) xaakimkii aan si buuxda ugu maamulin shareecada islaamka loona daliilsado aayadda Qur'aanka ah  "ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولئك هم الكافرون" oo macnaheedu yahay “ ciddii aan ku xukumin wuxuu Alle soo dajiyay waa gaalo, culimaduna way kala qaadaan gaalnimadan aayadu sheegtay halka khawaarijtu ka dhigaan gaalnimadii weynayd ee diinta looga baxayay.

    Wuxuu yiri Al-imaam Ash-shaadibi: inay khawaarijtu u daliisadaan gaalnimada qofka xukunka haya hadalka Alle "ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولئك هم الكافرون" casrigaan ma dhalan, ee khawaarijta casrigeenu waxay ka soo wariyeen (oo ka soo gaareen) shuyuukhdoodii hore ee ahaa khawaarijtii ku fallaagoobay amiiral mu'miniin Cali ibnu Abii daalib “quluubtoodu waa isku ekaatay” "تشابهت قلوبهم".

    Fu'aad Khalaf oo ka mid ah horjoogayaasha kooxda Alshabaab wuxuu yiri: … boliiska kuwaa koobiga u bixiseen waa murtadiin! Kuwa barlamaanka ku jiraa waa murtadiin! Madaxweynuhu waa murtad! Raiisul wasaaruhu waa murtad! Wasiirada kuwa ahi waa murtad! … haweenayda la joogtaa way ka furantaa.. ilma zina ah ayay dhalaysaa... dadka muslimiintaa waxaa ku waajib ah aragti inay ku dilaan... dabiixada (neefka) ay qalaan lama cunayo waa bakhti oo kale… kun jeer hadday ashahaataan waa la dilayaa haddii lagu qabto dagaal!!!  

    Halkan Ka dhageyso Codkii Fuaad Shongle uu Saas ku lahaa

  1. Saxaabadii nabiga صلى الله عليه وسلم oo ay qaar ku tilmaamaan khaa'iniin ama gaalo sida Cuthmaan, Cali, Dalxa iyo Caaisha iyo kuwa kalaba رضي الله عنهم.

    Khawaarijtii gaalnimada ku xukumay Cuthmaan, Cali iyo Mucaawiya رضي الله عنهم  sababta ay ugu xukumeen waxay aheyd iyagoo u arkay maangaabnimadooda in saxaabadaas (oo madax ahaa) ka leexdeen kitaabka ama xukunkii Alle!! {sidoo kale Dalxa, Zubayr iyo Caaisha رضي الله عنهم waxay madax ka ahaayeen ciidankii reer Basra ee daba joogay kuwii Cuthmaan dilay رضي الله عنه}. Waxaana horey ugu soo sheegnay qodobka 5aad ee ararta maqaalka in saxaabiga Cabdullaahi ibnu Camar رضي الله عنهما markii loo sheegay khawaarijtii dhaleecaynayay madaxdooda inuu usoo qaatay ninkii dhaleceeyay nabiga صلى الله عليه وسلم ee ku tuhmay cadaalad darrada! Marka maxaa diidaya in nimanka gaalaysiinaya oo khiyaanada ku tilmaamaya madaxdooda loo soo qaato raggii gaalnimada iyo khiyaanada ku tilmaamay madaxdooda saxaabada ahaa?!  

  1. Sunnada nabiga صلى الله عليه وسلم oo ay inkiraan haddaysan waafaqin shuruudo ay dajisteen.

    Khawaarijtu waxay diidi jireen sunnada ama axaadiista ay u arkaan inay ka hortimid ama khilaaftay fahamka Qur'aanka uga muuqday. Mana jirto qolo ahlubidca ah oo wada rumaysan axaadiista nabiga صلى الله عليه وسلم kuwa si qaldan u macneysta iyo kuwa toos u dafiraba. Waydiiya Al-shabaab ma ku dhaqmeen axaadiista reebaysa dhiiga qofka tukada iyo guud ahaan muslimiinta? Ma hirgaliyeen axaadiista ka digaysa in muslim la yiraahdo gaal ama cadow Alle? Ma fuliyeen axaadiista reebaysa in la dilo haweenka? Ogoowbee waa haweenka gaalada ah, bal ka warrama dumarka loo dilay askari baa shaah ka cabay!   

  1. Dirirtooda oo ku wajahan muslimka, gaaladuna ka badbaado.

    Dagaalka Alshabaab wuxuu ku wajahanyahay dad ashahaadanaya inta aan ka warqabno, ogaada gaalada ay leeyihiin waan la dirirnay sida Itoobiya Uganda Burundi waxay ula dirireen inay dawladda kumeel gaarka ah difaacayaan. May aadaan Kenya ama Itoobiya, hadday doonayaan gaala haysata dhul muslim?! Inaysan muslimiintu xuduud kala lahayn soo kuma celceliyaan mar walba?! Waxaa intaa dheer marka ciidamada Itoobiya usoo tallaabaan gobolada soohdinta la leh sida Hiiraan, inaysan Alshabaab u dhaqaaqin, halka ay u heellan yihiin ladagaalanka ciidamada dawladda iyo ururka Ahlusunna waljamaaca! Sidoo kale dagaalkoodu wuxuu ku xoog badan yahay gobolada ama xaafadaha gaaladu joogin, iyagoo ka warwareegaya gaalada dhawrka tallaabo u jirta ee daggan kulliyada Jaalle Siyaad tusaale ahaan?!! Waxa ay dagaalka ku sheegaana waa uun 5 daqiiqo oo meel fog ay wax uga tuuraan deetana ku cararaan gawaari dheeraysa, iyagoo isku bannaynaya maatida iyo madaafiicda jawaabta u ah madaafiicda ay tuureen oo iyada qudheeda ku laysa dhinaca kale muslimiin badan!

    Dhageyso afhayeenka Al-Shabaab Cali dheere oo Cadeynaya in dagaalkoodu ku wajahanaa Muslimiinta

    Culimada qaarkood markii ay fasirayeen sababta uu nabigu صلى الله عليه وسلم khawaarijta ugu tilmaamay “eyda naarta” "كلاب النار" waxay sheegeen laba macno oo kala ah :

    • Eygu markii uu gaajoodo dib ayuu isugu soo laabtaa oo sayntiisuu cunaa!
    • Qaylada eygu waxay soo horkacdaa cadawga oo dadkii lahaa buu balo usoo jiidaa!

Taasoo macnaheedu yahay in khawaarijtu cadaw walba uga dhib badan yihiin muslimiinta, mar ay kusoo gurya noqdaan oo gacantooda ku laayaan muslimiinta iyo mar ay usoo horkacaan cadaw laaya! Loogamana baran lagana sugi maayo inay gaalada ka lib keenaan oo islaamka guul usoo hooyaan, saa waa koox lunsanee.

 Ibnu xazmi (culimadii hore midkood) wuxuu yiri: “Ogaada -Allaha idiin naxariistee- dhammaan kooxaha lunsan Alle gacmahooda kheyr kuma keenin,  tuulo ka tirsan wadamada gaaladana laguma xoreyn, calan islaamna laguma kor yeelin, iskana dhaafimaayaan inay ka shaqeynayaan afgambinta nidaamka islaamka, oo kala dhantaalayaan kalimada (midnimada) mu'miniinta, oo seefta usiibanayaan ahlu diinka, oo dhulka fasaadinayaan”.

قال ابن حزم - رحمه الله - : واعلموا رحمكم الله أن جميع فرق الضلالة لم يجر الله على أيديهم خيراً ، ولا فتح بهم من بلاد الكفر قرية ، ولا رفع للإسلام راية ، وما زالوا يسعون في قلب نظام المسلمين ، ويفرقون كلمة المؤمنين ، ويسلون السيف على أهل الدين ، ويسعون في الأرض مفسدين . "الفصل في الملل "

5. Jahli iyo diinta oo loo fasiro si aan xaqa waafaqsaneen, lana adkeeyo wax aan mudnayn in la adkeeyo.

    Xagga jahliga marka laga eego Al-shabaab waxaa la oran karaa waa qolada ugu aqoonta yar kooxaha islaamiyiinta sheegta ee Soomaaliya. Ma ku jiraa hal caalim oo iftoon kara oo ka jawaabi kara masaaisha diinta ee kala duwan? Annagu ma ogin haddii cilmi laga dhigayo hebel waa gaal, ama qolo heblaayo waa murtaddiin!  Midda ah in diinta loo fasiro si aan xaqa waafaqsaneyn, Tusaale waxaa usoo qaadan karnaa markii mid Al-shabaabaa naftiisii uu ku halaagay dad muslimiin ah oo uu ka mid ahaa Allah ha u naxariistee Cumar Xaashi, wuxuu sheegay afhayeenka Alshabaab inay fulinayeen amarka Alle oo ah "فقاتلوا أئمة الكفر" "la dirira madaxda kufriga!!".

    Halkan ka dhageyso Afhayeenkooda oo Saas ku hadlaya 

  1. Haweenka oo ay ku waajibiyaan inay soo qalleeyaan salaadihii dhaafay intii dahaaradu ka jabneyd.

    Waxay khawaarijtu saas u yeeleen iyagoo u qaatay qalla la'aanta salaaddu inay ka hor imaanayso  Qur'aanka, oo waxay la xiriirtaa calaamadda 3aad ee sunnada ku saabsan oo aan horay uga soo hadalnay. 

  1. Magacyada iyo tilmaamaha Allaah oo ay ta'wiiliyaan (marin habaabiyaan).

    Khawaarijtii hore sida Muxakkimadii uula diriray Cali رضي الله عنه ma aysan diidin magacyada iyo tilmaamaha Alle, si xunna uma ta'wiilin jirin, waagaasna mas'aladaan murankeedu ma taagneen, Ibnul qayyim ayaana ka mid ah culimada  caddeeyay in khawaarijtu sugi jireen oo rumeysnaayeen magacyada iyo tilmaamaha Alle. Marka khawaarijnimo loogama baxsado waxaan ogalahay magacyada iyo tilmaamaha Allaah!  

  1. Ahlu cilmiga oo laga fogaado lana xaqiro.

  1. Midowga muslimiinta iyo madaxdooda in guluf colaadeed lagu kiciyo, iyagoo ka duulaya inay gaala yihiin.

    Inta aan la isla gaarin madax kale, soo Al-shabaab kama goosan ururkii dhalay ee Al-ittixaad? Soo kuma aysan fallaagoobin midowgii maxaakiimta ee ay ka tirsanaayeen? Soo iminka la diririmaayaan guddoomiyahoodii ay shalay baycada la galeen? Qodobkaan ku dheeraan mayno waayo waa soo faafaahinay gaalaysiinta iyo dagaalka ay ku hayaan muslimiinta, waana laga dheregsan yahay sida ay u tala marooqsadaan dadka talada leh culimo iyo madaxba (أهل الحل والعقد). 

  1. Suuradaha Qur'aanka qaarkood oo kooxo ka mid ahi diidaan sida suuratu yusuf.

    Qoraaga qudhiisaaba sheegay inay wada qabin khawaarijtu, waliba hal qolo oo la yiraahdo Cajaarida yaa laga sheegay. 

Aqristow sida noo caddaatay 10ka astaan ee qoraagu sheegay waxay isugu biya shubteen; qaar badan oo si cad uga muuqda Alshabaab iyo qaar yar oo aan astaan guud loo qaadan Karin oo koox ka mid ah khawaarijta gaar u lahayd, horeyna waan usoo sheegnay inay shardi ahayn in calaamadaha laga wada helo.  

Tilmaamo uu qoraagu ka tagay! 

Khawaarijta waxay kaloo ku tilmaaman yihiin calaamado ka sugnaaday nabiga صلى الله عليه وسلم iyo saxaabadiisa:

  1. Waa da'yar "أحداث الأسنان" (shabaab ama dhalinyaro).
  2. Caqli yar "سفهاء الاحلام".
  3. Astaantoodu waa madax xiirasho "سيماهم التحليق".
  4. Waxay soo baxaan xilli dadku is khilaafsan yahay "يخرجون على حين فرقة من الناس".
  5. Hadalka ayay wanaajiyaan ficilkana way xumeeyaan " يحسنون القيل ويسيئون الفعل".
  6. Qur'aanka ayay aqrinayaan iyagoo moodaya inuu la jiro wuuna ka soo horjeedaa! "يقرؤون القرآن يحسبون أنه لهم وهو عليهم".
  7. Qur'aanka ayay aqrinayaan, qiraa'adiinu waxba maahan marka loo eego qiraa'adooda! Salaadiinuna waxba maahan marka loo eego salaadooda! Soonkiinuna waxba maahan marka loo eego soonkooda! "يقرءون القرآن ، ليس قراءتكم إلى قراءتهم بشيء ولا صلاتكم إلى صلاتهم بشيء ولاصيامكم إلى صيامهم بشيء" .

    Al-aajuri (culimadii hore mid ka mid ah) wuxuu yiri: uma habboona qofkii arka dadaal (uu sameeyay) khaariji ku kacay imaam (madaxweyne ama boqor) caadil iyo jaair kuu ahaadaba, oo inta baxay urursaday koox, seeftana gasha kala baxay, bannaystana dirirta muslimiinta, uma habboona qofkaas inuu ku kadsoomo (ku sirmo) qur'aan-aqrinta khaarijigaas, salaad dheereyntiisa, soon badnidiisa iyo hadal qurxoonaantiisa xagga cilmigaa, marba hadduu mad-habkiisu yahay mad-hab khawaarij.

    قال الآجري - رحمه الله - : فلا ينبغي لمن رآى اجتهاد خارجي ، فد خرج على إمام عدلاً كان أم جائراً ، فخرج وجمع جماعة ، وسل سيفه ، واستحل قتال المسلمين ، فلا ينبغي له أن يغتر بقراءته للقرآن ، ولا بطول قيامه في الصلاة ، ولا بدوام صيامه ، ولا بحسن ألفاظه في العلم ، إذا كان مذهبه مذهب الخوارج . "الشريعة"

  1. Cabdullaahi Ibnu Cumar رضي الله عنهما wuxuu u haystay khawaarijta kuwa ugu sharta badan uunka Alle wuxuuna yiri: aayado ku soo dagay gaalada bay ka dhigeen mu'miniinta. وكان ابن عمر - رضي الله عنه - يراهم شرار خلق الله ، وقال : إنهم انطلقوا إلى آيات نزلت في الكفار فجعلوها على المؤمنين . "صحيح البخاري"

Intaa waxaa sii dheer astaamaha ay sheegeen culimada u kuurgashay khawaarijta oo aad uga muuqda Alshabaab sida:

  1. Madaxda muslimiinta oo la khaarajiyo.
  2. Qofka la dilayo oo aan lagu ixtiraamin goobaha iyo xilliyada barakaysan {Cali رضي الله عنه waxay ku dileen iridda masjidka bil Ramadaan}.

    Hana halmaamin summadihii laga helay ee ku  jiray 10kii astaamood ee qoraagu sheegay.  

Jawaabtii Alshabaab ma khawaarij baa? 

  • Alshabaab mar hadday yihiin dhalin yaro, caqli yar, fahamkooda diintu liito, dad muslimiin ah gaalay siiyay, dhiigooda bannaystay, ku laayay irdaha masaajida, ku fasiray aayadihii gaalada muslimiinta, madaxda la diriraya, culimada wax ka maqlayn, soo baxay xilli khilaaf taagan yahay…
  • Mar hadday qirteen inay la jaal yihiin isbahaysiga khawaarijta caalamka ee Alqaacida, imaamkooduna yahay Usaama bin Laadin (hogaamiyaha khawaarijta casrigaan). Shabaabka mid ka mid ah horjoogayaashooda  wuxuu u jeediyay muxaadaro uu cinwaan uga dhigay “ labbayka yaa Usaama!”.

Wuxuu ku qancayaa qof walba oo Alle ugu deeqay caqli, cilmi iyo caddaalad inay Alshabaab yihiin koox khawaarij ah, in badan oo ka tirsan culimada soomaaliyeedna waa isku raacsan yihiin arrinkaas, walow ay badankoodu ka gaabsadeen inay fagaare ka sheegaan, sababo ammaan oo qof kastaabi og yahay awgood, mar dhowna waxaan Allaah ka rajeynaynaa inay sababahaas suulaan, oo xaqqa meel kasta lagu caddeeyo. 

Sidaas ayayna HAA ku noqotay jawaabtii Alshabaab ma  khawaarij baa?

Waxna uma tarin isku daygii qoraagu isku taxlluujiyay inuu uga weeciyo ama uga duwo khawaarijnimada, waayo kuma uusan difaacin xujjo cad oo looqaateen ah aan ka ahayn inuu taxay 10kii tilmaamood ee aan soo falanqaynay. 

      Ugu dambeyn waxaad ogaataan in qoraaga  qudhiisu ka marnayn khawaarijnimo, waayo wuxuu adeegsaday kalimada Ashahaada ladirir oo ka dhigan inay gaala yihiin hogaamiya kooxeedyadii ay midawgu maxaakiimtu la dirireen, taasina waa takfiirnimadii lagu yaqaanay khawaarijta, oo ay u dheer tahay inuu khawaarijta ugu dooday aqoon darro iyo xaglin xaq darra ah, culimaduna waxay u yaqaanaan dadka aaminsan afkaarta khawaarijta dagaaladana u raacin “khawaarijta fadhida ama fadhi-kudirirka ah!!”

Cabdullaahi ibnu Muxammad Ad-daciif oo ka tirsanaa culimadii xadiista, wuxuu yiri: “khawaarijta waxaa ugu liita oo ugu xun khawaarijta fadhida”. " (قعد الخوارج هم أخبث الخوارج ). 

Intaas baa ku soo gunaanadaynaa jawaabteena, Allahna waxaan weydiisanaynaa inuu nagu sugo xaqqa.

Halkan ka Aqriso Qoraalkii Cabdiraxmaan Abyad ku Difaacayay Al-Shabaab

Axmed Naasir

hamar1@live.com

30 Comment(s)

muscab   xamar

10:06am on Wednesday, August 18th, 2010

waxaa tihiin tuugo rabi ka furatay

muscab   xamar

10:06am on Wednesday, August 18th, 2010

waxaa tihiin tuugo rabi ka furatay

cabdi   usa

10:20pm on Tuesday, July 27th, 2010

"AL Qaafilatu Tasiir wal Kilaabu Tanbax".

miisaanka iyo qoloyinka kale ee aan rabin xaga maxaa sharci ahaan sax ah, ee aay tahay in laga fiiro kalimadda culimada waxan idin leeyahay waxbo ha inoo kala fadhilina culimada, waxa idinka muuqdaa maaha Nifaaq kaliya iyo in aad kala jeceshihiin waxadse ka faaiideysaneysaan qaladaadka culimada ka dhex jira ee kaliya waxad rabtaan shekh aad ku awr kacsataan oo gaalada kaalmeysigooda idin baneeya sida (Popka, Vatikaanka)waxa aad intaas oo dadaal u bixineysan waa wax uun isku aadista aad ku qancisan naftiina iyo hawadiina, kuna qaldi kartaan Caamada iyo shaqsiyadka aan sax iyo qalad u kala soocneyn. oo kaliya raadinaya sheikh mar uun u qaldama si xaaraanta aay faraha kula jiraan ugu sheegaan shekh baa xalaal waaye dhahay iyagoo kitaabka allaah ka aqrinaya xaaraanimadeda!! inkastoo aan umalay inaad kitaab akrisaan.

somalimemo. com somalimidnimo. com

ugu danbeyn marka la eego xaaladaha jira iyo markastaba waxa aan ugu baahi badanahay waxay tahay in allaah inagu sugo xaqa nagu nooleyo naguna dilo. idinka nah inuu allah ´ni hanuuniyo misa ni ciqaabo...

illaah baan weydiisaneyna caafimaad.

irshadin   garisa

7:47am on Monday, July 26th, 2010

alshabab way ficantahay lakin waxay ku xuntahay dadk ay iska leneyso abtigey on waxba kagalabsanin bay si sharci dara ah udeleyn

Sh Macruuuf Macain   Galkacyo

10:02am on Sunday, June 27th, 2010

Hadii Qurunkiii SInadiiii Qamrigii La idin Kareebay Ma waxaad Bilaawdeen Cay Iyo In AAd Dhadaan KHAWAArij war Ilahay Ka Baqa OOO umadiisa Unabd Galiyo Diinta Islamak Ayaa La Idin Ku DHaqayaaa Sharecyo Shirka Iyo Qabri Gal Ka Baa laidin ka reebaya ILhaay Waxaa Ka baryeenaaa In SHababa UU Xaqa Waa Fajiyo inta Ka dhiman OO U fududueyo

سعةش   usa

4:39am on Tuesday, May 25th, 2010

halow

c/rashiid   hargeysa

6:35pm on Wednesday, May 19th, 2010

kuwaleh waa murji ininmo hadalkani waa axsaabta itixadka ah ee dhiga muslimka baneystay wax kale iskadaye caalim muxadiska ah ee shiikh albani ayay qaar yidhaahdeen markuu udiday khawaarijnimada ayay yidhaahdeen waa murji i ee axaadista uun uusexeexiyo kaqata caqidadana haakaqadaninan waa layaqannaa cidda hadal ahlusunnaha kusheegta mur ji inimada wanan kufaraxsanahay maqaalka ilahay khay iyo miisanka xasanaadka hakuugu daro

c/qaadir   bosaso

6:30pm on Wednesday, May 19th, 2010

waar ilahay inuu umadda kasoo qabto jaahilka xassaan xuseen ubarya umadda muslimka ahi meelkastooy joogto iyo ka dabada kjasoo diraya ee isagu kudhici waayey inuu hadlo

salaan   muqdisho

6:28pm on Wednesday, May 19th, 2010

amiin amiin ilahay hanaga soo qabto waa bar yeeynaa

yaasiin   burco

6:26pm on Wednesday, May 19th, 2010

walaal waxa fidnada wadaa waa xisbiyada sidaal itixaad iyo tay dhashay ee ah alshabaab iyo xisbul islaam labadaba waxa dhalay al itixaad ma ictisaam waa isku mide iyo qolada kale suufiyada ah ee iskumagacaowday magaca dhaalalayaa ahlusune waxab akagama sugnee ilahay umadda hakasoo qabto wsc wr wb

fawsiya xaan   burco

10:50am on Friday, May 14th, 2010

walal layaal gabi ahaan waani waa fitno sow marka mafiica in qofkastaa inta uusan hadal hota isagu is xisaabiyo, tan kale waxaan filayaa maanta maba jirto culimo loo laab taa waayo waxaa nin kas taa diin tii u adeeg saday danihiisa gaar kaa waana waxa laga yaabay waxaan ALLAAH kabar yay naa in uu diinta dad ukeeno ka run sheega sabab too ah waxay ka dhigeeen kuwa hada joogaa waxa laga naxo lana nacsiiyo dadka islaamka dadkakale walal layaal fakara oo maxaa kaliya ku koobay dagalada,isdilka ,barakaca,caaLamu islaam? waasu aal aan laheen jawaab.... hadaba madhihi karnaa waxaa kadan baysa gaalo iyadoo ladaliisha naayo aayaad axadiis lagu dilo qof muslima waxaan ku soo koobayaa diinta ALOW DAD UKEEN KARUN SHEEGA

fawsiya xaan   burco

10:42am on Friday, May 14th, 2010

walal layaal gabi ahaan waani waa fitno sow marka mafiica in qofkastaa inta uusan hadal hota isagu is xisaabiyo, tan kale waxaan filayaa maanta maba jirto culimo loo laab taa waayo waxaa nin kas taa diin tii u adeeg saday danihiisa gaar kaa waana waxa laga yaabay waxaan ALLAAH kabar yay naa in uu diinta dad ukeeno ka run sheega shabab too ah waxay ka dhigeeen kuwa hada joogaa waxa laga naxo lana nacsiiyo dadka islaamka dadkakale walal layaal fakara oo maxaa kaliya ku koobay dagalada,isdilka ,barakaca,caamamu islaam? waasu aal aan laheen jawaab.... hadaba madhihi karaa waxaa kadan baysa gaalo iyadoo ladaliisha naayo aayaad axadiis lagu dilo qof muslama waxaan ku soo koobayaa diinta ALOW DAD UKEEN KARUN SHEEGA

maxamed   burco

5:38pm on Wednesday, May 12th, 2010

asc anigu waxaan leeyahay ilahay alshabab iyo waxay dabada kuwadto ilahay haksoo qabto umadda iyo jaahilka lagu magacaabo xassaan ee taakfiriga ah

jacfar   burco

5:16pm on Wednesday, May 12th, 2010

asc bacda salaan waxaan sibuuxda ugu qanacsanahay ahna xaqiiqada qoraaga qoraga axmed nuur ma aqaano laakiin xaqa ayaa mudan in laraaco

jacfar   burco

5:16pm on Wednesday, May 12th, 2010

asc bacda salaan waxaan sibuuxda ugu qanacsanahay ahna xaqiiqada qoraaga qoraga axmed nuur ma aqaano laakiin xaqa ayaa mudan in laraaco

xamse   holand

6:39pm on Monday, May 3rd, 2010

walaal alshabaab waa koox arrimihii muslinka u dhexeeyay rabta in ay la keli noqoto,
waxaan ka wadaa xagga maamulka dowladnimo oo ay waajib tahay inuu ku yimaado si
wada tashi ah, oo ahlulxalli walcaqdigu wada go'aamiyaan.
Iyagu waa kuwa amiir gaar ah sameystay oo lugu magacaabo mukhtaar abuzubeyr.
Muslinkana in kooxo kooxo xukun isku haysta loo kala gooyo ma bannaana, oo aaydo
iyo axaadiith badan ayaa arrintaa diidaya. Waxaad arrintaa ugu noqotaa kitaabka la
yiraahdo ataxdiir mina tafarruqi walxizbiyah.
xukun doonkaasi wuxuu ku riixay inay gaalnimo ku xukumaan kooxo kale oo ay fikir
ahaan kala duwanaadeen, sida Shariif sheekh Axmad maalin dhoweyd lugu gaaleysiiyay
inuu gaalo la fariistay, gaalnimo ku xukminta dadka muslimka ah waa arrin khatar
badan oo diinkaada dhaawac weyn u geysanaysa haddaad ku qaldanto.
Nimankan waa niman caadifad iyo xamaasad wax ku dhisa, iyo video yaal la fiirsado,
muslinka gaalo ku gummaadeyso, ama dad shabaabku ku daydaan oo dad muslin ah
laynaya ama gowracaya.
Waxaana culimo u ah:
Abuuqataada al falstiini oo ingiriiska ku nool luguna yaqaan fatwadiisi caanka ahayd ee
uu ku bannaynayay in saqiirrada lugu gowrici karo aljeeriya, fitnada halkaas ka
socotana dadka huriya kuwa ugu waaweyn ku jira.
waxay kaloo sheekh u haystaan Abuumuxammad Almaqdasi (cisaam alburqaawi), kana
mid ahaan jiray marki hore kooxda muxammad suruur, kadibna ay iska ceyriyeen
markii uu ku talax tegay gaaleysiinta muslinka iyo in dhiiggooda la banneysto, waana
ninka allifay alkawaashifuljaliya fii takfiiridowladti sucuudiya, oo jahli iyo talaxtag ku
dhisan. Wuxuu kale oo uu qoray kitaab la yiraahdo "millat ibaraahiim", oo isagana
gaaleysiin xaq darra ahi ka buuxdo. Ahlusunnuhuna kama ayan aammusin oo qoraallo
dhowr ah ayaa jira oo ay ku raddiyeen. Waxaana ka mid ah ragga raddiyay Sheekh
Maxamad cumar baazmuul kitaabkiisa lugu magacaabo "al rad calaa kutubin
mashbuuhah". Waxaa kale oo shabaabka culumo u ah ayman aldawaahiri iyo usaama
binlaadin oo ay dadka ku colaadiyaan haddaan la xushmeyn.
Shabaabku waxay qayb ka yihiin dadka qaba in aanay muslinku dhibka ka baxayn
haddaanay u wada istaagin la dagaallanka maraykanka, iyada oo aan la fiirinayn
awooddoodu taa ma gaarsiisan tahay mise maya.
waxay wadaan shabaabku is qarxin, ku dhufo oo ka dhaqaaq, oo aan laga fiirsan muxuu
sharcigu ka qabaa arrintaas, dhibkeeda iyo dheefteeda yaa badanna aan dan laga gelin.
Shabaabka waxaa lugu bartay in ay qofka ay gaalnimada ku xukumaan hadday u
sahlanaato ay khaarijiyaan. shaqada ay waddanka ka qabanayeen xabashida soo
gelitaankeedi ka dib iyo ka hor ba waxaa u badnaa laynta dadka ay ku sheegaan inay
yihiin murtaddiin, iyo basaasiin. xad dad laga oofiyaana waxay u baahan tahay dowlad
iyo in si saxa loo sugo xaalku sida uu yahay, haddii kale arrintu waxay noqonaysaa
jaantaa rogan, iyo qof waliba inuu gaaleysiiyo ka dibna khaarijiyo qofkuu doono.
taasina adduunyo iyo diinuba ku dhaqnaan mayaan, oo ammaan la heli maayo.
Qofka muslinka ahina waa midka ay muslimiintu ka nabad galaan afkiisa iyo addinkiisa
sida Rasuulku (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye) uu sheegay.
Abuumansuur al bagdaadi wuxuu ku yiri kitaabkiisa usuuluddiin 340: dadka aan
madaxda ahayni xaq uma lahan in ay murtad dilaan, oo xad ka oofiyaan.
Ibnutaymiyana wuxuu ku yiri kitaabkiisa mukhtasarul fataawaa almisriya 580: Qofna
xaq uma lahan inuu munkarki ku suuliyo si ka xun sidii hore, sida in qof intuu istaago
yiraahdo tuuggaan gacanta goynayaa, khamriya cabka ayaan karbaashayaa, xuduudda
ayaan fulinayaa, maxaa yeelay hadduu sidaa yeelo xumaan iyo dhiig daata ayaa ka
44
dhalanaya, oo qof walba intuu

6:31pm on Monday, May 3rd, 2010

Calanka dadka lugula dagaallamayo
culimadu waa ay sheegeen in ay sunno tahay calanka loo qaato jihaadka gaalada lugula
jiro, laakiin inti aan baarbaaray weli iima soo bixin iyagoo leh: midab hebel ayaa sunno
ah, xukun aan lagaaga horreynna waa khatar, in magaalooyinka muslinku deggan yahay
calan la suro, midabka uu doono ha yeeshee iyadana ma arag culimadi axaadiithta
sharaxday mid ka mid ah oo waa sunno yiri, haddaba kuwa yiri calankeenna qofki diida
sunnadi ayuu ka hor yimid, dagaal ayaana noo dhexeeya, waxaa iiga muuqata arrin aan
fiicnayn oo khawaarijta laga sheegi jiray, ahna wax bannaan in ay xaaraan ka dhigaan,
wax aan sunna ahaynna sunna ka dhigaan, wax wanaag ah xumaan laga dhigo, wax
xunna wanaag laga dhigo, intabana xiriirin iyo goyn laga dhaliyo, gaaleysiin iyo qoor
goynna lugu bannaysto. Kii khawaarij u horreeyay wuxuu eex ku sheegay qaybinti
Rasuulka (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye), kuwii Cali uu la dagaallamayna
waxay gaalnimo ka dhigeen wax bannaan oo ah in muslinki dirirsanaa la kala dhexgalo
8
oo rag loo bixiyo kala xukuma. Ragga waqtigan

xamse_jiingeli@hotmail.com   holland

6:27pm on Monday, May 3rd, 2010

a- ahlu sunnuhu maxay ka aamminsan yihiin mas'alada ah in la
adeeco ninka madaxweynaha ama amiirka ah?. (bogga 32aad).
b- Maxaa u dhexeeya jihaadka iyo fitnada? (bogga 40 aad).
c- shabaabka ma taageeri karaa? (bogga 44 aad.)
d- xisbi in la sameeyo si khilaafadi loo soo celiyo ma bannaan tahay?
(bogga 46 aad).
e- Calanka madow ee ay isticmalaan al shabaab ma sunnaa oo
nabigu calanka uu dagaallada u qaadan jiray madow miyuu ahaa?
(bogga 50 aad).
f- Xukunka islaami la raadinaayo maloo Mari karaa waxkasta oo
xalaal iyo xaraanba ah?. Haddiise meeshii loo soo carari jiray laga
cararo xaggeen u cararnaa? (bogga 54 aad).

Xasan Geelle   UK

7:02pm on Thursday, April 29th, 2010

Saalax Nairobi maxaa halkaa iyo kenya ku dhiga adigoo awooda inaad soomaaliya tagto oo aad la safato khawaarijta casriga ee shabaab, hadii aad run sheegeyso ? waxaa xaqiiqo ah inaadan raalli ka ahaateen maanta in ay nairobi xabbadi ka dhacdo iyo dhib la mid ah midka ka socda maanta Muqdisho, taas waxay kuu caddaynaysaa inaad Khawaarij-nimadii ku darsatey Munaafiq-nimo. ilaah ka baq oo khaaliqa u tawbad keen. cilmigaagu yuusan noqon hebel baa fatwooday ? war ileen wax la arag. dadku ma xishoodaano !

Hobyo man   Xamar

1:32pm on Saturday, March 27th, 2010

ALSHABAAB WAA KHAWAARIIJTA CID AAN KA WARSANAYNO MAJIRTO WAXAY RAADINAYAAN MEEL AY ISKAGA REEBAAN KALMADAA XUN EE AY YIHIIN CEEBTOODANA ILAAHAY AYAA BANAANKA SOO DHIGAY ILAAHAYNA SHAR SIDA WAHAABIYADAA OO KALE UMA OGALAA DHULKIISA WAANA FASHILMAYAAN SHA ALAAHU TACAALAA SIDA WAHAABIYADA MAGACYADA BADAN OO KALE INTA GAALKA HANFARI SHIIKH UYAHAY WAA WAHAABIYO

cabdulaziz   Sweden Stockholm

11:29am on Tuesday, March 2nd, 2010

S/alaykum
Awal Nnkan maqaalkaan qoray waa nin wax bartay dadkana waxaan leenahay wax barta warkuba waa intaas Nin aan wax baran wax makal cadayn karo waslamu laykum

saalax   nairoobi

7:47pm on Tuesday, February 23rd, 2010

murji'o waa la yaqaan walaal waa nimanka acmaasha kasaaray iimaanka ee leh camal gaalnimo ah ma jiro ....saaxiib ninka leh gaalo la kaalmaysto....dastuur daaquuti ah oo ummadda loogu beddelo shareecada laguma gaaloobo...maanu dariiqaas hayn....

tan kale waxa meesha yaal ka dooda oo difaaca nimankan mujaahidiinta ahi waxay wax ku gaalaysiinayaan waa muwaalaatul kaafiriin wa munaasaratuhum....oo ah gaalo saliibiyiin ah oo ku soo duulay dhulkeennii in mid ashahaadanayaa la saftay taasna culimadu waxay soo guuriyeen inay ijmaac tahay sida:

shiikh ibnu baaz fataawadiisa mujaladka koowaad
ibnu xazm maxallihiisa
axmed shaakir kalimataul xaq

dee na dheha kuwaasina waa khawaarij illay xujo ma haysaane ama ka dooda masaladaas...

ilaahay ha daayo mujaahidiinta nin neceb iyo nin kaleba waa soconaysaa hawshan iyo sharciga in loojihaado...salaama

addoon alle   dhulka alle

5:41am on Saturday, February 20th, 2010

Ass,c,
Maasha Allaah!!!
Khayr badan Allaah hakusiiyo, Axmed Nasir.
Miskiinkaan ku hadaaqay Murji'baad tahay, murji'adana ma yaqaan, caqiiddadoodana ma yaqaan, hase u laabto, una malayn maayee, Sharxus-sunnaha lil bar-bahaari.

Zakaria   Oslo - Norway

8:13am on Friday, February 12th, 2010

ASC.. Masha allah waxaan kaaga mahadinayaa maqaalka wanaagsan iyo qaab cilmiyeedka sharaxaad baahsan wata aad noogu deeqday dhamaan inta u saaxibka ah cilmiga iyo caqliga suuban.. ilaahay ha kuugu badalo wanaag tiro badan ..fadlan ha ka daalin fikradahaaga saxsan ee wanaagsan.. masha allah

xuseen faarax   kenya

6:41pm on Wednesday, February 3rd, 2010

asc salaan kadib waxaan lee yahay ejer iyo xasanaad aan la soo koobi karin allaha ka siiiyo sheikha waqti walba oo aad uhurtay ejer aan lasoo koobi karin allaha kaa siiyo maxaa yeelay umada nabi muxamed lagu amaanay in ay yihiin kuwa xumaanta iska reeba samaantana is fara kuwaas allaha kaa dhigo ayaan illaah kaa rajeynaa

cabdiraxmaan   Canada

1:30am on Tuesday, January 26th, 2010

Waa Maqaal cilmi iyo xaqiiq ku dhisan-- Murji'nimana ka fog.
The best Maqaal ee khawaarijta soomaaliya laga qoro

saalax   nairoobi

12:08pm on Monday, December 14th, 2009

as war horta murji'baad tahay...waayo waxad leedahay dadka yaan lagu gaalaysiin hadday kaalmaystaan gaalo oo la saftaan....maxamed cabdi wahaab ma khaariji buu ahaa....ibnu xazm maa takfiirbuu ahaa...ibnu baaz iyo axmd shaakirba waxay fatwoodeen ninkii gaalada muslimiin uga kaalmeeya inuu gaalo yahay iyagoo daliishanaya aayado fara badan.....

c/laahi yuusuf intaasay shabaab ku gaalaysiiyeen...shariifna intaas ..maxay ka waafaqeen khawaarij markaas?...mise culimadaasaa khawaarij ah?

tan culimada gabaygan sayidkii baa tiriyay uu abuu zubayr tirinayo sayidkii maa takfiiri buu ahaa agtaada ?

maanayse culimadu khaldami karin?
maanay jihaadkii badankood ka fadhiisan itoobiya iyo amisom lagula jiro ilaa maanta?

usaamaad ku sheegtay khaariji horta jadiidi baad tahay....rabiic al madkhali raggiisii..kuwaasna waan ka dheregsannahay waxay ku shaqeeyaan...salaama... ilaahay ka baq raggaas mujaahidiinta ah ee qaarkood 5 milyan ee dollar lagu dilay afkaaga ka dayso adi gaaladu 50 shilin kuguma disheen macallin aadan cayroow,axmed godaneiyo shiikh fu'aad waa daaifatul mansuura iyaga iyo askartooduba insha allaah

hassan   kenya

12:19pm on Friday, December 11th, 2009

ALLAAH war saaxibow hadalkaadi muxuu nuxur daranayahay bilaaw illaa dhamaad wax faa,iido ah aad ku sheegtay majiraan ahaantii sida siyoofinka ninkaan uu ku siyey baa kugu filnaan lahaayeen hadii aa tahay qof run qaba ILLAAHA dartiisi runta u sheeg dadka neceb qabiil iyo naceb diin wax tari maayaani

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com

Sh Fuaad Shongole:: Waxey Leeyihiin Qanyare Waa Towbadkeenay, Qanyare Ma Ogolyahay in uu Ariga ii Raaco. Towbad Ma Leh ilaa uu Xoolaha noo Raaco. (Cod Xasaasi ah)

Al-CALLAAMAH
Sh Maxamed Macalin Xasan:
Alle ha u Naxariistee: oo Noo Fasiraya Aayadaha Soonka. Dhageysi Wacan.

Al-Callamah
Sh Shariif CabdiNuur:
Ciidamada Soo raaca gaalada Intii la dagaalankooda laga wareegsan karo halaga wareegto Fatwo dhaxalgal ah + Cod.

Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.

Shariif iyo Ragiisa ka aqbali meyno Shareecada Islaamka!!!

Sh Aweys oo isqarxinta ka qaatay filimaanta Ruushka Is Qarxinta waxaan uga dayanaynaa Gaalada sida Japanka iyo Ruushka Khilaafka Kooxaha Islaamiyiinta Dhageyso Sh. Xasan Turki oo diiday Maamulka Kismaayo Khudbadii ciida fitriga 21-09-09 Dhageyso Khudbad Dhaxal gal ah
1aad| 2aad|

Nabad galyadu Waa laf dhabarka Nolasha
Sheikh Shariif iyo ragiisa
waa murtadiin gaalo ah.
Sheikh Xasan Turki

War midoowgii ka baxayeey waar kaanbooni baan ahayeey!
Sheikh Xasan Turki

garabka Asmara iyo Jabuuti dowlad islaam ah ma soo wadaan
Sheikh Xasan Turki

Inhacadde wax hub uu nasiiya ma jiraan, annagaa hubka siinay
Sheikh Xasan Turki

Annagaa Xilka u dhiibanay awoodna u maleh in uu wax saxiixo Sheikh Shariif.
Genaraalka iskii is dalacsiiyay Gen. Indha Cadde.