Axmed Godane oo ah Mooryaanka madaxda ka ah Xarakatu Shabaabil Mufsidiin ayaa ku ceeboobay hadalkiisii ahaa in ciidamada dowlada hubkooda ku soo wareejiyaan 5maalmood.
Si ceebtaas loo qariyo ayay ku marmarsiyoodeen in dagaalku waji cusub galay, taasoo meesha ka saareysa 5tii Maalmood ay qabteen.
Marmarsiyahan cusub ayuu Axmed Godane gaarsiiyay Afhayeenkiisa Cali Maxamud Raage (Cali Dheere), kadibna Cali Dheere saxaafada u gudbiyay in dagaalka wixii hada ka dambeeya uu galay waji cusub oo ka duwan kii hore, asaga oo ula jeeda hada wixii ka dambeeya AMISOM ayaa dagaalku naga dhaxeeyaa.
Kooxdan ayaa lagu yaqaanaa markii ay irid ka xiranto ama ceebi soo wajahdo in ay la yimaadaan marmarsiyo cusub.
Xili ayay ku marmarsiyoon jireen Cabdullahi Yuusuf iyo Itoobiya, markii labadoodii tageena waxaa timid gaaladii wadanka kama dhamaan oo cadowgii Allah baa wili jooga, madaxweynaha cusubna waa la diiday oo waxaa loogu marmarsiyooday in uu yahay Cabdullahi Yuusuf oo koofiyad lagu siyaadshay.
Waji cusub ayuu dagaalku galay iyo qolo cusub ayaa murtadiin noqotay waa marmarsiyaha kooxda Godane ee aan waligiis dhamaaneyn.
Ugu dambeyn Xarakatu Shabaabil Mufsidiin waxay ka marqaati kacday in aysan horay dagaal ugula jirin Ciidamada AMISOM, maadaama dagaalku galay wajiga cusub.
Dagaalkooduna kuma wajahna AMISOM iyo gaalo kale ee waa dagaal ku wajahan shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah.
Cali Sahal. alisahal778@gmail.com
Miisaanka.com
maxamed xuseen sancade jermani | 2:56pm on Monday, June 7th, 2010 |
bismilaahi raxmani raxiim waxaan umahad celinayaa waiyayasha misaanka mar waliba xaqiida ay ka hadlaan waxaase layaable ninka dhahaya waxey taageeraan adoonta adoonta waxaey dhaamaan godane oo ka xun sabab too ah uma rabyo dagaal waqooyi waxuuna laayaa shacabka masaakinta ah si aysan waligeed udegin muqdishö adigana la yaab malihid asiga ayaad noola midtahay balse waxaan ka codsanayaa raga qora miisaanka in ay wadaan hosha ay uhaayaan umadooda birina taariiqdu ay xuseeyso |
axmed jamaal canada | 5:40pm on Thursday, May 13th, 2010 |
waxaa cad in webkaan uu yahay webka ridada. oo lagu aflagaadeeyo
islamka gaalona lagu ammaano
|
ahmed jamal mahamed hamilton canada | 5:37pm on Thursday, May 13th, 2010 |
waxaa mar walba la is weydiyaa maxaa loo laayaa wariyaasha, waxaa
ku jira kan hada halkaan ku qorey wax aan asaga iyo cid kalena wax u tareyn, aflagaado, waxaad la garab taagantahay adoonta amison oo maalin walba shacabka ku xasuuqda madaafiic aan loo meel dayin. toobad keen Alle ha kuu naxariistee. |