DASTUURKA
DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA
2009
بــــســـم الــلــه الــرحــمــن الـــرحـــيـــم
Hordhac
Dadweynaha Gobollada Waqooyi Bari, waxa ay ku guuleysteen in ay sameystaan maamul uu u dhameystiran yihiin Qaybaha Dawladda, taas ooo ka dambeysay, markii waxgaradka Gobollada Waqoooyi-Bari ay shirweyne isugu yimaadeen magaalada Garowe 15kii Maajo 1998kii. Bishii Agoosto 1998kii waxaa halkaas loogu walqalay dhisme maamul cusub oo ka mid noqda Dawlad Soomaaliyeed oo leh maamul baahsan, kuna qotoma hannaanka dawladeed ee loo yaqaan habka Federaalka. Puntland waxay rumeysantahay in nidaamka Federaalka uuu yahay kan qura oo Soomaali isku raaci karto.
Dawlad-Goboleedkaas cusub waxaa loo bixiyay Puntland, magacaas oo cuskan taariikh gaamurtay, macnihiisuna yahay “Dhulkii Udugga”.
Haddaba Qoraalkani waa miraha dib-u-eegista Golaha Xukuumadda ee Dastuurka, taas oo soo martay marxalado kala duwan iyo la tashiyo wax ku ool ah, si loo helo Dastuur taabagal ah ee warcelin waafi ah ka bixinaya halka ay Puntland higsaneyso, ayaga oo isku duuban dawlad iyo dadweynaba.
Dastuurkan oo ay Xukuumadda Puntland ku meelmarisay ogolaanshihiisa cod mideysan (unanimous), taariikhdu markay ahayd 24kii Maajo 2009kii, ayaa ah nuqulka kama dambeysta ee la horgeynayo Golaha Wakiillada, si ay ayaguna uga baaraandagaan, una ansaxiyaan, dabadeedna loogu qaado afti dadweyne.
Dastuurkani waxa uu noqonayaa mid si ku meel gaar ah u dhaqangala, mar allaale iyo marka uu Golaha Wakiiladda Puntland ansaxiyo.
Dastuurkani waxa uu ka koobanyahay 141 qodob iyo hal lifaaq oo loogu magacdaray “Marxaladda Kala Guurka”, loolana jeedo isbadalka labada guddi doorasho, wuxuuna si gaar ah ugu saabsanyahay Guddiga Doorashada ee ku meelgaarka ah. Dastuurkan oo ay qodobadiisu isugu xiranyihiin mowduuc-mowduuc ayaa waxa saldhig u ah arrimaha soo socda:
1. Shareecada Islaamka.
2. Nabadgalyada iyo Xasilloonida.
3. Xuquuqda Aasaasiga ah ee muwaadinka.
4. Baahinta Xukunka.
5. Maamulka Wanaagga.
6. Habka Wadatashiga.
7. Isu dheelitiridda awoodaha Dawladda:
b. Golaha Xeer-Dejinta (Golaha Wakiillada).
t. Golaha Fulinta (Xukuumadda).
j. Golaha Garsoorka.
8. Habka Xisbiyada badan.
9. Lahaanshaha Gaar ahaaneed iyo Suuqa Xorta ah.
Waxaa sharaf iyo qadarin ii ah in aan halakan uga mahadceliyo dhammaan dadkii sida tooska ah iyo sida dadbanba uga qayb qaatay, qoraalka Dastuurka, saxitaankiisa, doodiisa iyo guud ahaan turxaan bixintiisa iyo wax ku soo kordhintiisa, soona gaarsiiyay halka uu maanta marayo, asaga oo aan qabyo ahayn, balse dhammeystiran. Waxaan si gaar ah aan halakan uga mahadcelinayaa Guddigii Dastuurka, dadweynihii qaybta ka qaatay, Golaha Fulinta (Xukuumadda) iyo Golaha Wakiilada (Baarlamaanka).
Waxaan mahad ballaaran halakan u marinayaa Hay’adda “Interpeace” oo ayadu fududeeye ka ahayd ilaa markii la unkay mashruucan, walina qayb muhiim ka ah socodka looga jiba keenayo hawshan baaxadda weyn, taas oo dhaqaale iyo farsamaba la garab taagan.
Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada ee Dimoqaraadiyeynta
Iyo
Arrimaha Federaalka
Dr. Cabdi Xasan Jimcaale
بــــســـم الــلــه الــرحــمــن الـــرحـــيـــم
Madaxa I
MABAADIIDA AASAASIGA AH EE PUNTLAND
QAYBTA 1aad
ASTAAMAHA AASAASIGA AH
Qodobka 1aad
MAGACA IYO HIMILADA
1. Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.
2. Himilada Dawladda Puntland waa taabbagelinta nidaam dawladeed oo ku dhisan wadatashi, dimoqaraadiyad, sinnaan iyo caddaalad bulsho oo waafaqsan Shareecada Islaamka, una horseedi karta dadkeeda nabad iyo xasillooni waarta iyo horumar dhinac walba ah oo ku jihaysan kor u qaadidda heerka nololeed ee dhammaan muwaadiniinta Puntland iyo ka qayb-qaadashada in himilooyinkaas ay gaaraan dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Qodobka 2aad
SARRAYNTA SHARCIGA
1. Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.
2. Dhammaan hay’adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga
Qodobka 3aad
HANNAANKA XUKUUMADDA
1. Dawladda Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, xil ayaana ka saaran hirgelinta Dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah.
2. Awoodaha Dawladda Puntland ay ku wareejin doonto dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xuquuqaha ay yeelanayso Puntland, waxa ay ku imaanayaan wada xaajood iyo heshiis dhexmara Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, laguna qeexi doono Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya.
3. Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay (ratified), dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.
4. Dawladda Puntland waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u eegto arrimaha ku xusan faqradaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee isla qodobkan, haddii:
(b) Soomaalida ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga.
(t) Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.
5. Mowqifka cusub ee ay Xukuumadda Puntland ka qaadato arrimahaas waxaa cod saddex meelood laba (2/3) ku ansaxinaya Golaha Wakiillada, kadibna waxaa loo qaadayaa afti, sida ku cad qodobka 139aad faqradiisa 1aad ee Dastuurkan.
6. Awoodda oo dhan waxaa iska leh dadweynaha, waxayna u idmanayaan mas’uuliyiin ay u xilsaartaan si sharciga waafaqsan. Mas’uuliyiinta dalku waa adeegayaal dadweyne, xilkoodana waxay u gudan karaan oo kaliya sida uu sharcigu farayo ama uu bannaynayo.
7. Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar ahaaneed.
8. Habka siyaasadeed ee Dawladda Puntland wuxuu ku saleysan yahay mabaadiida hogaamineed ee:
(b) Shareecada Islaamka;
(t) Xukunka Dadweynaha (Democracy);
(j) Maamul-wanaagga;
(x) Wada-tashiga;
(kh) Horumarinta hiddaha iyo dhaqanka suubban;
(d) Danta guud oo markasta ka horrayneysa danta gaarka ah.
(r) Tartanka xisbiyada badan iyo xukunka oo lagu baahiyo dhulka oo dhan.
9. Puntland waxay aqoonsan tahay mabaadiida aayo-ka-talinta ummadaha adduunka.
10. Puntland waxay taageereysaa in khilaafaadka caalamiga ah, kuwa cusub iyo kuwii hore u jireyba, lagu dhammeeyo wada hadal iyo hab nabadeed.
Qodobka 4aad
DADKA
1. Dadka Dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland.
2. Muwaadinnimada Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah, waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland.
Qodobka 5aad
TIROKOOBKA
1. Dadweynaha Punltland tobankii sanaba mar baa la tirokoobayaa.
2. Sharci gaar ah ayaa tilmaami doona wakhtiga iyo habraaca tirakoobka.
Qodobka 6aad
DHULKA IYO SOHDIMAHA
1. Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag.
2. Sohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen deegaannada dariska la ahaa Jannaayo 1991kii ka hor, hase yeeshee wixii khilaafaad ee hore u jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa marka Dawlada-Goboleedyada kale ay dhismaan.
3. Puntland waxay soo dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland.
4. Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda.
5. Midnimada dhulka Puntland waa muqaddas, lama kala qaybin karo, lagumana xadgudbi karo.
Qodobka 7aad
AFKA
Afka-Soomaaligu waa afka rasmiga ah ee Dawladda Puntland, afafka Carabiga iyo Ingiriiskuna waa kuwa labaad.
Qodobka 8aad
DIINTA
1. Diinta Islaamku waa tan kaliya ee Dawladda Puntland ee Soomaaliya.
2. Diin aan tan Islaamka ahayn laguma faafin karo dalka Puntland.
3. Qawaaniinta iyo dhaqanka bulshada waxaa saldhig u ah diinta Islaamka.
Qodobka 9aad
MAGAALO MADAXDA
1. Magaalo madaxda Dawladda Puntland waa Magaalada Garoowe waana fadhiga dawladda.
2. Magaalo madaxda waxaa lagu dhaqayaa xeer u gaar ah.
Qodobka 10aad
CALANKA, ASTAANTA IYO HEESTA DAWLADDA PUNTLAND
1. Dawladda Puntland waxa ay yeelan doontaa Calan, Astaan iyo Heesta calanka oo u gaar ah.
8 Comment(s)
waqooyibari hilaah sweden | 9:59pm on Sunday, August 29th, 2010 |
maasha,allaah ilaahay ha daayo gobolada Puntland ama waqooyibari iyo calankooda billicda qurxoon |
marsoo dhac sud | 10:21am on Wednesday, June 2nd, 2010 |
waxa wax lala yaabo ah butland waa dowlad &somaliland waa dowlad dowladda sheekh Shariif Xahee dolad katahy?maxaase loo diidan yahay midnimadda?
Jawaab
|
cabdi xakiin shariif magaalada muqdisho | 11:49am on Friday, May 21st, 2010 |
in la igu caawiyo si aan udiyaariyo dastuur soomaaliyeed oo sax ah |
Anonymous Location unknown | 9:49pm on Monday, April 26th, 2010 |
Djmaquuste digniin bixisaye bal dardarana ku dar punland ha jiro ha joogto cadawgeda cagteda hoosteda alle haka dhigo somalia alle dawlad qaran ha udhiso goosasho ma yelayno lakin |
djmaquuste nairobi | 11:25pm on Tuesday, February 2nd, 2010 |
wax puntland la dhaho iyo somaliland majiraan soomaaliya waa soomaaliya marka riyada kasoo laabta baan idin oran lahaaaaaaa oo aan dalka wada dhisano waanaga wada dhaxeeyaaye waa iga digniin |
PUNTLAND HOLAND | 3:25pm on Wednesday, December 16th, 2009 |
WAXAAN AHAY NIN WEYNOO WAAYO SO JIRAAN AHAY ILAA SAMANKII WIILWAAL HADBA MAAMULKA KII WACAN SOO MAAMULAAN AHAY
WARYAA SOOMALI SIYAASADO MAA IN AAN QURI SIDANO WARYAA SOOMALI SIDEEDABA MAAHA SIYASADI MAAHA IN AAN QURI SIDANO
HADII AAN NAHAY REER PUNTLAND MANTA WAXAAN DEGAN NAHAY DEEGAANKA UGU KHAYRADKA BADAN EE AFRIKA XATA MAAHA
SOOMLIA WAA AFRIKA CIDNA UMA AAN BAAHNI WAXAAN MAANTA YEELAN DOONAA DOWLADA MADAX BANAAN
WAAD NA ARKI DOONTAN
MA IHI TAN SOMLILAAN OO KALE WAXAAN ANIGU LEEYAHAY KHAYRAAD BAD IYO BIRI
HADIII AAD MANTA REER KOONFUROW AAD WUXUUSH SII NOQONAYSAAN ANAGU WAXAAN GAARNAY AMAR KAMA DAMEN AH
|
jaamac dhega boosaaso | 10:06am on Tuesday, December 15th, 2009 |
Qurbajoogi naguma been abuuran karto haddeydinnaan dooneyn inaad qaxdaan joojiya waxaad waddaan oo ah goosashada lacagtiinna iska gurtoo |
ina jabbuuti garoowe | 10:03am on Tuesday, December 15th, 2009 |
walaalayaal inaga ciise moxamuud ahmaleynaga yeelayaa ineynu oyno puntland ileen dadka kale ogolae |
Miisaanka.com miisaanka@gmail.com