Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links


Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
Xogsheeg
 
Beerka ka ogsooni (Qoraal xiiso leh oo arrimo badan taabanaya)
Posted to the Web Jun 22, 01:07

 Soomaalidu waxaa dhici karta in aysan gebigeed mu’miniin ahayn oo aysan cibaadaadka, cilaaqaadka dhexdooda ah iyo mucaamalaadka Islaamku amray si fiican u garanayn ama u gudan. Waxa kale oo dhici karta in dadka dariiqooyinka haysta qaar tawxiidkooda la duro, laguna eedeeyo in waxyaabo shirkiyaad ah ay ku kacaan sida; culumo dhimatay kaalmo la weydiisto iyo Nabiga (SCW) oo martabad Ilaahnimo la gaarsiiyo, hase yeeshee guud ahaan Soomaalidu inay ehlu-tawxiid, ku dhawaaqaya: Laa Ilaaha illal-Laahu Muxammadun Rasuulul-Laah tahay, 100%na bulsho Islaam ah tahay, beerka ka ogsooni.


Soomaaliya tan iyo xornimadii inay soo xukumi jireen madax kala heer-heer ah, hase yeeshee ka siman inay nidaam cilmaani ah iyo dastuur Talyaani dalka ku xukumi jireen, diintuna ahayd mid ku kooban dugsiyada Qur’aanka, masaajidda tafsiirka iyo xadiithka iyo mowlacyada dikriga iyo fooxa, beerka ka ogsooni.



Maanta, markii ugu horreysay taariikhda, wadaad khudbadiisa ku billaabaya: Bismil-Laahi was-Salaatu was-Salaamu calaa Rasuulil-Laahi, inuu Soomaaliya madax ka noqday, beerka ka ogsooni. Soomaaliya iminka inay maamulaan; wadaad dhahaya kuna celcelinaya Shareecada ayaan dalka ku xukumayaa iyo baarlamaan ansixiyay in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka, lana beddelo shuruucdii Talyaaniga iyo Faransiiska iyo xeerkii Qoyska uu madaxweyne Maxamed Siyaad Barre xarriiqay, taasna beerka ka ogsooni.



Rag dawladda hadda jirta ku jira oo aanay arrinta shareeca-ku-dhaqanku dhab ka ahayn, shareecada laga hadlayana marka horeba aan garanayn, damacooduna yahay Al-Shabaab iyo Xizbul-Islaam indhaha uga duuga, ummaddeenna diinta jecelna ku beer laxawsada. Raggaasi inay dawladda ku jiraan, beerka ka ogsooni. 



 Dawladda Islaamka ahi intay cageheeda iskaga taagayso in ragga iimaankoodu liito iyo uur-ka-gaalada loo dhimriyo oo cagta dhulka loo dhigo, Sheekh Shariif inuu qabo iyo inuu weliba taatikadaas tubtii Nabiga (SCW) ugu taagan yahay, taasna beerka ka ogsooni. Tusaale ahaan; dagaalkii Xunayn raggii uur-ka-gaalada ahaa iyo kuwii aanu iimaanku quluubtooda si fiican u gelin oo iyagu Nabiga (SCW) la socday, ciidankiisana kamid ahaa, markay arkeen jabka muslimiinta ku dhacay, in wixii uurkooda ku jiray afkoodu soo dafay beerka ka ogsooni. Abuu Sufyaan ibnu Xarb inuu yiri: "Lama jebin haddaan badda lagu shubin". Jabala ibnu Xambalna yiri: "Allaylehe Sixirkii ma buray maanta".



Safwaan ibnu Umaya oo markaas weli gaal ahaa, ciidanka muslimiintana la socday, caadifad qabiil intay qaadday, inuu yiri: "Aamusa afka Alle idin gooye. Ilaah baan ku dhaartaye in nin Quraysh ahi i gumaysto baa la'ii qaatay intuu nin Hawzaan ahi i gumaysan lahaa". Nabigu (SCW) raggaas isagoo iimaankooda liita ka warqabay, misana inuu soo watay, waa intaas ooy dib ka hagaagaan sidii dhab ahaanba u dhacday, arrintaasna beerka ka ogsooni.



Sheekh Shariif, sidaas darteed, inuu Soomaali kala aragti iyo iimaan duwan meel isugu keeno, si tartiib tartiib ahna arrimaha u beddelo oo dagaal iyo ad-adayg ka daayo inuu ku saxsanaa, taas oo keentay in labaatan sano oo dagaal sokeeye ah keddib, markii  ugu horreysay, dad dawladnimo u dagaallamayay, dad diin u dagaallamayay iyo dad qabiil u dagaallamayay ay gacmaha intay is-qabsadeen dawlad qura dhisteen, shareeca Islaamna qaateen, iyadana beerka ka ogsooni.



Khaladka ugu weyn ee Sheekh Shariif galay, inuu ahaa isaga oo jagooyinkii ugu waaweynaa dawladda labada beelood ee gobolka Mudug koonfur iyo waqooyi ka degta isugu daray, cid kasta oo kalena gacan bidxeeyay, taasna beerka ka ogsooni. Khaladkaas taariikhiga ah sababta ku riixday inay ahayd isagoo is lahaa shartooda uga nabad-gal, iyana beerka ka ogsooni.



Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: (Nin naagtaada rabaa gabadhayda hoo kaama yeelo) ee labadii beeloode uu wax kasta aan ka ahayn kursiga uu isagu ku fadhiyo isugu daray, beel kamid ahi inay shaar Al-Shabaab soo huwatay oo Shariifkii weerar afarta jiho kaga asqaysay, beerka ka ogsooni. Beeshii kale markay aragtay inay Baraka ma leh joogto, kursigii ay ilaashanaysayna gacanta kasii baxayo, ciidankii Shariifkana lasii baacsanayo, inay iyana garabkiisa ka baxday, oo intay dhan isugu bayrtay, Xizbul-Islaam la baxday, beretankana dhineceeda ka gashay, iyadana beerka ka ogsooni.



Shariifka raggii shalayto majliskiisa ugu muuq roonaa ee qaar cimaamadaha watay qaarna cunaha dhuuqsaday, markay xabbaddu isku dhacday, qaybtii lagu ogaana faaruqiyeen, qoladii uu ka dhashay inuu u qaylo dhaansado in lagu qasbay, taasna iyana beerka ka ogsooni.



Labada beelood ee Mudug, midi inay tan kale makri maleegga iyo xaq mija-xaabinta macallin ugu ahayd, beerka ka ogsooni. Macallimiintii markii ay Al-Shabaab noqdeen, inay magac Ansaar la bexeen, Muhaajiriin ajaanib ahoo marka Soomaaliya la qabto amiirro noqon doonana soo wateen, iyaguna inay manaasib wasiirro qaataan qorshaysteen, beerka ka ogsooni.



Ardadii aflaxday ee Xizbul-Islaam la baxay, beecaasi inuu ka daadegi waayay, kursigii ay muddada dheer bawdka iyo hawdka ugu jireenna hal bacaad lagu lisay sii noqonayo inay ku baraarugeen, beerka ka ogsooni.
Xizbul-Islaam inuu turubkii dib u baandhaynayo, Shariifka iyo baandadiisa inay is-bahaystaan kollay inuu beylah dhigo ugama aanay barane, iyagoo ka duulaya: (Ushaada nin aad ka qaadan kartaa loo dhiibtaa) ay beesha kale ee Mudug wadajir iskaga caabbiyaan, qorshe noocaas ah ka baaraan degiddiisu inay socoto, taasna beerka ka ogsooni.



Isku soo duuduub, waxa loo beretamayaa Islaam bilid iyo Soomaali badbaadin in aanay ahayn ee Muqdisho oo la qabsado iyo madaxweynenimo tahay, si taas lagu gaarana qof kasta oo maamuus leh in marka hore la dilo oo meesha laga saaro, marrista iyo haweenka iyo duqaydana dabeeto moortar lagu laayo, in maqsadka reer Mudug yahay, anigu kollayba beerka ka ogsooni.


Sabriye Macallin Muuse
sabkaxaaji@hotmail.com
Minnesota – United States

1 Comment(s)

hussein gedi   Norway

1:36pm on Saturday, January 23rd, 2010

sabka xaajiyow waxan kajeclaa tan adigoo gabeygii beerka ka,ogsooni nogusoceliya oo somali aan waxba kudaalin barkee dhana diide diin iyo dadna kudheele ok sikastaba mahadsanid bro by xuska geedi

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com

Sh Fuaad Shongole:: Waxey Leeyihiin Qanyare Waa Towbadkeenay, Qanyare Ma Ogolyahay in uu Ariga ii Raaco. Towbad Ma Leh ilaa uu Xoolaha noo Raaco. (Cod Xasaasi ah)

Al-CALLAAMAH
Sh Maxamed Macalin Xasan:
Alle ha u Naxariistee: oo Noo Fasiraya Aayadaha Soonka. Dhageysi Wacan.


Al-Callamah
Sh Shariif CabdiNuur:
Ciidamada Soo raaca gaalada Intii la dagaalankooda laga wareegsan karo halaga wareegto Fatwo dhaxalgal ah + Cod.


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Shariif iyo Ragiisa ka aqbali meyno Shareecada Islaamka!!!


Sh Aweys oo isqarxinta ka qaatay filimaanta Ruushka Is Qarxinta waxaan uga dayanaynaa Gaalada sida Japanka iyo Ruushka Khilaafka Kooxaha Islaamiyiinta Dhageyso Sh. Xasan Turki oo diiday Maamulka Kismaayo Khudbadii ciida fitriga 21-09-09 Dhageyso Khudbad Dhaxal gal ah
1aad| 2aad|

Nabad galyadu Waa laf dhabarka Nolasha
Sheikh Shariif iyo ragiisa
waa murtadiin gaalo ah.
Sheikh Xasan Turki

War midoowgii ka baxayeey waar kaanbooni baan ahayeey!
Sheikh Xasan Turki

garabka Asmara iyo Jabuuti dowlad islaam ah ma soo wadaan
Sheikh Xasan Turki

Inhacadde wax hub uu nasiiya ma jiraan, annagaa hubka siinay
Sheikh Xasan Turki

Annagaa Xilka u dhiibanay awoodna u maleh in uu wax saxiixo Sheikh Shariif.
Genaraalka iskii is dalacsiiyay Gen. Indha Cadde.