sheeko soomaaliyeed ayaa waxay leedahay islaan baa wiilkeedii hadalkii ka dib dhacay markaas ayay ilaahay ka bariday inuu wiilku hadlo, laakiin ilaah kama aysan baryin in uu wax san sheego,wiilkii kalimadii ugu horaysay ee uu yiraahdo waxay naqatay mid aan islaantii cajabin oo ay ka xumaato markaas ayay hadana ku ilaah bariday oo tiri ilaahow shib iigu sii.
Hadaba waxaa isweydiin leh yaa xasan intii uu shalay yiri ka fiican ka filanayay,xasan maaha nin nabadeed mana aha nin dagaal ee waa fidno wade, dagaalka uu ku baaqayna isagu waa uu ka badbaadayaa oo sidii caydiid ama shariif ama hogaamiye yaal kale oo badan safka hore wax kama hogaamiyo ee asagoo xafiis fadhiya ayuu tilifoon ku dagaalamayaa.
Xasan waxaa noo soo diray isyaas kadib markii ay u muuqatay in xaaladdu ka soo raynayso wuxuuna doonayaa in uu fuliyo ajandaha isyaas u soo xilsaaray.
Markii xaalku meeshaas marayo waxaa soo muuqanaya kaalinka ay leeyihiin ama lagarabo ahna waajibka diinigaa dadweynaha reer muqdisho oo ah kuwa ugu horeeya ee sida la huba dhibaatadu si toosan iyo si dadbanba u saamayn doonto ayaa waxaa laga doonayaa in ay yiraahdaan maya, xataa marqura in laga maqlo kalimadda maya iyaga oo is hortaagaya anshax xumida uu wado wadaadka lagu muransanyahay afkaartiisa
Muqdisho dhib uma noqdo,cudur uma noqdo, qax uma noqdo gaajo uma noqoto,dadku waa ay ka daaleen marin habaabin iyo dano gaar ahaaneed mana badna hadda cid diyaar u ah in ay jaranjaro u noqoto danaha xasan si uu u gaaro dantiisa gaarka ah.
Waxaa xadiis saxiix ahi leeyahay qofka muslimka ahi hal god laba jeer lagama wada qaniino,saas darteed reer muqdisho waa xiligii la ogaan lahaa bal in ay ogolaanayaan marwalba in isla godkii laga qaniino ama in ay yiraahdaan nagu filan.
Dadka reer muqdisho waa inay is weydiiyaan aaway maanta c/hi? jawaabtu waxa ay tahy in uu qaxooti ku yahay yemen, saas oo kale qof walba ee maanta meel joogaahi beri ma sii joogayo,hadii uu xun yahay iyo haduu fiican yahayba, oo waqtiga ama wadka ayaa meesha ka wadi doono ee khilaaf walba yaan xabad lagu xalin yaanan dhalintii bari iyaga loo dhiibi lahaa loona diyaarin lahaa mustaqbalka dadka iyo dalka hadda yaan loo adeegsan dan gaar ah oo uu nin leeyahay.
waxaan maqaal kayga ku soo gunaanadayaa in maalintii xasan dalka yimid ilaa hadiiba uu sii joogo ilaa sedex bilood tirakoob lagu sameeyo tirada dhimashada ka dhici doonta muqdisho,lana barbar dhigo sdexdii bil ee ka horaysay imaashihiisa taasna lagu xukumo laguna ogaado bal waxa uu soo kordhiyo.
W/Q: Xasan Maxamed
Faafin miisaanka.com
xog-ogaal Location unknown | 10:44pm on Thursday, June 3rd, 2010 |
aad ayaamn ugu mahadnaqayaa qoraaga qoraalkaan qoray waxaadna moodaa inuu nooga sheekeeyay ruwaayad dhici rabatay oo markaas aan weli dhicin laakiin maanta taagan waana nahaystaa dhibaatadii uu ka digayay laakiin hada waxaan halkaan ku weydiisanayaa maxaa xal noqon kara |
cali cabdulaahi nairobi nairobi | 5:40am on Saturday, January 30th, 2010 |
taasi waxaa iska leh jawaabteeda culumada gaartay in ay fadwoodaan |
cali cabdulaahi naiorobi | 5:37am on Saturday, January 30th, 2010 |
ma waxaas ayaa war culumo sheegto ah kuma koobna xasan daahir kuli waa wax ilaahay laga megan galo
|
Anonymous Location unknown | 5:35am on Saturday, January 30th, 2010 |
makala taqaan mujaahid iyo murtad
|
cali cabdulaahi maxamed nayrobi | 5:34am on Saturday, January 30th, 2010 |
wax walba waxay ku fiican yihiin ay ay ku dhisan yihiin alla ka cabsi oo waxaan ula jeedaaa dadka culumada ah il;aahay ha ka cabsadaano kuwa wax qo
raayana ha ogaadaan in la dhigi doodo meel aan loogu kaalmayn doonin hana ka fiirsadaano waxay qoraayaan |
Anonymous Location unknown | 3:24pm on Sunday, January 17th, 2010 |
nafiso adiga ma waxaad taageersan tahay Alshabaab |
Afeey sweden | 3:23pm on Sunday, January 17th, 2010 |
yaa baneeyay of isslaam ah dhiigiis |
Anonymous Location unknown | 3:22pm on Sunday, January 17th, 2010 |
diinta maxey ka qabtaa dadka islöaamka ah oo la iska dilayo bila macno yaa baneeyay qof islaam ah dhiigiis
|
Afeey Sweden | 3:20pm on Sunday, January 17th, 2010 |
Xasan daahir waxaan leeyahay ilaahey islaamka ha kaqabto asiga iyio xisbigiisa dadka waa dhibene |
nafiso sudaan | 12:27pm on Monday, December 21st, 2009 |
walaala aad ayan oga xumahay qof mujaahida waxas uquratiida |