Shabakadda miisaanka ayaa soo bandhigi doonta sheekooyin qosol iyo xikmad isugu jira, maantana waxaan soo qaadanaynaa Sheekooyin goos goos ah oo xiisa badan.
Qisada 1aad.
Nin baa alle ku galadeystay gabdho(inamo) oo wuxuu lahaa lix gabdhood, xaaskiisa xaamilo ayay ahayd, wuxuu aad oga cabsi qabay in ay gabadh ka soo tuurto, wuxuuna jeclaa in ay wiil u dhasho.
Wuxuu go'aan ku gaaray in uu iska furo haday gabadh dhasho! Habeenkii markuu seexaday ayaa wuxuu ku riyooday asagoo qiyaamo taagan, naartiina la keenay, markasta oo loo ka xeeyo dhinaca albaab kamid ah alaabada naarta waxaa iska hor istaagayay gabdhihiisa mid kamid ah oo ka celinaysay in uu galo naarta ilaa laga keenay albaabkii lixaad ee naarta waxaana iska hor istaagay gabdhihiisa mid kamid ahayd,
Markii lagu sii waday albaabkii todobaad ayuu hurdadii ka booday asagoo naxsan ogaadayna qaladka go'aankii uu gaaray wuu ka shalaayay duco iyo danbi dhaaf ayuu weydiistay Allah wuxuuna yiri: Alloow gabadh Todobaad nasii.
qisada 2aad.
Nin la oran jiray Jaaxidh ayaa nin baa weydiistay in uu arji ogu qoro nin maalqabeen ahaa oo ay Jaaxidh isku ahaayeen far iyo faraanti, Jaaxidhna waa ka yeelay
oo Waraaqdii wuxuu ku qaray erayadan: Waraaqda ninka ku keenaya isma naqaan kugumana waajibinayo in aad wax siisid, hadaad danta uu leeyahay u dhamaysidna kugu amaani maayo hadaad iska ceyrisidna kugu eedayn maayo.
ninkii ayaa waraaqdii furay saaba waxaa ku qoran erayadan yaabka leh, waxayna ku noqotay arin kadis ah ninkii ayuu dib ogu soo laabtay, wuxuu ku yiri oo maxay tahay waxan aad waraaqda igu qortay? wuxuu yiri tani waa ii calaamd qofka aan wanaajinayo ayaan u qoraa!!
Ninkii baa yiri: Gacmaha iyo lugaha Alle ku goo, oo nacladi kugu dhacaday, ninkii waraaqda qoray baa yiri war habaarka iyo caydu maxay tahay?, wuxuu yiri tani waa ii calaamd oo qofka aan u mahad celinayo ayaan ku iraahdaa
Qisada 3aad
Waa qiso Xiiso badan leh, haddaba waxaa laga yabaa in aadan fahmin meesha qosolka kaga jiro ee dhuux oo sifiican u aqri.
Waxaa la yiri nin reer miyi ah ayaa u yimi nin Barasaab u ahaa Xajjaaj, Barasaabka iyo reer miyugu isku tuulo ayay ka yimaadeen.
Cunto ayuu u keenay ninka reer miyigana aad buu u gaajeysnaa, intuu cunteeynayay ayuu wuxuu bilaabay Barasaabkii in uu ka wareysto reerkisii iyo xaaskisii oo ku sugnaa tuuladii.
Barasaabkii wuxuu yiri: iga waran wiilkaygii Cumayr ahaa?
Reer miyigii wuxuu yiri: Sida aad jeceshahay ayuu ku sugnaa, ciida ayaa buxisay rag iyo dumarna waa u buuxiyeen.
Barasaabkii wuxuu yiri: Hooyadiis maxay haysaa?
Reer miyigii wuxuu yiri: iyaduna wey wanaagsanayd xaalada fiican bay ku sugantahay.
Barasaabkii wuxuu yiri: Guryihii iga waran?
Reer miyigii wuxuu yiri: reerihii lahaa baa camiray.
Barasaabkii wuxuu yiri: ka waran eygii iqaac?
Reer miyigii wuxuu yiri: qaylidiisa ayaa cirka buuxisay
Barasaabkii wuxuu yiri: bal ka waran ratigaygii zariiq ahaa?
Reer miyigii wuxuu yiri: xaalad ku farax galinaysa ayuu ku suganyahay.
markay halkaas marayso warbixintii ninka reer miyiga ah ayaa Barasaabkii u dalbay in cuntada loo biiso, ninkan reer miyiga ah nin dhargaya ma ahan, Barasaabkiina waa la yaabanaa suaalaha sida uu oga jawaabayay, deeto marka kale ayuu yiri bal ninyahow i waran oo igu celi waxa aad sheegeysay, reer miyigii wuxuu ku jawaabay i warso wixii aad rabtid.
Barasaabkii wuxuu yiri: ka waran eygii iqaac?
Ninkii reer miyaga ayaa yiri uu dhintay, oo maxaa dilay buu weydiiyay? , wuxuu ogu jawaabay wuxuu ku margaday laftii ratigii zariiq saas ayuu ku dhintay, Barasaabkii oo yaaban baa weydiiyay oo Ratigaygii Zariiq ma dhintay ninkii baa ku jawabay haa.
oo maxaa dilay buu weydiiyay? waxaa dilay caano culus oo u daldalayay qabrigii Cumayr hooyadiis. OO miyay dhimatay Cumayr Hooyadiis ninkii baa ku jawaabay haa, oo maxaa dilay iyadana? reer miyigii baa yiri say ogu barooranaysay wiilkeedii Cumayr bay dhimatay.
oo Cumayrna ma dhintay? saa wuxuu yiri haa, oo maxaa dilay isagana, Gurigii ayaa ku soo dumay, oo guruugiina ma soo dhacay buu si la yaab leh u weydiiyay? haa buu ku jawaabay ninkii Reer miyaga ahaa.
Barasaabkii inta istaagay buu dhangad la dhacay ninkiina cagaha ayuu wax ka dayay.
Waxaan filayaa Akhristoow in aad ka heshay sheekooyinkan kooban.
Fadlan waxaan kaa codsanaynaa in aad fikirkaada ama sheekooyin xiiso badan hadaad haysid aad emailka noogo soo hagaajisid si laguula wadaago wax qalbiga aad ku haysid.
Cawil Xasan Xaaji Adan
miisaanka.com
miisaanka@gmail.com
ducaysane wadan | 2:47pm on Tuesday, August 17th, 2010 |
asc salaan dabadeed waxaan jeclalahaa in aad noobayaa nisaan aad umafahmin sheekada ulajeedadeeda maxawsa ubadalay sheekadii mahki hore wanaag ayuu sheegayaye |
cadnaan b/wein | 12:13pm on Thursday, July 22nd, 2010 |
k k k
walaalayaal waa mahadsan yihiin qorayaasha sheekadaan wixii aan sheeko heeynana waa soo gudbinayaa in sha allaah |
caddnaan b/weeyne | 12:00pm on Thursday, July 22nd, 2010 |
k k k
walaalayaal waa mahadsan yihiin qorayaasha sheekadaan wixii aan sheeko heeynana waa soo gudbinayaa in sha allaah |
Mahad sudaan Kenya qoxotiga | 8:29pm on Tuesday, July 20th, 2010 |
Walaalayal wan idin salaamay inta qortay&inta akhrisatayba waad mahadsantihii hadi aan helno shekoyin xiso leh waan so gudbinaynaa bye |
muniira Austaria | 8:46pm on Friday, July 9th, 2010 |
Asc aad iyo aad ayaa umahadsantihiin noolaaada waligiin looool sheekooyinka xikmada badan aad ayaan uladhacay |
muniira Austaria | 8:45pm on Friday, July 9th, 2010 |
Asc aad iyo aad ayaa umahadsantihiin noolaaada |
Xaawo shariif Nairobi | 7:55am on Friday, May 28th, 2010 |
Marka hore waan isalaamay waad ku mahadsantihiin shekoyinkiina waana sheko xiisa badan waxana idinka sugeynaa kuwa lamid ah kuwaasi waad mahadsantihii hadadtihiin miisanka melkastood jogtanba, |
xamse hargaisa | 3:52pm on Wednesday, May 12th, 2010 |
walaal marka hore waan salaamayaa aadbaan uga helnay sheekoyinkiina waxaa kuraac sanahay hana oo hore uhadashay sheekadii reermiyiga in lagaraacaabay ahayd good bye
|
Cabdixakin Cumar. Kenya, Mombasa. | 11:20am on Sunday, January 10th, 2010 |
Waan idin salaamay dhaman bahda miisaanka meelkasto oo aad dunida kajogtaan. Salan kadib walaalayaa waxan idinka codsaneynaa hadii aanahay bahda xiiseysa barnaamijyada kabaxa shabakada miisanka inaad ushaqeysaan si dhexdhexaad iyo cadaalad ah maadama aad daka usoo gudbineysan wararka kadhacaya somaliya iyo dunida intedakale. Marka walaalayaal intaas kudadaala waadna mahadsantihin. |
suheeb uk | 11:37am on Tuesday, January 5th, 2010 |
walal waan ka helay shekada walhi waxaan jec lahay in aad ino kor dhisan shekoyinka sidan o kale ah walal mahad sanid |
axmed nuur uk | 5:34pm on Saturday, December 19th, 2009 |
wan ku salaamay walaal salan kadib waxa ey ku kacayaan alshabab iyo daba dhilifkooda loo ma dul qaadan doono in sha alaah ee waxan waxa aan ka codsaa madax weyne shiikh shariif shiiq axmed in uu ladigaa lamo khawaarijta oo dhan meelkas toouy |
Anonymous Location unknown | 5:34pm on Saturday, December 19th, 2009 |
wan ku salaamay walaal salan kadib waxa ey ku kacayaan alshabab iyo daba dhilifkooda loo ma dul qaadan doono in sha alaah ee waxan waxa aan ka codsaa madax weyne shiikh shariif shiiq axmed in uu ladigaa lamo khawaarijta oo dhan meelkas toouy |
cabdishakuurmaxamed waxan jogaakenya | 5:25pm on Saturday, December 19th, 2009 |
sxb wan ku slamay salan kadib waxa yaabaha qaldan ee kukacaayaa khawaarijtamarnaba raali ka manihin sxb |
hana puntlad | 7:20am on Saturday, December 12th, 2009 |
dee waa waxa la garaaco maxaa yeelaye marakii hore wuxuu ku dhameeye waa wada caadi marakii la dharajiye oo warkii si kale u dhigaye waxaye ahaye in uu dhihi war i sug gaajo ayaa ihayesa ee |