Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links

Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
somalireal
Xogsheeg
 
Xiriirka Aljazeera iyo Al-Shabaab dhaqan iyo dhalasho kee buu u dhuran?
Posted to the Web May 31, 09:14

Qoraal aan kol hore faafiyey oo cinwaankiisu ahaa “Aljazeera iyo reer Aala-thaani  kee baa afuufaya aafada ? ayaan aqristayaal badan uga muteystey bogaadin iyo mahadcelin halka kuwa kale oo koobana ay iga soo gaartey dhaliilo ku aadan in saldhigga hadalkeygu yahey qabiil naceyb, anigoo ka sugayey in ay mawduuca aan ka hadley ay si xadaari ah u cabiraan dhaliisha ay ka qabaan fikirkeyga, ayna xusaan qodobada ay wax ka tabanayaan, taasoo noqotey nasiib darro mid aan dhicin. 


Xaqiiqda kanaalkaan horey ayaan u qaadaa dhigey qofkii rabana wuxuu ka aqrisan karaa bogag badan ee faafiyey laakin qormadaan waxaa ku taabanayaa hiilka hagar la’aanta ah ee aljazeera ay u sameyneyso kooxaha alshabaab iyo xisbul Islaam (ama Xisbul xasuuq sida dadka Muqdisho ay ku naaneysaan) halka uu ku qotomo iyo nooca xiriirka ka dhexeeya kooxahaan iyo kanaalkaan. 




Inta aanan guda galin nuxurka qormadeyda waxaan ka afeefanayaa in arimaha igu qasbey qoraalkaan aysan salka ku heyn qabiil waayo waxaan ogahey in kanaalkaan laga leeyahey dalka Qatar oo uu danahooda ka shaqeeyo, oo aanan ogeyn qabiil Soomaaliyeed oo shirko kula ah reer Aala thaani kanaalkaas, haddii ay jirto shirko noocaas ahna waa la i qaban karaa balse waxa igu kallifey arinkaan ay tahey falfal xumada iyo xuro la’aanta uu ku kacayo kanaalkaan kolka ay Soomaaliya miiska u saaran tahey iyo sida loogu kadsoon yahey shaqaalaha afka Soomaaliga ku hadlaya ee loo kireystey hawlaha kanaalkaan. 


Haddii aan xoogaa ka yara fogaano Soomaaliya oo aan u dhaqaaqno dhankaas iyo Afgaanistaan, sidoo kalena saacadda dib u celino oo aan qooraansano dhacdooyinkii ka dhacey dalkaas sideed sanadood horteed, iyo dawrka aljazeera ay ku laheyd dhacdooyinkaas, sidoo kalena aan barbardhig ku sameyno madaxii xafiiska aljazeera ee Kaabul Mudane Taysiir Calluuni, iyo dhiggiisa Muqdisho ka hawlgala ee lagu magacaabo Mudane Fahad Yaasiin. 




Aljazeera Kabul waxey dagaalka uga jirtey sanadahaas safafka hore, waxeyna buunbuunin jirtey awoodda daalibaan iyo kooxda alqaacida, waxaa carabka Taysiir ka bixi jirey dhanbaalo ka xoog badan gantaalada Daalibaan, si kasta oo uu ninkaas iyo kanaalkiisu u dagaalamaan waxey Afgaanistaan ku danbeysey in ay noqoto meel indhaha reer Galbeedka soo jiidata, loona arko dalkaas iyo barnaamijka kooxaha heystey ay bandhigayeen mid khatar ku ah danahooda, taasna ay dhalisey in Afgaanistaan dib looga xoreeyo kooxahaas aan ajendaha laheyn, illaa iyo hadana ay ka wadaan dagaalo lagu waxyeeleynayo dadka Afgaanistaan, isla markaasna uu ku danbeeyo ninkii barnaamijkaas madiidinka uga ahaa kanaalkaan ee lagu magacaabi jirey Taysiir Calluuni xabsi ku yaalla Spain halkaana uu ku jiran yahey, aljazeerana ay ka badin weydey in ay xariiqda guduudan ee kanaalkooda dhanka hoose ku socota  ay ku soo qoraan dalab dabacsan oo ay ku weydiisanayaan in la sii daayo ninkaas, daawadayaashana loogu yeero in ay u gargaaraan maxbuuskaas, oo waxyaalaha lagu eedeynayo ay ka mid tahey in uu ahaa halka loo soo marsiiyo kooxahaas lacagaha loogu deeqayo ee ka imaanaya dalalka Carabta. 


Afagaanistaan waxey ku danbeysey gacanta gaashaanbuurta NATO, Taysiir Calluunina xabsiga Spain, kanaalkii Jazeerana weli wuxuu afuufayaa balaayadii ay horey reer Afaganistaan ugu hoogeen, ayagoo faafiya fariimaha nimanka fadhi ku dirirka buuraha Afagaanistaan ka soo diraya, waana arin la yaab leh in aysan ka waantoobin buunbuuninta wararka aan Afagaanistaana waxba u tareyn, xukuumadda ka dhisan halkaas iyo NATO-na aan waxba u dhimeyn. 


Aan u soo noqono geeska Afrika dalka ku yaalla ee looma ooyaanka ah, ee awoodi la’a xataa in uu yac iska yiraahdo kanaalkaa kansarka ku ah xasilooni ka dhalata Soomaaliya iyo degenaansho ay helaan shacabka miskiinka ee aljazeera u arka hadalkeedu inuu diin yahey, maadaama ay ku hadlaan afka carabiga ee loo yaqaan fusxada.  


Kanaalka Aljazeera oo aan wax waayo-aragnimo ah ka kasban halka ay ku danbeysey Afgaanistaan ama haddii ay kasbadeen waxey ka tahey ula kac ay ku doonayaan in ay ku baqti garaacaan dalkaan iyo dadkaan illaa ay ka gaarsiiyaan halka ay ku hubsadeen Afgaanistaan. Kanaalkaan ayaa si xawli ah oo waliba socod dheer ah u dadajinaya Soomaaliya meel aan ciribteeda la mahdin doonin haddii uu arinku u dhaco sida ay rabto aljazeera, waxey ku talax tageen in ay xajmigooda ka weyneeyaan kooxaha isku bahda ah ee Alshaab iyo Xisbul Xasuuq ee labaduba ka horjeeda dawladnimo Soomaaliyeed, isla markaana isku muujinaya kuwo ku socdo waddo hortood lagu soo hoogey, ayna iska caddahey in kooxahaan ay soo jiidan doonaan indhaha reer galbeedka (sida ay horey ugu yeerteen Itoobiya).


 Reer galbeedkaas oo guulo la taaban karo ka soo hooyey dagaalada ay la galeen kuwa noocooda ah ee sida laablakaca ah uga soo ifbaxey Afgaanistaan iyo Ciraaq, isla markaana ku kacey mid la mid ah anshax xumada ay ku kacayaan kuwa Soomaaliya maanta ka jira , waxaan indhaheena ku aragnaa maraakibta dagaalka dawladaha waaweyn ee ku soo qulqulaya xeebta dheer ee Soomaaliya ee wata cinwaanka beenta ah ee la dagaalanka budhcad badeeda. 


Fahad Yaasiin madaxa xafiiska aljazeera ee Muqdisho ma yahey mid shabaha Taysiir calluuni? Ma qabtaa shaqadii uu hayey saaxiibkiis? Maxeyse isaga eg yihiin labada wariye? Waa midda koowaade labaduba uma dhalan dalalka ay wararka ka tabiyeen, haddii shaki kaaga jiro mudane Fahad waa Soomaali laakin muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliya ku dhashey ma ahan, wuxuu ka yimid Zone-ka shanaad dhulka loo yaqaano ee Itoobiya ku yaalla, sidaas awgeed wax jiir nixid ah uma haayo cidda qaxeysa iyo waxa dalkaan ku danbeyn doono, isla markaana wuxuu wataa dhalashada dal saddexaad oo Kenya ah. 


Midda xigta xafiiska Aljazeero ee Muqdisho haddii aad booqato waxaad is leedahey waxaa halkaas ku yaalla xarun ciidan, waxaana dhacdey oo la hubiyey in ay u daran tahey aljazeera in xasilooni yar ay hesho Muqdisho si wararkeedu uusan u kala go’in, sidaas awgeed mararka qaarkood kolka kooxaha gaaleeyayaasha qaarkood ay waayaan rasaasta ama hoobiyayaasha ay la dhacaan shacabka waxaa laga fangareeyaa aljazeero oo la soo marsiiyo lacagaha kooxahaas ay rabshadaha ku sii huriyaan, kuwaasoo lagu xasuuqayo shacabka Soomaaliyeed, taas ay ku kasbadeen saaxiibo badan in ay ku dhex yeeshaan kooxahaas, shaqadooduna aysan ka kala go’in. 


Waxa la yaab leh sida aljazeero dagaalada life-ka (mubaashirka) ah ay ku hesho, waayo waxey soo daayaan mararka qaarkood dagaalkii oo socda oo aysan suurtagal aheyn in uu wariyo kaamaro wataa uu halkaas wax ka soo duubo, laakin xujaddaas waxaa furey oo suurtagaliyey dhallinyaro ka tirsan shabaabka iyo xisbul xasuuqa oo xafiiska jazeera tababar sida kaamarooyinka loo duubo lagu siiyey, ka dibna loo qeybiyey kaamarooyin laga soo direy Xarunta kanaalkaas ee Qatar ku taalla, kuwaasoo loo yaboohey lacago ay ku ilaaween qatarta ay galeyso nafsadoodu, isla markaasna filimada ay duubaan ay dib ugu soo celiyaan xarunta xafiiska, halkaasna lagu guddoonsiiyo lacagaha uu ruux kasta ku muteysto waxa uu soo duubey. Mid ka mid ah dhalinyaradaas ay sasabatey aljazeera oo dhaawacmey lana geeyey isbitaalka Madina ayaa ii caddeeyey in inta uu og yahey ay ka geeriyootey dhallinyaradaas filim-qaadayaasha ah tiro gaareysa 5 ruux, oo eheladoodu aysan ogeyn in aljazeera ay ka danbeysey dilkooda maadaama ay lacago rakhiis ah ku sirteen arwaaxda dhallinyaradaas. 


Illaa iyo hadda lama sii saadaalin karo halka uu ku danbeyn doono ninka isku magacaabey shabeelka (Fahad), laakin waxaa la og yahey in uusan ka sokeyn doonin halka uu ku danbeeyey dhiggiisii Kabul joogey ee ay kooxda Fahad uga dayanayaan hawlahooda guracan ee dhibka cusub loogu gaysanyo masiirka iyo jiritaanka Soomaaliya. 


Cinwaanka qormadaan waxaa ku jirta dhaqan iyo dhalasho kan uu u dhow yahey xiriirka aljazeera iyo kooxaha gaaleeyayaasha ee Soomaaliya ka jira. Xagga dhaqanka intoodaba waxaa dhiba nidaamka, kala danbeynta iyo dawladnimada, aljazeera iyo inta xambaarsan fikirka kooxahaas waxey dhibkooda ugu weyn la eegtaan dadka muslimiinta tabarta daran, dhinacyadaan oo idil waa calooshohod u shaqeystayaal danahooda iyo jeebkooda oo kaliya ka fikira.  
 


Dhanka dhalashada waxaa la tuhunsan yahey in aljazeera iyo kooxaha fikrika gaaleysiinta muslimiinta wata in ay meel qura ka soo wada jeedaan, oo waxaa lagu tuhmaa in yuhuuddu tahey meesha laga keeney afkaartaan qaloocan ee ku wajahan dalalka iyo dadyowga islaamka ah, ayna ka muuqato sida ay saaxiibo u yihiin oo kal iyo laab iskula shaqeeyaan meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxeyna walaalo ku yihiin meel kasta oo aljazeera ay ka soo warbixiso, kooxahaanina xoog ku leeyihiin waxey ugu danbeyn u gacan gashaa cadow shisheeye. 


Haddii aan soo afmeero qormadeyda kana jawaabo cinwaanka maqaalkaan xiriir qoto dheer oo isugu jira mid dhaqan iyo mid dhalasho ayaa ka dhexeeyea aljazeera, Alshabaab, iyo xisbul xasuuq, wuxuuna xiriirkaas qarka u saaran yahey in uu Soomaaliya dhaxalsiiyo waxa ay horey u dhaxleen wadamada Afgaanistaan iyo Ciraaq. Inkastoo xaalka Soomaaliya uu ka yara duwanaan karo dalalkaas, waayo waxaa Soomaaliya taladeeda gacanyta ku haya dawlad Islaami oo hab baraxtiran Soomaali ay ku soo dooratey ayadoo aysan jirin wax faragalin shisheeye ah, dawladaasina ay heysato kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo kan beesha caalamkaba, isla markaasna ay u muuqato mid iska daafici doonta kooxaha ajaanibta iyo calooshood u shaqeystayaasha duulaanka iyo hororka afka ahba kala soo horjeeda, ayna ka guuleysan doonto ilaahey idinkiis. 


31-May.Muqdisho


Axmed Deeq Maxamed.   Qaranimo2009@yahioo.com



 

3 Comment(s)

C/laahi c/shukri   Nairobi kenya

5:33pm on Thursday, August 12th, 2010

Runtii aniga waan layaabay qormadan qotada dheer sxb kay meelo badan ayuu ka saxan yahay lakin waxa ka muuqata cabsi reer galbeed maxay ka qaadayaan reer galbeed ka soomaaliya la soco gaalo aakhir kii waa tii jabta wadamada muslimintana waa ku wii gaalada laga saaro mujaahidin tana waa ku wii guu laysta

dadir   dadka

8:25pm on Wednesday, August 11th, 2010

waxaan layaabanahay ninkaan umada midwalba aflagaadeenaya wax uu katagay malahan hadey ahaan lahaayen culumo oodayaal dhaqqameed siyaasiin wadaado iyo mujaahidiinta intaba waa nin calooshiis u shaqeesta ah waxaana is kaleh web kaan mareekan waxaana kashaqeeya niman ku dheelaya magaca umada soomaliyeed waa niman aan aqoon haba yaraatee wax aqlaaq ah

xasani   somalia

4:29pm on Monday, January 25th, 2010

kudhimo caradaada mooryaan hawiye waxaan umaleynaa waxaad weysey xaaraantii aaad quudanjiratay fahad magaartid jaahilyahow dhawagahaweyn qabiil ayaa lafaha kaadagay wallaahi laakin waad ku dhiman caradaada kufogaada adiga iyo wixii rayigaaga qabladda ka muuqato wixii qabo naarta aduunyadane waxaa la idinku cadaaba gacmaha mujaahidiiinta insha allaah dagaalkane waa socon ilaa aan ka cirib tirno soomaaliya qabyaaliistayaasha sidaada ookala ah insha allaah

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com

Sh Fuaad Shongole:: Waxey Leeyihiin Qanyare Waa Towbadkeenay, Qanyare Ma Ogolyahay in uu Ariga ii Raaco. Towbad Ma Leh ilaa uu Xoolaha noo Raaco. (Cod Xasaasi ah)

Al-CALLAAMAH
Sh Maxamed Macalin Xasan:
Alle ha u Naxariistee: oo Noo Fasiraya Aayadaha Soonka. Dhageysi Wacan.


Al-Callamah
Sh Shariif CabdiNuur:
Ciidamada Soo raaca gaalada Intii la dagaalankooda laga wareegsan karo halaga wareegto Fatwo dhaxalgal ah + Cod.


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Shariif iyo Ragiisa ka aqbali meyno Shareecada Islaamka!!!


Sh Aweys oo isqarxinta ka qaatay filimaanta Ruushka Is Qarxinta waxaan uga dayanaynaa Gaalada sida Japanka iyo Ruushka Khilaafka Kooxaha Islaamiyiinta Dhageyso Sh. Xasan Turki oo diiday Maamulka Kismaayo Khudbadii ciida fitriga 21-09-09 Dhageyso Khudbad Dhaxal gal ah
1aad| 2aad|

Nabad galyadu Waa laf dhabarka Nolasha
Sheikh Shariif iyo ragiisa
waa murtadiin gaalo ah.
Sheikh Xasan Turki

War midoowgii ka baxayeey waar kaanbooni baan ahayeey!
Sheikh Xasan Turki

garabka Asmara iyo Jabuuti dowlad islaam ah ma soo wadaan
Sheikh Xasan Turki

Inhacadde wax hub uu nasiiya ma jiraan, annagaa hubka siinay
Sheikh Xasan Turki

Annagaa Xilka u dhiibanay awoodna u maleh in uu wax saxiixo Sheikh Shariif.
Genaraalka iskii is dalacsiiyay Gen. Indha Cadde.