Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links


Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
Xogsheeg
 
Khawaarijtu Waxay Gaareen Guul Jabkooda Soo Dadajin karta
Posted to the Web Jun 20, 01:21

Sida maalmahanba la maqlayay Waxaa isa soo taraya wax korka uga muuqda guulo ay gaareen Khawaarijta Xarakatu Shabaabil mufsidiin iyo xisbul fasaad, waxaase is weydiin mudan Guulahaas ma yihiin guulo dhab ah mise waa bilawgii jabka Kooxaha isku bahaystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaalida?


Waxaa wax laga xumaada ah  in ay maanta dalkii ay joogaan ninman nala midab ah nala af ah, haddana banaystay dhiigeena, una maleeya in ay ku gaarayaan horumar iyo guul!


laga soo bilaabo 17-06-09 ilaa 20-06-09 ayaa khawaarijta waxay dileen ragii u ahaa umada Soomaaliyeed indhaha iyo aqoonyahanadii fara ku tiriska ahaa ee u haray umada Soomaaliyeed.


Waxaa dagaal ku dhintay Alle Ha u naxariistee Taliyahii ka hortaga dambiyada deg dega Col.Cali Saciid Xasan Wadaad, oo ahaa geesi naftii hure ah, wuxuuna dhintay asagoo dalkiisa iyo dadkiisa ka difaacaya Khawaarijta usoo tafa xaytay barakicinta iyo Xasuuqa Shacabka aan wax galabsan.


18-06-09 waxay fal isqarxin ah ku dileen Allah u naxariistee Wasiirka Amniga Qaranka ee dowladda Federalka Col Cumar Xashi Aadam iyo Amb. CabdiKariim Farax Laqanyo.


Khawaarijta ayaa si aan gabbasho lahayn u sheegtay in ay ka danbeeyeen Qaraxaas ay la beegteen Waziirka amniga iyo dad badan oo kale.


Waxaa isla qaraxaas ka dhacay Magaalada baladweyne Hotel madiina ku nafwaayay dad badan oo ahaa indheer garadkii dalka waxaana kamid ahaa:


1. Max’ed Cabdi Yaroow (Gaashaanle sare)


2. Max’ed Barre Fiidow (Gaashaanle Sare)


3. Cumar Xasan Dhudi (G/sare iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta Hiiraan)


4. Yuusuf Xuseen Tima Cadde (Korneel.)


5. Faarax Cabdulle Fiidow (Nabaddoon.)


6. Xasan Dariiqow (Nabaddoon.)


7. Xasan Cilmi Hure (Nabaddoon.)


8. Axmed Carabay (Nabaddoon)


9. Cilmi Shire (Nabaddoon)


10. Max’ed Cabdi Cibaar (Abwaan)


11. Cabdi Dhuux Guure Cali (Abwaan).


12. Buule xaashi Aadan (Ganacsade)  


Iyo in kaloo badan  walina la aqoonsanin, ayna adagtahay in la ogaado cidda ay ahaayeen, madaama ay ku baaba'een Qaraxii gilgilay Goobta ay ku sugnaayeen.


Haddaba aan u soo laabto Cinwaanka Qormada, Ma waxaa guul lagu Garaa Dilka iyo Xasuuuqa Shacabka aan wax galabsan?


Jawaabtu waa maya, maxaayeelay Alle Dulmi wadayaasha uma gargaaro waase dhici kartaa in loo sata dheereeyo oo meel aysan filayn Alle ka ciqaabo.


Sunnada Alle ayaa waxay ku dareertay in aysan guul gaarin Khawaarijta meel kasta ay joogaan, Taariikhdana laguma hayo koox khawaarij ah oo dowlad iyo maamul samaysatay. Allana waa dulleeyaa kooxdan meel kastoo ay joogaan iyo waqti kasta ay soo baxaan.


Haddaba horumarka ay gareen Xarakatu Shabaabil Mufsidiin iyo Kooxaha la halmaala waa middii soo dadajin lahayd jabkooda. Duul Alle dulleeyana Guul ma garaan.


Kooxahan ayaan lahayn Barnaamij aan ka ahayn dil oo dhac, Marnana aan diyaar u ahayn in ay dadka nabad galiyaan, Waxaa intaas u dheer xitaa in ay dadka ku dhax xasuuqaan masaajida, 16-06-09 ayaa Xisbuf Fasaad ku xasuuqay 11 qof oo ku sugnaa masjid ku yaala degmada kaaraan.


U malayn maayo dad muslimiin ah oo ku jiray Baytkii Alle oo la xasuuqaa in lagu gaarayo Guul iyo horumar, waana danbi ay ka galeen Allah iyo shacabka Soomaaliya.


Waxaa u sii dheer dhaqan xumada iyo falalka foosha xun ay ku kacaan, Qofkii munkar sameeyaa waxay ku edbiyaan Xabad oo xabsi ma leh xabaal ayay yaqaanaan, oo qofka horey baaba laga dilayaa, xabadaaba roonee waxaa loo gowracayaa sidii Neef geel ah.


waxaa hubaal ah in aysan meelna gaareeyn, wadankana ku soo hogaaminayaan Cadow aan la awoodin in la iska kiciyo.


Waxaa intaas u dheer in ay wadanka ka soo buuxiyeen, ajaanib danbiilayaal ka ah wadankooda, una guuriyeen gabdhihii soomaaliyeed, ayna adkaan doonto in hadhaw wadanka laga saaro hadaan hadda si wada jir ah looga hortagin.


Shacabka Meelkasta ay joogaan waxaa waajib ku ah in ay isu kaalmaystaan sidii looga hortagi lahaa Khawaarijta, waayo Maanta markay Xamar xasuuqaan bari waxaa ku xigi doonta meelaha kale ee isu haysta in ay aaminyihiin.


Dadka ku faraxsan dagaalada Xamar ka socda una haysta dagaal qabiil lagu jabinayo, ama Dowlada Somaaliya uu madaxda ka yahay Shariif Sh. Axmed, waa dad meel gaaban wax ka eegaya aragtidooda siyaasadeedna hoosayso, Maxaa yeelay Khawaarijta Hadafkoodu waa in ay gaaraan meelkasta ay is leeyihiin waad gaari kartaan maanta Xamar Bari Gaalkacyo, Bari danbe Garoowe, Laascaanood, Burco, Hargeysa ilaa lowya cadde.


Cabdullahi Adam Nuunoow


 

No comments have been provided.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com

Sh Fuaad Shongole:: Waxey Leeyihiin Qanyare Waa Towbadkeenay, Qanyare Ma Ogolyahay in uu Ariga ii Raaco. Towbad Ma Leh ilaa uu Xoolaha noo Raaco. (Cod Xasaasi ah)

Al-CALLAAMAH
Sh Maxamed Macalin Xasan:
Alle ha u Naxariistee: oo Noo Fasiraya Aayadaha Soonka. Dhageysi Wacan.


Al-Callamah
Sh Shariif CabdiNuur:
Ciidamada Soo raaca gaalada Intii la dagaalankooda laga wareegsan karo halaga wareegto Fatwo dhaxalgal ah + Cod.


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Shariif iyo Ragiisa ka aqbali meyno Shareecada Islaamka!!!


Sh Aweys oo isqarxinta ka qaatay filimaanta Ruushka Is Qarxinta waxaan uga dayanaynaa Gaalada sida Japanka iyo Ruushka Khilaafka Kooxaha Islaamiyiinta Dhageyso Sh. Xasan Turki oo diiday Maamulka Kismaayo Khudbadii ciida fitriga 21-09-09 Dhageyso Khudbad Dhaxal gal ah
1aad| 2aad|

Nabad galyadu Waa laf dhabarka Nolasha
Sheikh Shariif iyo ragiisa
waa murtadiin gaalo ah.
Sheikh Xasan Turki

War midoowgii ka baxayeey waar kaanbooni baan ahayeey!
Sheikh Xasan Turki

garabka Asmara iyo Jabuuti dowlad islaam ah ma soo wadaan
Sheikh Xasan Turki

Inhacadde wax hub uu nasiiya ma jiraan, annagaa hubka siinay
Sheikh Xasan Turki

Annagaa Xilka u dhiibanay awoodna u maleh in uu wax saxiixo Sheikh Shariif.
Genaraalka iskii is dalacsiiyay Gen. Indha Cadde.