Qaybtii 2aad:
Sacdiya:<<Haa walaal badanaa aniga ayaa qabta, balse hadii waalidku kaa qabtaan ku dami!!>>
X.yare:<<ok macaan hurdaa ihaysa marka goormaan kusoo wacaa? hadda waan seexanayaaye?>>
Sacdiya:<<Gacalka, markasta oo aad jaanis heshid isoo wac haddaan aniga cid aan ahayn kaa qabatana sidaan kuu sheegayey samee, yaah?>>
X.yare: <<ok, habeenkii Teelka ma lagaa helaa?>>
Sacdiya:<<Haa mcn qolkaan seexdo uyuuba ku jiraa, marka anaa kaa qabanayee isoo wac>>
X.yare:<<ok inshaa’allaah caawa markaan xaafada imaado ayaan ku soo wacayaa, hadana By By>>
Sacdiya:<< haye aboowe macaan jaaw>>.
Isbarasho iyo nasiib kadib, waxay Xasanyare & qoftii Sacdiya ahayd ku kala tageen inuu soo waco.
Sacdiyo way soo tagtay, waxayna gashay shaqadii gurigooda ayadoo maskaxdeeda ka guuxayso ninkaan X.yare ah iyo meesha ay ku dambayn doonaan, xilligaas qofkii macrifadeeda kamid ah oo Sacdiya u yimaada wuu dareemayey in ay wax kusoo siyaadeen mashquulnimada iyo fikarka haysta awgiis.
Balse markii ay asxaabteedu waydiiyaan su’aasha ah: <<Sacdiya maxaa kugu cusub manta?>>
Sacdiya:<<kkk, walaal waxba wallaahi, maxaad is tiri?>>
Haddii xaalka Sacdiya halkaa marayo, ninkii X.yare ahaa muxuu ku suganyahay?
Markii uu xasan yare taleefonkii isa saaray, ayuu wuxuu bilaabay is rog-rog iyo fikir dheeraad ah oo ku aadan Sacdiyadaan cusub iyo sida uu ka yeeli doono, Balse daqiiqado ka dib wuu gam’ay, khuuro badan kadib wuxuu bilaabay inuu qarwo wuxuuna ku Tarsaasayey hadaladan:
<<Sacdiyo, Sacdiyo, waa yaab waxaa batay inamihii ku-nasiibsada ahaa, waa inaan saaxiibkeey Ilkacasana mid usoo raadiyo, laakiin aniga qoftaan ima qancin!!!>>.
La soco Qaybta 3aad, Haddii Eeebe Idmo.
W/Q:Cabdulqaadir Xasan Dooy. cabdi_doy@hotmail.com