Dadweynaha ku dhaqan Bay iyo Bakool ayaa tabay Afhayeenkii hore ee Xarakatu Shabaabil Mufsidiin Abuu Mansuur kadib dhibaatooyin joogta ah oo rukun ka noqday goboladaas sidii Mr.Abuu Mansuur xilka looga qaaday.
Xarakatu Shabaabil Mufsidiin ayaa gabi ahaanba badashay siyaasadii dabacsanayd ee Abuu Mansuur ka waday goboladiisa iyo maamuladii uu ka tagay.
Mr.Abuu Mansuur ayaa mudadii uu awooda ku lahaa gobolada Bay iyo Bakool si gooni ah u hormarin jiray masaalixda shacabka ku dhaqan goboladaas ee ay isku heybta yihiin, asagoo talada ka qeyb galiyay dadka deegaanka, ogolaadayna howlgalida Hay'adaha Samafalka.
Waxaa xusid mudan in Mudadii Abuu Mansuur talada gacanta ku hayay aan wax dhibaataa lagula kicin dadka deegaanka, dadkuna dareemi jireen jawi ay ku dheehan tahay farxad iyo nabad, arrimahaas ayaa si toosa uga hor imaanayay siyaasada madaxda xarakada ee Axmed Godane iyo Fuaad Shongole oo ayagu ka soo jeeda Gobolo nabdoon ayna dhibayso nabada gobolada kale.
Axmed Godane iyo Fuaad Shongole ayaa Bay iyo Bakool ku soo rogay siyaasad ka baxsan bani'aadanimada, waxaana si joogta ah ay uga wadaan dil bareer ah, jirdil, dhac iyo falal kale oo fool xun.
Dhalinyaro badan ayaa noloshooda ku waayay kadib markii loo jeedshay eedaymo ay ka mid tahay u jaajuusida dowlada Islaamiga Somaliya.
Sidoo kale Hay'adihii samafalka ayaa banaanka loo baxshay, waxaana la bahdilay Odayaal dhaqameedkii deegaanka oo laga dhigay dad aan talo iyo sharafba lahayn.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo ay noo suura gashay in aan si hoose u waraysano ayaa noo sheegay in ay cadaab galeen sidii Abuu Mansuur loo rafacay.
Guud ahaan xaalada bani'aadanimo ee labadaas gobol ka jirta ayaa aad u liidata, waxaana laga cabsi qabaa in ay dhacdo hadii aan laga soo gaarin gaajadii bilowgii sagaashameeyadii.
Abuu Mansuur ayaa horay loo shaaciyay in uu noqday ku xigeenka Axmed Godane inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay, waxaase la rumaysanyahay in uu yahay nin ay ka qaalib noqdeen Godane iyo Shongole una muuqda mid aan wax ka qaban karin dhibka lagu hayo reer tolkiis.
Booska Afhayeenimada Xarakatu Shabaabil Mufsidiin ee Abuu Mansuur laga qaaday waxaa iminka ku fadhiya Cali Dheere oo ah nin aan xisaabtameyn oon garaneyn masaalixda dadkiisa iyo gobolkiisa, waana nooca ay ka faaidaystaan Godane iyo Shongole, haday dhacdo in Afhayeen Cali Dheere isku dayo ka shaqeynta masaalixda dadkiisa waxaan shaki ku jirin in uu marayo wadadii Abuu Mansuur.
abu binyaamin uk | 12:32am on Sunday, August 29th, 2010 |
asc musliminta o dhan sln kadib walalayal arintana wa arin sax ah mana aha in indhaha laga qarsada wariya so qorayna waxan lenahay kheyr allaha kusiyo cadaladana ha katagin ok waligan daba jog al mufsidun |
ahmed jamaal canada | 4:34am on Monday, May 24th, 2010 |
waxaad ku qoreyso adoo adeegsanaya
magac saxaafadeed waa been lagu labalaboodee saan isku dhaan,
hadal run ah iyo murti ku hadal hadii kale saxaafada ha isku magacaabin.
baas abuur baad tahay. wax dan ah kuuguma jirto waxaad ku dhaqmeesid.
|
Daacad Yare Waajid | 7:53am on Sunday, December 27th, 2009 |
taasi waa run waxaana sidaa qaba dad badan hase ahaatee wey cabsanayaan. |
Shacab dhagoole Caro edeg | 10:34pm on Saturday, December 19th, 2009 |
Been abuur ma fiicna aakharaa daran al shabaabna macaan ma kala lahan abu mansuurna cidna uguma nixin qaraabo nimo cali dheerana ka sugi mayno nimankan kalaa ka dhowbaad moodaa saa ayagaaba wajigooda naga qarsaday waxa aan la yaabaa al shabaab xaq kuma taagna miyaa maxay wajigooda uqarsadaan ma dowlada iyo gaalada ayay ka baqayaan al shabaab waxaan dhihi lahaa ninkii dagaalka uu ku jiro alle dartiis ugu jira wajiga yuu qarsan ilayn rabigiis ayuu naftiisa jano uga gatay kii kalana waa nin gaalo ka baqaya oo cisaynaya birina waji ka raba wa billaahi towfiiq |